Home » Announcements, Warar »

Qunsul hore ee Safaaraddii Soomaalida ee Washington oo ku geeriyodey Michigan, USA

Marxuum Cabdi Cawaale Jaamac oo geeriyoodey ….

Inaali-laahi wa’inaa ileyhi raajicuun

Anagoo oo ku hadlayno magaca Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Michigan waxaan tacsi u direynaa dhammaan Qoyska, ehelka iyo Asxaaabta Marxuum Cabdi Cawaale Jaamac gaar ahaan waxaan u tacsiyeeneynaa Xaaskiisa Mudan Sahro Suleymaan, Caruurtiisa iyo ehelkiisa dunida meelo kala duwan ka jaago.

Marxuumka wuxuu lagu aasay Maalinimadii Jimcaddii August 13, 2010 Magaalada Ann Arbor, Michigan, isagoo ku geeriyooday Cusbitaalka Jaamacadda Michigan.Waxaan dhammaan leenahay Allaah ha unaxariisto Marxuumka Cabdi Cawaali Jaamac dhammaan-na samir iyo iimaan Allaha inaga siiyo Janadii Fardowsana isaga ALLaha haka waraabiyo marxuumka aamiin aamiin.

Haddaba haddaan taariih nololeedka Marxuumka aan si kooban aan idiinka waramo waa sidaan:

Marxuumku  wuxuu ku dhashay Degmada Hargeysa, Juun 1, 1943. Wuxuu ka dhigtay arday Quraanka iyo  dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe ka dhigtay magaalada Cadan, Yeman . Dabadeed  wuxuu tegay wadanka masara magaalada Qahira halkaas oo uu ka dhigtay dugsiga sare ,  marxuumku  wuxuu  kaloo ka helay dalka Mareynka deeq waxbarasho  wuxuuna shahaada 1aad ee BA ka soo qaatay Jaamacadda Lincoln ee Barwaaqosooranka ee Pennsylvania, USA.

Dabadeed wuxuu ku soo noqday Soomaaliya. Wuxuuna ka soo qabtay hawlo badan, Wasaaradi Waxbarashada iyo Barbaarinta, wasaaradi Arrimaha Dibadda, iyo Uraradii Ijtimaaciga ee Soomaaliya ka jiray waayihii Dawladdihii Soomaaliya soo maray.

Marxuumka wuxuu kaloo ahaa Garyaan, wuxuuna Shahaado Jaamacadeed ka qaatay Kulliyaddii Sharciga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, sidoo kale wuxuu takhasus tacliimeed dhinaca Cilmiga Siyaasadda ka sameeyey Jaamcadda South Carolina, ee Columbia taas oo uu ka qaatay shahaadad  mastar digrii  bishii july 1988 , Markii ugu dambeysey wuxuu ka ahaa  Qunsulka   Saafaaraddii Soomaaliyeed ee Magaalada Washington, DC.

Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan Muruum Cawaale wuxuu ahaa Shakhsi ay ku weyn tahay qaranimadda dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed  meelkasta oo uu joogo wuu ku seexan jiray oo ku soo toosijiray in  Dawlad Soomaaliyeed ee Mideysa ee Caadil ah.looguhelilahaa dalka iyo dadka soomaaliya, Wuxuuna aad ula shaqeenayey oo waqtigiisi qaaliga ahaa u huray muda dheer isagoo gaaray Jowhar, Baydhabo iyo Muqdisho Dawladda Ku-meelgaarka ee ka dhisanta Soomaaliya,

sidoo kale wuxuu wakhtigiisa ugu deeqay  Soomaalida ka laqmaday qaarkood geliyey Hawlaha Jaalliyadda Soomaalida iyo u samofalidda Muslimiinta aadka ugu badan Walaayaddaan Michigan ee uu ku noolaa in muda ah  iyo gobolakale oo dadkan  Maraykanka ah intii ay soomaaliya ku jirtay Dagaalka Sakooye iyo Fowdada!

!!! Allow Soomaalida meelkasta ay joogtoba dhibka haysta ka saar, walaakeyna Marxuum Cabdi Cawaalke Jaamac ka waraabiba Janadiisa Fardowsa, qoyskiisa, ehelkiisa iyo asxaabtiisa ka samirsii. Aamiin Aamiin Aamiin.

………..

Soo Tebiye: Walaal Abdirashid A.Gayre
Email: aagary1@gmail.com
Ann Arbor, Michigan
Magaca dhammaan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Michigan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Qunsul hore ee Safaaraddii Soomaalida ee Washington oo ku geeriyodey Michigan, USA "

  1. Ambassador Mohamed Ali Americo says:

    INAALILLAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN, waxaan tacsi u diraya ehelekiuu ka geeriyooday Marxum Cabdi Cawaale Jamac, Ilaah ka barayayaa Jannada inuu geliyo. AMIIN

  2. Geeridu waa xaq, ALLAH HAAW RAXMADO, CABDI CAWAALE JAAMAC, wuxuu ahaa halyeey soomaaliyeed, lahaa karti,hufnaan iyo hami wanaagsan. ahaa madaalle aan kadaalin midnimadda soomaliya iyo in markalle dib loo yagleello Jamhuuriyad mideeysan. ahaa ma noogii markasta laga daalacan jiray Maqaladiisa uu ku cabiraayo fikirkiisa bogagga iyo jaraa’idka caalamka. waxaan tacsi u dirayaa Dhamaan Umadda soomaliyeed, qooyska reer cawaalle jaamac oo kalla jooga USA, UK, CANADA, UAE, SOMALIYA iyo Dhamaan umadda somaliyeed ee tiqiin, lashaqeeysay, waxla’baratay, ama akhriday maqaladii faraha badnaa ee uu ku baahin jiray jaraa’idka caalamka. inaa lilaahi wa’inaa ileyhim raa jicuun.

  3. Geeridu Waa Xaq.. Anagoo ah Diplomasiyiinta Safaaradda Somalia Ee Dalka Kenya uuna Ugu Horreeyo. Safiirka Qaranka. Qunsulka Qaranka, Madaxa Protocol-ka, Madaxa Maamulka, Madaxa Waaxda Socdaalka iyo Dhammaan Shaqaalaha Safaaradda, waxaa tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii iyo Qaraabadii u ka geeriyooday allaha u naxariistee Qunsul Cabdi Cawaale Jaamac oo ku Geeriyooday Carriga Maraykanka…Samir Iyo Immaan allaha inaga Siiyo Ehelkiisii Iyo Asxaabtiisiina Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo…Ammiin Aamiin Aamiin

  4. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAJICUUN
    Annagoo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee marxuum Ambassador Abdi Awaale Jaamac ayaan tacsi u gudbineynaa reerkiisa, eheladiisa iyo dhammaan Ummada Somaliyeed. Waxaan Eebaha-Weyn ka baryeynaa inuu marxuumkaas Janna Fardowsa ka waraabiyo innaga oo idilna samir iyo imaan innaka siiyo. “AMIIN”

  5. INAA LILLAAHU WA INAA ILLAYHI RAAJICUUN

  6. Annagoo kala ah Diplomasiyiinta iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Abu Dhabi UAE oo uu ugu horeeyo Danjire Axmed M.Cigaal waxaan tacsi halkan u marinaynaa Eheleda Marxuum Cabdi Cawaale Jaamac uu ka geeriyooday khaasatan xaaskiisa iyo caruurtiisi,waxaan Ilaah uga baryeynaa samir iyo iimaan inuu kasiiyo,marxuunkana Janatul fardowsa ka sawaabiyo.Marxuunka oo ah nin Soomaalinimadu aad ugu wayntahay,mar dhaweyd uu halkan nagu soo maray,iyadoo uu muxaadarad Mustaqbalka Soomaaliya ku saabsan ka akhriyay Machadka Cilmi baarista Dalkan Imaaraadka Carabta.
    INAA LILAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

  7. Mohamed Haji says:

    Innaa Lillaah wa innaa ilahyi rajicuun.
    Ilaahay ha u naxariisto, reerkiisana sabar iyo iimaan haka siiyo.

  8. INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN!!!!

    Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Soomaaliya ku nool Qubaha, wadankeenni, si gaar Qoyska iyo macrafida Marxuumka Cabdi Cawaale. Waxaan ka barayayaa Illaahey inuu Marxuumka ku abaalmariyo Janadiisa, anagana Samir iyo Iimaan Aamiin Aamiin Aamiin

  9. SCWXWB:
    INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN, ALLAAHUMA LAA TAXRIMNAA AJRAHU WALAA TAFTINAA BACDAHU WAQFIRLANAA WALAHU !!! .
    ALLAAH HA U NAXARIISTO MARXUUM CABDI CAWAALE JAAMAC OO AHAA NIN QAYIM AH OON KU NAQAANAY WASHINGTON DC IYO AGAGAARAHEEDA.
    WALLAALKEEN C/RASHIID GEYRE NA ALLAAH DANBIGIISA IYO KII WAALIDKIIS HA DHAAFO XUSUUSINTA UU NA XASUUSIYEY GEERIDDA NAXDINTA LEH EE KU TIMID WALLAALKEEN MARXUUM CABDI CAWAALE JAAMAC OO WUXUU KA SHEEGAY OO DHANBA AY KU RUMOOBAYSO !!! MARXUUMKANA JANATUL FIRDOWSA ALLAH HA GALIYO.
    SAMIR IYO IIMAAN EHELEDIISII & CARRUURTIISII HA KA SIIYO.