Home » Warar »

Addis Ababa: Sheikh Shariif oo Sannad Guuradiisii Koowaad la Qaatay Zenawi….

Madaxweynaha DFKMG, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa magaalada Addis Ababa waxa uu Talaada Febraayo 2, 2010 kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, sida ay shaacisay wakaalada wararka u faafisa Itoobiya ee loo soo gaabiyo ENA.

Kulanka Sheikh Shariif magaalada Addis Ababa kula yeeshay Zenawi ayaa ku beegan HAL SANO (OO QARARAN) markii ay ka soo wareegtey kulankoodii hore oo ahaa Talaada, Febraayo 3, 2009. HALKAN KA SII AKHRI Sheikh Shariif intii uu hayey xilka Madaxweynaha DFKMG waxaa baylah galay dhul-badeedka Soomaaliyeed… GUJI….

Sawirka hoose ee ENA waxa uu muujinayaa labadii kulan (Talaada Feb 3, 2009 iyo Talaada Feb 2, 2010).

HALKAN  SII AKHRI

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Addis Ababa: Sheikh Shariif oo Sannad Guuradiisii Koowaad la Qaatay Zenawi…. "

  1. muslimah says:

    As-Salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh.

    Xaqiiqdu Soomaaliya maanta waxay tahay, waa in dhamaan dadka Soomaaliyeed ee meelkastaba ay joogaan,
    (1) Ay si dhab ah uga baqaan Allaah (Subxaanahu wa Tacaala) oo dhimashada badan oo aan faaido lahayn ay joojiyaan.
    (2) Ay iska dhaafaan waxaa la yiraahdo qabiilka, oo runtii intooda badan dhiiga ka wada galeen,
    (3) waa inay iska joojiyaan Qaadka iyo khamrada (yes, way jiraan dad intaas ka dhigeen noloshaa aduunka) qaar xata waxaa laga yabaa inay habeenka ku qayilaan, subaxdina ay dagaalka galaan iyago oo is ogeyn.
    (4) waa in ay jaahilnimada iyo faanka badan iska dhaafaan (anigaa kaa qabiil fiican iyo anigaa kaa caqli badan ee waxaad ogtahay maleh).
    (5) waa inaynu xasuusanaa mustaqbalka caruurteena ee berrito.
    (6) waa inaynu si dhab ah isu cafinaa (dar Alle la isu cafiyo Insha Allah)
    (7) Kii alaale iyo kii xukunka haya wakhti la siiyo oo aan meel daran loo sii riixin, kadib doorasho isku jir ah la sameeyo si xaq ah.
    (8) waa inaynu aduunka tartanka la galno (wixii wanaagsan).oo aynu qaadka iyo khamrada dhaafnaa ileyn faaido maleh, aduun iyo aakhero.
    Waxaad arkeysaa rag Soomaaliyeed oo qaadka meel kasta la wareegayaan, iyago xitaa qaar sidaan dhaloooyin khamro ah (Subxaan Allah) oo aysan xaasaskooda iyo caruurtoodaba ka warqabin, Run ahaantii ma badnaa kuwa xaasaskooda iyo carruurtooda ka war qabaan, kuwaasina kheer aduun iyo aakheraba u rajaynayaa insha Allaah. aamiin
    Kuwii dhumeyna Allaah (Subxaanahu wa Tacaala) ha soo hanuuniyo, laakiinse waa inuu dadaal jiro iyo niyadsan, .waxaan idin leeyahay nimanyahow war sudaas isu dhaama oo xaasaskiina kaalmeeya oo caruurtiina na ka warqaba, walle waa la idin su aalayaa maalinta qiyaamaha.

    wa Billaahi Tawfiiq.

  2. ilaalo says:

    ASC WR WB DHAMAAN

    salaan kadib xaqiiqdu wax ay tahay maanta in aysan jirin nin ama cid wadani ah oo umaqan dalka iyo dadka somaliya waxaana daliil kuugu ah shariifkii shalay lahaa ZANWI HALAGU JIHAADO maanta asigoo hoostegay walaahi aan ku dhaartaye hadii aan lahelin cid bad baadisa dalkaas inta ku hartay way is leeynayaan inta kali waa la iibsan(HILIB KIISII BUU CUNAY NIN HAGRADAY DHULKIISEE) ayuu yiri xasan diirye maantane waxaa muuqata in dalkii sida loo iibsan lahaa in lagu dirirayo wax layiraa wadani ama siyaasi majiraan ee allah subxanuhu watacaala qof dalkaas iyo dadkaas kanoxo oo gadashada iyo dabargoonta ka badbaadiyo allaha keeno amiiin amiin

  3. Suad Ossoble says:

    Asalaamu Alaikum
    Walaalayaal Sheikh Shariif yaan la xumeen adduunka maanta cid kaligeed noolaankartaa ma jiraan waxa weeyaan waa siyaasad haddii aadan deriskaada aadan u wanaagsaneen ama aadan America wax ka maqlin wax horta kuu hagaagaaya ma jiraan wax kasto waa in aad tiraa Nacam.
    Tan kale maxaa Zanawi miyaadan arag kuwa Somali isku sheegaaya oo ummaddii layeey oo salaadna tukanaayaa maa Illaah ka baqdaan oo isu naxariisataan Somalida waxaa ka maqan sida dadka loola dhaqmo ama Siyaasad ahaan, Oraah oraneesa Cadawgaada waa la soo dhaweeyaa kaloow uu yahay Eey, ma fahamteen.
    Shariifka calooshiisa ayaa banaanka taala waa in uu qof walbo yiraa Nacam.
    Adinkaa ku qasbey in uu albaab walba garaaco ama tuugsado anagoo heesana nimcada Africa ugu badan.
    Wabillahi Towfiiq.

  4. Asalamu Calaykum,

    Laga soo bilaabo Dawladihii Somalia soo maray ilaa hada lama hayo dad Dawladihii hore amaanaya,Bulshadu sida ay u badantahay Dhanka Xun ayay dawlad kasta ka iftiimiyaan.

    Dawlada Sheekh Shariif ee taagta daran uma arko in la is waydiiyo Maxay Melez ula kulantay iyo maxay qabatay toona.
    Shariifka Siyaasad Fog oo qoto dheer ma uusan lahayn markuu Maxkamadaha horkacayay iyo markii Gudoomiyaha laga dhigay xataa,Shariifku Nasiib iyo dano gaar ahaaneed oo Beesha caalamku wadatay ayuu Ku noqdey Madaxwayne Somaliyeed.

    Anigu runtii SHariifka dadkii aad u taageersanaa ayaan ahaa intaanu madaxwaynaha noqon walow hadana aanan ka soo hor jeedin,Balse xaqiiqadu waxa weeyi Shariif waa SHAQSI Somalidu yaysan eedayn Shariif Bulshadan Siyaasiyiinteedu ay Bohosha kusii ridayaan Shariifka Magac cuyaal ayuu ka yahay isaga iyo Ra’isal Wasaaruhuba.

    Somalidu sideedaba Xaqiiqada jirta ayay ka faantaa oo ay ka war wareegtaa.Anigu waxan qabaa Dawlad Somaliyed oo aan Ethiopia heshiis iyo isfaham siyaasaded oo wanaagsani aanu dhax marin in aanay marnaba suurta gal ahayn in ay ka dhisanto wadanka Somalia.

    Ethiopia iyo Kenya waa Dariiqa kaliya ee Beesha caalamku inoo soo marto siiba Kenya hase ahaatee Kenya waxa ka awood badatay ETHIOPIA sidaas la ajligeed Waxay Somalidu ku qasbantahay inta ay danaheeda Siyaasadeed iyo Iskufilnaansho ka gaadhayso in ay u hoos fadhiisato cidii danteedu ka gasho.

  5. muslimah says:

    As-Salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh.

    @Garaad’ waa runtaa bani’aadnku wuu khaldami karaa, Sheekh Shariifna khaldkiisaa wuu qirey.
    Anigu waxaan qabaab Sheekh Shariifkii shaley fiicnaa (6dii bilood) mar haddii uu maanta jidkii ka leexdey oo uu ku noqdey Zanaawi, oo ah cadowgii Soomaalia iyo Muslinka oo dhan, waxaa intaas oo dhan ku kalifey waa Soomaalida wareersan, oo Sheekh Shariifna wareeriyeen, waayo run ahaantii Soomaalida intooda badan isma maqlaan, ismana ixtiraamaan, wakhtina isma siyaan,oo midba midka kale ku faanayaan in uu ka fiicanyahay kii kale ee xagga diinta iyo xaga qabiilkaba, waxaana arrintaas ugu wacan waa qabiilkaa oo intaa badan dhiiga ka galeen iyo jaahilnimo.

    Arrinta kale ee ku saabsan bahda Soomalitalk, waa sidaad sheegtey,GARAAD, oo waa inay soo qoraan wixii wanaagsan ee uu Madaxweyne kasta ee Soomaliya ka hirgeliyey Soomaaliya.

    Arritaa ku saabsan labadii qofood ee Britishka ah oo ay afduubeen kuwii maraakiibta afduubaan, oo ay lacag ku rabaan, waxaa wanaagsan inay sii daayaan waayo waa dad waayeel ah oo aan runtii waxba galabsanin , War qiyaamahaa xasuustaa oo ALLAH (Subxaanahu wa Tacaala) ka baqa (SUBXAANA ALLAH)
    Dadkaan wax afduubaan ma waxay ilaabeen, markabkii ay mar afduubeen, oo lacagtii ay ku siidayeen markii la siiyey, ay badda laqeen iyagii iyo lacagtii si xaaraan ah ay qaateen ??

    Waxaa iga su’aal ah yaa daran kii Zanawi la hishiiyey IYO kii Qaadka Ethopianka gada ama cuna oo Soomali ah, Ileyn lacagtaa ay ku iibiyaan oo Millions ah waxaa qayb kuleh kuwii Qaadka soo saareen oo ah Ethopia iyo Kenya, oo kadib waxaa lacagtaa qaadka lagu dhisaa kaniisadaha gaalada ee wadamadaas.

    Waxaa iga dardaaran ah, in dhamaan Soomaalida meel kastaba ay joogaan inay is cafiyaan isuna duceeyaan, oo Dagaalka, Qaadka iyo Qabiilkana la iska dhaafo ileyn Janno laguma galo, naar mooyeen.
    Wa BillaahiTawfiiq.
    Wa-Salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh.

  6. Garaad says:

    ASSALAAMU CALEYKUM

    Salaanta kadib, Anigu waxaan qabaa Sh. Shariif maanta ma qaldana ee shalay ayuu qaldanaa markii uu dagaalka kula jiray dowladdii C/llaahi Yuusuf

    isagaana qiray markii Jabuuti uu ka furmay kalfadhigoodii ugu horeeeyey ee Isbaheysigii Dib u xoreynta.

    wuxuuna yiri “Shacabka Soomaaliyeed fursad qaali ah ayaan ka dhuminay hadda ka hor oo waatii Suudaa la isugu tegay Maxakamadihii aan hogaaminayay ayaana ka hor yimid heshiiskii Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf oo xal weyn u noqon laheyd dadka iyo dalka.

    Laakiin maanta yaanaan fursado kale lumin ee aan heshiis la galno kooxda CAbdullaahi Yuusuf.

    waana tii uu heshiiska galay kadibna lagu heshiiyay in dowlad la dhiso waana tii uu dowaldda Madaxweyne ka noqday.

    waxaana oran karaa Bani’aadamku wuu qaldami karaa waxaase aanan la helin badanaa qof qirta qaladiisa.

    SHariifku bad ayuu bixiyay Somalitalk ayaan ka maqalnaa haddii heshiiskii la Cancelay xittaa Somalitalk wey sii wadaa qaladkii hore ee ma buun buuniyaan qirashadaas dambe iyo saxaas.

    waxaaan idin oran lahaa bahda Somalitalk. waxaad tihiin muwaadiniin soomaaliyeed oo dedaal badan balse dedaalkiina u badiya dhanka wanaaga xumaan la buun buuniyo waxba tari meyseee.

  7. abdinasir says:

    dadka lacag ayaa lagu fidneyay shariirna waa og yahay qiyaanadda uu umadda ka galay berina rabi ayaa la xisaabtami doona laakiin kuwa hadda dadka laynayaa maxay dhaamaan shariir?

  8. Mohamed says:

    Shariif maxaad Abdulaahi Yusuf ugu jihaadeysey hadii aad Zanawi aad soo dhunkan doonto.

    waa aad ceebowdey