Beelaha Hawiye oo si aad uga Caroodey Taalaabada Maamulka Pundland uu ku Masaafurinayo dadka ka soo jeeda Koonfurta:
- Warbixintii: Amiin Yuusuf Khasaaro…
Waxaa maalmahaan Maamulka Pundland ay ku howlanaayeen masaafurinta dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya waxaa ka qaybqaatey Masaafurintaa ciidamada amaanka maamulkaas waxaa dadkaas ay isugu jiraan odoyaal, dhalinyaro , haween iyo caruur waxaana lagu waramey in dadkaas qaarkood ay halkaa degenaayeen muddo aad u fog iyada ay taasi jirto ayaa waxgarad ,siyaasiyiin , iyo odayaal ka soo jeeda beelaha Hawiye cambaareeyeen talaabadaas uu ku dhaqaaqey maamulkaas iyaga oo ku tilmaamey kuwa sii kala fogeynaya dadka walaalaha ah ee soomaaliyeed
Kulan ay isgu yimaadeen odayaasha beelaha hawiye ayna ka qaybgaleen siyaasiyin, Waxgarad iyo Odayaal ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii halkaa ka Hadley Maxamed Cumar Xabeed Maxamed Dheere wuxuuna arrintaas ku tilmaamey mid sii kala fogeyneysa shacabka soomaaliyeed wuxuu kaloo sheegey in arrintaas ay tahay mid faquuq iyo isir neceyb wuxuuna u soo jeediyey maamulka Pundland in ay joojiyaan talaabadaas lagu masaafurinayo dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya
Waxaa kaloo ka Hadley kulankaas Afahayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye wuxuna cambaareeyen falkaa uu ku kacay maamulka Pundland wuxuuna u soo jeediyey Madaxweyne Faroole in uu raali gelin ka bixiyo falkaas lagu masaafurinayo dadka ka soo jeeda koonfurta soomaaliya oo uu sheegey in ay ka Barakaceen dagaalada ka socda koonfurta
Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Siyaasiga Maxamed Faarax Jimcaale wuxuuna cambaareeyey talaabaddaas uu ku kacay maamulka Pundland isaga oo ku tilmaamey mid lagu fududaadey wuxuuna u soo jeediyey in deg deg looga laabto arrintaa
Waxaa maamulka Pundland soo gaaraya cambaareyn kaga imaaneysa qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ka dib markii ay deegaanadooda ka soo masaafuriyeen dadka ka soo jeeda koofurta soomaaliya kuwaas oo ka barakacay dagaalada weli ka sii socda koonfurta iyagoo sheegey in dad barakacay hadana uu maamulka Pundland uu sii barakiciyey waxayna sheegeen in aysan ahayn mid ka turjumeysa islaanimada , soomaalinimada iyo wadaniyada waxayna u soo jeediyeen maamulkaa in uu joojiyo barakicintaas
Maamulka pundland ayaa sheegey in Qaraxyada iyo dilalka pundland ay ka dambeeyaan dad ka soo jeeda koonfuta soomaaliya hase yeeshee waxaa arrintaa beeniyey bulshada ka soo jeeda koonfurta soomaaliya iyagoo sheegey nin aan deegaan ku lahay deegaan kale uu san sameyn Karin waxa maamulkaas ku sheegey.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Walaalayaal waan idin slmy dhamaantii. sln ka dib waxa aad uga xumahay in qof somaliyeed laga masaafuriyo dhul somaliyeed. aniga oo ka soo jeeda beelaha la dhashay pln kana mid ah dadkii dhibaatooyinka iyo isir soocu kaga dhacday muqdisho oo aan ku dhashay waalidkana kudhashay.waxa aan hadana aad iyo aad uga caloolxumaday in weli dad soomaaliyeed lagu dhibayo wixii uu ilaahay ka dhigay oo qabiilkooda ama degaankooda ah. kuwa maanta waxaa ku kacaya ee dadka somaliyeed ee colaadaha iyo xabada ka soo barakacay ku celinaya meelihii ay naftooda kala soo fakadeen waxaan odhan lahaa dhibaato iyo ceeb awelbanu ka dheregnay hadaynu somali nahay unaxariista dadka dhibataysan oo yaan la ciqaabin qof aan denbigaysan oo shicib ah.run ahaantii waxaan anigu shiqsiyan qabaa dadka dhibta ka gaysanaya Boosasa ee dadka laynayaa in ay yihii dadka degaanka u dhashay sababta oo ah qof soo qaxay isagaaba dhibane muxuu dhibi karaa. Hadiibase ay jirto hala hubiyo ooqofkii galay denbiga halagu qaado. balse yaan bartimaameed laga dhigan shicika masaakiinta ah ee meel ay seexan karaan habeenkii raadina,Dadyaw soomaliyeed Alle hala cabsado oo dulmiga dhexdiina ah joojiya.
Waxaan ka xumahay in dad Soomali eh lagga masaafuriyo dhul Soomaaliyeed.
Dadkaan Boosaaso lagga masaafuriyay waxay u yimaadeen Boosaaso hal sabab. Uma imaanin Boosaaso inay nolol cusub ka sameystaan oo dagaan. Badankoodda waxay u yimaadeen inay ka shaqeeystaan Boosaaso ilaa lacagta Doonta laggu tahriibo ay helaan.
Ujeedaddooda ay u joogaan Boosaaso waa intaa. Si ay u helaan lacagtii ay ku tahriibi lahaayeen.
Aad baan ugu raacsanahay in Faroole u bilaabay in dib ugu celiyo guryahoodda dhalinyaraddaan rabo inay u tahriibaan Yemen.
Dhalinyaradaan waxay noqdeen dhlinyaro oo laggu adeegsaddo dilalka qorsheysan ee Boosaaso ka socdo ayagoo loo balanqadayo lacagtii ay ku tahriibi lahaayen.
Marka aad waxaan uga Xumahay Odayaashe Howiye in ay Mashquul iskagga dhigaan arintaan Puntland ka socoto oo ah laba nooc: Badbaadinta Dhalinyaradda Tahriibka u joogga Boossaasso iyo La dagaalanka dilka qorsheysan ee ka socda Puntland. Waxaa wanaagsanaan laheyd inay Mashquul iskagga dhigaan sidii ay u joojin lahaayeen dagaaladan ka socda Xamar iyo Southka oo maalin walba Kumunaan reer South eh ka qaxa Xamar iyo nawaaxigeeda.
runtii anigoo ah muwaadin soomaliyeed, islaam ah aad baan uga naxay falka foosha xun ee faroole iyo ragiisu ku tarxiileen muwaadiniin dhulkooda jooga, waxaase hubaa falka faroole ku dhaqaaqey in uusan isaga ka imam balse itoobiya u soo jeedisay isaguna uu u fuliyay sida itoobiya ku amartay, danta itoobiya ka leedahayna waa in ay dhibaato aysan soomali isugu iman kala dhexdhigto min qoys ilaa qabiilooyin. aad baan uga naxay faroole markii uu yiri ugaadeen afsoomali bay ku hadlaan ee soomali maaha, waxaa xigay in uu dad xabad amxaaro, dagaal ooge, iyo waxa hada loogu yeero unisom ka soo cararay in uu dib u maasaafiriyo isagoo leh dhulka uma dhalan, waxaa yaab leh isagu garoowe ayuu ku dhashay bosaso canshuur buu ka qataa kuma dhalan isaga iyo kuwa leeyahay dhulka uma dhalan bosaaso waa u siman yihiin. waxaa isaga igala daran dadkii la oran jiray waa wax garad puntland waxa ku dhacay ee foolumada ay uga aamuseen.
nin walba in uu dhib sameeyo, wuxuu doono ku hadlo, dalka cadaw u gacan geliyo waxaa sababey weli qof dalka iyo dadka denbi ka galey laguma ciqaabin denbiguu galey, markaas waxaan u sheegi lahaa dadka soomaliyeed in ay maalin uun ku ciqaaban dadka uu faroole ka mid yahay dunuubta ay soomali ka galeen
C/qani waxaan leeyahay soomaalidu waxay u wada shaqeyaan ethopia in yar maaheee, sida shariif iyo ragiisa, somaliland, ehlu sunna iyo kuwo si dadbay ugu shaqaya sida kuwa dhibka wada iyo kuwa kale mar yaan cidna lagu takoorin shaqada somalida kawada dhaxaysa.
midda kale reer puntland waxay abaal kuleeyihin soona dhaweyeen koonfureed boosaasona waa hooyada soomaali oo dhan illaa kuwa daga kenya, ethopia iyo koonfurta soomaaliya mar ama ha kululaato ama ha qaboobaato waa hooyada soomaaali maanta waana meel alle abuuray isagaana ugartay sida ay noqonayso.
TO : Jaamac Walaal, Assalamu Caleykum-ta haddalka lagu furo iyo Wabbillahi Towfiiqda dadka qaarkii ay ku gunaanadaan, misana aan dhabta ka aheyn, waa waxa Soomaali haligay. Diinta Islaamka oo been laga sheego, beena looga marqaati furto, Fadeexada iyo nabsiga laga galay, waa waxa Soomaali halkan dhigey, haba ugu daraato Muqdisho.
Walaal cidna uma aanan gafin, Axmed Diiriyena waxa uu yahay uunbaan ka sheegay, shalay waatuu qeyli jirey maanta mee, shabaab anagaa dhalney joojina karna kol haddey Ethiopianka Caasimada ka baxdo waatuu dhihi jiree, mee maanta ! Maxaa is bedalay ? Ma nabad baa soo koradhay ? Cabdillaahi tag Axmed Diiriye tolkiis mey tashtaan oo ay maatidooda, carruurta, dumarka iyo waayeelkooda badbaadiyaan.
Balse waxaa nasiib darro ah in shalay kuwii Amxaarada wax ka sheegi jiray ay maanta u habar wacdeen, darajana ku raadsadeen DFKGS ee taagta daran, Waa Shariifyada Is dulsaaran iyo gollayaashooda shacabka. Waxaana ka sii daray Sheekh Cumar Fuuruuqi shalay cidii ciidamo shisheeye iyo Amxaaro ama reer galbeed la hadasho dhihi jiray ; ” Waa Gaalo “, maanta isna in uu yiri ; Maslaxada dalka ayey ku jirtaa in ciidama shisheeyo dalka soo galaan koley ahaato waddama Deriska ah.
Tarzanka Gudoomiya gobolka Banaadir laga dhigay iyadoo inta badanba laga heysto Caasimada iyo, Eng. Yariisowgii Wasiirka doontay, shalay waateey mudaaharaadyada ka dhigi jireen London, maanta Alleylahee waxay miciin badeen Ugandes ,Brundi iyo Ethiopian, madaafiicdana Madaxtooyada ay degan yihiin looga soo rido shacabka taagta daran,
Gumaadkii shacabka iyo Qeybinta madfaca in uu ka sii daray mooye kama soo reyn, meeye kuwii mudaaharaadi jirey, meeye kuwii oran jiray Muqdisho ayaa beel ahaan loo xasuuqayaa ; Ma weysan kuu muuqan Boohintu in ay Orgigu Ka Weyn Tahay. Jaamac taa ka hadal, walaal ee waxba ha difaacin Axmed Diiriye, isagaa maanta duleysan.
Mushkilada Soomaaliya guuda ahaan iyo Muqdisho gaar ahaanba, Allaha ka qaado, balse inta ay Munaafaqiin Diinta beenta ka sheega iyo Mooryaanta hanti guud ee Qaran iyo midii gaar ahaaneed ee shacab shalay dhdacay ay odayo sheeganayaan horna boodayaan, Mindhaa Caasimada Muqdisho waligeed ma degto. Tallo se Waa Tan Rabbi.
hadaan ka hadalo canbaareynta axmed diiriye waa sax oo dadkuu musuulka ka haa ayaa waxaa loola dhaqmay is wa xuush nimo ah marka waxaa la oran karaa axmed waxa oo ku hadlay waa waxuu oo ku hadli lahaa mus uul dadkuu musuuka ka yahay la dhibaateyay ee inanka ku soo goobay dal jir magciisa waxaad tahay jiir haan ku weynaaday ee hadaan kuunfurta imaam laheyd waxa ayaa kuu baxi lahaa maxaa yeelay dadka waa dad walaalo ah sida aan la socodo anig am aan garanyo reer puntland waa dad jecel martida marka lago reebo maamulka faroole oo ku dhaqaaqay waxa aan diin ahaan u habooneyn waxaan arki jiray somalia laga soo tag xiiro sacuudiga ee bossoso sow tii aan naqiinay kululka badneyd ee dadka somalia dano badan ayaa ka dhaxeeyo oo kuunfurta dadka maanta gancsig ku haysto waa reer boososo iyo garawe hadii la dhaho waa gaalo oo lacag ayeey ethopia u diraan ka warmo marka waxaan oran lahaa salaadiinta reer puntland waa in ay ka bixiyaan jawaab deg deg ah hadii kale maamulka u shaqeyo xabshida waxa ay ugeysteyn shacabka maatida raali ayaad ka tahiin reer puntland oo dhan tan kale dadka la soo raafay waa dadka ka xoogsan jiray boosaso ee maxey geysteyn ku waxa qasyo waa afraad reer bossos ah ee sidaasi waxa u garato oo ilaah ka baqo oo daayo dadka ka soo qaxay madaafiicda gaalad iyo
Daljir, walaal hadaad u caytamayso maxaa looga hadlay dadka lasoo tarxiilayo waad ila qaldantahay balse soomalidu waxay ku mahmaahdaa “Bowdya rag midba maalin ayay qaawantahay” Ilaahay waxba lama ahan waxaana uma waayin dadkaan la tarxiilayo in uu siiyo nabad iyo naruuro laakiin waxaa cad in ayaga dad lugu itixaamayo Puntland hadii ay nabad haystaan ilaah ha u siyaadsho Balse haday soomalida kale kamaarmaan waqtigeeda ayaa la sugayaa dhinaca kale Odayga aatiri guri islaameed ayuu dagan yahay waxaan moday in filnkaas Amxaaro iyo c/laahi yuusuf in uu raacay maxaa yeelay hal ku dhigyadaas waa kuwii xiligaas larabay in dadka lugu qaldo soomali waxaa qarabiy kutirikuteen aan meelna gaarin Balse arimaha qaar waaninkeed dhiba eemahan wax cidkale dhibaya ama quseeye. wabilaahi towfiiq.
aad iyo aad baan uga xunnahay hadaanu nahay shacabka soomaliyeed dhibka intaa la eg in lagu la kaco shacbka waxaana leenahay ka raali noqda midda kale waxaa nasiib xuma ah maamul 10sano jirsaday in uu ku kaco ceebta intaa la eg waana ciyaal suuqeen heerkii ugu xuma.
Af hayeenka beenta ah ee sheegta Beelaha Hawiye waxaan filayaa in uu iminka dib u soo noolaadey, ka dib markii uu in muddo ah ku dhuumaaleysanayey god sida midkii Saddam Xusseen ku dhuuntay oo kale uu ka galay kooxaha Al Shabaab, ka dib markii ay isaga bar tilmaameed ka dhigteen, ku dhaqankiisa xun ee qabiileed iyo shaah ku doonka sheegashada ku hadalka magaca wakiilnimada beelaha Hawiye.
Axmed Diiriye, waa nin ka faa’ideysta isku dirka iyo colaada beelaha Soomaaliyeed, maantana in uu yidhaahdo waxaan u hadlayaa dhibanayaasha laga soo musaafiriyey Bossaaso, waa mid uu doonayo in uu masraxa siyaasadeed dib oogu soo laabto, isagoo la ogsoon yahay in uu dhex degan yahay guryo uusan laheyn iyo hanti uusan shaqeysan oo xaaran ah, sidee buu xaq ummad kale ooga hadli karaa ?
Runtu se waxay tahay, aningoo dhalsha ahaan ka soo jeeda degaanada Puntland, qafaalka iyo musaafirinta dadka degaanada Kuunfureed ka yimid lagu sameeyey guud ahaantood waa mid aanan si fiican looga fiirsan, laguna degdegay, tahayna siyaasad xumo uu la yimid Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Farroole ka dib markii uu ku fashilmay nabadgelyada iyo horumarka Puntland intuu xilka qabtay. Xaqiiqdii wey jiraan dad qas wadayaal ah ama magac diineed ku yimid ama mid siyaasadeed ee ku talla galay in ay Puntland kala mid dhigaan sida Muqdisho oo kale, balse habkani ma aheyn habkii shacabka Soomaaliyeed ku kasban laheyd maamulka Ina Faroolle.
Macnahu se ma aha in shaqsiyaad aanan waxba galabsan loogu aaneeyo qas wade la garan waayey sidii loo qaban lahaa. Dadka se raba in ay arrimaha hab siyaasadeed oogu faa’ideystaan ee ka dhigay in shacabka reer Puntland ay ka wada raalli yihiin, waxaanu leenahay fidnada iyo colaada aad rabtaan in aad beelaha soo kala dhex dhigtaan Alle idinka ha idin ku koobo.
Dr. Maxamed Faarax Jimcaale, maadaama ay isagu dhaleen reer abtina u yihiin Dr. Farroole beesha uu ka soo jeedo, waxaa haboonaan laheyd inta uu iska dhex muujinayo siyaasi beeleed, bal marka hore in uu isagu si gaar ah oola hadlo Abtigii Farroole, waxa waaley ee uu arrintan oogu degdegay.
Xaqiiqdu se waxa ay tahay, qorraalada arigtiyada maanka gaaban ee ka soo baxayo Websiteyada afka dheer ee aanan afkaarta iyo caqliga waanagsina kaaga soo kordheyn sida Dayniile iyo kuwa la midka ah, ma filayo in ay wax badan ka badali doonaan xirriirka ganacsi ama wada dhalasho ee Soomaaliweyn u dhexeeya. Qas wadayaalkuna ama Kuunfur ha ka yimaadeen ama Waqooyin, mise kuwa degaankaba u dhashay, waxaa habaan in gacan adag oo aanan gabasho laheyn la isaga qabto, adigoon qof aanan waxba galabsan u gafeyn.