Home » Warar »

Kalfadhigii Labaad ee Gudiga Qabanqaabada Dowlad goboleedka Waax iyo Waadi oo ka dhacay Magaalada Birmingham UK.

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11/07/2010 lagu soo gabagabeeyey magaalada Birmingham ee cardigan Ingriiska Kalfadhigii labaad ee Gudiga Qabanqaabada Dowlad Goboleedka Waax iyo waadi, oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada beesha Mudulood ee ku abtirsata deegaanka Waax iyo Waadi oo kala ah Odayaasha Dhaqanka, Wax garadka, Aqoonyahanka, Dhalinyarada iyo Waliba Haweenka, Waxaana ugu horeyn kalfadhigaasi si rasmi ahi u furay Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada dowlad goboleedka Waax iyo Waadi Marwo Jawaahir Baarqab oo iyadu tibaaxday sida ay muhiimka u tahay Midnimada iyo nidaamka kala dambeynta deegaanada u dhexeeya Xaradheere ilaa Turdho, Waxayna Marwo jawaahir aad iyo aad ugu tartarsiisay kasoo qeybgalayaashii kalfadhigaasi labaad sida loogu baahi qabo in nabad lagu soo dabaalo deegaanada Waax iyo Waadi.

Intaasi ka dib Waxaa Warbixin kooban oo ku saabsan Wixii u qabsoomay Gudiga qabanqaabada Dowlad Goboleedka Waax iyo Waadi u soo gudbiyey kasoo qeybgalayaashii shirka Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Gudiga Abaabulaka Dowlad Goboleedka Waax iyo Waadi Mudane Dr Xuseen Sheekh Cali Tuure oo isagu ka warbixiyey tan iyo intii la aasaasay Gudigaani ilaa iyo manta oo loo fadhiyo kalfadhigii labaad ee gudigaani, isagoo intaasi ku daray inuu ku talaabsaday Talaabooyin wax ku ool ah oo ayna soo dhoweeyeen dhamaan shacabka beesha Mudulood ee ku abtirsada deegaanka Waax iyo Waadi iyo taageerada ay u hayaan iyo sida ay ugu heelan yihiin iney hoos galaan Dowlad Goboleed ay iyagu leeyihiin.

Halkan ka daawo sawirada

Waxaa sidoo kale isaguna soo bandhigay waxyaabaha horyaalo gudiga qaban qaabada dowlad goboleedka Waax iyo Waadi iyo baahida loo qabo waxqabad halkaasi ka soo jeediyey Mudane Nuur Cali Cumar (Dubad) oo kasoo qeybghalyaashii kalfadhiga u tilmaamay inuu jidku dheer yahay qodxana leeyahay gudigana looga fadhiyo iney inta u dhabar adeygaan ka miradhaliya go’aankooda ah in la samata bixiyo Dadka iyo dhulka Waax iyo waadi, wuxuuna kula dardaarmay kasoo qeybgalayaashii kalfadhiga labaad ee Gudiga qabanqaabada Waax iyo Waadi si looga miradhiliyo dhismaha maamulgoboleedka Waax iyo Waadi ay la yimaadaan dadaal aad iyo aad u sareeya, Samir iyo dulqaad iyo iney isku dayaan in ay qanciyaan cid kasta oo ku abtirsata beesha Mudulood ee Deegaanada Waax iyo Waadi.

Waxaa intaasi ka dib loo gudbay talo soo jeedin iyo ra’yi kala qaadasho, waxaana hadalo aad iyo aad u qiiro badan ka soo jeediyey iyo waliba fikrado wanaagsan Dhalin yarada oo iyagu tilmaamay iney baahi weyn u qabaan in ay dhulalkooda ku tagaan fasaxyada iskoolada, si ay uga soo bartaan Diinta, Dhaqanka, Luqada, iyo waliba dhalashada Soomaalinimo ee ay u heystaan magaca oo keliya, waxayna xuseen meeshii ay u aadi lahaayeen guryahoodii ay ka yimaadeen fasaxyo ay aad iyo aad ugu badan tahay iney soo booqdaan Xabsiyada carigaani iyagoo lagu soo eedeeyo dambiyo aan qaarkood u qalmin in xabsiyo leysu geeyo ama sidaasi leysu dhibaateeyo, waxayna hadalkoodii ku soo gabagabeeyeen tan keliya oo ay dhibaatadaasi uga bixi karaan ay tahay in deegaanada aan ka nimid loo sameeyo maamul iyo kala dambeyn, waxayna ugu duceeyeen dhamaan beesha mudulood in ilaahay tusiyo waxa ay iyaga oo da’yartii ah arkeen,

Waxaa sidoo kale halkaasi iyaguna qiiro ku abuuray ka soo qeybgalayaashii kalfadhiga Haweenka oo iyagu hoy u noqday dhibaatooyinka soo wajaha Umada ku abtirsata Deegaanada Waax iyo waadi iyagoo tilmaamey ineysan heysanin awoodina haweenka deegaanadaasi isbitaalo ay ku dhalaan amaba ay u tagaan xanuunada ku soo noqnoqday Umadahaasi ku abtirsada Waax iyo Waadi.

Gudiga Qabanqaabada Waax iyo Waadi waxay isla soo qaadeen maqaal ku soo baxay websiteyada qaarkood maalintii ay taariikhdu ahayd 10/07/2010 oo ku saabsanaa in uu khilaaf u dhexeeyo Gudiga Abaabulka Waax iyo Waadi iyo walaalaha lagu magacaabay Godka kaasoo ay cidna colaadi nagala dhaxaynin, Maqaalkaasina uusan wax shaqo ahi ku lahayn gudiga abaabulka dowlad goboledka waax iyo waadi. Waxaa ugu dambeytii kalfadhigaasi lagu soo gabogabeeyey jawi is afgarasho aad iyo aad u wanaagsan, Waxaana lagu soo bandhigay laguna ansixiyey kalfadhigaasi qariirada, Calanka iyo Sumada ay yeelan doonto Dowlad Goboleedka Waax iyo Waadi, iyadoo dhamaan ka soo qeybgalayaashii ay balan qaadeen tilmaameenna iney ka go’an tahay ka miradhalinta iyo dhameystirka Dowlad Goboleedka Waax iyo Waadi, ayna ugu baaqeen dhamaan beelweynta Mudulood iney la garab istaagaan maamul goboleedka Waax iyo Waadi Hiil iyo Hooba, Gudiga Abaabulka Maamul Goboleedka Waax iyo Waadi Wuxuu ugu baaqayaa dhamaan beel weynta Mudulood in ay ka qeyb qaataan taaba gelinta iyo hirgelinta maamul goboleedka Waax iyo Waadi, Wuxuuna soo dhoweynayaa Gudiga abaabulka cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa ama xiiseyneysa taabagelinta Maamul goboleedka Waax iyo Waadi.

Wixi faah faahin ah kala xariir:

boolis@gmail.com

fooldheere@hotmail.com

husseinsheekh@yahoo.co.uk

dubad23@hotmail.com

jawaahir2@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Kalfadhigii Labaad ee Gudiga Qabanqaabada Dowlad goboleedka Waax iyo Waadi oo ka dhacay Magaalada Birmingham UK. "

  1. Qurbo joogta waxa wadanka qasaya waa iyaga maxaa yeelay 20 kii sano ee la soo dhaafay ayay waxay waqtigoodii ku dhameeyeen sheeko iyo waxaan loo baahnayn sida inaan la shaqeesan iskuulna la aadin . markii laga nacay wadamada ay ku noolaayeen sida Yurub iyo North America ayay waxay bilaabeen in dadkii dhibaateesnaa ee ku noolaa dhulkii hooyo qasaan ku soo hogaamiyaan cadow. waxaan qabaa in qurbo joogta faraha kala baxaan arimaha soomaaliya maadaama ay jinsiyado kale qaateen oo ay ka shaqeestaan wadamada ay joogaan ama wax ka bartaan si ay noloshooda wax ugu qabtaan.

  2. Kobayare says:

    Waa mid ka mid ah calaamdaha Bushi (cudur) ee ka jira soomaaliya.

    Waxaa ka mid ahay dadka la leeyahay maamulkaas la sheegayo waa khuseeyaa. waxaan Ilaahay hortiis ka caddaynayaa inaan beri ka ahay kala qoqobkaas dhalanteedka ah oo ow gadaasha ka riixaayo cadawga soomaaliyeed.

    Dhallin yarada waxaan kula talihaa inay waqtigooda ku dhamaystaan walax adduun iyo aakhiro u faaidayhaayo. Aaaway dhulka ay leeyihiin waxaa loo samayhaa maamul goboleed?? inte ku ogyihiin dadkii deganaay??

    Waax iyo waadi dhulka la yiraadho aqoon run ah ma u leedihiin??

    Waaxweyn waa tuuli ku tallaa xeeba ku beegan degmada Xarar dheere.
    Waadi waa ceel qaddiim ah oo ku dhexyaalla Saldhigga bari ee ku dhow Hoteelkii Jubba!!

    Dhulkaas intee ka mid ah oo aad maanta la tegi kartaan Fekerkaas??

    Qofkii aan diyaar u ahayn inuu ka tanaasulo dhalanteedkaas, waxaa leehay riyo wanaagsan!!
    Aadaana ka or-begaa!!!!!!!

  3. omar says:

    deegaanka waax iyo waadi waligey ,ma maqal xamarna waa joogay. waa imisa dagmo deeganada waax iyo waadi