Home » Siyaasad »

Dilka culimada Dareen Naxdinleh| Abul Fadli

Dilka culimada Dareen Naxdinleh, fariina Xanbaarsan

(inaa lillaahi wa inaa illayhi raajicuun)..Waxaa wax laga xumaada ah,dareen naxdinlehna ah,falka waxshinimana ah oo lagu xasuuqay culimada tabliiqa ah.sida uu nabarayo manhajka rabaaniga ah,in dadku haday u hogaansami waayaan una dhaga nuglaan waayaan allihii abuuray,maraana dariiq qilaafsan kii uu u jideeyay,inay la kulmayaan cawaaqib xumo iyo wax ka fajiciyo,oo dad badan oo iimaan leh ay is waydiinayaan ,falkan maka dhici karaa dad muslimiin ah.waxaan filayaa falkan foosha xun inuusan iska dhicin ee uu yahay mid laga soo shaqeeyay,ujeedooyina laga leeyahay fariina uu u xanbaarsan yahay shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah.laakiin su´aasha is waydiinta leh waxay tahay mujtamucu,culimo,caamo,siyaasiyeen,ururo,i.w.m ah ba malagu -baraarugsan yahay fariinta uu xanbaarsan yahay falkan foosha xun.Waxaan ku soo uruurinayaa fariintan qodobadan hoose:-

1-Soomaliya in la isdilo oo qof ama in kabadan ladilo ma´ahan wax-
-lala yaabo maalmahan danbe,balsi waa xaajo ugub ah soomaalida dhexdeeda in dad culumo ah oo waliba dacwo kujiro,lagu layo masaajid dhexdiis oo walibo marti noo ah.laakiin waxay qayb katahay duruustii ay nabareen cadowgii xabashida oo falkan mid lamid ah ka gaystay masaajidkii tabliiqa ee xamar
2-Fariinta ugu wayn oon isleeyahay wuu xan baarsanyahay falkan waxshinimada ah,oo ah mid laga soo shaqeeyay waa in shacabka soomaaliyeed laga suuliyo jecaylka ay u hayaan diinta islaamka iyo culimada xanbaarsan faafinta diinta islamka, Iyo in dunida islaamka ah laga dhaadhiciyo sawirka foosha xun
Oo ah in soomaalidu ay tahay dad dhaqan xun oo diinta islaamkana nicib ,culimo,marti,iyo xushmad islaam aan lahayn.

3-In shacabka soomaaliyeed loo tuso in culimada xanbaarsan diinta islaamka ay san wax micno ah la´hayn,dhiigooduna uu yahay midaan qiimo la´hayn,taasna ujeedada laga leeyahay ay tahay marka culimada la laayo in diintana la duugo gabi ahaanteeda dadka iyo dalkana laga dhigo diin la´aan.
4-Waxaa haboon mujtamaca soomaliyeed inaysan dhacdadan u arag dhacdooyinkii horay u dhicijiray oo la iska mari jiray,waa inay ugaadaan dhamaan soomaalidu meelkastoy joogaan arinka inuu san fududayn ficilkii looga hortagi lahaana la sameeyo ,oo ku wii ka dan beeyay iyo ku wii fuliyayba la sooqabto oo aanan sidaa looga harin.

GABO GABO:-Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladii ay ka
soojeedeen culimaadaas meesha lagu xasuuqay
Waxaana ilaah uga bar yayaa inuu janadiisa ka waraabiyo ….
 
QORE:-Sheekh C/llaahi (Abul-fadli)kulmiye99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.