Home » Warar »

Laba Haween ah oo Mareykanka ku eedeeyey in Taageero Siyaan Xarakada AL-Shabab oo arrintaa iska fogeeyey

  • Gole ay ku Mideysan yihiin Hogaamiyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Muqdisho laga Abaabulayo ….
  • DFKMG ayaa la sheegey in ay Hub u direen  Pundland ….
  • Laba Haween ah oo Mareykanka ku eedeeyey in Taageero Siyaan Xarakada AL-Shabab oo arrintaa iska fogeeyey
  • Doorashadii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Koofur Afrika oo si Heer Sare u dhacdey

……..

Gole ay ku Mideysan yihiin Hogaamiyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Muqdisho laga Abaabulayo

Gole ay ku mideysan yihiin dhaqanka Odayaasha Soomaaliyeed ayaa dhismihiisa laga abaabulayaa magaalada Muqdisho, waxaa shalay magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Guddi farsamo oo u howlgala diyaarinta Golahaas.

Guddiga farsamo ee la magacaabay oo ka kooban 13-xubnood ayaa waxaa

Guddoomiye u ah Sheekh C/raxmaan Suleymaan Muuse, waxayna howsha Guddigani ay noqonaysaa:

1.      Inuu diyaariyo dhismaha Gole dhaqan oo ay ku mideysan yihiin dhammaan beelaha Soomaaliyeed.

2.      Jaangoynta dhaqaalaha shirka lagu qabanayo, halka shirka lagu qabanayo, waqtiga la qabanayo iyo goobta lagu qabanayo.–

3.      Soo aruurinta macluumaad ka caawiya arrimaha loo xilsaaray, sida la kulanka Odayaasha beelaha Soomaalida oo dhan.

Guddigani waxaa la siiyay fursad Labo bilood ah (60-maalmood) oo ay ku soo diyaarinayaan ajandayaasha kor ku xusan.-

Shirweyne dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ay yeesheen Odayaasha dhaqanka iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed  ayaa Guddiga loo xil saaray diyaarinta Golaha ay ku mideysan yihiin Odayaasha dhaqanka Soomaaliya laga soo dhex xulay, kuwaasoo shalay Guddi farsamo u magacaabay dardargelinta howshaas.–

Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed Nuur oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana ka mid ahaa abaabulayaashii shirka Odayaasha iyo Culimada Soomaaliyeed ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Guddiga farsamo ee howsha loo xil saaray, wuxuuna ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay taageeraan qorshaha lagu mideynayo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo si gooni ah codsi ugu jeediyay Xarakada Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo uu ka dalbaday inay taageeraan qorshaha lagu mideynayo odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.   –

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Dowladda  Federaalka ayaa la sheegey in ay Hub u direen Maamulka Pundland

Warar aan ka helney Rag  ku dhow dhow madaxda sare ee dowladda KMG iyo  Xildhibaano ayaa sheegaya in Dowladda Ku meel gaar ah  ay u dirtay magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, diyaarad siday shixnad hub ah.waxaana la sheegay in hubkaas u badnaa qaybaha hubka ee lagu dagaalamo.

hubka ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay bixiyeen ciidamada AMISOM looguna tala galay in maamul gobleedka Puntland uu kula dagaalamo kooxda uu hogaamiyo Maxamed Siciid Atam kuwaasi oo dhawaan dagaal kula galay ciidamada Puntland duleedka magaalada Galgala. Warar kale ayaa sheegay in hubkaas ay lahayd Dowladda ku meel gaar oo isagu dhawaan laga dejiyey Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho

Sidoo kale wararka laga helaayo caasimada Puntland ee Garowe ayaa tilmaamaya in diyaaradaasi ay soo gaartay garoonka Garowe islamarkaa hubkaas lagu qaadey Gawaari loona gudbiyey dhanka Magaalada Boosaaso.

Wadaadka hogaaminaya kooxda dagaalka kula jirta ciidamada Puntland ayaa sheegay in dagaalka lagu qasbay uuna doonayo in Puntland uu ka dhigo meel lagu xukumo shareecada Islamka.

Warar kale ayaa sheegay in in Hub kale ay soo dirtey Dowladda Itoobiya kasoo ka soo galey Xuduuda waxayna Dowladda Itoobiya ugu tala gashey in lagula Dagaalo Wadaadka Maxamed Saciid  waxaana la filayaa in Madaxwynaha Maamulka Pundland uu dhawaan tegi doono Caasimada Itoobiya si uu Dowladda Itoobiya kala hadlo Xaalada Nabedgelyo ee deegaanada Pundland

Hase yeeshee Afahaeen u Hadley Maamulka Pundland ayaa si kulul u beeniyey in ay wax hub ah ka heleen Dowlada Federaalka iyo weliba Itoobiya wuxuu kaloo uu sheegey  in kooxda ku kacsan Maamulka Pundland ay iyagu hub ka heleen dhinaca Xarakada A-Shabaab  iyo Dowlado uusan Carabaabin Magacayaddoda

Haddi aan dib ugu laabano wararkii ugu dambeeyey ee Dagaalka u dhaxeeya Pundland iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa sheegaya in labada dhinac ay dagaalkaas uga dhinteen ilaa 10 ruux.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Raiisal wasaaraha dowladda KMG; Cumar Cabdirashid uu sheegay in Puntland kaligeed aysan waxba ka qaban karin dagaalka ay wadaan kooxda Sheekh Atam loona baahnayahay in la iska kaalmeysto dagaalkaasi sidoo kale waxaa burburey Waan waan u socotey labada dhinac oo ay wadeen  odoyaal ka socdey Degeenada Pundland.

Xildhibaanad Caasho Cabdalle oo waraysi siisay bbc-da ayaa si toos arrinta hubka loo diray Puntland ugu eeday ra’iisul wasaaraha DFKMG cumar cabdirashiid, ayadoo arrintaas ka hadlaysayna waxay tiri: “Ninka criminalka (dembillaha) ee hubka raray, oo Puntland ka dejiyey saddexda diyaaradood oo hubka ah waa Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo laba xildhibaan oo degaanadaas ka soo jeeda u dhiibay, oo wax qarsoon aysan ahayn, masuuliyadaas in uu qaado weeye. Shariif Axmedna hadduu la ogyahay arrintaasna labadooduba waa laba criminal (dembiile) waxaanuna ka dacwaynaynaa waxaana ka dacwaynaynaa caalaamaka.” ayey tiri.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com


Laba Haween ah oo Mareykanka ku eedeeyey in Taageero Siyaan Xarakada AL-Shabab oo arrintaa iska fogeeyey

laba Haween Soomaaliyeed ayaa dhawaan waxaa lagu eedeyey in ay lacago taageero ah u ururrinayeen Xarakadda AL Shabaab  ayaa arrintaan waxaa ka qayliyey dadka soomaaliyeed qaybhiisa kala duwan kuwaas oo sheegeyn in aysan wax dambi ah lahayn Haweenkas, waxayna haweenkas ay sheegey mar la wareystey in ay lacagaha ay ururriyaan ay tahay mid ay ugu tala galeen dadka Barakacayaasha waana mida keentey in dad fara badan isugu soo baxaan duleedka Magaalada Muqdisho kuwaas oo ku qaylinayay erayo ay ku dalbanayaan in aysan dembigaas lagu eedeeyey lahayn.

Labadii haween ee ay waaxda baaritaanada ee Maraykanka (FBI) ku eedeeyeen in ay taageero u fidinayeen Alshabab ayaa ka hadlay arrintooda.

Aamina Farax Cali, 33 jir iyo Xaawo Maxamed Xassan, 63 jir ayaa waraysi ay siiyeen Warbaahinta  ku sheegay in aysan wax dambi ah galin dacwooyinka lagu heystana ay yihiin kuwo been abuur ah.oo ay ka dambeeyaan dad danno gaar ah leh  “Ma jirto wax xiriir ah oo aan la leennahay Xarakatul Shabaab iyo lacago aan u dirnay toona, lacagta aan ururin jirnay waxay ahayd mid aan ku kaalmeynaynay dadka ku dhibaateysan gudaha dalka,” Ayay tiri Aamino Faarax Cali oo wejigeeda laga Dareeemayey sida ay uga xuntey Been Abuurka intaa le’eg ee lagu xirey  .

Labadaan Haween ayaa ku adkeystay in lacagaha ay Soomaaliya u aruurin jireen ay ahaayeen kuwo dhinaca banii’aadanimada ah aysana jirin wax siyaasad ah oo ku hoos jirtay. Ururintaa lacagahaas

“Way jirtaa inaan lacago ka ururinno Soomaalida, waxaana siinnaa dadka ku dhibaateysan daafaha Muqdisho iyo xarumo lagu xannaaneeyo waayeelka iyo dadka kale ee curyaamiinta ah oo ku yaalla Kismaayo” Ayay tiri Xaawo Maxamed Xassan.

Mar wax laga waydiiyay in lacagaha ay Soomaaliya u diri jireen ay maamuli jireen Alshabab ayey labada haween ku jawaabeen in aysan taas filiynin maadaama ay hayaan cadaymo tusaya in lacagahaasi ay gaareen dadkii loogu tala galay, Ee baahida xoogan u qabey.

Haweenka ayaa haatan dibada ku jooga damiin waxaana la sheegay ay dacwadooda bilaabanaysaa dhawaan.

Dhinaca kale waxaa shalay ka dhacay deegaanka Ceelsha Biyaha banaan bax looga soo hor jeedo dacwada ka dhanka ah labadaasi haween waxaana ka qayb qaatay banaan baxaasi boqolaal isugu jira haween iyo caruur.kuwaa oo haatan ku dandareysan Xeryo qaxooti oo ku yaal Duleedka Magaalada Muqdisho waxayna qaarkood ku dhawaaqayeen  ereyo Dowlada Mareykan kaga codsanayaan in deg deg looga laabto eedayntaas labadaas Haween.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.cm


Madaxa waxbarasahda SFF Soomaaliya  oo Seminaar Qaahira kaga qeyb galay

Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxaa lagusoo gabagabeeyay Seminaar muddo 3 cisho ah u soconayay masuuliyiinta xaga wax barshada ugu qaabilsan Xiriirada kubada cagta ee dalalka Afrika, waxaana Soomaaliya ku metalayay madaxa wax barashada Xiriirka Cali Maxamed Axmed (Cali Siciid).

Seminaarkan oo shalay gellinkii dambe lasoo gabagabeeyay ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii loo horumarin lahaa aqoonta kubada cagta ee Qaarada Afrika oo ah qaarad ay la dageen dagaalo sokeeye iyo horumar la’aan.–

Si gaar ah waxaa diiradda loo saaray sidii loo hour marin lahaa kubada cagat dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada garsoorka, macalimiinta, maamulka iyo caafimaadka isboortiga, sida uu sheegay masuulka Soomaaliya uga qeyb galay.

“Seminaarku intii uu socday waxaa la isku dhaafsaday doodo iyo aaraa ku aadan sida ugu fudud ee sare loogu qaadi karo horumarka kubada cagta Soomaaliya”ayuu yiri Cali Siciid oo sheegay in la rajeynayo dhaqaaq weyn in la sameeyo sanadaha soo socda

Ugu dambayntii madaxa Waxbarashada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta waxaa uu xusay horumrka Soomaaliya ay ku talaabsatay 2-dii sano ee lasoo dhaafay isagoo soo hadal qaadayin Qaramada dhalinyarada ay gaareen guulo la taaban karo iyadoo ay ugu danbaysay guushii xulka dhallinyarada U-17 oo ciyaarihii ay ciyaareen guulo ka soo hooyay haatana la balansan xulka dalka Masar.

Hadalkaas ayaa waxaa aad ugu riyaaqay in badan oo ka mida masuuliyiinta seminaarka kasoo qeyb galay iyo madaxda CAF ee khudbadaha iyo afkaaraha la is dhaafsanayo dhageysaneysay.-

Madaxa Dhaqaalaha CAF Mr. Sekatu Patel oo u dhashay Sychles oo khudbad meesha ka jeediyay ayaa amaanay guddoomiyaha ,xoghayaha guud iyo dhamaan xubnaha guddiga fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo uu sheegay in wax weyn ay ka qabteen Soomaaliya iyadoo waliba xaalad adag ay ku shaqeeyaan.

Waxaa uu hambalyo u diray Xiriirka oo uu ugu hambalyeeyay doorashadii 19-kii bishii hore Muqdisho lagu qabtay ee sida quruxda badan kusoo dhamaatay taas oo uu sheegay in ururka CAF uu mar laabaad ka hambalyeynayo.-

“Waxaan ku amaanayaa Soomaliya sida ay ugu dhabar adeygtay ka qeyb galka tartamada iyo shirarka oo aanay marnaba seegin halka aanu ognahay in dalal badan oo amaan iyo dowlado ka jiraan ayayn cayaaraha qaar kasoo qeyb gelin laakin Soomaaliya marna ma maqnaato”ayuu yiri Mr. Sekatu Patel.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Doorashadii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Koofur Afrika oo si Heer Sare u dhacdey

Munaasabad lagu dooranayey Gudoomiyahya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee North West / South Afrika ayaa  ka dhacday hoolka shirarka ee magaalada Rustanburg , munaasabadani oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyn ka socoto dalkan k./afrika , madaxda Somali Cumminy Board, madaxda markaska dacwada ee Shashankuufa , Naadiga saxafiyiinta Koofur Afrika iyo shacab weynaha ku dhaqan North West K.Afika ayaa waxa ay u dhacday habka ay u dhacaan doorashooyinka caalaamiga ah .

ugu horeyn waxaa lagu furay ayaadaha Quranka kariimka , kadib waxaa halkaas ka hadlay sedaxda musharax ee ku tartamayey jagada guudoomiyenimo iyaga halkaas ku soo bandhigay waxqabkooda haddii la doorto kadib waxaa hadalka qaatay Ibramim Xasan Cadow ( Ayaatulah ) oo ka mid ah gudiga qabanqaabada ee doorasha isagoo ku dheeraday waxqabadkii gudoomiyihii hore mudane C/raxmaan Maxamed (Buur)

sidoo kale waxa uu ku gubaabiyey in masuulka la doorto uu raaco hab maAmulkii wanaaga badnaa ee mudane Buur .

Munaasabadan oo ay hadalo qiiro leh ka soo jeediyeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Mudane Soomane Gudoomiye ku xigeenka Somali Community Board, Sh. Faaciye , Sh.Claahi Dhabar oo ka mid ah masuuliyiinta markaska dacwada ee Shashankuufa, Sh. Cabdi Nuur oo ka mid ah gudiga dacwada ee North West K.Afrika masuuliyiintaani ayaa dhamantood ku nuux nuuxsaday muhiimada midnimada ay leedahay

ugu dambeyn waxaa hadalka qaatay Mudane Shiikh Axmad Guul oo ahAa gudoomiya gudiga qabanqaabada waxa uuna shaaciyey natiijada codaynta isagoo xusay in ay ku tartameen doorashada sedaxda mudane ee kala ah

  1. C/raxman Sheekh Omar (Ukun)
  2. Xasan Rooble Gadafow (Cabdi Taajir)
  3. Mustafa Barkhad Maxamed (Qoorey)

natiijadiina ay u dhacday sidan codkooda dhiibtay 243 Mudane , 6 cod waa ay halaabeen , mudane ukun waxa uu helay 180 , Mudane Cabdi Taajir 38 halk mudane qoorey u ka helay 10 cod waxaana sidaa ku guuleystay mudane Ukun sidoo kale waxa uu shaaciyey sagaal masuul oo isugu jiro aqoonyahano masuuliyin iyo odayaasha gobalka oo la shaqeyn doono gudoomiya guuleyeystay . sagaalkan oo kala ahaa

  1. Cabdi Maxamed Xirsi (C/Madoobe)
  2. C/raxmaan Maxamed (Buur)
  3. Barqadle Maxamed Maalin
  4. C/lle Xuseen
  5. Maxamed Ibrahim (Cafaare)
  6. Daahir Xasan Galbeed
  7. C/qaadir Cali Jawjaw
  8. Saciid Maxamed Cadow
  9. Jaamac Rooble

waxaana la filayaa in dhawaan xaflad xil wareejin iyo caleemo saar ah lagu qabto hoolka shirarka ee Rustenburg

C/raxmaan Xasan Yuusuf
North West /South Afrika
E-mail c.gacaltooyo@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.