Home » Warar »

Cabsi weyn oo laga qabo in Dagaalada Muqdisho ay sii xoogeystaan Bisha Ramadaan

iyo Sheekh Shariif oo dadaal ugu jira sidii ay Xukuumadda Cumar C/rashiid u heli lahayd codka Kalsoonida ….

Muqdisho iyo cabsida dagaaladda bisha Ramadaan

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa welwel iyo walbahaar ka qaba in uu  sii xoogeysto dagaalada ka jira magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan  oo iyagu galaaftey dad fara badan oo soomaaliyeed qaarkood waxay ku dhibaateysan yihiin Isbitaalada Muqdisho mana muuqato saan saan looga baxayo dagaaladaas aan dhamaadka lahayn

Sadexdii Ramadaan ee ugu dambeysey waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dagaalo fara looga gubtey waxayn dagaaladaa ay sababeen Barakacii ugu balaarnaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho waxaana hataan muuqata in kooxaha ka soo horjeeda Dowaladda Federaalka ay u diyaargaroobayaan in bisha ramadaan ay sii xoogeeyaan dagaalada ay kala soo horjeedaan Dowladda FKMG, waxaana dadka magaalada ay isla dhexmarayaan warar ku saabsan Bisha Ramadaan  qaarkood waxay bilaabeen in ay ka barakacaan Goobihii ay degenaayeen kuwa kalana waxay isku laab qaboojiyeen in ay yiraahadaan “Wixii Ilaah noo qorey weyn meyno ee meesheenaan Ilaah ku tala saaranay.

Labada dhinac ee isaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho ayaa ku jira Diyaar garow waxaana la arkayaa dhufeysyo ay qodanayaan labada dhinac iyadoo xoogaga ka soo horjeeda Dowladda FKMG laga soo xigtey in ay laba jibaari doonaan dagaalada ay kaga soo horjeedaan DFKMG Bisha Ramadaan waayo waxay aaminsan yihiin in bisha Ramadaan ay tahay Bishii  Jihaadka  ayna  dheceen dagaalo lagu jebiyey Gaalada sida dagaalkii Beder oo uu dhacay Ramadaan.

Bisha Ramadaan oo uu ka buuxo Khayr fara badan ayaa Ramadaankaan ku soo beegemey xili ay dadka soomaaliyeed ku jiraan dhibaatoyin dhinac badan leh waxayna ka codsadeen dadka soomaaliyeed iyo Ganacsata in ay gacan siiyaan dadka soomaaliyeed oo muddo labaatan sanno ku jirey dagaalo iyo Abaaro , xaqiiqdii markaad u kuurgasho dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho waxaa ka muuqata diif iyo dar xumo, qaarkoodna  iyaga oo dhaawac ah ayey ku dhibaateysan yihiin Isbitaalada Magaalada Muqdisho

Ramadaankaan ayaa waxaa uu ku soo beegmey xili la hadal ahayo in soomaaliya la geyn doono Ilaa laba kun oo ciidan ah kuwas oo ka dhigaya Cidamada Amisom ilaa 8 kun sidoo kale waxay Ciidamada Amisom ay dalbadeen ilaa shan Diyaaradood oo kuwa Dagaalka waxaana wel wel ka muujiyey Dadweynaha soomaaliyeed  oo iyaga qaba in ciidamo shisheeye aysan waxba ku soo kordhin doonin Xalaada soomaaliyeed waxayna codsadeen in gebi ahaanba dalka ka baxaan Ciidamada shisheeye waayo ayey yiraahdeen hore ayaan u soo aragney dhibaatada ciidamada shisheeye.

Isku soo wada duuboo Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa mid cabsi leh  waxaana magaalada aad ku arkeysaan qoysas hadba dhinac u qaxaya iyagoo doonaya in raadsadaan goobo ka xasiloon goobihii markii hore ay  uga soo carareen dagaalada sidoo kale waxaa iyana barakacay dadkii fara ku tirisdka ahaa ee ku harey goobaha markasta ay dagaalada ka dhacaan xaqiiqdii hadddii aad tagto Degmooyinka qaarkood waxaa arkeysaa  Daar Burburey iyo geedo ka soo baxay waxaana aad isleedahay meeshaan maxaa lala dhacay oo sidaan u burburiyey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  aminkhasaaro@hotmail.com

Sheekh Shariif oo dadaal ugu jira sidii ay Xukuumadda Cumar C/rashiid u heli lahayd codka Kalsoonida

Iyadoo dhowr jeer uu baaqday kullankii Baarlamaanka ee lagu doonayey in codka kalsoonida loogu qaado Xukuumadda uu hogaamiyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa haddana waxaa baqashada kulankaasi lagu macneeyey iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka doonayaan in aysan xukuumadda siinin codka kalsoonida kadib markii lagu eedeeyey Xukuumadda Waxqabad la’aan.

Xukuumadda Cumar C/rashiid oo dhawaan la soo dhisay ayaa waxaa dhaliilo u jeediyey qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo sheegay in xukuumadda lagu dhisay si cadaalad daro ah isla markaana aan loo hogaansamin sharcigii ahaa 4.5, waxa uuna xildhibaan qariyey magaciisa sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in kalsooni la siiyo Xukuumadda Cumar C/rashiid, hase yeeshee Madaxweyne Sheekh Shariif oo si dhaqsi leh ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa kulan ka mid ah kulamada Baarlamaanka oo lagu in uu qabsoomo amar ku bixiyey in la joojiyo inta la dhameystirayo khilaafaadka ka dhex aloosan Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Tan iyo markii Dowladda Federaalka lagu soo dhisay dalka Jabuutiwaxaa hareeyey khilaafyo aad u xoogan, mar waxaa is khilaafay guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumadda, mar kale waxaa is khilaafay Xukuumadda iyo Madaxweynaha hase yeeshee faragelin ka timid dibadda ayaa xalisay in khilaafaadkaasi laga gudbo, waxaana haatan muuqata in khilaafkii uu dib u soo laabtay.

Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa mar wax laga weydiiyey waxqabadka dowladdiisa waxa uu sheegay in dowladda intii ay jirtay ay qabatay waxyaabo fara badan balse ay caqabad ku noqdeen kooxaha ka soo horjeeda dowladda, isagoo sheegay in deegaanada ay ka taliso Dowladda haatan lagu soo dabaalay nabadgelyo, waxaase Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid ku dhegan Baarlamaanka iyadoo lagu waramay in Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ay kullan yeesheen kaas oo looga hadlayey sidii looga gudbi lahaa khilaafaadyada jira, maadaama Madaxweyne Sheekh Shariif uu sheegay in caalamka ay diyaar u yihiin Dowladda Federaalka, isla markaana dib loo soo celiyo ammaankii iyo kala dambeyntii.

Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.