Home » Warar »

Boqolaal qof oo laga Raafay Puntland, dadkaas oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya

Ciidamada nabad sugidda dawlad goboleedka Puntland ee Woqooyi bari ee Soomaaliya ayaa raaftay boqolaal qof oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Puntland Yuusuf Axmed Khayr ayaa arbacadii sheegay in dadkaas la raafayo ay yihiin kuwo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ee dagaalku aafeeyey, sidaas waxaa werisey AP.

Khadiijo Daahir oo u dadka u dooda ayaa sheegtay in la tarxiilay 500 qof. Waxayna arrintaas ku tilmaantay “Wax aan la aqbali karin oo xad gudub ku ah dadka soo qaxay ee aan dembiga lahayn ee weliba ka soo qaxayay dhibaatada.”

Dhanka kale waraysi uu idaacadda codka maraykanka siiyey madaxweynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayuu ku qiray in uu jiro in dad ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya laga qabqabtay Puntland.

Sida ay sheegtay idaacaadda codka maraykanka ee VOA “wuxuu Madaxweyne Faroole ku qiray in Maleeshiyo hubeysan oo taabansan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin dhul buuralay ah oo u dhow magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegay in maleeshiyadaasi uu hogaaminayo nin magaciisa lagu sheegay ATAM, iyagoo muddo sannado ah isku uruursanayay halkaasi.”

(Waraysigaas VOA halkan ka dhegeyso )


Hundreds deported from autonomous Somalia region

(AP) – July 21, 2010

MOGADISHU, Somalia — Security forces from Somalia’s semiautonomous northern region of Puntland are rounding up hundreds of southerners whom officials say pose security threat.
Security Minister Yusuf Ahmed Khayr said Wednesday the crackdown targets people who came from the war-raved southern regions.

Puntland, which declared itself an autonomous state within Somalia in 1998, has generally been spared the violence that has wracked much of Somalia’s southern and central regions.

The region is afraid that the violence in the south may spill over into its territory.

Activist Khadija Dahir said about 500 people were deported. She called the move “unacceptable and clear violation against innocent refugees who fled from violence.”

Source: AP

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Boqolaal qof oo laga Raafay Puntland, dadkaas oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya "

  1. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum
    Balo, Rabbow balo naga hay, aamin.
    Akhyaarta meeshaan wax ku falanqaysa hadaan waxyar kudarsado faalooyinkiina, waxaad moodaa inaad labo daraf kala taagan tihiin: Qayb u aragta inay dulmi, insaan darro iyo yaxyax tahay waxa Puntland ku dhaqaaqday iyo qayb u aragta inay xaq iyo amni dhawrsasho tahay.

    Waa labo aragti oo kala duwan oo ixtiraamkooda leh, laakin waxay muujisaysaa Somalidu sideedaba inay istaagto daraf (right) iyo daraf (left) maahane meel dhexe inaysan waxba ku miizaami karin, sidaa awgeed oran lahaa bal yaysan caadifad na qaadine aan miizaanka saarno ficilka Maamulka PL.

    1) Dhan markii laga eego
    Qowm walba xaq ayay u leeyihiin ciddii gurigooda ka kharibaysa inay sharci la tiigsadaan, kadibna xukun lagu rido hadii laga garhelo qofkaas. Xukunkaa noqon karaa musaafirin, xarig ama wax kasii wayn. Tusaale ahaan Somalida dunida ku kala firirtay, meelo badan laga soo dhaweeyay oo laga siiyay sharciyo sida dadkii udhashay, laakin hadana meesha kama marna in dad badan oo badan oo Somali ah dhagta la qabtay oo waddamo badan laga saaray, laguna soo daadshay qaybo kamida Soomaliya ama Africa, danbiyo waa wayn ee ay galeen awgood, qaybo kalana xabsi kabadan 20 sano lagu xukumay oo halkaa cimrigooda ku qaadan doonaan.

    Marka arinta markii dhanka nabadda iyo masaalixda guud laga eego, waa arin xaq loo lahaan karo………….Ha degdegin, inta hoose sii akhri.

    2) Dhanka kalese markii la eego, wuxuu qofka caaqilkaa iswaydiin karaa horta Puntland matahay meel si cadaalad leh xukun la isku soo hor istaajiyo oo qofkii daalim ahna gacanta laga qabto, kii aan daalim ahayna lasii daayo? Anagoo Haa iyo Maya ka doodin, jawaab waxaa nagaga filan, haday ahaan lahayd, Soomali oo dhan halkaas ayaa laga maamuli lahaa.

    Waxaa kaloo iswaydiin leh Maamulka kajira ma yahay mid utaagan dhawridda masaalixda Somalida dagan PL? Mise isagaa ka qas iyo fawdo badan kuwo la qafaalayo? Arinkaan jawaabteedana qof walba oo waxgarada wuu arkaa.

    Gebogebo
    Hadaba markaan isbarbardhigno labadaas qodob, waxaanan isku diidi karin, in daalimka gacanta laga qabto, fitnada uu wadana xukun lagu rido, si amniga iyo masaalixda umadda loo dhawro, laakin hadana waxaanan ka indho saaban karin, inaysan Puntland kajirin xukun kusalaysan cadaalad iyo masaalix caama dhawrid iyo u danayn shacabka deggan gobolkaas. Balse waxgarad badan tuhunsan yihiin amni iyo xasilooni darada gobolkaas inay sabab u yihiin qaybo kamida dadka Maamula ama soo maamuli jiray iyo quruumo kale oo ay gacmo saar la leeyihiin.

    Sidaa darteed waxan ku afjari karnaa hawlgalkaas kasocda Puntland inuusan ahayn cadaalad iyo insaanimo, laakin hadii labadaas la helo ay Puntland xaq u yeelan karto wixii fawdaa inay iska qabato.

  2. Ahmed says:

    Qofkastaba xaq ayu u leeyahay in uu ilaliyo nabada gurigiisa,,,Darwiish adugu aqli ma lihid waligaaba qori ayad u qaadi jirtey dadkale Dagalna ku jirtey 150,sano oo bila aqli ah,wax baro,Sayidkii,Siyad Bare,Alshabab,yaa ku xiga?Darwiish waxba ha iska dhisin reer koonfureed horta la heshii walalaha.

  3. a.ali says:

    Axadka isku magacaabay A.Abanur, sax ma ha in dadka koonfurta ka yimid ay yihiin qaswadayaasha Puntland, waayo waxay ka soo carareen xabbad iyo dhibaato iyo dagaal sidee bay markaa qori inta u qaataan dagaal uga bilaabaan puntland. taasi waa waxaan maskaxda gali karin. waxay la mid tahay Kenya oo markay busaaradeysato qafaal ku bilowda soomalida tiraahdana ayagaa nabadgalya xumada u sabab ah.
    Dadku miyaaney ilaahii abuurtay ka baqeynin, walaalkaa hadduu qaldan yahay ha ku raacin qaladka, puntland inay amxaarada ka xamaasha ay dayso, walaalahoodna qafaalaan sax ma aha ee ha ku raacin, dhinac iyo dhul baa is lehe, walaalow yeysan caadifadi ku qaadin.

  4. Moahmed Haji says:

    Waxaa nasiib darro ah in dadyow Soomaaliyeed oo kugu dhex nool in aad heyb-soocdid oo aad tarxiil iyo shuqul shisheeye kula kacdid. waxaa xusid mudan in Soomaalida o dhan ay maanta qaxooti ku yihiin dunida daafaheeda.
    waxay aheyd 2 bil ka hor goortii BBC iyo VOA ay wareysi la yeesheen dhalin ka soo jeedo PL o ka badbaadday tahriibkii Liibiya, marka arxan darida iyo naxariis darada yaanu astaan idin noqon walaalayaal. dhaqankii suubanaa, diintii iyo qawaaniinta caaalamiga ahina yaan la dhinac marin.

    Mahadsanidiin.

  5. darwiish ssc says:

    amxaarku ha shaqaysto somaliga xamar hala saaro wa wax kasocda bosaso waqooyibari somali runti waxan socda wa wax ayaan daro kudhacay wana waxa an qof somali cadi ah ogolayn lakin tani mudo ayay soctay waxayna kubilabantay marki gobolda waqoyiga laga saryay dadka jareerta ah iyo raxanwaynta iyo reer galbeedka kadib waxa xigay mamulka waqoyi bari oo isna leh reerkonfur aragtaba qarax aragtay o sidasan usarayna lakin shekada ma ah wax shaqo ay kuledahay somali waxan huba in amxarka xamalka ka ah bosaso u ka danbeyo una ku amarayo ina faroole waxa kuso gunanadaya reer bari awalba rajo malahayn oo wa iska malay dabate bal wan egna meshay geyso midhah ay tabcanayan wax ku darilaha in bulshada reer kunfurka ay ogadan in arintani kali ku tahay kuwa shegta puntland

  6. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waa arrin xaq ah in ay Buuntaland amnigeeda ka shaqeyso, una marto dariiq kasta ee ay ku sugi karto, diinta Islaamka ayaa qabta qofkii magaalada uu degan yahay laga masaafurin karo haddii uu amniga khatar ku yahay, sidaa darteed, soomaaliyey iska daaya Buunbuunista aan ummmadda waxba u soo kordhineyn, cid kastana haku dadaasho Amniga magaalada ay taladeeda ka go’do, hana lagu dadaallo in cid kasta ee dadaal ninaca Amniga delka Soomaaliya qeyb ka qaadaneyso in aan wax laga sheegin, loona fidiyo Hadallo dhiiri gelin ah, si dalka looga sifiiyo kuwa Dambiilayaasha ah ee dalalkooda dembiga ka soo galay, iyo kuwa Soomaaliyeed ee ayaga dabada ku wata ee Maslaxadooda tahay in dhibkaan lagu jiro, aana filayo in ay yihiin kuwo maslax gaar ah ka wada dhexeeyo, haddaba, waa in Ummadda Soomaaliyeed ku baraarugaan inta ay goori goor tahay fidnada dhexdooda la doonayo in la dhigo, kana faa’iideystaan maanta Caalamka tixgelinta ay u hayso umadda Soomaaliyeed ee dagaalada daashadeen, waxaan filayaa qof kastaba in uu ka qeyb qaato dadaalka looga jiro sidii Amniga iyo kala dambeynta dalka looga soo celin lahaa.

    WABILLAAHI TOWFIIQ

  7. Xassan Yare says:

    Waa arrin dhalineysa murugo hor leh oo ka sii daran Al-Shabaabka calanka madow wata. War Somaliland oo intaas radineysay in aay GOONI U GO’DO
    ficilkaan oo kale ma aaysan sameyn.
    War Etipianka maad marka hore iska saartaan inta aad walaalihiin saareysaan?
    TUBTA TOOSAN ILAAHEY HA IDIN TUSO.

  8. Magan says:

    Waa waxaanan loo qaadankarin in dad soomaaliyeed haybsooc saqda dhexe habeenkii guryahooda lagala soo baxo oo loo masaafuriyo meeshii markii hore ay uga soo qaxeen nabadgalyo xumo awgeed.
    Runtii waa arin aad iyo aad u foolxun keenaysana inay sii kala fogayso somalida dhexdooda .
    Waxay ila tahay waa in laga fiirsado arimahan oo kale waxaa laga yaabaa in dad kale ku luleeyihiin amaan darada boosaaso, waxaa laga yaabaa in ethiopianka meesha ka xamaasha oo qaarkood laga yaabo sigret agent inay ka dambeeyaan . waxaan odhan lahaa dadka reer puntland in aanay raali ka noqon waxa walaalahooda somaliyeed lagu sameynayo hadii kale waraabuhu cidla ayuu berito kaa heli.