Home » Warar »

Guddiga Isboortiga SORCO oo Casuumaad loogu sameeyay Atlanta

ATLANTA: Waxaa magaalada Atlanta ee cariga Mareykanka lagu qabtay xafladd aad iyo aad u sareysay oo ay qabanqaabiyeen Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ee Atlanta, taa oo lagu casumay Halyeeyadii Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud oo markaan sameystay Guddiga la magacbaxay SOMALI RUNNERS COMMUNITY ORGANIZATION. waxaana xafladda Casuumaadda lagu sharfay Xubnaha Guddiga oo kala ahaa Mudane Cabdi Warsame Isaaq oo ah Gudoomiyaha Guddi,Mudane Cali Bay oo Director u ah Gudigaasi iyo Halyey Abukar Cadaani oo ka mid ah Xubnaha ugu muhimsan ee Guddigaasi.

Waxaana ugu horeentii halkaa khubbad soo dhaweyn ah ka jeediyey Dr.Cali Cusmaan Cali oo ah Rug cadaa Isboorti horeyna u soo qabtay jagooyin kale duwan ee Hogaanka Isboortiga Soomaaliyeed, waxaana uu mahadcelin aan la koobi karin u jeediyey ka soo qeybgalayaashii xafladaasi isagoo uga mahadceliyey aqbalaadda ay aqbaleen ka soo qeybgalka xafladaan taariikhiga aheyd, wuxuuna uu Dr. Cali Cusmaan Xoghayahii hore ee GOS ku soo dhaweeyey Cod baahiyaha (Khadka Teleefoonka) Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Ugu horeyntii wasiiradda waxay ugu mahadcelisay Dr. Cali Cusmaan fursadda uu siiyey in ay ka qeyb gashay xaflaadaan weyn, waxayna kaloo mahacelin u jeedisay Halyeeyadda kala ah Cabdi Warsame,Cali Bay iyo Abukar Cadaani dadaalkii ay u soo galeen kor u qaadida magaca Ummadda Soomaaliyeed taa oo runtii taarikhda u geli doonta.

Waxa kaloo Marwo Khadiijo ka soo qeyb galayaasha u ifisay taarikhda dahabiga ah ee Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ay soo mareen, waxayna ka soo bilowday sanadku markuu ahaa 1972 oo uu Marxuum Halyey Cabdulle Nuur Waasuge ku guuleystay Biladii dahabka aheyd tartankii lagu qabtay dalka Nijeeria, guushaasoo albaabadda u furtay socodkii taarikhiga ahaa ee Ciyaaraha Fudud, waxay kaloo tiri Marwo Kadiijo waxaa mudan in la xusuusto Guushii kale ee uu soo hoyiyey Ciyaaryahan Cali Dheere Tartankii lagu qabtay Magaaladda Muqdishu ka dib markii uu ku guuleystay Boodada Sare,waxaana tartankaasi ka soo qeyb galay Dawladaha Afrikaanka badankood, waxay kaloo sheegtay in Tartankii Dugsiyadda Carabta ee lagu qabtay aanu ku guuleysanay laba Biladood oo dahab ah oo kala ahaa 400M iyo 800m waxaana guushaasi keenay halyey Jaamac Karaaciin sanadka markuu ahaa 1983 waxaa kaalinta koowaad ee 200m ku guuleystay Halyey Cali Bay tartankii lagu qabtay dalka Sacuudiga, waxay Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga iyadoo qiireysan cod dheer ku sheegtay Guushii weyneyd ee Halyey Cabdi Bile Cabdi ka dib markii uu ku guuleystay bilad dahab ee 1500m tartankii caalamiga ahaa ee Ciyaaraha fudud ee lagu qabtay dalka Talyaaniga. taa waxay ummadda Soomaaliyeed gelisay farxad aan la koobi karin. Halyey Cabdi Bile waxuu ummadda Soomaaliyeed u yahay halyey aysan Taarikhda Ummadda Soomaaliyeed Iloobi dooni, waxa kaloo in xuso Mudan Xoghayahii Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ee waagaasi isla markaana ahaa madaxii wafdiga ee Guushaasi taarikhiga aheyd Mudane Cumar Axmed Jaamac (Cumar Dhegeweyne) oo ah muwaadin mar kastaba ay taariikhda xusi doonto doorkii uu ka soo qaatay kor u qaadida Ciyaaraha Fudud ee Soomaalia.

Waxa kaloo khadka teleefoonka kaga qeyn galay xafladaasi Xildhibaan Macalin Jiis, Xildhibaan Xasan Cabdi Guure iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cali Khaalid, waxayna masuuliyiintaasi sheegeen in Isboorti yahay waxa dadka isku soo dhaweeya loona baahanyahay in kor loo qaado, waxay u mahadceliyeen Halyeeyadda Ciyaaraha Fudud oo maanta xafladaani loo sameeyey, waxayna sheegeen in inta karaankeena ah aanu garab istaagi doono dadkiina maanta Ummadda Soomaaliyeed u istaagay, waxaana idin sheegeynaa in Siyaasadda Guud ee dawladda midnimo Qaran ay tahay in la barbaariyo dhalaanka soo koraayo si loogu toosiyo jidka wanagsan.

Xafladaasoo qaabka ay ku socotay aheyd mid dadkii oo dhan farxad gelisay,ayaa waxa sidoo kale khadka teleefoonka kaga Qeybgalay Halyeey Cabdi Bile Cabdi iyo Xoghayahii Hore ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Yaasiin Abuukar Cariif….waxayna labadooduba carabka ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay Isboortiga , waxay Guddigaan Ciyaaraha Fudud ugu hambalyeeyeen sida ay isugu taxalujiyeen isku keenidda Halyeeyadii Ciyaaraha Fudud, waxay ku adkeeyeen in aysan ka caajisin abaabulka ay haatan bilaabeen, iyago u sheegay in ay Diyaar u yihiin in hiil iyo hooba la garab istaagaan ka gungaaridda himiladda ay tiigsanayaan.

Waxaa kaloo Xafladaasi ka soo qeyb galay Dr.Jacqueline Haward-Mattews oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Jaamacadda Loiusian, Ron Davi, Inj. Cumar Sheekey Gudoomiyaha Somali-American Center iyo Gudoomiyaha Ururka Hooyooyinka iyo dhalinta Marwo Nafiiso Cali Nuur, waxayna dhamaantood u hambalyeeyeen Marwo Khadiijo Magacaabista loo magacaabay Wasiirka dhalinyaradda iyo Isboortiga, taa oo wax badan ka tari doonta wax u qabadka iyo horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.

Waxaana ugu dambeyntii cod baahiyaha qabsaday Dr. Cali Csumaan Cali oo mar soo ahaa Xoghayaha GOS, waxaana uu u mahadceliyey ka soo qeyb galayaasha sida ay waqtigooda noogu hureen in ay kala soo qeyb galaan, waxaana isago ku hadlaayo Jaaliyadda ku dalka Mareykanka uu u hambalyeeyey Marwo khadiijo Illaahna uga baryey in uu la garab galo xil culus ay Ummadda Soomaaliyeed ku aamintay, waxaana uu u ballaqaaday in dadka isboortiga muddo badan ku soo jiray aysan waxba kaa hagran doonin si himiladda laga leeyahay Isboortiga loo gaaro, waxa kaloo uu Dr. Cali Cusmaan Cali Isagoo ka faa’ideysanaayo fursadani uu u sheegay Halyey Cabdi Bile Cabdi “ in Ummadda Soomaaliyeed aad u tahay Halyey aan waligii la iloobi doonin waxaadna iga ogolaataa anigoo ku hadlaayo magaca Ummadda Soomaaliyeed in aan kuu soo gudbiyo Hambalyo aad ku kasbatay doorkii aad ka soo qaadatay kor u qaadida Isboortiga Soomaaliyeed” ayuu ku soo afjaray hadalkiisa. waxayna xafldaasi ku soo gabagabowday si heer sare ah.

Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-99-982912
Email:buuna@isboorti.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.