Home » Maqaallo »

Ciidamada Shisheeye iyo Mustaqbalka Dalka Soomaaliya | Daadurey

Markaanu dib ugu noqono gumaysigii iyo ciidamadii Talyaaniga iyo Ingriiska ee Soomaaliya yimi waxaan marna aan la illoobayn dhibaatooyinkii iyo xasuuqii Aadane ee ay u gaysteen Shacabka Soomaaliyeed ee xaq u dirirka ahaa ee la doonayey in xoog lagu gumaysto, si kastaba ahaatee taariikhda ayaa xusaysa goobihii taariikhiga ahaa ee ay Xasuuqyada ka gaysteen Ciidamadaasi shisheeye sida “Maallintii Hannoolaato, Dagaalladii Jannaalle ee loogu magac daray Kelli Asaayle,oo hal maallin oo kelya ay 1000 -Hooyo qaaday “Asay” Dhaxtuur, Xaawo Taako, iyo S.Y.L oo dhammaantood ka dhacay dhinaca koofureed ee Dalka Soomaaliya oo ay gacanta ku hayeen Ciidamadii Talyaaniga ee Fashistiga ahaa, calankoodiina uu dhacay maallintii xornimada ee 1960kii.

Waqooyiga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa iyana gacanta ku hayey Ciidamadii Ingriiska ee Shacabka Soomaaliyeed ku hayey xasuuq aad u darran goobo fara badanina oo lagu dagaallamay Ciidamada Ingriiska loogu geystay jab iyo halaag aad u darran, sida Buurta Sheekh, Saylac, Qalcadihii Taleex ee Daraawiishiitii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, iyo goobo kale oo ka tirsanaa Waqooyiga bari ee Soomaaliya, Gobolada Dhexe iyo Koonfurta Dalka Soomaaliya oo dhan
Ciidamadani gumaysiga ahi waxay awoodda saareen sidii ay Soomaaliya u sii kala jejebin lahaayeen Goboldada Dalka .

Haddaba, riyadii gumaystuhu waxay dhab noqotay markii Soomaaliya uu ka dhacay Dagaalkii Sokeeye 1991-kii taasi oo ujeeddooyinkii Ciidamadii shisheeye ay lahaayeen ay u hergashay kaddib markii ay Dalka dib ugu soo noqdeen Huwantii reer Galbeedka ee la magac bxay UNISOM kana gestya xasuuq aad u darran shacab rayd ahina ka qaxiyey goobihii ay hore u degenaayeen iyagoo u adeegsanayey Hub aad u culus oo cusub tijaabana u baahnaa in lagu tijaabiyey shacabka raydka ahaa ee waxba aan galabsan iyagoo weliba ku sugan dhulkoodii hooyo oo ay u dhasheen, taasina ay tahay mid aan markhaati u baahnayn oo la hayo raadkii iyo taariikhdii xasuuqa iyo dhammaan waddamadii ka qayb qaatay Xasuuqaasi.

Waxaa su’aal is weydiin mudan ah ciidamadan shisheeye ee maanta ku sugan Dalka ma kuwa u yimi inay nabadda sugaan baa ?mise waa kuwa u yimi inay Dadka Soomaaliyeed Xasuuq u geystaan? Jawaabta su’aashani waa mid uu garanayo qofkii waxgarad ah; laakiin shacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabad iyo inay Aayahooda ka tashadaan taasina waxaa lagu gaari karaa in dhammaan aannu kawada shaqayno dib u heshiisiinta shacabkan Walaalaha ah ee Dhiigoodu uu ku daadanayo Dhulka, Ciidamo shisheeye oo aan u arxamayna ay Dalka ku sugan yihiin Dowladda iyo Baarlamaankuna ay Dan moodayaan joogitaanka ciidamadan shisheeye, laakiin ay caqabad ku tahay geedi socodka nabadda ee Dalka Soomaaliya.

Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ee la dagaalamaya waxaa la gudboon inay Dagaalkooda ku xadeeyaan gudaha Dalka Soomaaliya, sababtoo ah waxay abuurayaan kalsooni darro iyo tuhun dhibaatooyin u geysan kara Dad aan waxba galabsan oo deggan Dalalka kale ee Dunida, isla markaana abuuri kara Cadaawad aad u weyn oo ku baahda Dunida oo dhan , sidaa darteed waa inay dib u eegaan Kitaabka alle iyo ficillada ay ku kacayaan , waxaa la doonayaa sidii Nebiga Maxamed CSW uu ugu qeexay Magaca Qofka Muslimka ahi “Waa Qofkii Carabkiisa iyo Gacantiisa laga Ammaan helo” macnaha iyo qeexidda ka dambaysaa xadiiskani qof waliba waa uu garanayaa lamana bedeli karo ,waxaadna ogaataa in markii aad aargoosi ku samayso qof aan dembi kaa gelin ay noqonayso fulaynimo ;aadna abuurayso Cadaawad qoto dheer oo ku baahda Dunida oo dhan badbaadi Diintaada, Dalkaaga iyo Dadkaagaba kuna dadaal inaad nabad wax ku raadiso.

Xuquuqda Aadanaha iyo Ciidamadan shisheeye ee Dalka ku sugani ,Dowladda iyo dhammaan kooxaha ka soo horjeeda, waxaan ugu baaqaynaa Dunida Caalamka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Dunida inay wax ka qabtaan Dhibaatadan baahday ee Xasuuqa, Barakaca, Gaajada iyo Cudurada ee la soo deristay Shacabka raydka ah ee ku nool Dalka Soomaaliya gudihiisa gaar ahaan koonfurta caasimadda Dalka iyo agagaarkeeda oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Shisheeye iyo kooxaha ka soo horjeeda weerar iyo weerar celisna ay isugu weydaarsanayaan Hubka culus iyo Madaafiic taasoo ay argagax gelinayso Dadka raydka ah ee ku nool gudaha Dalka Soomaaliya waa in si deg-deg ah wax looga qabtaa, sababtoo ah Hay’adaha warbaahinta sida BBC-da iyo VOA-du waxay sheegaan oo keliya inta Xabbada ku dhimatay waxaase ka sii badan inta maalin walba u dhimata gaajada iyo cudurada taasi macnaheedu waa la garan karaa.

Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanayd Ciidamada Shisheeye iyo Mustaqbalka Dalka Soomaaliya, ayaanu waxaannu ku soo koobayaa Xabbadi Xal ma ah Ciidamo Shisheeyana Soomaaliya Xal nabadeed kuma soo dabaali karaan, laakiin waa in aannu garanaa in nabbadu ay iska imaan karin ee la doonayo in aannu dhammaanteen kawada shaqayno, Culimada , Aqoonyahanada, dhallinyarada, waxgaradka, Odayaasha iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed waa in lagu dadaalo sidii loo badbaadin lahaa Xasuuqa loo gaysanayo Dadka maatida ah ee ku nool Dalka gudihiisa oo lagu dul Dagaalamayo habeen iyo maalinba Dhiigga iyo Dhaawacuna uu sii kordhayo, taasina Xal ma ah Soomaaliyeey dib isu eeg oo dib isu qabo.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.