Home » Maqaallo »

AL-shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa ??!! | Sh. Saahid

Quraanka Aayadihiisa Qaarba mar ayaa la fahmaa Sida Allaah Quraankiisa ku yiri : ( Quraanka warkiisa mar Danbe ayaad ogaan doontaan ) !!!!.

Haddaba Allaah mar uu ka hadlaayey Ahlu Kitaabka Yuhuud iyo Nasaaro ayey waxay yiraahdeen: ( Jannada galimaayo ilaa Yuhuud iyo Nasaaro mooyee -Taas waa Rajooyinkooda -Waxaad ku dhahdaa Nabi Mohamedoow NNKH Bal Cadeymihiina keena Haddii aad Run sheegeysaan ???? ) !!!! 2:111

Mar kalena waxay yiraahdeen Yuhuud & Nasaaro : ( Waxaanu nahay Carruurtii Allaah iyo kuwii uu jeclaa, Waxaad ku Dhahdaa Nabi Mohamedoow Haddii aad sidaa tihiin Danbiyadiina maxaa la idiinkugu Cadaabayaa , iska dhaaf in aad tihiin carruurtii Allaah & kuwii uu jeclaa’e waxaad tihiin dad ku Allaah abuuray ka mid ah….) !!!!.

Sheegashadaas oo kale weeye Janada ay galayaan AL-shabaabka is Qarxinaaya !!!!
Haddii aysan aheyn Sidee Ruux Dad Muslimiin ah oo Sooman isku Qarxiyey oo laayey uu u sheegtaa in uu ficilkaas Janno ku galaayo, waa Rajooyin Khuraafaad ku dul dhisan, Haddiise Ruux kasta waxa uu sheegto loo Raaci lahaa Yuhuud iyo Nasaaro ayaa janno gali laheyd, mase dhaceyso sida Rabbi Kitaabkiisa ku xukmiyey.

Waxaan kaloo khurafaadka ay iska dhaadhacsiiyeen Al-Shabaab iyo kuwa la halmaalaayi ku burinaayaa, Dhacdhadii ninkii ka tirsanaa Ciidankii Cali ibnu Abii Daalib – Waqtigii Fidnadda Saxaabadda- ee soo dilay Saxaabigii weynaa ee zubeer Ibnu Cawaam ,ayaa markii uu soo dilay is yiri Cali ibnu abii Daalib ugu Bishaaree in aad soo dishay ninkii ka soo horjeeday.
Wuxuuse Cali kala kulmay Oraah naxdin Badan oo ah tii Nabigu yiri :
( Ugu Bishaaree Naar midka Zubeer Dila) !!!! Markaas buu naxdintii asagiina is dilay taas oo uu ku mutaysanaayo Naarta uu Nabigu sii sheegay.

Haddaba waxaan Maqaalkayga Gaaban ku soo af jarayaa Al-shabaab waxay ku Bishaareysanayaan ma Dhiiga Dadka Muslimiinta ee Soomanbaa walle Janno iska daaye Naar baa lagu galayaa, Siduu Rabbi Kitaabkiisa ku sheegay SWT :
( Ruuxii Dila Qof Muslim ah si ula kac ah, Abaalmarintiisu waa JAHANAMO ASAGOO KU WAARAAYA, ALLAAHNA WAA U CAROONAYAA, NAXARIISTIISANA WAA KA FOGEYNAYAA,WUXUUNA U DIYAARINAYAA CADAAB WEYN ) !!!! 4:93.

Akhristoow ka waran Haddii Ruuxaas la dilay ee Muslimka ihi uu Soomanaa sidii Dhibanayaashii lagu laayey Hoteel Muna, shalay oo Talaado aheyd Cadaabtu waa ka sii weyn tahay.
Haddaba ha la ogaado Jannada Al-shabaab doonayaan waa tii Ahlu kitaabka oo kale waa hal bacaad lagu lisay ama Dhallanteed dhul siman ka muuqda oo ka oomani u maleynaayo Biyo markuu yimaadana aanan ka helayn waxba…. waa janno been beenay .
Waxaan kuwii lagu laayey Hoteel Muna Allaah u weydiinaynaa in uu jannadiisa runta ah galiyo, kuwii dilayna Naartiisa galiyo sidii kii dilay Zubeer oo kale.
Waxaan halkaan ugu tacsiyeynaynaa Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheledii ay ka geeriyoodeen 31 Ruux ,kuwa ku dhaawacmayna waxaan u weydiinaynaa in Allaah u boogo dhayo. AAMIIN.

Ilaahoow na badbaadi.

Shiikh Saahid mohamed yusuf
sahidyusuf@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " AL-shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa ??!! | Sh. Saahid "

  1. wadaad says:

    ninkan wuxuu u hadlay sidii cabdulaahi inbu ubaya ibnu salool oo kale sheekh buuna sheegtay

    haduu run sheegayo kuwa ayagoo sooman cabduwaaq ama muqdisho maalinkasta gaalada ku leynayso muu ka hadlo?!

  2. omar says:

    walaal aad baa u mahadsan tahay sida fiican aad maqaaalka usoo qortay. waana loo baahan yahay qof xaqa cadeeya oo runta sheega. maanta dadkii wax garadka ahaa baqdin bay la aamuseen, malaha alshabaab bay ka baqayaan inay dilaan. marka aad ayaad u mahad santahay alshaabna Ilaah wadada tuusan haku soo celiyo waa dad lumay.

  3. Mohamed says:

    as salamu calaykum
    akhii sheekh saahid waxaad mooodaa in dad badan oo muslimiin ahi isku si u fekeraan, oo aad mooddo in erayada hadalka aad afkooda kala baxday, daqiiqado ka hor intaanan maqaalkaaga akhrin sidan uu u qoran yahay ayaan u fekerayey oo lahaa yaab badanaa! nin muslimiin sooman dilay oo janno raadinaya!! meeshuu aadayo ilaah baa yaqaan, balse Bishaar khaatumo fiican kuma dhiman (waa wiilkii hotelka dadka sooman ku laayey) suudaan ayuu ka dhiganayey maajisteer tarbiyada ah, agoonimo ayaa lagu soo koriyey, hooyadii iyo walaalihii meeshii uu mustaqbal uga samayn lahaa xamar ayuu janno u doontay!! waxaa dad xigtadiisa ahi ii sheegeen in hooyadii hadalkii ugu danbeeyey ee ay ku tiri uu ahaa “jahannamo alle haku geeyo”!!! intuu suudaan kala xiriiray iyadoo boosaaso joogta ayuu ku yiri “jahaad baan u socdaaye ii ducee” iyaduna sidaa ayey ugu jawaabtay. xaqiiqdii khaatumo xumo ayuu ku dhintay habaarkii hooyadiina inuu helay baad mooddaa meeshu ku danbaynse alle ayey u taal oo jannada iyo naarta iska leh. allow na hanuuni xaqa iyo baaadilkana na kala tus.

  4. wadaad yare says:

    Sh. Zaahid
    Jazaakallaahu kheyr, dad sidaasoo kale u bareera oo xaqa dhegaha daalimiinta ku adima waa loo baahanyahey. Cabsi daran ayey Shabaabku geliyeen dadkii wax garadka ahaa markaas ayaa aashuun ku adin la wada noqdey! Waana taas waxa loo yiri: (afdalul jihaad kalimatu xaqin amaama suldaanin jaa,ir)

    Waxey doonayaan iney indheer garadka ka dhigaan waxey dilaan iyo waxey aamusiyaan. Waxeyna rajo ka qabaan dabaqada ghawghaa,da ah oo dad haga uun ku tiirsan xagga ra,yiga iney iyagu u haraan, ee ay ka dhigtaan dhuxul la shito oo dano gurracan lagu fushado! Kuwaasi waa hogaanka ajnebiga iyo soomaali u ekayaasha ah ee urukaan sheydaanigaa u arimiya,laakiin tirada badan ee Shabaabku waa dad sida xaabadii balaayo u isticmaaleyso oo iyaguba badbaadin u baahan. Ma wiilashii shaley dadka abriyadaa leeyey dabadeedna is qarxiyey ayaan u baahneyn cid ka badbaadisa dadka mujrimiintaa ee maskaxda ka heysta oo khasaarada aduun iyo tan aakhiraba ku jarribey?