Home » Announcements »

Zahro waa Gabar Soomaaliyeed oo Firir Madfac Madaxa uga taagan yahay oo u baahan Gargaar deg deg ah

Zahra Ali Macallim waa 14 jir wa ardayad fasalka afraad ee Dugsiga hoose waxa ay la kulantay dhacdo qatar ah kadib markii ay la kulantay meel qarax Bambaano uu ka dhacay waxana wax ku noqday iyada oo kaliya waxa xilligaa uu qaraxu dhacayay Zahra ay mareysay halka qaraxu ka dhacay iyadoo u socotay xilligaa iskuulkeeda hase yeeshee nasiib daro waxa soo gaaray dhaawac halis ah oo ka soo gaaray madaxa indhaha ,lugaha garbaha iyo meelo kale oo ka mid ah jikeeda,

Zahra waxa ay gashay kooma waana ay miyir daboolantay wax yar kadib markii qaraxa Bambaano uu dhacay waxana dadkii soo baxay ay u qaateen in ay dhimatay hase yeeshee cabaar yar kadib waxa goobtii qaraxu ka dhacay soo gaaray hooyadeed Faaduma Macalim iyo qoykeeda waxana ay ula carareen xarun caafimaad oo ku taala Degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdisho.kadibna waxa lo sii gudbiyay Isbitaalka weyn ee Madiina halkaasoo ay ku jirtay muddo ka badan bill..DR Maxamad Yuusuf Xasan oo ah agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina ayaa u cadeeyay waalidiinta dhasahay Zahra yareey inaan xaaladdeeda dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin.. si gaar ahaan waxa uu sheegay in ay ugu daran tahay labada indhood iyo maskaxda oo firir uu kaga jiro..sidaas darteedna hadii ayan helin xarun caafimad oo dalka dibadiisa ah inay halis ku jirto nolosheeda..

Hooyo Faaduma Macalim oo ah hooyada dhashay Zahra ayaa waxa ay ka codsanaysaa dhammaan Hay,adaha samafalada Jaaliyadaha Somaalida ee ku nool dalka dibaddiisa in ay wixi karaankooda ah ee ay awoodaan ay u qabtaan gabadheeda oo hadda la ildaran xanuun ka haya madaxa iyo indhaha iyo dhammaan oogada jirkeeda oo uu ka buuxo firir…

Waxaana lagala xiririi karaa Tel: 252615670313..Mogadishu-Somalia

Waxa wareystay C/samad Cqaadir Faarax

cabdisamad111@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.