Home » Warar »

Norway: Badda Soomaaliya maleh Cabbir, waxaana u samaynaynaa Aag ganacsi EEZ

ayadoo la iska indhatirayo Xeer Soomaalida u qornaa 38-sano ayaa Norway Sheegtay in ay DFKMG u samaynayso 200-mile oo ah Aagga Ganacsiga Badda Soomaaliyeed …

Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ayaa Norway waydiisatey in ay ka caawiso sidii dalka gaajadu aafaysay ee ku yaal Geeska Afrika ay Norway ugu samayso cabbirka 200 mayl badeed oo ah aagga gaarka ah ee ganacsiga (Exclusive Economic Zone EEZ) oo u dhiganta (380 kilometers) oo ah badda Soomaaliya, waxaa sidaas warka ku bilowday jariidadda Aftenposten ee ka soo baxda Norway, caddadkeedii June 11, 2010, ayada oo soo xiganaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway. (Ufiirso halkaas: lagama hadlin 350-mayl-badeed (648 km) ee waxaa laga hadlay 200-mayl-badeed). WARKA OO DHAN AKHRI HALKAN…

Warbixinta Norway oo DFKMG u cabiraysa Badda Soomaaliyeed AKHRI

Warbixinta oo dhamaystiran HALKAN KA AKHRI

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

25 Jawaabood " Norway: Badda Soomaaliya maleh Cabbir, waxaana u samaynaynaa Aag ganacsi EEZ "

  1. Keenadiid says:

    Laxiba shilalkay is dhigto ayaa lagu qalaaye, waxa ay inoola dhimanyihiin baa ka badan inta aynu hada aragnay ama maqalnay, marka Soomaaliyeey ma is cafinaa oo dalkeena dhurwaaga cad iyo midka madaw maka ceshanaa mise maalinba si in loo goosanayo ayay xaaladdeenu ku danbaysaa sifir sifir.

  2. Yusuf says:

    Goormay badda somaliya khaladku galay ?? Ma burburkii kadib??
    Maxaa looga hadli waayey in cabbirka dhulka Somaliya ee xuduud beenaadka in la saxo ??
    laga soo bilaabo 1990kii waxaa socdey barnaamijyo kala duwan oo loogu hawlgalayo sidii looga takhalusi lahaa khariiradada (seven/7)ka iyo dadka ku nool oo laga yaabo in ay dhibaato ku hayso dhinacyo badan oo leh ujeeddo fog oo ku aaddan geeska ayaa waqti iyo maal u huray sidii ay ugu guulaysan lahaayeen dulmi ay isla ogaayeen ilaa qarnigii 19aad.
    Waxaan qarsoodi ahayn in ay bilaabatay weerarkii muddo la sugayey, laakiin dad badan ay ka shakisanaayeeen xilliga iyo dhinaca uu ka imaan doono waayo dalka iskama burburin ee waxaa loo adeegsadey xoogag fara badan oo kala duwan ama xoog ciidan ama maaliyad oo midba ujeeddo gaar ah lahaa kuwaase huwanaa qorshayaal qarsoon iyo kuwa muuqda, kuwa la fasiri karo iyo kuwa furahoodu adag yahay in dhaqso loo garto, qorshayaas oo ku taxnaa strategy-yad fog oo si qorsheysan loo soo abaabulay oo cutub-cutub isugu xiran oo sannadba cashar ama casharo laga iftiimiyo ama laga fuliyo, kii fuli waayana dib loo dhigo ilaa la helo jawi ku habboon, waxaa kasii daran kuwa aynaan weli ogeyn oo soo socda !!!!
    Waxaad garan kartaa in ay Somali agoon noqotay, in dawlado iyo hay’ado aanan weligaya maqal weerar ku yihiin sidii looga takhalusi lahaa khariidada badda kadibna lagu xejiyo dhulka oo intiisa badan awalba la haystey. Kuwaas ku doodaya sidaan waxaa ka danbeeya qolooyin kale oo aadan hummagooda arkaynin.
    Maxaa looga hadli waayey in cabbirka dhulka ee xuduudaha somaliya la saxa oo laga hadlo xuduud beenaadka gumesytayaashii sameeyeen. Yaa u wakiishay in ay cabbirka badda somaliya la qalin daaro oo adduunka laga dhaadhiciyo in aanay badda somaliya cabbirkeedu sax ahayn? Maxay kuwa kuraasta federalka uga hadli waayeen, puntland maxay uga hadli weydey, Somaliland maxay uga hadli weydey ?? waxaase isweydiin mudan goormay badda somaliya khaladku galay ??? ma burburkii kadib?? Waxaan qiyaasayaa in mashruucaan beri hore la diyaarshey oo maalinba qolo lagu dayayey in ay saxiixdo ilaa la soo helay aakhirkii calooshood u shaqeytayaal midabka iyo afka kala mid ah ummadda Somaliyeed laakiin ah kuwii ugu wadaniyadda iyo Diin xumaa oo abid na soo maray, balse aan filayno in aan isku duubni kaga gudbi karno…. Ilaahow naga badbaadi shartooda ay nala ag fadhiyaan….. waxaase Somalidu ku maahmaahdaa: Gedinteerey ima goyseene, ee gabalkay baa kugu jira!!!!!

  3. waxaan leeyahay soomalida waa in loo jeesto waxa aay tahay midnimo waa
    maxay midnimo,in laga tago qabiilka iyo wixii xun,loo jeestaa sidii aan dalka loo dhicin la haa noqda dad jicel midnimo, midnimoooo

  4. mohamed isse says:

    asc,w,,w
    dhamantiin waan idin salamay akhyaarta fikirkooda kadhiibtay iyo bahda somalitalk ee xaqiiqda jirta soo gudbisa marwalba kana hadasha danaha guud ee qaranka, waxan layabanahay boobkan cad ee fashilan ee lagu hayo dalka iyo dadka , waxase igala yaab badan kuwa dulalka u ah in ladhaco dalkooda dadkooda, waxaas oo dhan waxaa kadaran, mushkilada soomali haysata oo kahaysata dhanka ah bal inay mar uun gartaan midnimadooda sida ay ku abaabuli lahayeen, markale si ay isaga dhiciyaan qorshaha uu gumaysiga wato , arin walba o lasoo maleego ama larabo in lagu khiyaano dalka iyo dadka hadan midnimada lakashanin laga ma hortagi karo, waxan idinku waninayaa in aad somaliyey ka guurtaan qoloqolo. iyo waax iyo qurun qabiil. oo aad uguurtaan qaran iyo midnimo ,oo aad kamadowdaan fikirka yo danaha guud ee dalka iyo dadkaba , gumaystahu waxuu u soo jeestay iyo kuwa uu ku adeeganayaba in ay idin dhaxal tiraan, diintana baabiyaan, aduunkana ay idinka tirtiraan tariikhdiina lawaaayo masaas ayaad ku raacsantihiin somaliyey, hadaydaan ku raacsanenn sidas waa in aad ugurmataan dalkiina iyo dadkiina oo aad midnimada ku daddashaan, nabadey

  5. Dr. Qasim says:

    Hadal yar iyo hawl badan; isla maanta intii meel isla deganiba ha bilaabeen abaabul ay ku diyaarinayaan mudaaharaadyo is daba joog ah oo lagu hor samaynayo safaaradda Norwey. iyada oo la leeyahay shirkadoodaadii faraha ha kala baxdo arimaha baddeenna iyo barigeennaba, ama ha noo cabbirnaato ama yey noo cabbirnaane. kalsooni kuma qabno, iwm.

    Teeda kale qofkii garanaya qof ama shirkad maalqabeen ah oo Soomaali dhab ah ha kula taliyo in ay badda barteeda la isku haysto ka degaan oo ka dhistaan shirkad patrol iyo gas ka qoda macdan kalena ka soo saarta. sida loo samaynayo shirkaddaas Soomaaliyeed iyo cabbirka deri dhaca badeed ee halkaasna anigaba ha la isoo weydiiyo, waan ku takhasusaye. Emailkaygu waa:. qaasim@mail.com, wasalam

  6. Dr. Hersi says:

    asc, salaan ka dib bogaadin ayaan idiin soo dirayaa sidaad isaga xilsaarteen aruurionta iyo xaq u dirida umaada soomaliyeed.
    Waxaa su aal ah waxa loogu oradyo bad in la cabiro iyadoo soomaliya aysan ka jirin wax dowlad ah, oo ay la kaashadaan xiriirika caalamiga, caamada villa somaliya joogta oo aan wax baranin waxa loogu wareerinayo bad ayagooba haysan dhowr km oo nabdoon.

    Iiman la aanta intaas la eg waligey ma arag, tankale maxay tahay waxa kalifey in Norwey iney dhex orodo arimaha somaliya.

    ninkastoo somali ah waxaa xil ka saaran inuu difaaco dhulka iyo badaba.

  7. Nadiira says:

    Somali is for sale. Waxaana cadaaynaysa badii Soomaaliya waa la haaystaa qaarna waba lagu gor gortamayaa in la iibiyo. Waxaa taas ka sii daran wadankii dadkii lahaa waa ka soo qaxayaan, dad kale oo shisheeyaana waa ku soo qul qulayaan. Soomaalida wax dameer leh, wax ilaa hada arimahaan ka hadlaya iyo wax dareensan runtii anigu bahda Somalitalk uun baan ku arkay. Awaye Soomaalidii kale?? Maxaa dameerta ka qaday? Wadankeena nin shaqsi ah sida IIBI , shariif sakiin iyo kuwa aay isku fekrad yihiin in aay gadaan ma xaq baa? Sheekadu hada waxaay maraysaa meel fog oo aan hadal waxba tareeyn. Soomaaliyeey meesha ka kaca oo demonstrations soo abaabula ka dhan ah dawlada norway iyo shaqsiyaadka shisheeyuhu ku adeegtaan. UN kana u qora warqado arintaan ku saabsan intiina english qorta. Mahadsanidin bahda Somalitalk.

  8. abdirahman says:

    waa wax lagu qoslo lagana xishoodo somalia o ilaa 1960 xor ahayid in maanta la yiraahdo dhulkeeda iyo badeeda lama yaqaan waan aragnaa sida la inoo boobayo ama la inoo dilaayo waxa keliya o nala gudboon waa in aan talaabo ku haboon arintaan qaadno talaabadas yaaney noqon mid ku ekaato keliya dadka shisheeyaha ah waa iney samayin buuxda ku yeelata kuwa inaga inaka midka ah o qorshahaan hor boodaya. wabilaahi towfiiq

  9. mohamud says:

    haloo fashilo sidii heshiiskii hireba loo fashilay norwayna waa wadan 105 sano xoriyad haystey waxaana xukumi jirey denmark kadibna sweden oo markii danbe ay xoriyada ka qaadatay waa wadan cabasho badan wuxuuna ka cawdaa ruushka oo ay xuduudka badda isku khilaafaan maxay u xalin weydey dhibaatadeeda inta ay soomaaliya soo haweyysanayso iyada iyo ruushku haku heshiiyeen nord pollka hana ogaato inaan cidina waxaas ka yeelayn kenya waxaa ku maqan NFD soomaalidu in kastoo ay iyagu isku jeedaan hadana way ilaashan doonaan badooda iyo dhulkooda asc

  10. Eeboow says:

    Waxaa yaab ah in dowlad somaliyeed ay sidaan u dhaqanto oo maalinba dhulki oo holcaya qeyb gadato. Mida kale Norway maxaa keenay mesha oo uga jira arimaha somaliya waa la dareemi karaa in meeshaas ay wax jiraan mesha la iska caawiyo waa la yaqaanaa dadka baahida heeso dadka rasaasta lala dhacay oo u baahan daawo cunto iyo gar gaar deg deg ah gacan qabasho sidaas ayaan u naqanaa caawin ee ma badd la cabira ma dhul lakala gooyaa ma in la is qiyaanaa alla soomali wexey isku darsatay cilmi yari iyo weliba dulinimo, xushmad la,aan hadey aqoonteena intaas ka baddnaan laheed lama dhaheen na caawiye ee baddeena qaata wixii soo harana dib nooga soo doonta ee allow dad daacad ah oo is jecel naga dhig. somali aduunka ma raba ee isku tashta walaalayaalow.

  11. Cumar says:

    Asc,
    Cabaad iyo catow waxbatarimayaan ee qof walow istaag dokumenti inta Somalitalk.com ay diyaarisay ayaa nagu filan aan is abaabulno banaanabaxno aan kala joogsi laheyn hala kaco. Waa inaan anagoo qoraaladeena sidana Alle kaashaneyna muujinaa xaqaaiqa jira .*( qorshaha khaa’imiinta waddanka waan joojin karaynaa ).

  12. somali says:

    Norway waa wadan yar oo aan wax aqoon ah aanaan u lahayn ilaa 1990kii ka dib un baan maqlay,yay ismoodeen maxaase ka quseeya qadiyada badda somaliya ayaan is waydiiyaa, waxaan kula talinayaa norway dadkeeda iyo aqoon yahanadeeda in ay faraxaha kala baxaan arin aan qusaynin,badda soomaaliya arinkeeda waa ka dharagsan nahay hadaan soomaali nahay marka norway iyo cidii kale ee arimaha badeena faraha kula jira waxaan ku qasban nahay in aan runtii idiin digno digniin aad u adag.\
    faraha kala baxa bada sooomaaliya

  13. gabayre. says:

    A/C dhamaantii umada Somalieet iyo Bahada Somalitolk 100%. Waxaa loo baahanyah kacdoon dadweyne iyo mudaharaad aan kale joogsi lahayn. aa waye nimankii 2 sanadood ka hor meelkasta ka mudoharaadayey. ma waxaan bay dhaleen( ceebay tacaal). waxaa nagu waajib ah in ninkasta oo Soomaali ah in uu muujiyo dareenkiisa ku saabsen BOOBKA BADA SOMALIA. Layskana qabto waraabayaasha aan dhiiga wadaninimo ku jirin.

    mahadsenidin

    Gabayre.

  14. abdirisaq says:

    Cudurka Somalia dawadiisu waa in la helo kalsooni.
    Dadka somaliyeed iyo madaxdooduba waxaad mooddaa in ay garab rarato yihiin oo dalkooda geddi ku joogaan.
    Madaxda Somaliyeed waxaad mooddaa in nin waliba isleeyahay wax yar jeebka kusii shubo kana soco,waa suaale xaggee u socdaa. Waxaan u malayn in uu ka yimid arrinkaan dhaqankii reer guuraanimada aha meeshaan dooga leh daaq kaddib marka uu dhamaadana isga hayaan oo meeshi kale caws leh ama doog iska deg tasoo keentey inaanu qofki xil fog mustaqbalkaba iska saarin.
    Cilladda inoogu weyni waxa ay ka timid xisaabtan la’aan iyo ninki qalad galaba inuu qabiil ka dhigto qolofkii diinceelaadka(turtle shell) oo xisaabtan iyo ciqaab ka hoos galo.
    Waxaan hubaa sidaan haddii aan ku soconno inaan la mid noqon doonno qowmiyadaha la gumaysto oo la kala qaybsadey. Ilaah baan ka magan galnay

  15. Qor Magacaaga... says:

    asc waxaan halkan idinka cadaynayaa mudo laga joogo 3 sano in Nin norwayji ah uu yidhi waxaan ka imid somali waxaana kaqodaynaa shidaal meesha aan kaqodayno waa Raaskanbooni waxaase iska leeh Kenya asagu waxuu ahaa ninkii qodayay marka ayada ah waxuu noo sheegay in wax soosaarku bilaabanayo mudi 1 sano ninkaa anigu Abihii ayaan aqaanay oo hada dhintay lana odhan jiray Gogsar asaga laftiisii asaga oo somalia kayimid oo ordaya ayaa wadnuhu istaagay hadii loo baahdo waxaan tlf kiisa hayaa wil somali ah oo sheekadan ay dhaxmartay marka waxaan qiyaasayaa norway shidaalkii ayaa diyaar ah oo sharci loo raadinayaa lagu soo saaro waxuu ninkaasi yidhi Norway,Maraykanka,Japan,iyo kenya oo leh dhulka ayaa iska kaashanaya marna waxuu leeyahay somali ayaa leh mar Kenya.
    Ninkii aad ula sheekaystay oo la dhaho Maxamed ayaad kawaraysan kartaa.
    WCSWRWB

  16. cawl says:

    assalaama calaykum marka xiga waxan halkan ka sallaamaya bahda somalitalk oo mar walba utaagan difaca aan dhulka waxaan idin leeyahay ilaahay ha idinka abaal mariyo howsha culus ee aad dharb ka u ridateen adinka & aqoonyanahada soomaliyed ee idinkala qayb qaatay hadaan fikirkayga u soo dhaadhaco dowladda km2 waxay oo wallad cabdalla dabada ka riixayo waxay ku heshiiyeen in ummadda soomaliyed falastiinka africa laga dhigo iyada oo badda soomaliya laga bilaabaya marka km2 (dowlad ku sheega ) waan u soo jeedinaynaa in ay ka waan towdo waxa ay wado shacabka soomaliyeed waxan dhihi laha in aynan dhayalsan qorshan la inagu iibinayo oo ay iska kaashadeen cadowga soomaliyeed wabbilahi towfiiq

  17. siciid oday says:

    Norway u jeedada ay leedahay waaba cadahaye, dowlad usku sheegaan hantiidi umada soomaliyeed rabta inay dad shisheeya ka iibsato soo wax lala yaabo maahan.mise aqoon daraa u geynaysoo waxa lugu hadlayo iyo waxey saxiixayaan maba garanayaan.waxaadan aqoon u lahayn hadaad faraha la gasho waxaa soo baxeysa waxa aad tahay, waana wax yaabaha an ka dhaxalnay buruburkii qarankii soomaaliya.waxaan umafda soomaaliya meel kastoo ay joogto us oo jeedinayaa inay ka horyimaadaan heshiiskasta oo lugu dhacayo hantida umadda soomaaliyeed. waxana halkaan uga mahad celinayaa dadka sida qaaska isugu xilsaaray inay difaacaan hantidaa cidladaha ee maalinkasta la dhacayo.

  18. soomaaliya alaa u maqan balse intii tabartayaa inaan dadalna naga gon
    maantay soomaliya waxaa xukuma dugsi quraanle yal waligood an siyaasad dal iyo meel maamuldawladeed an lug soo galin firi seeq shariif waxuu ahaa 2002 macalin dugsi quraan shiiq adan madoobana 2000 waxuu ahaa macalin dugsi quraan halka shariif xasan ka ahaay ganacsade sigaarka iyo tubaakada ka beec mushtara saa soytahay iskuma barxin wax sistam dawladeed yaqana oo ayaan xisabta dawladaha kale kaladhexeeya kasii tirin kara marka dhamaanteen hadan soomali nahay
    waxaan saranahay tareen nin indhali uu wadu marka waxan iyo wax kasii badanba filo inta dawlad kusheegan na hor talo
    dhaman umada somaliyeed alaha bad badsho bad iyo biriba

  19. cawrala says:

    WAR SOOMAALIYEEY HA LA ISKA QABTO DOWLAD AAN WAXBA ISUGU FILAYN WAXBA, INAY WADANKA IIBISO MAALINBA IN. LABO SHARIIF IYO NUUR CADE AYAA KA MASUUL AH WADANKA LAKALA IIBSANAYO. NORWAY WAA ENEMY OF SOOMAALIYA HADII AANAY AHAYN MAXAY BADDA UGU QARQARAYSAA. WAR RAGII SOOMALIYEED MAXAA KU DHACAY WAR XAGEE BAY INKAARTA OGA DHACDAY. IN YAR MOOYEE INTII KALE CALOOSHOODA AYEY LA CAYARAYAAN. WAR RAGOOW WAARI MAYSIDEE WAR IYO WAXTAR WADANKAADA AH IYO DADKAADA AH HA KAA HARO. WELEE ILAAH WUU IDIIN GARGAARI HADII AAD ISKU GARGAARTAAN.
    w

    WA BILAAHI TOWFIIQ

  20. Assalaamu caleykum,salaan kadib bahda somalitalk guuleysta inshaa allaah,waxaan umaleynaa nimanka madaxda sheeganaya ee soomaaliyaan ka arriminnaa leh haddey awoodi lahaayeen iney godka jilicow iney idiinku hilmaami lahaayeen,waxaan usoo jeedinaayaa shacabka soomaaliyeed iyo aqoonyahankoodaba iney difaacdaan waddankooda,maxaayeeley meeshaan dowlada wax layiraa majirtee kuwo loo keensadey iney waddanka dhaxal wareejiyaan ayaa joogo,sow ma arkeysaan iney marba dhinac nagasoo galayaan,meeshii siyaadaan rabnaa ay dhihi lahaayeen ayey intii hore dib halloogu noqdo leeyihiin.
    HALEYSKU QORO OO HALEYSKA URUURIYO DHAQAALE LAGU DIFAACO BADDEENNA OO MEESHA AY KASOO SOCOTO HALISTA UGU DARAN WAQTIGAN,AAWEYSE AQOON YAHANKII MEY IDAACADAHA KAHADLAAN,SOOMAALIYEY HURDADA KATOOSA OO WARAABAHA ISKA DHICIYA,WASSALAAMU CALEYKUM.

  21. Adam Warsma says:

    Assalaamucalaykum,
    Ugu horrayn, waad ku mahadsan tihiin, sida aad marwalba u soo bandhigtaan khatarta waddankeenna kaga soo wajahan gudaha & dibaddaba.

    Cudurka ku haya in aad ogaatid micne weyn samayn mayso, haddii aadan iska daaweyn karin. Taas waxaan ula jeedaa; Waan ogaannay khatarta weyn ee ina ku soo fool leh ee idinka SOMALITALK aad noo soo gudbiseen (Allaah ha idinka abaal mariyo). Haddaba, sidee arrintaas looga hortagi karaa? Haddii raggii magaca Dawladda Soomaliaya watay ay iyagu u ordayaan inay waddankii faraha ka bixiyaan, saxiixoodana dawlado kale ugu sharciyeeyaan hantidii Soomaaliyeed, sida muuqatana ay wakiilba u yihiin oo ay shirarka ka soo jeedinayaan qaabkii hantida qaranka ummada kale loogu sharciyeyn lahaa, yaa arrintaas is hortaagi kara oo Allah ka sokow fashin kara weerarkaas khatarta badan? Allaah ayaan ka magan galaynnaa kuwa isu bahaystay boobka hantidii ummadda Soomaaliyeed حسبنا الله ونعم الوكيل

  22. abdirisaq says:

    Dalkaan Norway la yiraa waxaan ogeyn in dano batrool baaris iyo mid dhaqaale dalkaan kala dhexeeyey intuusan burburin qaranki dhexe ee Somalia1991.
    Waxaa is weydiin leh yaa u xilsaartey hawshaan. Maxaase keenay in Norway noo sheegto inaan dalkeenna baddiisa maamulan karno iyo in kale , yaase bixi yiri kharashka cabbirka baddeenna hadii aysan dan ayadu ku wadanna ma badda in la cabbiro ayaa ka mudnaan badan in tageero dhaqaale iyo mid gargaar loo fidyo dadka somaliyeed ee habqankoodu ku kla hanqaarmay kuna dacdarreysan dalka gudahiisa iyo dunida dacalladeeda.
    adduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban!!.

  23. abdirisaq says:

    Waxaa nasiib darro ah rag lkhubaro ah oo addfuunka sida wax loo kala dabbaro yaqaan in loo soo diro dawlad maskiinad ah oo aan haykalkeedi dawladeed weli dhisan oo aan haysan xubnihi halbawlaha socodsiinta hawlaha dawladda oo ay ka mid yihiin agaasimayaashi guud ee wasaaradaha iyo xoghayayaashi joogtada ahaa kuwaas oo marka la kaashadaan lataliyaashooda iyo khubarada consultantska ah ee wasaaradaa oo ay dhegeystaan akhristaanna daraasaadka ku saabsan mawduuca laga hadlayo u istaagi lahaa xaqa dalkooda.
    Maanta ayada oo waxaas oo dhan aanay jirin ayaa qalin iyo waraaq cad lala hoos ordayaa wasiirro qallan oo wax ka hooseeya jirin oo lagu soo dhisay qabiil 4.5 la yiraa si ay u saxiixaan wax haddii laba dal isku qabtaan keeni kari lahaa dagaal boqolaal sano socda si ay isaga saxiixaan.
    Ayaguna maadaama waxa laga hadlayaba aanay mustqbalka fahmi karin waa ay saxiixayaan dan kasta oo saxiixaas ay ku gaarayaanba.

  24. abdirisaq says:

    Xadduudda u dhaxaya Kenya iyo Somalia waa xaduud la jeexay ayada oo dadka Somaliyeed qaylinayaan oo leeyihiin war dalkeenni waa maqanyahay haddana haddii lagu qasbay inay iska aqbalaan oo la yiri qaramada midoobauy iyo addunki baa xaduudaha sidaas u aqoonsadey haddana ma inti noo hadhay baa loo soo dhigtey in lasii jarto.
    Raggii qarannimada diiday ee qabiilka noo horkacow dalkeennii waa talaabadi ugu horreeysey oo lagu qaadanyee ka jawaaba arrinkaan.
    Umadda somaliyeed waxaan u sheegayaa dhibkaan socda oo dhan inay gadaal ka riixayaan dad dano dhaqaale ka leh gobolkaan oo shisheeye ah iyo kuwo kararkooda awoodeed ku saxanaya ee inta aan maskaxdeenna furno aan usoo wada jeesanno ilaashiga diinteenna,dalkeenna io danheenna oo ka baxno muranka maalinba xaduudda cusub iyo midabka cusub yeelanaya.

  25. Waa kuwan waraabayaashii ama budhcad qalimeedkii markale soo laba kacleeyay iyagoo raba in ay dhegaheena ku celceliyaan in aysan badeenu lahayn cabir iskana dhigaya in ay inaga caawinaayansi aynu ula qabsano oo marka danbe in badan oo inaga mid ahi run u moodo ama aan ka caajisno waxay markan qoraalkooda ku soo dareen in bada somaliya ay hoy u noqotay budhcad badeeda reer yurub oo ka qawlaysata badeena waxaanuse leenahay badayada horaanu u cabiranay anagaana ku filan e adigu adigaa isku cadeeyay waxa aad tahay e dhibtaa naga daa dhaaftaada ma rabno e waxan la yaabay Norway miyaysan ahayn reer yurub goormay Somali noqotay anigaa kuu sheegaya in aan tuug ahay hadana anigaa xoolahaaga kuu ilaanaya ma ina qabataa kuwan somalida ah e hawsha wax kaga jira iyagu waa niman u soo jihaystay in ay wadanka siistaan in yar ooo ay jeebka gashadaan e aynu ka yurayno waxaana ku dhihi lahaa iyaga ( ogaada waxa aad samaynasaan in ay hagardaamo ku tahay caruurtiina idinkuna hadad wadanka iibisaan iyo hadad difaacdaanba waad tegasaan waxa idinka hadhayaa waa taariikh ku xisaabtama aduunka kii wax haysta wuu dhiman kan faqiirka ahna wuu dhiman qofna dhiman maayo inta risiqiisa wax ka hadheen e hagaajiya sidaad ku kasbansaan