Home » Warar »

Cumar Cabdirashiid “Dowladdu u dhutin meyso xubnaha iska casilay xilka Wasiirnimada”

  • iyo UN oo Soomaaliya u soo magacowday Ergay cusub…
  • iyo Mawqifka Madaxtooyada Ee Ku Aaddan Is-casilaadda Wasiirada
  • iyo Xafiiska Walad Cabdalla oo abaabulay kulan lagu dabagalayo shirkii Istanbul ee Soomaaliya

Cumar Cabdirashiid “Dowladdu u dhutin meyso xubnaha iska casilay xilka Wasiirnimada”

Waxaa isa soo tarayey maalmahan khilaafka u dhexeeya xubnaha Dowladda Federaalka kadib markii Dowladdii uu horkacayey Cumar CabdiRashiid ay iska casileen ilaa iyo dhowr Wasiir, waxana wasiiradaasi ka mid ah Wasiirkii Iskaashiga Caalamiga ah C/raxmaan Cabdi Shakuur, Wasiirkii Tacliinta Max’ed Cabdullahi Oomar, Wasiirkii Madaxtoonyada C/llaahi Xasan iyo Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Indhacadde, waxayna isku casileen markii ay Cumar Cabdirshiid ku eedeeyeen in uu ku guuldareystay in uu la yimaado qorshayaal dhab ah iyo hogaan, balse Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid waa uu ku gacanseyray arrintaasi waxa uuna ku tilmaamay iscasilaada wasiirada mid ay dabada ka riixayaan wax uu ugu yeeray Dowlado Shisheeye taas oo uusan carabaabin.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cumar Cabdirashiid ayaa waxa uu sheegay in Dowladdiisu aysan marnaba u dhutin doonin iscasilaadda qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda, waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo buuxin doono boosaskooda wasiiradaasi, waxa uuna sheegay in ay yihiin kuwo kutiri kuteen ah wararka ka soo yeeray eedeemaha ka soo yeeray wasiirada is casilay, waxa uuna yiri “Waqtigaan ma ahan mid lays eedeeyo ee waa mid si wadajir ah loo shaqeeyo, qof kelilyana wax ma wadi karo”, waxa uuna intaas sii raaciyey “Xubnaha is casilay waa kuwo doona in Soomaaliya dowladnimadeedu ay burburto maadaama sidaan oo kale dowladdihii hore lagu burburiyey arrimo la xiriira iscasilaad iyo is eedeyn.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu ku gacanseyray hadal ka soo yeeray Madaxweyne Sheekh Shariif ee ahaa in Dowladda la kala diray, balse waxaa markiiba soo kala dhex galay beesha caalamka taas oo keentay in Madaxweyne Sheekh Shariif uu dib uga laabto go’aankaasi isago sheegay in lagu jiro xaalad adag oo aan loo baahneyn isqabqabsi kale. Isku soo wada duuboo iscasiladaad qaar ka mid ah wasiirada ayaa dhabar jab ku noqon karta Xukuumadda uu hogaamiyo Cumar Cabdirashiid, waxayna ku soo beegantay xili ay Qaramada Midoobey Soomaaliya u magacowday wakiil cusub oo u qaabilsan Qaramada Midoobey arrimaha Soomaaliya, kadib markii wakiilkii hore Axmedou Ald Abdalla isaga tagay xilkaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Mawqifka Madaxtooyada Ee Ku Aaddan Is-casilaadda Wasiirada

Warsaxaafadeed:

(Muqdisho, Soomaaliya, June 9, 2010) Kaddib markii ay shalay iyo maanta is casileen dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda FKM ah, ayaa waxaa batay faallooyin ku saabsan arrintaas. Qaar ka mid ah saxaafadda iyo dadka siyaasadda taxliiliya ayaa is-casilaadda wasiirada ku macneeyeen in ay tahay mid Madaxtooyadu wax ka og tahay ama Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu ku culaysiyo Wasiirka 1-aad.

Waxan caddayneynaa in arrintaasi aysan sidaas u dhicin.

Is-casilaadda wasiiradu, waa mid iyaga ka timid; waana arrin dhex-taalla Golaha Wasiirada.

Dhanka kale, dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag, sidaas darteed, Madaxweynuhu waxa uu ku talinayaa arrimahaan oo kale in ay ka wada hadlaan masuuliyiinta ay khusayso.

Sidoo kale, iyada oo la ixtiraamayo aragtida wasiirada, haddana Madaxtooyadu uma aragto is-casilaadda qaabkan ah in ay tahay sida ugu habboon oo xal lagu gaari karo.

Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya
Email: media@sompresidency.org

…..
Qaramada Midoobey oo Soomaaliya u soo magacowday Ergay cusub oo bedeli doona Walad Cabdalla

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Kin Mon ayaa Soomaaliya u soo magacaabay ergay cusub kaas oo bedeli doona ergaygii hore ee Soomaaliya Axmed Ald Abdalla oo xilkiisu ku yahay 1-da bisha July oo ay naga xigaan dhowr maalmood.

Axmed Ald Abdalla oo mudo 3 sano ah so maammulayey xafiiska ergeyga gaarka ah Qaramada Midobey ee Soomaaliya ayaa waxa uu tiir u ahaa dowladda lagu soo dhisay Dalka Jabuuti ee Madxweyne loogu soo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ergaygaaan cusub oo lagu magacaabo Augostne Mahiga ayaa u dhashay dalka Tanzania waxa uuna ka soo shaqeeyey wadamo fara badan oo qaarkod ay ka jireen colaado, waxaana la filaa in uu dhawaan soo gaaro dalka Soomaaliya, ergaygaan oo ay sugeyso hawl aad u culus ayaa waxa looga fadhiyaa sidii Soomaaliya uu xal uga gaari lahaa, iyadoo magacaabistiisa ku soo beegantay xili ay uu isqabqabsi u dhexeeyo xubnaha sar sare ee Dowladda Federaalka.

Axmed Ald Abdalla ayaa mudadii uu xilka hayey waxa uu xoogga saaray sidii Soomaaliya uga samatabixi lahayd xaaladda adag ee ay ku jirto balse waxay mucaarado xoog leh uga imaaneysay kooxahaka soo horjeeda dowladda oo iyagu aan aqonsaneyn jiritaanka Qaramada Midoobey taasina waxay keentay in ay sii daba-dheeraato xaaladda Soomaaliya.

Warbixinno laga qoray ka akhri InnerCityPress (English)

Taariikh Nololeedka Ergeyga Cusub (Mahiga)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

……………….

WARSAXAAFADEED 014/2010

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) oo abaabulay kulan lagu dabgalayo shirkii Istanbul ee Soomaaliya

Nairobi, 10 June 2010- Iyadoo la tixraacayo shirkii Istanbuul ee Somaaliya, ayaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Ahmedou-Ould Abdullah iyo wakiillo ka socda Bangiga Horumarinta Islamaka (IDB) iyo Dawlada Turkiya ayaa wada gudoomiyey kulankii ugu horeeyey ee lagaga hadlayo hirgelinta talooyinkii shirka lagu gaaray.

Kulanka, oo lagu qabtay codsi ka yimid Bangiga Horumarinta Islamaka (IDB), waxaa lagu sameeyey Guddi Shaqo oo si degdeg ah wax uga qabta dhinacyada adeegga asaasiga, dibudhiska iyo kaabayaasha, noolalmaalmeedka iyo tamarta. Kulanka waxaa kaloo looga dooday hanaan lagu abaabulo ilaha dhaqaalaha iyo habab maalgelin, kuwaasoo lagu sii kordhinayo hanaankii horey u sii jiray. Ka qeybgalayaasha waxay mar kale qeexeen baahida loo qabo in la maalgeliyo dib-udhiska iyo horumarinta, waxayna ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo in lala shaqeeyo bulshada ganacsatada Soomaaliyeed oo qeyb muhiim ah ka qadanaya in nabad iyo amaan dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

“Wada-shaqeynta aan ka wadno dib udhiska iyo horumarinta waa go’aan aan ku gaarnay inay naga go’antahay in talaabooyin isbarbarsocda laga qaado dhinacyada siyaasadda, amaanka iyo horumarinita”, ayuu yiri Md. Ould-Abdallah. Shirka waxaa ka qaybgalay wakiillo ka kala socda Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Norway, Sweden, Soomaaliya, Turkiya, Ingiriiska, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta, Bangiga Adduunka iyo Jamciyadda Bisha Cas ee Qatar.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Cumar Cabdirashiid “Dowladdu u dhutin meyso xubnaha iska casilay xilka Wasiirnimada” "

  1. walal waan ku raacsan iscsilaad amar abdirashiid waayo waxaa uu gartay meesha ay soomaaliya usocto marka waxaan lee yahy shiikha shariif ma kaligaa ayaa talainya mise waxaa kula talin qarmad midoobay miyaadna garanayn masuuliyada kusaaran walal mise mayaadan xil iska saarin dadka ku doortay

  2. kamaal says:

    Muhaajir, waxa keliya oo la sirayaa adiga maha anigana maaha ee waa somalida waxna qorin waxna aqrin ee qabiilka phd ku qaatay..ninkaan cusub ee tanzaniyaanka ah wuxuu madaxa u yahay sheekh shariif iyo wuxuu xukumo…shaqadiisu waxay tahay inuu bishiiba ma u yimaado oo ay u sheegaan waxay wadanka ku sii qarbudi karaan asaguna uu markaas u sheego dadka asaga soo dirsaday.
    marka walaalkiis ninkaan unka somaliya u soo dirsatay wuxuu xukumaa shariif xaraan iyo wuxuu xukumo dadka aqoonta leh way ogyihiin inkastoo somaliya maanta dadka aqoonta leh ay ku badanyihiin oo sidii hore aan dhano…

    sidaa u ogaada ….sheekh ninkii xukumi lahaa ayaa unka soo doorteen ee maha in somaliya xalkeeda ninkii xalin lahaa in la doortay…….

  3. muhaajir says:

    Horta ninki caqli leh unbaa garan kara sababta Soomaaliya loogu magacaabayo ergay qaramida madoobay ku sheegga ka socda kana soo jeeda waddamada dunida sddexaad ugu saboolsan; taas macneheedu waxay tahay inay dadkani aad ugu dhega nugulyihiin kuwa maantay dunid sidi ay doonaan u maamula iyagoo adeegsanaya UN ku sheegga ay ku meel mariyaan gumaysigooda cusub. Haddaba yaa la sirayaa?
    Waxay ila tahay cid la siri karo majirto oo aanan ahayn dadka reer galbeedka oo iyagu ku xiran saxaafadda loogu tala galay inaanay wax ka fahmin waxyaabaha ay qabtaan dowladohuudu oo ah gumaysi ku salaysan hab cusub.