Bismilaahi Raxmaani Raxiim. ASalaamu Calaykum?
Salaan sharaf mudan ka dib; ugu horreyn waxa mahad leh Allaah, sidoo kale waxaan halkan uga dirayaa tahniyad, hanbalyo, bogaadin iyo mahadcelin ba shacbiga Somaliland, guddida doorashada, ciidanka qaranka, ka booliska, xisbiyada siyaasadda, kor-joogayaasha (observers) caalamiga ah iyo qurbajoogga Somaliland ee dalka ku sugan, oo intooduba fududeeyey dhicitaanka doorasho xor iyo xalaal ah oo caalamkuba ammaanay. Waxa kale oo aan warqad furan halkan uga dirayaa shacabka, saddexda xisbi qaran iyo guddida doorashada oo aan talo iyo tusmoba ugu gudbinayo.
Shacabka Somaliland
Shacabka Somaliland waxay mudan yihiin ammaan, maadaama ay garteen,inay iyagu kursiga iyo derejada leeyihiin oo qofkii ay u gartaan ka dhiganayaan “mas’uul’ (Madaxweyne, Xildhibaan, Maayar iwm.) Waxaad dhacsateen xuquuqdiina, mar haddii aanu qofna derejadaa gaadhayn, haddii aannu idin soo marin oo kalsooni iyo codba idin weydiisan. Muddo aan yarayn baa la xaqirsanaa xuquuqdiina’e maanta guul baad joogtaan haddii aad go’aanka iyo kursigaba idinku leedihiin; waxase idinla gudboon inaad ilaashataan oo ballanqaad xisbiyada ku daba gashaan, xisbigii fulin waaya ballanqaadkiisana aad ogaataan oo kolka dambe ku eridaan.
Guddida Doorashooyinka (Electorial Commission)
Waxaad qabateen hawl culus oo aad u weyn, weli lama gaadhin go’aankii, balse inta la idinka arkay waxaad ku shaqaynayseen firfircooni, hawlkarnimo iyo karti aad hawsha ku fulinayseen, waxaase weli dhiman caddaaladdii iyo dhexdhexaadnimadii, taasna waxa la idiinka markhaati kacayaa markaad ku dhowaaqdaan go’aanka doorashada. Waxaa idinka gudboon – murna ha ka qaadhaadhaatee – inaad doorashadii dadku galay si caddaalad ah oo aan caad saarnayn ugu dhowaaqdaan natiijada saxda ah wakhtiga ugu habboon.
Faisal Cali Waraabe
Waxaad tahay aqoonyahan, halgamaa, xaq-u-dirir, qayb weyn oo muhiim ah ka soo qaatay dhowr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey geedi-socodka siyaasadeed ee Somaliland. Waxaan ahayd odayaashii iyo aqoonyahankii u xusul duubnaa xasilinta iyo nabadaynta dagaalladii sokeeye ee Somaliland dhowr iyo sagaashankii ka socday. Adiga, marxuun Buuni, Rashiid-gadhweyne iyo Dr Bulxan iyo raggii kale ee idin kula jirey guddidii Addis Ababa waxaad ka soo qaadateen nabaddaynta Somaliland. Waxa kale oo aad ahayd raggii qaddiyadda Somaliland sida xoogga iyo xamaasadda leh uga ololayn jirey dibedaha, mudahaaradda iyo dibad-baxyadana ka samayn jirey. Geeddi socodka dimuqraadiyadda iyo isbedelka habka doorashooyinkana adiga iyo xisbigaaga Ucid oo aqoonyahanno dhallinyara ahi ka buuxaan ba doorweyn baad ku lahaydeen. Xisbigaad hormuudka u tahay (Ucid) wuxuu dhallinyarada iyo haweenka aqoonyahanka ah ee adduun-araggoodu ballaadhan yahay u noqday salaan ay ka soo koraan siyaasadda Somaliland ee reernimada dishootey, waxaa la saadaalinayaa inuu xisbigaasi waa-cusub u noqon doono Somaliland ka saara mugdi iyo siyaasadda gabowdey ee nidaamkii gumeysiga ku dhisan – qaybi oo xukun.
Mudane Faisal, haddii aad doorashada hesho, waxa kula gudboon inaad ka dhabaysid waxaad ummadda ugu yaboohaysey dhowr kii sannadood ee ina dhaafay, inaad soo dhistid xukuumad kooban oo aad xukunto, ka war-haysid wasiir kasta shaqadiisa, xukuumad aad shaqo cayiman u dirto, kana rabto inay fuliso, mid aan reero iyo hebelo aadan ku raalli gelin ee baahida dalka iyo dadka ku raalli gelisid, kuna fulisid. Waxa lagaaga fadhiyaa inaad la timaadid siyaasad fadhida oo aan bood-bood iyo isbedel lahayn, waa in laguugu soo hagaago horumarinta dalka, daryeelka dadka, dayactirka waddooyinka, doonidda ictiraafka iyo ilaalinta deris wanaagga.
Haddii lagaa helo doorashada, Mudane Faisal waxa kula gudboon inaad natiijada aqbashid, una hogaansatid. Waxaan kugula talin lahaa inaad ku biirtid golaha guurtida ah oo aad ka mid noqotid, taasi waxay wax ka beddelaysaa; [1] in golaha guurtidu noqdo mid dad aqoon iyo siyaasad ba lehi ku jiraan oo garan kara danta dalka iyo dadka [2] in dadka siyaasadda ka fadhiistaa ay helaan meel kale oo ay dalka dantiisa uga arrimiyaan [3] in ay dhaqangal noqoto in siyaasadda laga fadhiisto.
Madaxweyne Riyaale
Mudane Madaxweyne, waxaad ahayd nin nasiib badan, oo Ilaahay fursado badan siiyey, welina haysta; Mudane Madaxweyne waxaad dalkan ka soo qabatay xilalkii ugu muhiimsanaa, uguna sarreeyey ee qof reer Somaliland ahi soo qabto, waxaad ahayd badhasaabkii gobolka Awdal (1991-92), waxaad ku xigsatay Madaxweyne-ku-xigeen aad shan sano soo haysay (1997-2002), waxa noqotay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aad siddeed sano haysay (2002-2010), welina doonaysid in laguu sii kordhiyo. Mudane Madaxweyne waxaan ku faraxsanahay CV-gaaga, ku darsoo waxaan soo dhoweeyey doorashadaadii madaxweynenimo 2003.
Mudane Madaxweyne, saddex iyo tobankaa sanno waxa dalka ka qabsoomay, doorashadii madaxtooyada ee lagugu soo doortay, tii dowladdaha hoose, tii baarlamaanka iyo tan hadda natiijadeeda la sugayo, Ciiddamada Somaliland oo xuduudkeenna gaadhay, xasiloonida iyo nabadgelyada dalka ka jirta, waxbarashada iyo caafimaadka oo wax weyn laga qabtay haba taag-darraadeene, waddooyinka iyo shaqaalaynta shacabka (waa shirkadda ugu weyn ee loo shaqo tago dowladdu, haba mushahar yaraatee). Berina ha la aasee nin raga baqaskii waa ceeb.
Madaxweyne, haddii aad doorashada ku guulaysatid, waxa kula gudboon; wax badan oo aan halkan laguugu soo koobi karin, waxaase ugu horreeya inaad dhowrtid xuquuqda muwaadiniinta, xeerarka dalka, xorriyadda saxaafadda, xoojinta nabadgelyada, xaqiijinta ictiraafka Somaliland iyo xakamaynta argagixisada.
Mudane madaxweyne haddii doorashada lagaa helana, waxa kula gudboon, inaad si nabadgelyo ah xukunka ku wareejisid, dalkaaga oo nabad ahna ku noolaatid, kana mid noqotid guurtida (xubin sharafeedka). Madaxweyne, waxaan kugula talin lahaa inaad qortid sooyaal-taariikheedkaadii, waaya-aragnimadaadii, caqabadihii ku soo maray, wixii kuugu yaabka badnaa, maalintay kuugu darreyd, maalintay kuugu farxadda badnayd, go’aannadii kuugu adkaa ee aad qaadatay iyo kuwii aad seegtay. Madaxweyne, waxaan sidaa kuu leeyahay CV-gaaga ayaad ku darsan lahayd inaad noqotid madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaali ah qora (memoir) waayihii iyo wacaalihii la soo kulmay intuu xilka hayey.
Mudane Siilaanyo
Mudane Siilaanyo; dalkeennu (Somaliland) muddo dheer buu xasilooni, dowladnimo, kala-danbayn, is-ixtiraam iyo hanaan dimuqraadiyadeed haystay, in ku dhow labaatan sanno ayeynu dowlad iskeed u madax banaan ahayn, dastuur, calan, lacag, ciidan militeri iyo booliis isugu jira lahayn oo ilaaliya qarannimada iyo nabadgelyada.
Mudane Siilaanyo, waxaad tahay nin weyn oo xilal badan oo dowladeed soo qabtay, mujaahid naftiisa u soo huray xoriyadda iyo madaxbanaanida dalka, aqoonyahan dhaqaale yahan ah, dalmar isaga gooshay dalka guddihiisa iyo dibediisa oo aanay waxba ku seegganayn waayaha dadka iyo dalka haysta. Ruug-caddaa dhowr iyo afartan sanno ku soo jirey saaxadda siyaasadda oo saadaalin kara waayaha iyo wacaalaha siyaasadeed ee geeska ka jira;
Mudane Siilaanyo, doorashadan haddii lagaa guulleysto, waxa kula gudboon inaad tahniyadayso, kuna qanacdid go’aanka shacabka, sidii markii horeba aad yeeshay.
Haddii aad guulleysatana, waxa ku horyaal hawl culus, xil balaadhan oo u baahan go’aanno ad-adag oo deg deg ah, geesinimo iyo hal-adaygnimo ku jirto; waxa ka mid ah:
Inaad fulisid qorshahaagii (manifesto) aad doorashada ku gashay, oo ay ka mid ahaayeen sugitaanka amniga, dhisitaanka xukuumad kooban oo xul ah, ballaadhinta maamulka, samaynta idaacad iyo TV qaran oo dalkoo dhan wada gaadha, tabarbaridda, tayeynta iyo derejo siinta ciidanka qaranka iyo booliiska, beddelidda lacagaha qiinbaarta ah ee saddexda gobol ee bari ka socota.
Hirgelinta maxkamad qaran oo badaxbanaan oo aan madaxtooyada laga xukumin – oo leh garsooreyaal cadaaliyiin ah oo aqoon, diin iyo karti aad ku xushay, kala diridda guddida nabadgelyada iyo xaaraantinimaynta xeerka “Xukunka Deg Dega ah”, dabargoynta musuqmaasuqa, eexda, laaluushka, qraabo-kiilka, nin-toocsiga iyo boobka hantida qaranka, ilaailanta xuquuqda muwaadinka, xorriyadda saxaafadda, xaqdhowrka waxgaradka, culimada, ganacsatada, abwaannada, aqoonyahanka, ardayda jaamacada iyo macaliimta. Dibudhiska cusbitaalada guud ee dalka, tayeynta iyo tababarridda shaqaalaha iyo dhaqaakhaatiirta. La dagaalamidda iyo xakamaynta dawooyinka dhacay, sharciyeynta iyo liisan u samaynta farmaysiyadan sida dukaannada ciidda ka batay.
Hirgelinta suuq xor ah oo aan cidna xuurto ugu xidhnayn, furitaanka liisamada xoola dhoofinta, ka kiraynta muwaadiniinta haamaha shiidaalka, shacuur dhimis lagu sameeyo dekedda Berbera, tayeynta madaarrada dalka, hirgelinta tartan dhaqaale oo xoriyad iyo sharci ku dhisan oo soo jiita maalgashiga qurbajoogga iyo maalqabeennada shisheeye. Hirgelinta qorshe-qarameed shaqo-abuuris ah oo shaqaaleeya dhallinyarada dalka ka sibiq-dhaqaaqaysa ee u dhuyaalaysa Yurub iyo Ameerika. Ugu danbayntiina, waxa lagaaga fadhiyaa siyaasad cilmiyeysan oo soo dhicin karta xuquuqdii dadka reer Somaliland ku lahaayeen ka mid noqoshada shucuubta caalamka, keenina lahayd ictiraaf buuxa oo calanka Somaliland ka luli lahayd xarunta Qaramada Midoobey ee New York.
Allaa Mahad Leh
Yasin Jama Nux (Suldan)
London, UK
marka hore dhamaantiin aad ayaan idiin salaamayaa salana ka bacdi waxaan aad u sii salamayaa ninka maqaalkan soo daabacay
laakiin waxaan la yaabanayay ninka jamaal la yidhaahdo ee cuqdadu ka dhaansantahay ee ka xanaaqaaya waxa wanaagsan anigu waxaan qabaa inta ninkaas oo kale somalia uu ku jiro inaan la hagaagi doonin
waayo waa wanaag diid waar waa laga baxay dagaal dadku ma doonayaan dagaal iyo cuqdad markaa ilaahay ha ku soo hadeeyo
wabilaahi towfiiq
Dadka xumaanta wada in loo hambalyeeyo waxay sii kordhinaysaa isla weynida iyo kibirka qabiilada. Waa in la cambaareeyo qaska ka socda Hargaysa. Waa markii u horreysey ee dad Soomaali ah la yiraahdo Soomaali ma tihid ee waxaad tahay qaxooti ka yimi waddan kale oo codeyn maysid. Reer xamarkii waxay ku jiraan cooshado magaalada agteeda ah iyadoo canshuurtii waddanka ee berbera guryo sidii booli qaran ah lagaga dhistey Hargeysa xaafado ka mid ah. Doorasho qabiili ah yaan la amaanin oo wax weyn daka looga dhigin haddii dad islaam ah la yahay. Reer Xamar qabiil kasta ha ahaadee sharaf bay mudan yihiin oo waxaa Soomaali oo dhammi dushooda deganayd 60 sano iyo ka badan iyaddo aan qof qura xagge ka timi la dhihin.
hi gentleman . aad ayaan ku salamaya wallall salaan kabcadi aad ayaad kugu aamanaya maqaalkaga aad soo qortay waxanaan ku leeyaahay mahad sanid.
WABILAAHI TAWFIIQ.
TO Yasin Jama Nux (Suldan)
walaal dowladeed ka hadlaysa? dowlad meesha majoogto tigreegii baa wadankoo dhan qabsaday marka dadka ku boorri inay xornimo doon noqdaan waayo somalia makala maaranto waxaad dowlad kadhigaysaana waa qabiil dhowr boqol oo kun ka yar marka walaal caqliga ka shaqaysii