Masjiddu Rawdah ayaa wuxuu Bisha Ramadaan ee barakaysan oo foodna nagu soo haysa wuxuu ku soo dhaweynayaa asbuucaan Duruus iyo Muxaadaraad Calumada halkaas ka hadlaysa ayaa waxay iskugu jiraan Culumo dalka dibadiisa ka timid iyo kuwa ku sugan America Sh C/qani Bashir wuxuu ka yimid Dalka kenya wuxuu Jamcaha la hadli doonaa Dhalinta Qaan gaartay ama Xiliga Waajibaadka ay gudan lahaayeen gaartay wuxuuna ka hadli doonaa Mowduuc uu ugu magacdaray RAMADAAN SOO DHAWOOW
Sidoo kale wuxuu la hadli doonaa maalinta Sabtida ah Gabdhaha kaliya Waxaa kaloo Culumda Ramadaanka ku soo dhaweynaysa Masjiidu Rawdah ka mida Sh C/risaaq Xaashi Nuur oo ka hadli doona FADLIGA BISHA RAMADAAN
Waxaa maalinta axadda ah gunaanad ka iyo gabagabada qaadan doona Imaamka Masjidka Sh C/risaaq macalin Abshir Sancaani wuxuuna ka hadli doonaa AHMIYADDA CIBAADADA BISHA RAMADAAN IYO AXKAAMTA SOONKA
Goobta ciwaanka wakhtiga iyo fadlan ka eeg warqadda Casumaadda Halkan
Ustaad Dalboon
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.