Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo la kulmey Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u Qaabilsan Africa

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u Qaabilsan Africa, Jonnie Carson, ayaa shir gacan lagu siinayo dowladda Soomaaliya u qabtay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qaybgashay shirkii Madaxda Midowga Africa ee ka socda Kampala.

Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen madaxda waddamada IGAD, iyo madax ka socoto dalalka Golaha Ammaanka ku jira, madaxda yurub, gaar ahaan kuwa deeqda bixiya iyo madaxda Midowga Africa, kuwa Qaramada Midoobey iyo dalalka diyaarka u ah in ay gacan milateri ama mid horumarineed siiyaan dowladda Soomaaliya.-

Dhammaan madaxdii shirka ka soo qaybgashay, waxa ay ka hadleen in xaaladda Soomaaliya ay marayso meel aan hadal u baahanayn ee gacansiin dhab ah u baahan, waxyaabihii ka soo baxay shirkaas, kuwaas oo si gaar ah ay dowladda Maraykanku u codsatay, waxaa ka mid ahaa in waddan kasta waxa uu dowladda FKM ah ku caawinayo oo la taaban karo in uu ku soo gudbiyo 15 maalmood gudahood iyo in waddan kastaa uu kafaalo qaado mid ama labo ka mid ah hayadaha Qaranka Soomaaliyeed sida Wasaaradaha dowladda.-

Arrimahaas oo dhammaan waddamadii iyo ururadii ka soo qayb galay shirka ay ballan qaadeen in ay ka hawlgalayaan, iyada oo tusaale ahaan dalka Norway ay madashada shirkaba ku ballan qaadday deeqda ay Norway Soomaaliya siiso in ay si toos ah ugu dhiibayso dowladda FKM.

Dowladda Maraykanka ayaana qaatay masuuliyadda mutaabacaynta ballan-qaadyada iyo isku xirka gurmadka caalamiga ah ee Soomaaliya loo samaynayo.

Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo ka Hadley kulankaas ayaa sheegey in dowladda Mareykan looga baahan yahay in ay gacan balaaran siiso Dowladda Federaalka oo uu sheegey in ay dagaal kula jirto wax uu ugu yeerey Argagaxisada wuxuuna kulankaas uu ku soo beegmey xilli ay Dowladda Mareykanka ay sheegtey in aan waxba laga bedeli Karin qaabka ay ciidamada Amisom ku joogaan Somaaliya hase yeeshee Dowlada Federaalka ayaa dooneysa in wax laga bedelo Howlagalka ay ciidamada Amisom ku joogaan Dalka Somaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Taariikhda Magaalada Soomaaliyeed ee Harar | Taariikh uu Sheikh Ibraahim Maxamuud ka jeediyey Minneapolis ka hor 2005.

Waraysi Sheikh Shariif siiyey Aljazeera 2007 oo uu kaga hadlayey badda dheer ee Soomaaliy aiyo Itoobiya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.