Home » Warar »

Taageero maaliyadeed oo caalami ah oo muddada fog ah ayaa waajib ah si adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiiyo carruurta Soomaaliyeed, ayaa ay tiri UNICEF

Nayroobi, Kenya, 16 June 2010 – Carruurta Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin taageero caalami ah oo maaliyadeed iyo mid agab si loo hubiyo in ay ku noolaadaan nolol wanaagsan, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Rozanne Chorlton, ayaa sidaa tiri maanta iyada oo ka hadleysa munaasabadda Maalinta Carruurta Afrika ee haldhigga dabaal-deggeedu yahay: u qorsheynta iyo maaliyada u sameynta carruurta – Waa mas’uuliyad ina wada saaran.

Soomaaliya waxa ay 20 sano ku jirtey xaalado iskahorimaad oo ku adkaa carruurta iyo haweenka. Ma jiro ilmo maanta dalka jooga oo weligii ku soo noolaaday ama soo arkey deegaan ammaan ah. Soomaaliya waxa ay u baahan tahay kheyraad maaliyadeed iyo mid agab oo dhumuc leh si loo hubiyo in adeegyada ay ka mid yihiin caafimaadka, nafaqeynta, waxbarashada, fayadhowkra iyo nadaafadda biyaha iyo waxqabadyada kale ee nafaha lagu badbaadiyo la gaarsiiyo carruurta iyada oo qayb ka ah dadaallada soo kabashada, dibu-dhiska iyo horumarinta.

“Bulshooyinka, qoysaska iyo waalidiinta Soomaaliyeed, maamullada degaanka, ururrada aan dowliga ahayn, deeq-bixiyeyaasha iyo ururrada caalamiga ah waa in ay isa saaraan mas’uuliyad wadajir ah oo ay mar walbana ku hormariyaan waxa danta ugu wanaagsan ay ugu jirta carruurta,” ayaa ay tiri Marwo Chorlton. “Waa in mas’uuliyadda noocan ah si weyn loo dhexgeliyaa dadaallada qorsheynta iyo kuwa maaliyad-sameynta iyada oo lagu xisaabtamayo wanaagga carruurta Soomaaliyeed.”

Caqabad weyn oo hortaagan gaarsiinta adeegyada ee carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed waa xaqiiqada ah in aan la haynin ama uu yar yahay dakhliga la hayo ee loo adeegsan karo bixinta adeegyada ay carruurtu u baahan yihiin si loo wanaajiyo noloshooda. Culays weyn oo ka jira dhinaca qorsheynta iyo maaliyad-dejinta waxaa tusaale ahaan loo soo qaadan karaa waaxda caafimaadka ee Soomaaliya oo u baahan in ay 35 doolar ku kharash-gareyso qof kasta sanadkii si ay u maalgeliso nidaam guud oo caafimaadka dadweynaha ah oo bixin kara adeegyo aasaasi ah oo guud ahaan ku wajahan carruurta iyo haweenka.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu awood yar in ay sidaa sameeyaan gaar ahaan gobollada Koonfurta-Bartamaha dalka halkaas oo Dowladda Federalka Ku-meel-gaarka ah aaney wax maaliyad ah ku bixinin daryeelka caafimaadka dadweynaha. Xataa meelaha ay ka jiraan wax un maamul degaan ah ee Waqooyi-galbeed Soomaaliya (‘Somaliland’) iyo Waqooyi-bari Soomaaliya (‘Puntland’), ayaa maamulladu ay karaan in ay qofkiiba ku bixiyaan 0.5 doolar oo keliya. Baaqa Abuuja ayaa dowladaha Afrika ku waajibinaya in 15% ay maaliyaddooda u qoondeeyaan caafimaadka. Somaliland iyo Puntland waxa ay u caafimaadka u qoondeeyeen ku dhowaad 2 – 3% kharashaadkooda.

“In kasta oo dalka laga helayo adeegyo caafimaad oo gaar loo leeyahay, kuwo bulshadu leedahay iyo kuwo hay’adaha gargaarku leeyihiin, haddana maamullada dowladda u qaabilsan caafimaadka ayaa loo baahan yahay in ay hoggaan u noqdaan iyaga oo sameynaya ballanqaadyo dhab ah oo ay si cad ugu sheegayaan waxyaabaha muhiimadda u leh ee ay ku qaban karaan awoodda maaliyadeed ee ay markaa leeyihiin si ay u soo jiitaan maaliyad kale oo uga timaadda deeq-bixiyeyaasha,” ayaa uu yiri Austen Davis, Madaxa Dardargelinta Badbaadada iyo Koboca Carruurta, ee UNICEF Somalia. “Waxaa sidoo kale aad muhiim u ah in bulshada caalamku ay maalgeliso mashaariic socda dhowr sano oo xiriir ah kuwaas oo keenaya iskuxirnaansho muddada fog ah (oo haddana ah waxa ay dhab ahaan qaban karaan) halkii ay ka maalgelin lahaayeen mashaariic kacaa-kuf ah oo muddadoodu kooban tahay. Waxaa degdeg loogu baahan yahay in deeq-bixiyeyaashu is-waafajiyaan ayna maaliyaddoodu isku-biiriyaan kuwa kale ee ay wada-hawlgalaan si loo hubiyo hawlgal waara, is-waafaqsan oo istiraatiiji ah.”

Taasi halkeede, qaababka hadda Soomaaliya ka jira oo ay isku kaashanayaan ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo maamullada, kaas oo durba ay ka faa’iideysanayaan carruurta, ayaa lagu sii wanaajin karaa iyada oo ay maamulladu lacag kale u qoondeeyaan. Dallka oo ah dal ay biyuhu ku yar yihiin oo ay helistooduna ay dadku ku kala duwan yihiin oo ay haddana uga sii dareen saboolnimada iyo kala-duwanaanshaha dhaqaale ee dadka, ayaa habka Iskaashiga Ganacsiga Gaarka ah iyo Maamullada – ee ay taageereen UNICEF iyo deeq-bixiyeyaasheeda – uu keeney in magaalooyinka laga helo adeegyo biyo, fayadhowr iyo kuwo nadaafadeed. Adeegyadan ayaa wakiillo ganacsiga gaarka ah iyo maamullada ka kala socda ay u maamulaan si daahfuran. Labadii sano ee la soo dhaafey ayaa iskaashiga noocan ahi waxaa uu in ka badan 234,000 qof oo Soomaali ah uu si guul leh u gaarsiiyey biyo nadiif ah: arrintan ayaa tusaale u ah sida maaligelinnada istiratiijiyadeed ay u dhalin karaan isbeddel dhab ah. Iyada oo qayb ka ah waxqabadyada degdegga ah ee Bartamaha-Koonfurta Soomaaliya, ayaa UNICEF ay in ka badan 1,130,000 qof (qiyaastii 226,000 ay yihiin carruur shan sano jir ka yar) oo ay saameeyeen iskahorimaad, barokac iyo/ama abaar ay gaarsiisey biyo nadiif ah sanadkii 2009kii markii ay taageertey hawlgelinta iyo dayactirka iyo koloriin-ku-daridda nidaamyada iyo ilaha biyaha.

Dhinaca waxbarashada, waxaa loo baahan yahay in la kordhiyo tirada dugsiyada si loo kordhiyo tirada carruurta dhigata dugsiyada – laakiin dugsiyadani waxa ay u baahan yihiin agab iyo macallimiin. Waa in la iswaafajiyo baahiyaha iyo khayraadka la hayo – waxaa aad muhiim u ah in qorshaha lagu daro in kheryaadka si wanaagsan loo isticmaalo. Intaa waxaa dheer in marka la qorsheeyo waaxdan waxbarshada ay taasi dhalin karto in la helo nadiijooyin ay bulshadu u baahan tahay sida hubinta kor-u-qaadista tirada gabdhaha dugsiyada isqoraya ama daboolidda baahida waxbarasho ee degdegga ah ee ay qabaan carruurta dadka gudaha ku barokacay.

Maalinta Carruurta Afrika waxaa sanad kasta la xusaa 16ka Juunyo. Ururkii Midnimada Afrika (AOU) – ee hadda u xuub-siibtey Midowga Afrika – ayaa sanadkii 1990 ku dhawaaqey in 16ka Juunyo 1991 ay noqon doonto maalinta ugu horreysa ee loo dabaaldego Maalinta Carruurta Afrika. Waxaa loogu talogaley in sanad kasta lagu xusuusto xasuuqii sanadkii 1976dii ay booliis hubeysan u geysteen carruurtii dugsiyada ee Koonfur Afrika iyaga oo ka qaybelaya mudaaharaad nabadgelyo ku dhisan oo ay isugu soo baxeen xaafadda Soweto ee magaalada Johannesburg. Sanad kasta ayaa loo dabaaldegaa si loo nooleeyo dadaalka lagu wanaajinayo nolosha carruurta Afrika.

Macluumaad dheeri ah kala soo xiriir:

· Austen Davis, Madaxa Waaxda Dardargelinta Badbaadada Carruurta (sii haye), UNICEF Somalia. Mobile: + 254 737 196 094. Email: adavis@unicef.org.

Denise Shepherd-Johnson, Madaxa War-gaarsiinta, UNICEF Somalia. Mobile: +254 722 719 867. Teleefoon toos ah: +254 20 7623958. Email: dshepherdjohnson@unicef.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Taageero maaliyadeed oo caalami ah oo muddada fog ah ayaa waajib ah si adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiiyo carruurta Soomaaliyeed, ayaa ay tiri UNICEF "

  1. Magan says:

    Run ahaantii Caruurta somaliyeed inta wadanka guduhiisa ku dhalatay ee wadanka guduhiisa jooga iyo inta dibadda ku dhalatayba illaahay ayay lee yihiin.
    Labaatankii sanno ee la soo dhaafay dhibaato aan yarayn ayaa soo foodsaartay caruurta somaaliya . haday ahaan lahayd iskuul la’aan ,gaajo hoy la’aan iyo waliba ay u dheertahay iyadoo dhinacyadda isku haya taladda dalka ay military ahaan u qortaan caruurta .iyagoo aan wax naxariis ah aanan u haynin .
    Markaa illaahay ha u gargaaro dhamaan caruurta somaliyeed.