Home » Announcements »

Rajo ka muuqata dhalinta Soomaaliyeed ee ku howlan ciyaaraha ee jooga qurbaha..!

Waxaa iminka ka soconaya magaalada Stockholm ee dalkan Sweden ciyaaraha Xagaaga ee SEUKI 2010 kuwaasoo ay ku faltamayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalal ka duwan balse ka mideysan ciyaarista kubada cagta oo ay jecelyihiin inay mustaqbal ka sameeyaan.

Halkan ka daawo sawirada

Intii aan joogey ciyaarahan oo furmay Isniintii tagtay waxaan indhaha u bir yareeynayay qaabka, abaabulka, isfahamka, farsamada iyo akhlaaqda ciyaartooyda kasoo xaadirtay tartanka, waloow ay jiraan waxyaabo badan oo sixitaan ubaahan iyo kuwo aan khibrad ka maarmin misna waxaa xaqiiqa ah inay kooxaha ku badan yihiin laacibkii berito iyo mustaqbal la sugi karo ama la saadaalin karo.

Maadaama aanu tartanku ahayn mid ay iskugu yimaadeen xirfadleey (Profesionals) waxaan misna meesha ka marnayn in maanka lagu hayo inay jiraan laacibiin fara badan oo qaab jar ka boodo ah ugu jira kooxaha kala duwan kuwaasoo hadii la xulo fursadna la siiyo uu kasoo bixi karo ugu yaraan xul dibad joog ah laakiin xoogan, xusuuso xulkii Croatia ee semifinalka yimid koobkii EURO 96 waxay u badnaayeen dibad joog maadaama uu dalkoodu xiligaa dagaal kula jirey Serbia, sidoo kale marka aan leeyahay xul dibad joog ah maaha inaan dhayalsanayo laacibiinta ku sugan gudaha dalkeena Soomaaliya laakiin ugu yaraan laacibiinta qurbaha joogaa iminka way soo bexeen oo waxaa jira yididiilooyin soo bidhaamaya marka waxaa laga dhigi karaa aasaas.

Waqti xaadirkan ciyaaraha Soomaaliyeed kama marna waxyaabaha la baaba’ay astaantii qaranimo ee baryaba burbursaneyd laakiin waa waxa qura oo boorka laga jafi karo hadii la helo niyad Soomaaliyeed iyo ahal isboorti oo ay ka go’antahay soo nooleynta qabkii Soomaaliyeed ugu yaraan dhanka kubada cagta, xusuuso guushii ay da’yarta Soomaaliyeed dhowaantan kasoo hooyeen dhigooda Kenya taasoo na baraysa in aynaan weligeen taagnaanin dowlad ma lihin ee aanu qabano wixii aan ka gaarno.

Hadii aan usoo laabto kulamadii galabta dhacay ee tartanka SEUKI 2010 waxa lucbadii hore fooda isku daray kooxaha Australia Vs Denmark waxaana 1-0 ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysey magaca Soomaalida Australia, ciyaartaas ayaa waxaa ka dhacday wixii ka dhacay kulankii wareega 8-da ee koobka aduunka ee dhexmarayay dalalka Ghana iyo Uruguay oo uu Asamoah Gyan gool ku laad loo dhigay daqiiqadii ugu dambeysey ku dhuftay birta taasoo ahayd wixii dhacay, iyadoo gool hayaha kooxda Denmarka uu gool rigoore ahaa isla daqiiqadii ugu dambeysey ka khasaariyay kooxdiisa.

Ciyaartii 2-aad waxaa iskaga hor yimid kooxaha Rågsved ayaa 3-0 ku xaaqday xidigihii Oslo Stars, iyadoo ay kooxda Rågsved u muuqatey koox u qalantey guusha ay gaartey maadaama ay u ciyaaraysey qaab aad loola dhacsanaa marka ay timaado sida ay jaanta iyo ciyaarta ay isula helayeen.

Shalay waxaa cayaaray Leicester Vs Neutral (Gothenburg) 2-0, iyo Ilamos (UK) Vs Dahabshiil (Norway) 2-3

waxaa sidoo kale qaban qaabada iyo qabashada kulamadan aan ka marnayn xidigo iyo arbayaal horay uga tirsanaan jirey kooxihii Soomaaliya iyo xulka qaranka Soomaaliya, kuwaasoo wax badan soo difaacey xidigta cad ee u taagan Soomaali oo idil iyo midabka buluuga ah ee quruxda badan ee maanta la isku haysto jiritaankiisa, waxaana ka mid ah Axmed Nuur Maxamed Xaashi (Sayga Ruushka), Tiriig Siciid, Astur Jaamac oo soo cayaari jirey kubada cagta, kolayga iyo dabaasha iyo Maxamed Xuseen (ganeey) oo ahaa tababare heer qaran ah oo kubada gacanta ah.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;- maxaaji@hotmail.com
Stockholm, Sweden

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.