Home » Warar »

Minneapolis: Kulan Gargaar Caafimaad ah oo Loo qabtay Bacalwaan

Waxaa magaalada Minnepolis ee gobolka Minnesota ka dhacay kulan gargaar caafimaad ah loona qabtay fanaanka Cabdi Cali “Bacalwaan” oo ay xaalad caafimaad xumo ahi soo wajahday.

Kulankan gargaarka caafimaad ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Bulshadda ee Brain Coyle ee gobolka Minnesota. Waxaa kulankan soo qaban qaabiyay qaar kamid ah hobaladii qaranka Waaberi iyo qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota.Waxaa dadweynihii halkaas iskugu yimid lagu guubaabiyay in ay sadaqaystaan wixii karaan kooda ah si ay u caawiyaan, uguna gargaaran Cabdi Cali “Bacalwaan”.

Dhamaan dadkii halkaas iskugu yimid oo iyagu ku deeqay wax kasta oo ay awoodeen, ayaa hadana waxaa dhamaan tood la faray in ay gargaarkan caafimaad gaarsiiyaan dhamaan ehelkooda, qaraabadooda iyo asxaabtooda, si deeq ku filan loogu helo gargaarka caafimaad ee lagu kaalmaynayo Cabdi Cali “Bacalwaan”.

Kulankan oo dhacay maalintii Sabtida 7/24/2010, ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Fanaaniin, maclimiin, dumar , mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxda Ururada Soomaaliyeed ee u adeega bulshada, dhalinyaro iyo marti sharaf kale, ayaa ujeedaddiisu ahayd in lagu uruuriyo deeq loogu gargaarayo Bacalwaan.

Halkan ka daawo sawirada

Cabdi Cali “Bacalwaan” ayaa wuxuu ka mid ahaa kooxdii ugu horeysay ee lagu aas-aasay Hobaladii Qaranka Waaberi. Baclwaan oo isagu hadda ku sugan Wadanka Kenya ayaa xaaladiisa caafimaad laga deyrinayaa. Deeqda ama gargaarka caafimaad ee la uruurinayo ayaa waxaa laga rajo qabaa in Cabdi Cali “Bacalwaan” loogu qaado wadamo kamid ah qaarada Yurub, si qaliin dhinaca caloosha ah loogu soo sameeyo. Buro ”tumor” aad u weyn ayaa calshoosh kasoo baxday fanaanka “Bacalwaan”, buradan ayaana waxay gelisay heer ay qatar noloshiisu ugu jirto.

Haddaba waxaa qof kasta oo Soomaaliyeed oo damiir leh laga codsanayaa in uu kaalin ka geysto gargaarkan caafimaad ee lagama maarmaanka ah. Wixii sadaqo, deeq iyo kaalmo ah waxaa lagu hagaajin karaa Hobladda Cadar Kaahin iyo Hibo Nuura oo iyagu dhexda u xirtay in mudo ahna ku mashquulsanaa arintan lagu kaalmaynayo Cabdi Cali “Bacalwaan”. Waxaan leenahay dhamaan dadkii wax sadaqaystay ama kaalin ka geystay gargaarkan caafimaad Illaahay ha idinka abaal mariyo Sadaqada iyo kaalmadiina nooc kasta oo ay ahaataba.

Fadlan wixii kaalmo ah la xiriir: 612-229-4839 ama 612-245-6625

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar
Email: abdirahmanmukhtar@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.