Home » Siyaasad »

Xasuuqii Culimmada Tabliiqa|Abdirahman

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN!

Maanta(12.08.2009) waxaa magaalada Gaalkacyo si muslimnimada,soomaalinnimada iyo dadnimadaba ka baxsan loogu xasuuqay culimmo ka tirsan Jamaacatu Tabliig oo badankoodu ahaayeen dad u dhashay dalka Paakistaan.Sannadihii u dambeeyey dalkeenna waxaa ka dhacayey dhibaatooyin iyo falal foolxun oo ugu dambeystii caadi ku noqday dhegaha dadka soomaalida ah.Dadka rayidka ahi maalin kasta ayey ku dhex dhintaan xoogag korkooda ku dagaallamaya oo aan kala jeclayn dhimashadooda iyo dhaawacooda.Ugaarashada iyo dilalka qorshaysan ee loo geysanayo dadka ka dhex muuqda bulshadu waxay noqdeen kuwo si joogta ah uga dhaca dalka.Daadinta dhiiggu waxay noqotay dembiga ugu sahlan ee qofku galo.Dad dhammaantii muslimiin ku abtirsada ayaa dhiigga qofka muslimka ahi noqday waxa ugu sahlan ee la daadiyo.

Waa culimmo diinta faafinaysa.Waa masaajid dhexdiis waqti salaad faral ah waqtigeedu joogo.Waa martidii soo dhaweyntooda dhaqanka soomaaligu ku faani jiray.Magaaladuna waa magaalo dadka deggani 100% muslim yahay,isku mad-habna haysto.

Waxyaabaha dalka ka dhacayey sannadahan dambe hadday amakaag dhalinayeen,tani waa astaan aad u foolxun oo ka turjumeysa heerka dadkii soomaaliyeed marayaan.Ilaahay waa awood badan yahay,wuuna ka aarsan kuwa falkaan sameeyey.Waxaanse ka baqayaa inay noqoto mid soomaali oo dhan lagu rogo.Carada soomaali maanta Ilaahay u qabo waa badan tahay waayo annagoo dhammaanteen muslim ah ayaan fududeysannay dhiigga dadka muslimka ah,gaar ahaan kuwa tabarta yar.Taas ayaana u gogol xaartay falkii bahalnimada ahaa ee maanta Gaalkacyo ka dhacay.Dadkii falkan geystayi muddo dheer ayey arkayeen dhiigga maatada oo la daadinayo,deerana deero u hardiyeyn.Waxay arkayeen iyadoo hoggaanka bulshadu aanu ka damqanayn dhiig la daadiyey.Waxay muddu dheer usoo joogeen iyadoo culimmadu masjidka cashar ka bixinayaan,masjidka hortiisana qof meydkiis yaal oo la soo hadal qaadayn.Waxay arki jireen qof markuu weesaysanayo dhiig weli ka qoyan farihiisa ka daadanayo isagoon ka baqayn in lagu ceebeeyo.Waxay arki jireen culimmadoo si caro iyo dhiillo leh uga hadla dembiyada yar yar,qofka falana aan salaamin,dhiigga la daadiyana aan soo qaadin,qofka daadiyeyna la qaxweeya.Waxay arkaan iyadoo gacan-ku-dhiiglaha qabiilkiisu difaaco,geesina loo yaqaan.Sidaa awgeed waxaan qiyaasayaa in raggii falkaan gaalnimada ah geystay iyagoo faraxsan dhex joogaan reerkay ka dhasheen,lana wada yaqaanno shiikh iyo shariifba.Waxaaba laga yaabaa in ammaan iyo bogaadin loogu daro.

Haddaba bal adigu ii sheeg waxay ku kala duwan yihiin!Bal adigu ii sheeg haddii ciqaabta Ilaah timaaddo cidda aan dembiga lahayn!

In kastoo aanan filayn inay taasi dhacdo,haddana waxaa laga yaabaa in haddii dadka yaqaan dadka falkaan geystay is xil qaamaan,soo qabtaan dembiilayaashan,dadka hortoodana maxkamad ku saaraan,in carada Alle aan inteenna kale ka fakanno.

ILAAHOW TALADA TOOSAN NA WAAFAJI .

Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.