Home » Warar »

Su’aad Xaaji oo loo ogolaaday inay Canada dib ugu soo laabato

Sucaad Haji oo ku dhawaad mudo sadax Bilood ah ku xirneed Kenya halkuu xaalkeeda ku danbeeyaa.?

Su’ad Haji Mohamud waa Hooyo 31 jir ah heesatana Dhalasho dalka Canada balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Somalia oo ku dhawaad muddo sadax Bilood ku xanibneed dalka Kenya ayaa ugu danbeyn dib u heshay xoriyad buuxa baarintaan dheer oo lagu saameeyay kadib.

Suaad Haji Mohamud ayaa Kenya timid April 30, 2009. si ay Hooyadeed oo Kenya ku nool u soo booqato.

May 21, 2009 oo aheed xilliga ay Su’ad Haji dib ugu laaban laheed dalka Canada ayay Police-ka Waaxda Socdaalka ee Dalka Kenya ku xireen Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyata kadib markii looga shakiyay in Su’ad ay isticmaaleeyso Aqoonsi ama passport aysan iyadu laheen. Waaxda socdaalka ayaa passport-ka Su’ad ku tilmaamay in aysan iyado laheen.

Mudo afar maalmood ah ayay Saraakiisa Waaxda Socdaalka dalka Kenya Su’ad Haji ku hayeen xabsi ku yaal garoonka Diyaaradaha Jomo Kenya ee Magaalada Nairobi kahor intaan loo gudbin Xabsi Dumarka loogu tala galay oo ku yaal deegaanka Langata una dhow Garoonka Wilson Airport.

Su’ad Haji oo ah Hooyo heesata hal wiil oo ay aabihiis kala tageen ayay Saraakiisha socdaalka dalka Canada arrinteeda Baarintaan dheer ku sameeyay balse ugu danbeentii ogaaday in ay tahay Canadian kadib markii Tijaabo DNA ah laga qaaday isla markaana la xaqiijiyay in ay tahay Hooyada Wiilka.

“ugu danbeentii Su’ad Haji waxaa la siin doonaa Warqado Aqoonsi oo u sahlaya in ay dalka Kenya kaga soo bixi karto kuna soo gali karto dalka Canada.” Ayuu yiri Emma Welford oo ah Adhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibada ee dalka Canada.

Raoul Boulakia oo ah garyaqaan u dooda dadka Qaxootiga una dhashay dalka Canada ayaa dhaxda u xirtay sidii dib loogu soo celin lahaa Canada Su’ad Haji oo ugu danbeentii danbi lagu waayay, sidoo kalle Jaaliyada Somaliyeed ee dalka Canada ayaan u kala harin sidii ay dib xoriyadeeda ugu heli laheed Su’ad Haji Mohamud.

Mahad Yusuf oo ka mid ah Mas’uuliyiinta urur lagu magacaabo Mideynta Bulshada ayaa yiri “Qof walba wuu la socda waxa ku dhacay Su’ad” isagoo intaas ku daray in Dowladda Kenya ay caadeeysatay in ay xirto ama faquuq ku sameeysay dad badan oo Somali ah oo dalka Kenya safar ku aaday.

suaad

Su’ad ayaa ugu danbeyntii dib u heshay Xoriyad buuxda iyadoo la filayo in ay dhawaan dalka Canada dib ugu laaban doonto.

Mahaan markii ugu horeeysay ee dad Somaliyeed lagu xiro wadanka Kenya. Iyadoo horay ay waaxda socdaalka falal noocan oo kalle ah ay Somalida kula kaca.

Ibraahim Da’ud Abdalle.
sayfudiin@hotmail.co.uk
ibraahim@journalist.com

Nairobi-Kenya.a

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Su’aad Xaaji oo loo ogolaaday inay Canada dib ugu soo laabato "

  1. Haji Abdi says:

    salaamacaleyku dhamantiin akhristayaasha aad baan uga xumaa arinkii gabadhan ku dhacay waxaan la orankaraa waxay qeyb ka tahay dhibka soomaalida soo gaaray waayo? garoonka nairobi waxaa ka soo dega kanadian badan maxaa iyada lagu maagay waa soomaalinimada oo noqotay waayadan wax la iska duleysto ilaahow maga soo gaar adiagaa gargaare ahee

  2. Ahmed Abdullahi says:

    Arinta ku dhacday gabartaas soomaaliyeed ee Suad waa arin naxdin leh waxaana og nahay arintaas in aay ku dhacdo soomaali badan oo dhalashooyin kala duwan haysta. Anigaan ayey igu dhacday mar aan ka dagay joma kinyata ee nairobi 7 june 2009 goreenkeeda in waaxda socdaalka ay idhaheen baasaboorkaada waa Fake. Kadib markii aan suaalo adag aan weeydiiyey waxa u cadeeynaayo in baasaboorkeeyga Fake yahay in kale ayey waxay idhaheen shaah nasii ayaan waxaan u sheegay in lacag aan hada wadanin ee lacagta ii taalo magaalda gudaheeda ee aan marka kale oon soo noqonayo aan shaah siinayo. Ilaa iyo hada wali wey sugayaan.Marka dhibaatadan waa dhibaato soomaalida dhalashoyinka kala duwan haysato.Hadaba su aasho waxay tahay sideen dhibaatada ugu hor tagnaa. Xitaa dad badan oo ila jooga wadanka Ingiriiska aya waxay ii sheegeen in markii lagu eedeeyey baasaboorada in ay fake yihiin oona laga qaatay ay laxiriireen safaarada British high commision ee Nairobi safaaradana ay ku tiri Imaagareeshan matter weeye. Mida kaliya ee aan sameeyn karno waa in aan cadeeyno baasabooradan waxay yihiin markey nasoogaaraan.

  3. muna says:

    masha allah labadan wiil ee ka jawaabay arintaa si wanaagsan ayay uga jawaabeen, walaala yaal ajar iyo xasanaad allah idinka siiyo sida aad uga jawaabteen , waana run arinta aad sheegteen waana sax wax walba diinteena ayaa noo sheegtay waa arintaas oo kale arinta ay diintu ka digtay masha allah ilaahow diinteena na jeclaysii aamiin

  4. Simman says:

    Ilaah baa mahad leh.. marka hore.. in ilaah ka soo samato bixiyey dad kufaar ah oo anan muslinimada garanaynin waa mahad alle u sugnaatay..in ruux dumar ah lagu xiro iyadoo waxeedii iska leh.. waa dunada sadexaad ayay u yahiin waxan ilaah ka baryaynaa in dumarka muslinka ahi ay wax ay layahiin soo qaatan hadii kale waxa jiran kuwan aan naxariista ilaah ka dheeraysiiyey.. Allaha ka bad baadiyo dhamaan gabdhaha muslimka ahi..walaaleshaydii macaaneed ilaahaygii ku dhaafiyey u xamdi noq.. ws wr wb..

  5. Adam Abuzuhri says:

    Kenya oo in kabadan 10 sano aan joogay kadib markii aan kasoo qaxay waxan isugu gaysanay awgood- waan fahmi karaa waxa kudhacay gabadhaas laakinse sida muuqata, gabadha waxay khilaaftay sida ay soomaalida ugu dhoofta ama kusoo gasho Kenya.
    Dad badan oo sharci la’aan kadhoofaya kenya darteed ayaa inta yar ee sharciga wadato kadhigtey mid laga shakiyo; waxana filaya in qof waliba taas fahmi karo.
    Kenya waa wadan dhibaato badan kasoo gaartay qaxootiga Soomaalida ee dibada uqul-uqulaya ee inta badan isticmaalaya Kenyan passport.
    Wax kasta oo naga soo gaaro Kenya, waxaan utixgalinayna wadankeena labaad.
    Aad ayaan ugu tacsiyadeynaya Su’aad.

  6. Siciid says:

    In la soo daayo Su’aad ma xuma e, Kenya raalli gelin iyo magdhow ma ka bixisay bahdilka iyo wakhti luminta gabadha lagu sameeyey mise waa la sii daayey uun baa sheekada lagu soo koobay?.

  7. Mahmoud says:

    Arintan ku dhacdey gabadhaan, waa wax laga xumaado, waxayna ka midtahay dhibaatada ku habsatey shacab weynihii somaliyeed, oo meelkasta aduunka ay tagaan lagu xad gudbaayo, taasna waxaa kasbaday inaga sababtoo ah, dulkeenii baynu dab qabad siiney oo burburiney, markaa nin gurigiisii bur buriyey, cida ixtiraam iyo qadarin siin mayso, markaa walaalayaal shacabka somaliyeed badankiisu waa dhibane, kan dalka jooga iyo kan debeduba. Illaahey ha soo hadeeyo Somali.

  8. osman abdi says:

    anigoo ah nin somaliyeed oocaruur badan kudhalay dalkan ingiriiska waxan aad ula socday gabadhaa soomaaliyeed ee ilmaheedi lakala ilaalinayey mudada dheer ,waayo aragnimadayda safarka anigay igu dhacday djaputi ayaan aaday oo meel soamliyeeda si kadarn sida gabadhaa loo galay ayaa laygalay,safaarad ingiriiskana waylayaabtay nin ayey isoo raaciyeen ookuyidhi qoladii airportka maxaad wakhtiga uga luminaysaan ninkaan siidaaya, meeshaas gabdho badan ayaa lagu haystay alaha usahlo soomaali gabdhaheeda dibada loosoo fasaxayo ee bahal oo dhami cunayo,walaalayaal haljoojiyo gabdhaha dibada loo soo saarayo kaligood.

  9. aad ayaan ugu farxay warka gabadhaa soomaliyeed ee gurigeedii lakala dhantaalay,laakiin waxan idiinku darayaa dumarka inaan loo ogolayn inay kaligood safraan sababta waa waxaas oo kale ayaa ku dhacaya laakiin haduu ninkii lasoconlahaa ama wiilkeeda yar arintu way kagadisnaan lahayd sababta islaamku xalka noogu yaahayna waa caynkaas allaahu akbar, diinta islaamka halabarto oo halagu dhaqmo walaalayaal waa iga talo gabdhahana kaligood yaanay safrin hadii kale bahalwalba ayaa damaacinaya,jasaakumullaah.