Home » Maqaallo »

Maqaal: Koonfur Afrika iyo Soomaali maxaa kala haysto. Q.2aad | C/raxmaan

HORDHAC

SOOMAALAAY DHOOHANEEY,
UMMAD AAN WAX IS DHAAMINEEY,
DALLAANKEEDA CUNTOOY,
DHIIGEEDA KUMARATOOY,
COLAADDA KU DHAASHATOOY,
DHISMIHII QARAN UU LAHAA,
DHAQAALIHIYO HORUMARKII,
MA WIIL IYO GABAR DHINTIYO,
MA DHIIGGA QUBANAYIYO,
MA DHAAWACA DAADSAN BAA,
SOMAALEEY INOOGA DHIGAN,
WIXII DHACAYBA WEY DHECEEN,
DHAWAQA ILLHAYEY IYO,
WAX LOODHIGO NABAD LA WAA,
W/T -MAXAMED WARSAME TABANTAABO.

BILAWGA SAFARKA

NAF ALLE LEH LOOMA DARDAARWERIYO ,AMA SHAR GUDBAN SHAYDAAN XIJAABAN . wa talo saarashada iyo ducada lagusoo ambabixiyo socotada soo beegsaneeyso koonfur afrika oo eheladooda usoo tufaan ,AAMIIN AAMIIN. sahayda duco loo guntay kadib waxaa bilawdo safarka oo loo kala shiraacdo labo jiho lana iskumacsalaameeyo balanteenu waa NAIROBI .qolo waxay socodkooda ka bilawdaa muqdisho loona baxo dhankaas iyo gobolka gedo cirifkiisa xigga xuduud dhuleedka udhexeeyo b/xaawo iyo mandeera halkaasina kenya kagalaan hakashada usoo horeeysana ay tiiksanayaan nairobi waloo qodxa badani ay kasukeeyso .

Farqooyinka xirrsi xireed dulucdiisu hore waxaa looga rifaa madoogaashi oo ah kala bar ka wajeer iyo gaarisa halkaasi oo kuyaal bar kontorool ciidameed waxaana bilaawdo fatashaad haduusan ahayn kaar aqoonsiga (I.D CARD) -KIPANDO qofba siduu uyaqaan askariga kenyaatiga ahi makala garteen somaalida safarka wadaagto maadaama muqaal ka iyo luqada ay kasimanyihiin ,jeeb baarasho iyo isbaareeysi kadib halkaas waxaa loogu soo laqinaa in kenya wax laggu badbaadi karo ay tahay un adigoo sifiican ugu roonaado T.K.K oo ah xarfo lasoo gaabiyay una taagan TOA KITU KIDO macneheeda noqoneeyso bixi wax yar gacmahana kahadal ereyadaas waxay kaduulayaa maahmaahda ingiriiska MONEY TALKS BEFORE WORDS AMA MONEY SPEAKS LOUDER THAN ACTION. isfahan madax furasho kadib geeddigu halkaas ayuu ka siisocdaa oo uu kuwajahanyahay halkii balantu ahayd nairobi .

Safarka oo dheer socotada waxay isku ilowsiiyeen in laisweeydiiyo dhaankii kale halka uu ubaxay ,dhulyaqaan safarka kamid ahaa ayaa yiri “waxay abaareeyn dhanka dooxada juba mariinkooduna noqonayo afmadow-qooqaani-libooyo somaaliya -libooyo kenya -dhoobleey ,balse hubaashu ay tahay waxay soo barmuudeeyaanba waxaa sugeeyso siinka dheer (ama birta dheer) ee kutaalo duleedka gaarisa oo ah balaayo dageen kadaran tiihore (modoogaashi) “-oo maxaa tiri walaaloo ma isbaaro kale ayaa naga horeeyso ?mid baa saa kuqeelshay ,dhul yaqaanka isma lulin sidagan buu ugu jawaabay “allahayoo ninaan wax ogeen ha cadaabin war dhulka waa wada isbaaro CALOOL ADAYGA WAA WEHWL ALLE ee saaxiib adkeeysi muuji ” wali doodii oon dhamaan ayaa soo muuqatay shartii laga sheekeenayay darawalkii baa af labadii ku dhawaaqay birta dheer (siinka dheer) ayaan soo gaarnay dhamaan waa in ladagaa raacii u horeeyay marka ay daateen waxaa indhohooda qabteen dhaankii kale oo meesha waran .”balaayo kudagtay war aan kaduceeysano shartooda ” oday baa soo jeedshay baadi goob duceeyo kadib wadaad yare ayaa lahelay ducadii baa bilaabatay gacmihiina korbaa loowada taagay.

WADAAD YARE ” inkaar-qabe ,
keenyaatiga birta dheer tegeyee,
na asaraaraayey,
af-somaaliguu garanayaa,
loo adeegsadaye,
allahayoo kenyaatiga tirtirsii ,
oo iilka ugu geeysid,
ololka naareed idil haantoodba ,
abrahaba kacbada ilaahey,
Aabi ugu duuliye intii kibirtay,
Abaabiil baa lagu salliday,
oo eber kasiiyeene,
kuwaan harayna waa kenyaatigii,
Allahayow islaam baan nahyee ,
oo diinta aaminaye,
ree baaruhu eber ka sii maanta,
Ehelka shaydaanka—Aamiin.

Aamiin ,ilaahayow u aqbal kenyaati buurya qab ah Alle iyo rasuulba midna looma xariiqin ‘caqiidadiisu waa T.K.K (toa kitu kidogo),salaantiisu waa leta kipande (sharcikaaga itus)hadii lahayn indho mukulaaleed iyo faro calaacaleed ood moodid ugaali kartay (ugaalida waa soor la adkeeyay )ayuu kugu keenaa dhawaaqa dharbaaxshiyo waxaa ka darana xanuun ka iyo raadka ay faraha kugu reebayaan.” ILEEN LIBAAXUBA MAR BUU DAWAC DHALAA OO DOQONTU FAANTAA,waa taariikh diiwaan gashay kenyaati ree baar ah in ay gacantiisu nagaarto ” mid baa kucalaacalay .mid kalaa isxijin waayay oo caro iyo ciil la burqaday

Dilaagii dilaayow,
Dilbaa kuu dambeeya,
Dad kudilyaa iyo,
Dool yaxaas kuqaadayaaba.

Dhacdada oo dhacday axad awgeed in kastoo maalmaha ilaahay ay iskumidyihiin waxaan baroordiiq ooga dhigay hadal uu kushirbay abshir bacadle “AXAD IIDNA WAA A HAYD,AYAAN MADOWNA WAA A HAYD.yuusan hadalka ila durkinee imtixaankii iyo mushkiladii lagusuntay safarkii dheeraa ,mashaqadii iyo baaskii soo taxnaa wuxuu ku e kaa buunda da gaarisa (oo isku xirto gaarisa iyo nairobi) laba dii dhaana waxay rarka kufureen nairobi oo ah barta laga karar qaato iyo halka looga sii ambaqaado geediga ku geenayo koonfur afrika.

FADHLAN HAMOOGAAN QEEBTA 3 AAD IYO SOCDAAL KA NAIROBI .

WIXII KHALAD AH UU YEESHO QORAAL KAANI MASUULIYADIISA ANIGA AYAA QAADAYO.
SIXID IYO TALO WAXAA LA IIGU SOO GUDDBIN KARAA CIWAANKA HOOS KUQORAN.


ibnushiikh114@hotmail.com.
MAHASANIDIIN.
CABDIRAXMAAN SHEEKH MAXAMED.
DOXA /QADAR.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.