Home » Warar »

Soomaaliya waa iib (qaybtii 5aad) – Badda Soomaaliya Afgarasho mise isafgarad

Madaxdii Dullaaliinta Badda, Saxiixii ugu deg dega badnaa Soomaaliya iyo Dareenkii Villa Soomaaliya iyo Qabsashada badda (Occupation of the sea)….

Qoraalka ku saabsan badda oogama jeedo inaan dadka ku soo kiciyo murugadii ku saabsanayd badda, ee la magac baxay heshiiskii is afgaradka badda Soomaaliya ama loo yaqaan Memorandum of Understanding (MOU), Decoment cusubna masoo bandhigayo, kaliya waxaan sheegayaa waxii markaas kasocoday Villa Somalia iyo fahamkii ka jiray, waxaana ka jawaabayaa; yaa bilaabay arrinka badda ee markii danbe baarlamaanku diiday? Madaxda ugu sareysa dawladda shucuurkoodda sidee ahaa? Boobka khayraadka badda Soomaaliya lagu hayo maxaad kala socotaa?, Ciidamada loo bixiyay Task Force 150 iyo kuwii ka danbeeyay 151 Compined Task Force maxay qabtaan?, Lacagaha ay maalintii isticmaalaan ma’ogtahay? HALKAN KA AKHRI

Warbixintan oo Dhamaystiran ka akhri HALKAN

Warbixintan oo Dhamaystiran ka akhri HALKAN/RIIX

Qoraaga warbixintan (Axmed sadiiq) waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (Soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.

Qoraalka Toddobaadkan oo ku saabsan Dareenkii Villa Soomaaliya ee heshiiskii badda ka akhri HALKAN

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Soomaaliya waa iib (qaybtii 5aad) – Badda Soomaaliya Afgarasho mise isafgarad "

  1. Raage Gooje says:

    Waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan bahda warbaahin soomaliyeed ,gaar ahaan kuwa badda qoraalka ku ilaalyo sida som-talk.
    som-talk. waxaa shacabka soomaaliyeed seexdeen ayadoo baadigoog loogu jiro dhulkii maqnaa sida S-galbeed,Enf dhiig iyo jabuuti oo wadda hadal noo socddo waqtiga ay nagau soo biiri doonaan.Balseh waxaa halmar lawadda akhriyey soomalitalk oo soo bandhigay qoraalo sax in baddii lagatay waxii maalintaa kadanbeeyey waxaa shacabku kafiirsadaa badda in laxadey iyo inkale S-talk. aad iyo aad baad u mahadsan tihiin

  2. Geele Salah says:

    salaan ka dib:

    kuwa hadda booskii madaxda fadhiyoow; haddaad dalkii ibinaysaan, haddaad nabad keeni weyseen, haddaad safaaradihii ibineysaan, haddaad safaaradihii shaqaynayay labatankii sano ee dhibta badnaa hadda xireysaan, hadeynaan dal iyo diin midna war uhayn, haddii qaarkiin dawlado kale aad ushaqeysann, haddii qaarkiin diinta iyo qaranka qabiilka iyo dantiina gaarka ahi idin kala weyn tahay, intaasba inaad sax ku tihiin haddaad wali uheysataan maxaa?
    1. mujaahidiin noogu sheegteen?
    2. maxaad badbaada qaranka ula baxdeen?
    3. maxaad alle been ugu sheegteen so ma ogidin inaad dhiman?
    4. maxaad dadka somaalida ah ee qurbaha ku dal la aad beenta ugu sheegtee?
    5. maxaad kata duwan tihiin USC, SSDF iyo SNM waayo kuligood mujaahiddin ayay sheegteen
    ogaada qofkasta oo Somaliya jago ka qabta baal cad ama baal madow ayuu ka geli.
    Somaalida somaaliya joogaa uma baahna dhac, dil iyo daneysi, waxay idinka rabaan naxariis, kaalmo, daawo iyo deganaan. war miyeydinaan marna qalbiga ka fekerin waayo qalbiga naxariis ayaa ku jirta.

    please waxaan idin kula talin lahaa iskaga taga meesha waayo ma garano waxaad sugaeynaan, intat inta hartay dhimanayaan miyaa?

    nabad gelyo

  3. Xaamid says:

    Waxaan oran lahaa maxkamada Adunka Ee Hek ha soo qaboqato intii ka dambeeysay Fulinta Heshiskan, Intii Rabtay in La sexxixo, iyo Waliba inta Fikerkeeda Lahayd, Waayo Xasuuq loo geystay Dalka Somalia iyo waliba Umada Somaliiyeed.

  4. khadar says:

    soomaalida madaxdeeda, tuugada badda iibinaysa , kuwa sunta ku shubisteeda xoogaaga siistay iyo kuwa bariga qaybinaya iyo kuwa saxiixay bada joogisteeda cidaan la ,ogayn waxay wadaan , iyo kuwa la taagan badayadu ma cabira . halala tiigsado maxkamad caalami ah hadii la waayo taa halala tigsado maxkamad soomaaliyeed hana laga bilaabo kuwii sunta . anigoo ku hadlayaa soomaalida inta sharafta iyo dadnimada jecel, aan mahad balaadhan iyo abaal aan la qiyaasi karin haynaa una soo gudbinayaa mahad celin walaalaha somalitalk. mahadsanidiin illaahay ha idinka abaal mariyo bini aadan ma gudi karo hawshiina