Home » Warar »

Dr. Sh. Axmed Xaaji C/raxmaan oo Qaliinkiisii lagu guulaystay

Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan oo bil iyo dheeraad u joogay dalka Sucuudiga arrimo caafimaad ayaa maanta lagu qalay isbitaalka takhasusiga ee Malik Faysal ee magaalada Jidda. Qalliinka waxaa Sheekha lagaga sameeyay labo meelood oo madaxa ah oo ay xinjiro kala dhexgaleen xuubka miskaxda iyo lafta madaxa, taas oo ka dhalatay markii dhawr bilood ka hor Sheekha gaari kula qallibmay meel u dhexaysa magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso. Qalliinku wuxuu dhammaaday xilligii salaadda duhur, qalliinkana waxaa loogu guulaystay si wanaagsan, takhaatiirtuna waxay caddeeyeen in xaaladda caafimaad ee Sheekhu ay aad u wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu caddeeyay Sh. C/xakiin Falastiin oo ka mid ah culumada Sheekha ku haysa isbitaalka inuu Sheekhu soo miyirsaday oo hadda sheekaynayo.

Waxaa xusid mudan in Dr. C/qaadir Maxamad Cabdalle oo isna baaritaano caafimaad u socdeen la jiifiyey isla isbitaalka malik faysal ee Jidda; si loola socdo xaaladdiisa caafimaad, waxaana lagu talo jiraa in Sheekha loo qaado mid ka mid ah dalalka Yurub; si wax looga qabto xanuun muddaba ka hayey beerka oo lagu magacaabo beer qolofow.

Labada Sheekh oo ay dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan culumada iyo ducaaddu si weyn khabarkooda u raadinayeen ayaan ugu bishaaraynaynaa guusha laga gaaray camaliyadda lagu sameeyay Dr. Axmed, waxaana ka codsanaynaa in ay sii labanlaabaan ducadii iyo Alle barigii ay Rabbi caafimaadka ugu weydiinayeen labada sheikh.

Dr. Axmed ayaa Caafimaadkiisa wuxuu aad u faraxgalinayaa dhamaan ummmada Soomaaliyeed iyo Culimada iyo ducaadda taqaana mustawihiisa, Dr. Axmed ayaa ah Sh. ay siwayn Culimada Soomaaliyeed u ixtiraamaan.

Labada Shiikhba waxaa illaahay looga baryayaa inuu Caafimaad taama siiyo si looga faa’idaysto.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Dr. Sh. Axmed Xaaji C/raxmaan oo Qaliinkiisii lagu guulaystay "

  1. xaaji cabdi says:

    salaama caleykum dhamaan muslimiinta akhrisanaysa somalitalk , intaas ka dib waxaan salaan gaar ah u dirayaa ,dhamaan inta isku hawsha hawlaha boggan, intaas ka dib ilaahay caafimad deg deg ah ha siiyo labada sheekh, culumda dagaalada ku mushquulsana ilaahay ha soo hanuuniyo

  2. mohamed says:

    marka hore waxan salamaya warbaahinta Somalitalk waxaan ugu mahad celina sida weyn ee ay u ilaaliyaan anshaxa iyo akhlaqad saxaafadeed oo websiyad somali badan ka lun san waxaan filaya iney tusaale unoqoto warbaahinada kale inta kadab waxan labad sheekh oo kalintooda aan si weyn ugaranaayo uga baryaa in illahay ufududeeyo illahay u ha u sakhiro Illahay ha cafiyo , Alluma max fid cullaama muslimiin Aamin Aaamin

    mahadsanidiin

  3. asc waxaan aad ugu faraxsanahay guusha laga gaarey qaliinka lagu sameeyey Dr. axmed xaaji c/raxmaan ilaahay waxaan uga baryeeyna inuu caafimaad taama siiyo waayo waa muwaadin soomaliyeed oo qaali ku ah bulshada dhexdeeda

  4. abdirahmam gelle says:

    asalaamu calaykum walaalayaa waxaad noo soo in shiikh ahmedlaqalay uuna fiican yahay waa naga farxiseene ilaahay ha idinka farxiyo amiin noo soo sheegalabada siday noqdaan

  5. shakir Farah Daware says:

    somalidu meel ay joogtaba waqti adaga ayaa lagu jira waxyabaha aan ilaa hada ka dhiman lanayayna waa ducaada xikmada iyo maslaxada umada ka talisa.aqoon sheekha uma lehi laakiin weji kheyrleh ayaa ka muuqda ilahay caafimaad ha siiyo isaga iyo wixii umada muslimiinta ee jiranba.

    amin amin

  6. khalid hassan says:

    allah mahadi weeye in sh axmed lagu guulaystey camaliyada loo sameeyey allah ayaana ka baryayaa in uu u siyaadiyo caafimaad iyo nabad gelyo labada shiikhba

  7. maxamed axmed cabdale {xamari 797872 says:

    Maashaa Alaah ilaah baa mahad leh kadib culumadii iyo daddkii dadaalka dheeraadka ah ugalay culumadooda waxaan leeyahay camalkiina ilaah ha ka dhigo mid saalax ah ilaahna ha idiinku bedelo jano iyo dembi dhaaf .culimadana ilaah waxaan uga baryayaa in uu caafimaad taam ah siiyo dembi dhaafna uga dhigo,dahuur insha alaah. cimrigooda iyo camalkoodana alle ha u barakeeyo.

  8. Waxaan Allaah u baryayaa inuu Allaah caafimaad waafi ah Sheekha siiyo.

  9. mohamed says:

    Waa Ilaahmahadiis, waxaan Ilaah kabaryeynaa in uu Caafimaad Taam ah siiyo shiikha, hana ilaawina in loo ducayyo. Cullimadu Waa kuwa dhaxlay Ambiyadii, waa kuwa ninkii aqoon iyo janno alle u oomani uu darkooda kacabbo. Cullima badan oo islaam ah oo dhiban ayaa jirta ee aan u ducayno. Yaan la illaawin Sheikh shariif Cabdi Nuur in Illaah u furo Afkii uu wax badan khayrka inoo kusheegay.
    Wa billaahi tawfiiq.
    Maxamd.