Home » Warar »

Xubin ka tirsanaa Isbahaeysigii la dagaalanka Argagixisada oo lagu weerarey Gaalkacyo

Maleeshiyo hubeysan   ayaa waxay weerar ku qaadeen guri uu Koonfurta Gaalkacyo ka degan yahay Cabdi Cali Xirsi (Cabdi shukri) oo ka mid ahaa xubnihii sameeyay isbahaysigii la dagaallanka argagixisada kaasi oo ay jabiyeen xoogagii Maxaakiimta Islaamiga Sanadii 2006.

Maleeshiyada  weerarka geysatay ayaa waxa ay israsaaseeyeen ilaalo uu lahaa Cabdi Shukri waxaana markii dambe u suurta gashay ilaalada in ay ka awood roonaadaan kooxda weerarka soo qaaday.

Ma jiro wax khasaaro ah oo laga soo sheegay israsaaseyntaasi, balse waxa ay cabsi badan ku abuurtay dadka ku nool Koonfurta Gaalkacyo.

Cabdi Shukri oo dhawaan soo gaaray Koonfurta Gaalkacyo ayaa wararku sheegayaan in loo magacaabay gudoomiyaha dhinaca siyaasada ee ururka Ahlu Sunna Waljamaaca uuna maalmahan ku howlanaa diyaarinta ciidamo dagaal ku qaada kuwa Xisbul Islam ee ku sugan Degmada Xaradheere.

Dhinaca kale maamulka Galmudug state ayaa ku eedeeyay Cabdi Shukri inuu wado falal khatar ku ah amaanka degmada Gaalkacyo, waxaana uu maamulku beeniyay in Cabdi Shukri loo doortay gudoomiyaha dhinaca siyaasada ee ururka Ahlu Sunna Waljamaaca sidoo kale ayaa Maamulka Puntland waxaa  uu ka soo horjeedaa Howlaha abdi Shykri ka wado Magaalada Gaalkacyo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E_Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
..

Xaflad lagu xirayey Sanad Dugsiyeedka 2009-2010 oo lagu qabday Xarunta Dugsiga Jowharul Islaam

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lag u qabtay Xarunta Iskuulka Hoose Dhexe iyo Sare ee Jowharul Islaam oo ku yaala Xaafadda Buula Xuubeey Degmada Jadajir ee gobolka Banaadir Jimco 02-January 2010 , waxayna xafladdaasi ku saabsaneyd Xiritaanka Sanad dugsiyeedka 2009-2010 ee Iskuulka Jowharul Islaam, waxaana ka soo qaybgalay xafladaasi mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Iskuulkaasi, Macalimiin, Waalidiin, Arday, Suxufiyiin iyo Madax ka socota Shirkadaha Isgaarsiinta ee Dalka ka jira.

Ugu horeyn halkaasi waxaa ka hadlay Maamulka Iskuulka Hoose Dhexe iyo Sare ee Jowharul Islaam oo lagu magacaabo Macalin Jaamac Maxamed Xuseen kaa oo sheegay in Iskuulka Hoose Dhexe iyo Sare ee Jowharul Islaam la aasaasay bishii Todobaad ee sanadkii 2004-tii, isagoo xusay in Dugsiga aysan ka qalin jebin wax dufco ah, waxa uuna sheegay in dufcada ugu horeysa ee iskuulka ka qalin-jibineysa ay qalin-jebinayaan Sanad dugsiyeedka soo socda ee 2010-2011.

Xafladda oo ahayd mid jawi wanaagsan ku socotay ayaa waxaa halkaasi abaal marrinno kala duwan lagu guddoon siiyey halkaasi, ardayda kaalimaha hore ka gashay imtixaanka iyo Ardayda dhanka aadaabta iyo aqlaaqda ugu wanaagsan fasal waliba oo iskuulkaasi ka tirsan.

iyadoo xafladdaasina ay gacan libaaxleh ka qaadanaysay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo halkaasi Ardayda iyo dadkii ka soo qeyb galay xafladda ku guddoonsiisay amaalmarrino kala duwan, sida Simikaaro, Kaarar, Kalandaro, Note Books IWM.

Maamulka oo qudbadiisa ku dheeraaday ayaa waxa uu sidoo kale sheegay mar uu ka hadlayey dhanka jaa’isooyinka in aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay abaal marin guddoonsiiyaan Ardayda wax ka barata Iskuulka Jowharul Islaam, sida uu sheegayna haatan ay abaal marin guddoon siiyeen 60 Arday oo ka socda Fasalada kala duwan ee Iskuulka, isagoo farta ku fiiqay in Fasalada ay kala yihiin 8- fasal oo subax ah iyo 7 galab ah ayna abaal mariyeen ardayda gashay kaalimaha Koowaad, Labaad, Sadexaad iyo Ardayda dhanka Aqlaaqda ugu wanaagsan oo ay maamulka iyo Macalimiintu isku raacaan, Ardayda kaalimaha gashana sida uu sheegay waxaa laga xisaabiyaa dhanka Buundada ay la yimaadeen.

Waxa uu mahad balaaran u celiyey Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom oo uu sheegay in runtii ay kaalin libaaxleh ka ciyaarayso dhanka wax barashada ayna halkaa ku soo bandhigtay hadiyado kala duwan oo ay ugu talo gashay Ardayda iyo kasoo qeyb galayaasha iyadoo halkaasina dadkii xafladda xaadirka ku ahaa su’aalo ay weydiinayeen hormeed haddii uu ka jawaabana la abaal marinayey.

Maamulka Iskuulka Jowharul Islaam waxa uu sheegay in Iskuulka Hoose Dhexe iyo Sare ee Jowharul Islaam uu hoos tago Dalladda waxbarashada ee FPENS, isagoo farta ku goday, in ardayda ka qalin jabisa Iskuulka gaar ahaan Dugsida Sare ay ka maamul ahaan u ballan qaadayaan sadexda Arday ee kaalimaha Koowaad, Labaad iyo Sadexaad ay u fidinayaan waxbarasho Jaamacadeed oo lacag la’aan ah oo dalka dibadiisa iyo gudihiisa ah, isagoo sheegay in hadaba balan qaad waxbasho Jaamacadeed ay ka haystaan Dalka Liibiya.

Sidoo kale waxaa goobta xafladda looga yeeray oo ka hadlay mid ka mid ah waalidiinta kasoo qeyb galay xafladaasi oo isaguna sheegay in waalidiinta ay mar waliba ku dadaalayaan in ardayda ay dhanka waxbarashada mar waliba u soo jiidayaan, macalimiintana waxa uu sheegay waalidkaasi in ay yihiin waalidka labaad haddii labadooda ay iskaashadaanna ay halkaasi kasoo baxayaan arday waxatar leh.

Sidoo kale Xafladda oo ahayd mid aad u qurux badan ayaa waxaa halkaasiu lagu soo bandhigay Majaajilo kala duwan oo ay dadkii xafladda kasoo qeyb galay aad iyo aad uga qosliyey.

Waxyaabaha halkaasi lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid dheri jabis oo inta dheri alaab lagu rido indha lagaa xiro ayaa ul laguu dhiibayaa kaddib derigii aad jabsato ayaad leedahay wixii kaaga soo baxa.

Waxaana dadkii deriyada jabsaday qaarkood uga soo baxay hadiyado aad u fiican halka qaarkoodana ay uga soo bexeen Dambas, Caleemo geed talaal iyo IWM.

Sidoo kale waxyaabaha halkaasi lagoo bandhigay oo dadka aad uga qosliyey ayaa waxaa ka mid ahaa Tufaax cunid la yaab leh, haddii aan idiin bayaaniyo ardayda ku tartamaysay tufaax cunidda ayaa gacamaha gaad looga xirayaa kaddib tufaaxa ayaa lagu ridayaa Sakeel biyo ah oo mees dushiis saran sidaad ku aragtaan sawirka, qofkii ugu hordhameysta oo biyaha dhexdooda ku cuna waxaa abaal marinaysay Shirkadda isgaariinta Hormuud Telecom.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay arrin kale oo la yiraahdo Caana Afuuf oo inta simikaar mees lasaaro oo caanaboore lagu kor shubo ayaa labada dhinac waxaa ka afuufaya laba arday kii simikaarkii caanaha ka hooseeyey afka ku soo qabta ayaa la abaal marinayaa.

Xafladda oo waxyaabaha lagu soo bandhigay oo dhan ay aad ula dheceen dhamaan dadkii kasoo qeyb galay ayaa waxaa laguda kagalay bixinta abaalmarinnada waa fasal waliba laga abaal mariyey Afar arday waa ardayda kaalinta 1, 2, 3 iyo ardayga aqlaaqda u gala fasalkaas.

Intaas kaddib ayaa waxaa goobta xafladda looga yeeray arday kaalimaha galay iyo waliba kuwa aqlaaqda wanaagsan kuwaa oo la gudoonsiiyey abaal marino kala ahaa kaalimaha koowaa oo la siiyey Rikoor weyn iyo kaalimaha labaad iyo Sadexaad oo la gudoonsiiyey Saacad weyn iyo Note Books, iyo kaalinta aqlaaqda oo lagu abaal mariyey Feynuus iyo kitaab lagu magacaabo (Sifatu Salaatu Nabiyi SCW).

Ugu dambeyn waxaa xafladdaasi soo xiray ku Simaha Maamulka Sare ee Iskuulka Bustaale Macalin Ismaaciil, waxa uuna u mahadceliyay intii wax ka aasaastay Iskuulka iyo intii kala qayb-qaadatay sii socoshada waxbarashada Iskuulka, waxa uuna u Mahadceliyey shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo uu sheegay in ay u taagan yihiin in ay mar walba dhiirigeliyaan Waxbarashada.

Marka ay xafladda soo gaba gabowday ayaan waxaa Microphone-ka la dhex qaaday ardaydii Xafladaasi lagu abaal mariyey, waxaan halkaasi kula kulmay arday ka mid ah ardayda wax ka barata iskuulkaasi gaar ahaan dhigta fasalka sadexaad ee dugsiga hoore kaalinta koowaadna galay.

Waxa uu ii sheegay in uu galay kaalinta koowaad ee fasalka Sadexaad kuna guuleystay Rikoorweyne, isagoo sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay uuna rajeynayo in sanadka dambe ee sidaa oo kale ugu guuleysto, isagoo ardayda ugu baaqay ardayda kale ee iskuulka dhigata in ay dadaalaan sida ay ugu guuleystaan haddiyadda uu kuguuleystay oo kale.

Maamulka Iskuulka hoose Dhexe iyo Sare ee Jowharul Islaam Macalin Jaamac Maxamed Xuseen oo saxaafaddu kula hadashay goobta xalfaladdu ay ka dhacaysay ayaa markii ugu dambeysay waxaa la weydiiyey su’aal ahayd Maxaad ugu baaqeysaa Ardayda dhigata Iskuulka Jowharul Islaam iyo Iskuulada kale ee Dalka ka jira ayaa waxa uu ku yawaabay.

“waxan ugu baaqayaa in ardayda ay ku dadaalaan waxbarashadooda ayana ku fikiraan sidii ay horumar uga gaari lahaayeen waxbarashada iyo in ay iska ilaaliyaan in waxbarashadooda marka ay bilaabaan in aysan joojin oo uusan hakad ku imaan, waana in mar waliba ay niyadda ku hayaan in ay guul gaarayaan, iyo sidii ay u dhameysan lahaayeen waxbarashadooda, ileen waxbarasho inta la bilaabo dhex looga tago wax faa’iido ah oo ay leedahay malahan”.

Xafladda oo socotay Saacado badan ayaa waxa ay ku soo gabagaboday jawi wanaagsan iyo sidoo loogu talo galay, waxaana goobta xafladdu ka dhacaysay ku xardhanaa boorar fara badan oo ay ku qornaayeen halku dhigyo looga hadlayo wax barashada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.