Home » Siyaasad »

Haddii aad i doorataan Q-2aad|Suldan

Haddii aad i doorataan! Qaybtii Labaad

Haykalka Dowladnimo

Your browser may not support display of this image. Haddaba, haddii aad na doorataan, waxaannu idinku haggaynaa horukac iyo hiraal dheer [insha Allaah], waxaannu muujinayaa xilkasnimo, caddaalad, sinaan, maamul wanaag iyo hoggaamin dhab ah. Waxaanuna idinka saaraynaa wakhtiga xun ee lagu jiro, annagoo Ilaahay la kaashanaya, qorshe iyo hindisena ku soconayna.

Ugu horreyn, waxaannu qaabaynaynaa dhismaha haykalka dowladnimo iyo isu dheelli tirka awoodaha talada dalka, waxaannu dhisaynaa xukuumad tiro yar oo tayo badan, mid xul ah oo aan xal ahayn, mid hiraal leh oo aan habacsanayn, waxaanu ku salaynaynaa sidan:

[1] Garsoorka

Maxkamadda Sare

[2] Baarlamaanka

1. Golaha Guurtida
2. Golaha Wakiillada

[3] Madaxtooyada

1. Madaxweynaha
o Sirdoonka Qaranka (National Security Service)
o Sugidda Amniga (Interior Security Services)
o La-dagaalanka Musuqmaasuqada (Anti-corruption Committee)
o La dagaalanka Qaadka
o Xakamaynta Qabyaalladda
o Golaha Wasiirrada
2. M/kuxigeenka
o Ururrada Samafalka Qaranka (National Charity Organisation)
o Xarunta Horumarinta Iyo Cilmibaadhista Qaranka (National Development & Research Centre (NDRS))
o Iskaa-wax-u-qabso (Self-help initial program)
o Guddida ka hortagga Masiibooyinka (National Anti-Disasters Committee)
o Guddida Dhowridda Xuquuqul insaanka (Human Right Committee)

1. Wasaaradda Arrimaha dibedda

o Siyaasadda dibedda
o Raadinta ictiraafka
o Tixgelinta derisnimada
o Ahmiyad siinta arrimaha caalamka
o Ku xidhnaanshaha Caalamka Islaamka

2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha

o Sugidda Nabadgelyada (nabad sugid, booliis)
o Kaydinta macluumaadka muwaadiniinta -National Database
o Sharciyeynta hantida maguuraanka ah
o Xafiddida iyo siinta Aqoonsiga muwaadiniinta
o Ilaalinta iyo dayactirka Xabsiyada iyo maxaabiista
o Maamulidda gobollada iyo degmooyinka

3. Wasaaradda Gaashaandhigga (Difaaca Qaranka)

o Ilaalinta iyo adkaynta ciidanka qaranka
o Derejo siinta iyo kala sarraysiinta ciidanka
o Abaalmarinta iyo qiimaynta billad-geesiga

4. Wasaaradda Maaliyadda

o ururinta Cashuuraadka
o Odhitka (Audit) qaranka
o Baanka Qaranka
o Ilaalinta sicir-suuqa

5. Wasaaradda Waxbarashada

o Dejinta manhajka qaranka
o Tayeynta tacliinta qaranka
o Dejinta imtixaannada
o Siinta shahaadooyinka iyo tababarrrada

6. Wasaaradda Caafimaadka

o xakamaynta dawooyinka dhacay
o xakamaynta furashada farmaysiyo aqoon la’an
o tayeynta iyo kor u qaadida cusbitaallada waaweyn
o Tababaridda dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha
o Dhisidda cusbitaallo cusub iyo dugsiyo caafimaad

7. Wasaaradda Caddaalladda

o Tayeynta Xukaamta
o Samaynta garyaqaanno bilaash ah
o Dabaqidda Shariicada islaamka– qaybta arrimaha diinta
+ Qisaasta, meherka,furniinka & diyada iwm

8. Wasaaradda Ganacsiga
* Sargoynta ganacsi xor ah
* Xakamaynta isku-dayashada “Copycut” iyo iska dabararka
* Fududaynta liisamada iyo cashuur qaadista
* Cilmibaadhista ganacsiga –nooca ganacsi ee dalka looga bahan yahay-
* Wax-wada-lahaansha – samaynta iyo diiri gelinta – sharing business -ka
9. Wasaaradda Warbaahinta, Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda
* Samaynta systemka ciwaaannada (address system) magaalo kasta
* Hirgelinta isticmaalka boostada (postal system)
* Hirgelinta TV qaran, Radio qaran, Internet domain qaran leh,
* Samaynta sharciga saxaafadda iyo xeer anshaxooda
* Samaynta Xarunta sharciyeynta iyo Liisan bixinta warbaahinta iyo isgaadhsiinta – taas oo dabagelaysa ciddii ku xadgudubta shuruucda dalka –
* Hirgelinta number qaran oo ka duwan ka Somaliya 252-
* Middaynta iyo isku xidhka isgaadhsiinta dalka
* Tayeynta iyo koruqaadista isticmaalka internetka
10. Wasaaradda Qorshaynta iyo dibu-dejinta
* Qorshaynta iyo Daraasaynta hawlaha shanta sano ee dowladnimada
* Diyaarinta mashruucyada laamaha dowladda siiba wasaaradaha
* Hagidda iyo dabagelidda hawlaha hay’adaha samafalka iyo NGO-yada
* Diyaarinta warbixinnada joogtada ah ee laamaha dowladda
11. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha
* Samaynta koox qaran
* Dardargelinta hawlaha cayaaraha qaran
* Qabashada koobab joogto ah oo heer sare, mid dhexe iyo mid hoose ah
* Qabashada tartan aqooneed, mid diineed, mid suugaaneed, mid cayaareed oo joogto ah
* Shaqaalaynta dhallinyarada – qayb cusub oo wasaarad kasta ku daba gelaysa inay shaqaalaysay dhallinyaro ku filan.
12. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
* Xakamayn in diin aan ta islaamka ahayn dalka la keeno
* Middaynta masaajidda – dhanka eedaanka, soonka iyo salaadaha
* Dhaqangelinta awaamiirta diinta sida soonka, salaadda iyo ciiddaha, iwm
13. Wasaaradda Khayraadka Badda
* Samaynta hay’ad wadani ah oo kaluumaysi
* Xakamaynta ajaaniibka ku soo xadgudbaya baddeena
* Samaynta ciiddan tababaran oo difaaci kara baddeenna
* Samaynta gaadiid iyo goobo lagu gado kaluunka
* Dhiiri gelinta in la cuno kaluunka dalkeenna
14. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo gaadiidka
* Samaynta iyo hagaajinta waddooyinka
* Samaynta biriijyo cusub
* Dayactirka laamiyada iyo wadooyinka magaalooyinka
* Xakamaynta si xun u isticmaalka gaadiidka
* Bedellidda dhanka wadada la iska dhaafo
* Soosaaridda liisamada baabuur wadida
15. Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska
* Daryeellidda Deegaanka
* Dardar gelinta Dalxiiska
16. Wasaaradda Waxsoosaarka
* Beeraha & Bay’adda
* Warshadaha & Xoolaha
17. Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
* Wakaaladaha biyaha
* Sahaminta Shiidaanka iyo macdanta
* Samaynta Biyo-xidheenno iyo Riig-gelin
* Baabi’inta berkedaha iyo waddooyinka xaggaafka ah
18. Wasaaradda Qiyamka iyo Qoyska
* Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
* Hiddaha, dhaqanka iyo suugaanta

* * *

1. Maxkamadda Sare

Dhismaha iyo haykalka dowladnimo ee aynu qaadanay waxa ugu sarreeya Maxkamadda Sare, dhibta maanta jirtaa waxa weeye marka madaxweynuhu soo magacaabo guddoomiyaha maxkamadda sare, lama soo marin sharciga dalka, isla markaana laguma soo dooran dhexdhexaadnimo, aqoon iyo waayo aragnimo. Xalka aannu keenaynaa waxa weeye in aannu ummaddan u soo xulno garsoon caddaalad ah, aqoonsare iyo waayo aragnimo ku filan leh, dhexdhexaad ah, caddaaladda iyo xaqsoorka ummmadda aan marnaba gorgortan ka gelayn oo hal-adag.

2. Baarlamaanka
1. Guurtida

Dhibta

Dadkii guurtida ahaa way dhammaadeen ama da’oobeen, waxa khalkhalay sidii lagu buuxin lahaa jagada banaanaatay, taas oo laga dhigay dhaxal oo qofka ehelkiisii buuxinayaan, waxay taasi keentay in dhallinyaro aan waayeel ahayn iyo haween aan guurti ahayni ku soo galaan arrinta dhaxalnimada, taas oo meesha ka saaraysa ereygii “guurtinimo”oo u taagnay waayeelnimo waayo-aragnimo wata, xeerbeegtinimo xalkeen ah iyo xilkasnimo nabaddoon ah. Guurtidii waxay noqdeen gole siyaasadeed oo sargooya arrimaha siyaasadda, waxay baalmareen sharci kasta oo dalkani lahaa, waxay ka sarreeyeen dastuurkii dalka, waxay go’aamiyeen masiirkii ummadda oo iyagu xilligii ay doonaan isu kordhinayaan, madaxtooyadana u kordhiyaan, waxay awooddii ka qaadeen bulshadii wax dooranaysay, waxay maamulkii iyo awooddii sharci kala wareegeen golihii wakiillada, waxay laaleen sharci kasta oo ka soo baxa golaha wakiillada, waxay laf dhuun gashay ku noqdeen dastuurkii qaranka iyo awooddihii hay’adaha dowladda ee isu dheeli tirnaa. Waxay dibu tirtireen raadkoodii taariikhiga ahaa ee nabadaynta iyo xasilinta xasaradaha collaadeed ee ay guulaha lama ilaawaanka ah ka soo hooyeen. Ku darsoo guurtida maanta lama dooran, dalka iyo dadkana looma dhaarin.

Xalka

* Waxaanu kala diraynaa golaha guurtida marka wakhtigoodu dhammaado.Waxaanu samayn doonaa gole guurti ah oo ku qotoma qoddobadan soo socda:
* Gole laga soo doortay noocyada bulshada qaybaheedda kala duwan, culimada, abwaannada, ganacsatada, aqoonyahan, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta hawlgabka noqda iwm
* Golaha guurtida ah waxaanu ka dhigaynaa mid lagu soo doorto hab gobol oo sinaan iyo cadaalad ku qotoma, laguna soo doortay doorasho dahsoon (dad la soo xulay)
* Golaha salaadiinta waxay ka mid noqonayaan golaha guurtida.
* Guurtidu waxay noqonaysaa gole “dhaqan” u xilsaaran xasilinta, heshiisiinta, ilaalinta nabadgelyada, dhexdhexaadinta murannada siyaasadeed iyo ka talinta aayaha ummadda.
* Waxay noqon doonaan gole “mus-danbeed” ah oo marka wax walba loo caal iyo maaro waayo lagula soo eerto si ay u samatabixiyaan arrin kasta oo murugta oo xalkeedu adkaado.
* Waxa ka mamnuuc ah in ay laaluush iyo “dheemaal” toonna qaataan, haddii cid golahaa ku jirta lagu ogaado laaluush iyo musuqmaasu waxa laga xayuubin doonaa xilka.

2. Wakiillada

Dhibaatada

Waxay noqdeen dad danaystayaal ah oo ka hormarinaya dantooda ta dalka, waxay noqdeen fursad-ka faa’iidaystayaal (opportunist) aan wadaniyad iyo hawlkarnimo midna lahayn oo baasaboordayaal dal kale sita oo jaranjarada siyaasadeed ku soo fuulay xooggaa kharash ay dibedaha ka soo urursadeen iyo ummadda gudaha oo wejiyo cusub oo wax beddeli kara ku riyoonaysey. Waxa laga rajaynayey xilkasnimo, aqoon-sare iyo isbeddel dhab ah oo ay ku beddelayaan habdhismeedka golaha baarlamaanka, waxayse u bateen xoolo-doon iyo xasarad u joog, maalinta kalfadhiga dhaameelka lagu cunayaa dhammaado, tigidhada ay dalka kaga baxayaan ka sii shaxaada dowladda.

Golihii xukunka iyo sharciga (law and order) la jaangoyn lahaa wuxuu noqday goob gacansi madow oo dhaameel lagu tumo koox “xildhibayaal” ah. Waxaad arkaysaa iyadoo danahooda iyo dhaameelka laysku dilayo gacanta inta la isula tago baarlamaanka dhexdiisa. Dimuqraadiyad ma aha in qofka ra’yi ama feker kaaga duwanaada inaad gacanta ula tagtid, waa dhaqan bahalnimo iyo jaahilnimo ku fadhiya. Waxa laga rajaynayey inay noqdaan “xildhibaanno” uu xilku dhibo oo ka werwera danta umadda, hase yeeshee iyagii baa xilkii dhibay oo waxay noqdeen “xil-dhibayaal”

Waxa golaha Baarlamaanka fadhiid ka sii dhigay xukuummadda hadda jirta iyo golaha Guurtida oo laf dhuun gashay ku noqday, sharci kasta oo ay gudbiyaanna dibu ugu soo celiya.

Xalka

* Waxaannu soo saaraynaa sharci xakamaynaya in lagu soo daldalo baarlamaanka qurbajoog dalka dalxiis ku imanaya oo magac doon ah ee aan dalka mustaqbalkiisa iyo aayihiisa ka fekerayn, sidaasi darted, waxaannu shuruud adag ka dhigaynaa in aan codsiga ka mid noqoshada baarlamaanka xisbiga iyo commission kuba aqbalin qof 24 bilood ee ugu dambeeyey aan dalka ku sugnayn, si fiicanna u degenayn.
* Waxa si weyn loo soo xaqiijinayaa shahaadooyinka cid kasta oo soo gudbisa arjiga ka mid noqoshada tartanka baarlamaanka.
* Waa in tartamuhu xafiis uga furnaado meesha laga soo dooranayo, haddii uu xildhibaannimada ku soo baxo, waa in uu bishii laba cisho xafiiskii laga soo doortay fadhiisto oo waraysto una waramo ciddii soo dooratay,
* Waa inuu golaha baarlamaanka uga soo warbixiyo xaallada ay ku sugan yihiin cidii soo dooratay, nabadgelyo ahaan, caafimaad ahaan, waxbarasho ahaan, horumar ahaan iyo wixii dhib iyo dibudhac uu ku arko.
* Waana inuu dhiiri geliyo bulshadii soo dooratay oo kala qayb galo kulamadooda iyo horumarkoodaba.
* Xildhibaanku waa inuu ilaaliyo sharciga dalka u yaalla iyo karamaada bulshada oo uu muujiyo xilkasnimadiisa iyo dulqaadkiisa, xildhibaannada gacanta isugula tegaya baarlamaanka dhexdiisa iyo dibeddiisa, waxaannu soo saaraynaa sharci xakamaynaya in gacanta la isula tago, qofkii lagu qabtana laba bilood oo xadhiga iyo lacag la khasirayo.
* Waa in xildhibaankii saddex jeer ku dagaallama baarlamaanka dhexdiisa ama dayrkiisa gudihiisa sanadkii, xil ka xayuubin lagu sameeyaa.
* Xildhibaanku waa inuu noqdaa mid ummadda meesha ugu jira ee aanu naftiisa meesha ugu jirin, haddii lagu qabto xildhibaanka isagoo dembi faraha kula jira, sida musuqmaasuq, xatooyo qaran, iwm waa xadhig iyo khasiraad lacag adag la saaro.

NB: haddii aad ka mid tahay “haldoorka maanta” iguna raacsan tahay nuxurka qoraalkan, ku soo dir magacaaga, si aan qormada danbe kuugu daro liiska “Haldoorka Maanta” eeg xagga hoose

Haldoorka Maanta

Musharixiinta Doorashada

Liiska “Haldoorka Maanta”

1. Yasin Jama Nuh (Suldan) – London, UK
2. Saleban Abdi Jama –
3. Hassan Dirie Jama – Birmingham – UK
4. Magacaaga oo saddexan (Adiga)

Wixii talo, tusaale, sixid iyo dhalliilid ba ah, ku soo hagaaji emaillada kala ah suldaan@aftahan.com ama

Qalinkii: Yasin Jama Nuh (Suldan)
aftahan@gmail.com

La soco qaybta dambe — Allaa mahad leh

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.