Home » Faallo »

Maxaad Ku Garan Kartaa Doqonka

Abdirizak Musanaf | musanaf@hotmail.com

Waligaa ma kala hubsatey inaad doqon tahay iyo inkale? Ma xanaaqdaa marka qof si ulakasa kuugula dhiirrado doqonyohow amase doqonyahay? Doqonnimadu waa erey caan ah hasayeeshee waligaa ma iswaydiisey maxay yihiin astaamaha aad ku garan karto qofka doqoka ah?

Qoraalkaan oo kooban waxaad kaga bogan doontaa su’aalo badan oo in badan naftaadu hore isu waydiisey.

Hadaba intaanan bilaabin waxaan kasii afeenayaa labo arrimood

1: In ujeedadu aysan ahayn in lagu maadsado oo kaliya

2: In daraasadani ay tahay calaamado la arkey in doqomadu u badan yihiin sidaa darteed aan qofkastoo lagu arko lagu tilaami Karin inuu doqon yahay.

Qeexidda doqonnimada.

Afka soomaaliga ereygaani wuxuu ku yahay dhimanaansho, siloonaan, amase qof ka hooseeya heerkii garaadka qofka caadiga laga malayn karey.

Inkastoo uusan jirin miisaan qofwalba lasaaro si loo ogaado heerka garaadkiisa hadana waxaa la wada ogsoon yahay in dadku ugu kala sareeyo xaga garaadka iyo caqliga sida xidigaha iyo dhulku u kala sareeyaan.

Dadku marka dhankaan laga eego wuxuu u qayb samaa sadex qaybood

i. Qayb markii la arkey dhaqankooda iyo sida ay arimaha u maamulaan amase wax soojeedintooda la gartey inay yihiin dad heerka garaadkoodu sareeyo waxaa loo aqoonsadey diricyo

ii. Qayb markii la arkey ayagana dhaqankooda ayagana loo aqoonsadey inay yihiin dadka caadiga ah waana sida dadku u badan yahay amase la yiraahdo qofkani dadkiisuu ku jiraa.

iii. Qayb markii la arkey muuqaalkooda amase sida ay fikradooda u cabiraan amase astaamahooda kale la arkey in heerkoodu ka hooseeyo dadka caadiga ah isla markaana loo aqoonsadey doqomo.

Hadaba qaybtan ugu dambeysaa waa mida loo yaqaan doqomada inkastoo hadaba cadadkoodu yar yahay hadana waxaa jira in badan oo astoomahooda kamida inay ka muuqdaan dadka caadiga ah waxaa dhici karta in qofku leeyahay hal sifo doqonnimo amase wax ka badan qof walibana inta ay sifaadkaasi ku badan yihiin ayuu doqonnimada u dhow yahay.

Doqonnimada laf ahaanteeda waxaa loo kala saaraa qaybo badan oo waa heerar badan oo sii kala liita waxaa jira tan soomaalidu u taqaan duufleey oo doqonnimadeedu iska muuqato iyo kuwo dadka aan aqoon ka qarsoomi kara laakiin qofkii bartaa uu garan karo sidoo kale waxaa jira dareen leey oo laga wado qof cidkasta moodaaya inay isaga xamanayaan ama isaga u danleeyihiin sidaa darteed dadkoo dhan waa lacol iyo daableey oo laga wado in doqonku dagaal badan yahay.

Sidaa darteed inta badan waxaan xooga saarayaa calaamadaha aad ku garan karto doqonta qarsoon astaamahaas intooda badan si guud ayaan u taabanayaa insha allaahu.

Astaamaha Doqonnimada

Calaamadahan lama oran karo qofka tilmaamaya wuxuu fara galinayaa abuuristii alle labo sababood awgood tan koowaad qoraalkani kaliya waa kawaramid tilmaamahan sida loo arkey tankale anigu kuma doodayo qofwalba oo laga helo inuu doqon yahay laakiin waa sida ay u badan yihiin hadaba calaamadihii waa kuwan.

Astaamaha doqonku waxay u qayb samaan labo qaybood qayb muuqaalka laga garan karo iyo qayb dhaqanka iyo ficilladiisa laga garan karo marka labadan qaybood sida ay u kala horeeyaan ayaan wax uga tilmaameynaa.

Astaamaha xaga muuqaalka.

Calaamadaha muuqaalka oo badan waxaa ugu wayn isu miisaanaan la’aan ama isu dheellitiraan la’aan xaga jirka ah waxaa laga wadaa in sidii abuurista alle looga bartey ee ahayd isu dheelli tiraan uu ka duwan yahay.

Tusaalayaal.

Qof dheer ama baaxad wayn oo aad u madax yar sidoo kale madaxoo si xad-dhaaf ah u wayn amase daamankaa aad u balbalaaran amase.

In qofka dhaguhu aad u yaryar yihiin sidoo kale in labada dhagood ama midood aad u wayn tahay amase aad uu u fara gaagaaban yahay amase faraha suulasha cagaha aad u dheerdheer yihiin heer aan caadi ahayn.

Xaga socodka wuxuu caan ku yahay inuu hamagsado hamagsigu waa qof marka uu soconayo laga garanayo maahsanaan.

In qofku uusan qoor lahayn sur lahayn oo surku garbaha ku malaasan yahay amase wajigu si xad-dhaaf ah u wareegsan yahay (sida qaraha) amase in timaha ilaa garbaha uu ku leeyahay timaha madaxu meel kuma joogaan ilaa garabka waa iska taxan yihiin.

In qofku uu caydhareer badan yahay amase si aad ah u kala daadsan yahay.

In indhaha jeexooda xaga dhafoorka aad ugu jeexan yahay dilaaca indhaha aad ayuu usii jeexan yahay xaga dhafoorka.

Qofka doqonka ah waxaadan kaloo ku garan waayn waligiis waxaa ka muuqda daryeel la’aan sida inuusan nadiif ahayn xaga dharka waa wasakh waxaa ku baxa cidiyaha ama timaha ama macaday sado.

Astaamaha xaga hadalka iyo dhaqanka

Astaamahaan oo badan waxaad ku garan kartaa tusaalayaashaan.

Doqomada iska muuqda waxaa kamida hadal loo yaqaan afqabaluus waa hadal hooseeya sida inuu aad u isticmaalo bax ama qof wayn ayuu ku oranayaa futada day.

In qofku socod badan yahay yacni meel kuma hansan karo intaad halkaan fadhido sodon jeer ayuu xagiyo xaga kuu dhaafayaa oo kusoo galayaa sidoo kale markuu soconayo aad ayuu u milicsi badan yahay xaguu fiirinayaa oo xaga fiirinayaa mararka qaarkood intuu istaago ayuu gadaal fiirinayaa aad u jaleecid badan yahay.

Xaga cagaha rays-magaadho malaha cagta qaybta dhulka ladhigo oo siman malaha qaybta godan oo aan dhulka taaban.

Waxaa ka mida inuusan wax raxmad ah lahayn wax uu jecel yahay majiraan ilmaha caruurta ah hadii uu arko waa kala jabinayaa waxaan macno lahayn dartood ama cidkasta oo uu ka awood roon yahay.

Waxaa kamida layaab badnaan waxaan macno lahayn hadaad u sheegto waa dhanqaxayaa oo afkaa yaab dartii lakala tagaya hadaad rabto inaad qof doqonnimo ka tijaabiso sheeko been ah oo aan jirin ama aan macno lahayn uga sheekee haduu aqbalo oo ladhoco oo aad ugu qoslo waa calaamad doqon haduu danayn waayo sheekadana waa qof fiican sidoo kale haduusan wax muhiim ah markaad u sheegayso danayn waa calaamad doqon.

Waxaa kamida hadal badnaan gaar ahaan waxaan dani ugu jirin

Sidoo kale inuu cidwalba ku kalsoon yahay qof uusan aqoon waa isaga kalsoon yahay sidoo kale kama fiirsado natiijada shay walba waxa uu samaynayo waxa ka dhalan kara kafakari mayo.

Sidoo kale inuusan wax aqoon ah lahayn amase inuu aad u jawaab ku dhaqso badan yahay.

Waxaa kamida sida uu ugu farxo amaanta beenta ah hadaan wax been ah ku amaanto aad ayuu ugu farxayaa oo islawaynaanayaa oo u qaadan waayayaa halka qofka fiican markaad wax beena ku amaanto uu ku oranayo war waxaas iga jooji run maahee.

Waxaa kamida qosolka oo si xad-dhaaf ah uu ula dhoco sida dameeraha ayuu ugu dhufanayaa sidoo kale doqomada waxaa kamida kuwo aan sifiican u qoslin wuxuu oranayaa ixxi oo kaliya, inuu iska caroodo isagoon waxba cidi u gaysan sirta oo uu faafiyo wararka oo si waalan ugu dhexdhoco dadka xun xun oo waligiiis ku dhexjiro inuusan kala aqoon cadowgiisa iyo saaxiibkiis inuu wax ku bixiyo waxaan macna ku jirin inuu marwalba isu haysto inuu dadka ugu caqli badan yahay inuusan wax walba oo maskaxdiisa ku soo dhaca ceshan Karin waa ku hadlayaa.

Waxaa kamida xishood la’aan iyo inuusan ka gabban wax fuulxun inuu ummadda horteeda ku sameeyo isagoon ka xishoonayn doqonka hadaad kafogaato oo goyso waa murugoonayaa hadaad usoo dhawaato oo xariiriso wuxuu ku moodayaa inaad daba ordayso oo waa ku yasayaa waa kugu kadsoomayaa hadaad u dulqaadato dushuu kaaga baxayaa hadaad wax foolxun ku samaysana waa kuu dulqaadanayaa oo malahan dareenkii xanaaqa sidoo kale hadaad wanaag u samayso wuxuu moodayaa inuu xaq kuugu leehayay oo waa ku xumaynayaa waxaa kaloo kamida inuu dadka ku ceebeeyo waxa uu isaguba sameeyo.

Calaamaad guud oo doqonnimo

Calaamadahaan waa calaamado doqon laakiin dadka caadiga ahna ku badan

Waxaa kamida dagdagga, fudaydka, qallafsanaanta, islawaynida, faajirnimada, dhoohnaanta, khayaanada, gardarada dayaca maahsanaanta istusnimada kibirka markuu hanti helo kibirka markuu faqriyana quusashada markuu wax waydiisto ku ilxaaxinta dareen la’aanta dhiiranaanta hororsiga gadaalka-garashada iyo fahan la’aanta.

Hadaad calaamadahaan hal iyo waxka badan isku aragto waxaan kugula talinayaa inaadan markiiba doqon ismoodin sababtoo ah waxaan sheegey in dadka caadiga ahba laga heli karo calaamadahaan amase in qof fiican uu yeelan karo qaar kamida calaamadahaan.

Waxaa la isku raacsan yahay in fulaynimadu aysan kamid ahayn calaamadaha doqonka sidoo kale ishii-qaate nimada sidoo kale bakhayl nimada calaamadahaan ma fiicna laakiin astaamo doqon laguma tilmaami karo.

Waligaa Halla saaxiibin doqon

Waligaa hala saaxiibin doqon sababtoo ah waxaad ogaataa inuu yahay qofka ugu horeeya oo ku waxyeellayn doona waa cadow aadan ogayn ama cadowgaaga ayuu kuu shirqoolayaa mararka qaarkood asagoo raba inuu wax kutaro ayuu ku waxyeellaynayaa.waxaa lagu maahmaahaa saaxiibkii aan caqli lahayn waa cadow xattaa hala fariisan waligaa waxaad kaloo ogaataa inaadan waligaa doqon ka aargoosan Karin sababtoo ah adugu kuma dhiirran kartid waxa uu ku dhiirran karo sidaa darteed waligaa ha u caroon waa qof dhiman.

Jawaabaha qoraaga waxaa loogu hagaajin karaa: Email:  musanaf@hotmail.com

Qore:  Abdirizak Musanaf

FG: Qoraalkan asalkii waxaa SomaliTalk lagu daabacay 2003

Naqdin: Jawaab Maxaad ku garankartaa doqonka?

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Maxaad Ku Garan Kartaa Doqonka "

  1. Abdi says:

    Oo kaalay waan cagawaawaynahay cagahayguna aad bay u dhaadheer yihiin GPA gayguna waa 3.8 ee sideen doqon ku ahay?.

    Waxaan inoo rajaynayaa inaan horumaro Insha ALLAH

  2. dugsidiid says:

    Asalaamu Calaykum.
    walaalka wata magaca cabdalla waa runtiis waana habka jaamacadaha isticmaalaan. Qoraalkaaga danbe haddii uu ku saabsan yahay sidee lagu gartaa qofka caqliga badan fadlan kitaabkan ha moogaan (Rawdatul cuqalaa wa nas-hatul fudalaa inbnu xaafid ) wuxuu ka hadlayaa 40 waxyaabood oo lagu garto qofka caqliga badan wamaa towfiiqii ilaa BiLaah.

  3. adam says:

    A.a dhamaantiinba
    walaalkeen Abdirisak qoraalka uu kaqoray Doqonimada iyo qofka kusifooba waxaan filayaa in uu xusay errayo lagu garan karo qofka doqonka ah. balse errayadaas ma ahan kuwo kufillan, mana ahan baddankooda kuwo kusalaysan cilmibaaris.wuxuusan kalasaarin Qofka waalan,kan xanuunsan iyo kan kudhashay dhimanaansho xaga dhimirka ah, waakan uu ulla jeedo Doqonka. Aduunka dadka dhaqamadooda waa kala gadisan yihii oo waxaaba laga yaaban callaamado baddan oo aan Doqonimo unaqaan in Dalka kale ee aduunka ay waxkale uyaqanaan ama ka aaminsanyihiin

    marka waxaan orranla bal cilmibaarisna hal la eego. Waliba waxaa jira Buugag waaweyn oo kaliya kasheekaya caqliga Dadk ( Kitaabul cuquul) midka midda waxaa qorray Imaankii weyna ee Imaan Qasaali

  4. en marka hore wad mahadsantahay marka xiga,horta wax aloa waxii ceeb ibna aadana haa doqon ayd usaarisay o wxba kama tagin sxb .

    waxadna hilmaantaya in ibna adanku gafayo oo aysan jirin qof dhameys ah qof waliba iin leh sxb .

    deeda kale wxad tiri doqon macaroodo taasi waaqalad oo waxaba jira xadiis nabi oo laheh hacaroon marka haadn qaato xadiithkaa ma doqonbaan ahay?

    sxb qoraalka wa auu fiican yahay lakain xoogaa meelaa wax isak weydaarsanyihiin sbx .

  5. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum
    Walaal qoraal cinwaan ahaan iyo macne ahaan xiiso leh ayaad soo diyaarisay oo aad mooddo inay umadda Soomaliyeed ka faa’iidaysan karto, laakin waxbadan oo aad kuqortay halkaan, maaha wax uu kugu raaci karo qof caqli leh oo waxbadana akhriya, waayo waxayba khilaafayaan khibradda caamka ah ee dadka loo leeyahay, sidoo kale qoraalku wuxuu ubadan yahay caam yeelid (generalizing) tilmaamo dadkoo dhani wadaagi karaan.

    Tan sedexaad ee aan ku dhaleecaynayo qoraalkaan iyo qoraalada Soomaliyeed ee cilmi baarista kusaabsan, waa inaysan magacaabayn isha ay kasoo xigteen, sababtoo ah qofna iskagama kaa waafaqi karo aragti cusub oo aad soo qortay, hadii aadan sheegin cid kaaga horaysay oo tijaabadeeda cadeeyay ama adiguba ugu horaysay oo aad tijaabo ahaan u caddaysay.

    Marka walaal, dadaal dheerada ayaad samaysay oo inaad waxbaartay ayaan filayaa, laakin soo tax refences-kaaga ama khibradaada, wax walba oo la qorana sax maaha, ee waxyaalaha aan soo xiganayno waa inaan caqliga u bandhignaa marka hore, waayo buugaagta qaarkood ayaaba loo qoraa in jinsiyado iyo qoomam kale lagu tagooro.

    Mahadsanid
    Wassalam

  6. Asalamau alaikum

    Akhyaarta dhamaantiin waan idin salaamey, gaar ahaan walaalken C/rizak oo really barnaamijkaan waqti iyo maskax caafimaadka qabta ku bixiyey. Een hadaa u soo dego barnaamijka doqonimada uu walaalkeyn ka hadley aniga waxaa ku fikrad dhawahay Mohamed oo ahayd fikradiisu in dad badan oo ilaahey haybad siiyey aad arkayso in uu garaadkiisu Liito aadan la cajabayso waxa uu ku hadlaayo ama uu ku dhaqmaayo.

    How ever the case akhyaarey aniga waxaa qabaa fikrad ama Miisaan taas ka duwan oo ah Yaa doqon ah ? waxaa doqon ah oo nacas ah Qofka Ilaahey xiriirkiisa aan aqoon ama aan ku dadaalin barashada diinta kaas ayaa doqon ah.

    Tan kale akhyaarey anaga hadaan somali nahay xaqiiqdii waxaa moodaa wax yaabo badan inaan ku baraarugsanayn ama aanan aqoon u lahayn sida in lagu qiimeeyo qofka fikirkiisa adna loo baahan yahay inaad fikirkaada ka dhiibato anaga marka waxaa noo fudud hadaan nahay somali canbaarayn iyo Mucaarad taasna walaahi waa laga fiican yahay.

    Mahadsanidiin

  7. Mohammed says:

    Asc,
    Salaan ka dib, run ahaanti maqaalka si fiican ayaad u soo diyaarisay, waana ka muuqata in aad waqti ku bixisay. laakin waxyaabo badan aniga iyo dad kale kuguma raacsanin. Mida hore muuqaalka kore ee qofka marna kama mid ahaan karto heerka caqligiisa. sababto ah qof qurux ilaah u dhameeyay ayaa doqon noqon karo. marna lama oran karo qofka waxaa doqon ka dhigay madaxiisa oo yar iyo dhagahiisa oo waa weyn. Mararka qaar waxaa dhacdo qof aan jir ahaan dhameys tirneyn in uu leeyayhay maskax ama aqli aan caadi aheyn.

    Aniga ahaan waxaan aamin sanahay in qofka uu dhasho asiga oo heerka garaadkiisa wax ka dhiman yihiin ama dhibaato ka soo gaartay maskaxda uu ku waayo qaar ka mid ah garaadkiisa. mida kale waxaan aamin sanahay in habka barbaarinta iyo meesha uu qofka uu ku soo barbaaray ay saameny ku leeyihin heerka garashada qofka.

    Mahad sanid.

  8. Musharraf says:

    @Omar, sxb waa runtaa, ninkii yiri dadka daanyeer ayay ka imaadeen waxaa la yiraahdaa Charles Darwin laakiin sida caadiga ah waxaa la yiraahdaa waa Theory Of Darwin ee maahan Scientific Prove, marka walaalkeen waxaa fiicneyd inuu ku daro waa theory ee maahan xaqaa iq.

  9. kkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  10. omar says:

    dadka waxaaa isaga qasan theory iyo prove. tusaaale ahaan ninkii yiri dadka daanyeer ayay ka yimaadeen waaa theory ee mahan scientific prove. marka adiga waxaada waa theory, taasna dadka laguma oran karo hebal waa doqonoo oo wuu dhaga yar yar yahay. waxaa soo qortay adigana ha aaminin dadkana ha wareerinin walal. aniga koleeba kuguma raacsanin.