Home » Warar »

Muqdisho:Kulan ay qabanqaabisay Dallada SOYDEN

Kulan ay qabanqaabisay Dallada SOYDEN oo looga hadlayay isku xirka howlaha ururada dhalinyarada oo Muqdisho lagu qabtay

Sawiro dheeraada daawo

Kulan looga hadlayay isku xirka howlaha ururada dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay Dallada SOYDEN ayaa manta 8 Ogost 2009 lagu qabtay Hotelka Saxafi International ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay in ku dhow 100 xubnood oo ka socda ururada dhalinyarada, madax ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliyeed, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo xubno magac ku leh bulshada waxaana looga dooday qodobo ay ka mid yihiin waxqabadka ururada dhalinyarada iyo baahiyahooda.

Ugu horeyntii waxaa warbixin ku saabsan kulanka halkaasi ka jeediyay C/qaadir Salaad Cabdi madaxa warfaafinta SOYDEN wuxuuna sheegay in kulanka looga doodi doono isla markaana diiradda lagu saari doono waxqabadka ururada dhaliyarada, baahiyaha iyo dhibaatooyinka heysta iyo sidii la isku xir loogu sameyn lahaa shaqooyinka ay wadaan ururada dhalinyarada wuxuuna ku soo dhoweeyay wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga si uu kulanka u furo kuna war geliyo dhalinyarad qorsheyaasha dowladda.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dowladda KMG ah Saleebaan Cusmaan Rooble ayaa furay shirka isagoo u mahadceliyay qabanqaabiyeyaasha kulanka SOYDEN, wuxuuna intaas ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay dhalinyaro intaas la eg inuu kulankooda kala qeyb galo iyagoo ka doodaya xaalada dalka iyo doorka uga aadan.

Wuxuu wasiirku soo dhoweeyay kulanka oo uu sheegay inuu isu keenay dhalinyaro badan loona baahan yahay in la joogteeyo kulamada dhalinyarada isagoo ku baaqay in la abaabulo dhalinyarada lana mideeyo waxqabadkooda si ay miradhal u noqdaan shaqooyinka ah hayaan.

Saleebaan Colaad Rooble wuxuu caddeeyay in wasaaradiisa ay dejisay qorshe siyaasadeed ay ku dooneyso inay ku dhisto dhalinyarad iyadoo ka bilaabeysa degmooyinka Gobolka banaadir, dhowaana lagu dhawaaqi doono dhismaha maamulka dhalinyarada Gobolka Banaadir ilaa heer qaranna ay dhisi doonaan.

Dhibatooyinka manta heysata dhalinyarada ayuu sheegay wasiirka in looga bixi karo isku duubni iyo abaabul dhalinta dhexdooda ah, “Dhalinyarada manta maaha inay dhibaatada ka cararaan oo tahriibaan ee waa inay wax ka qabtaan sidii xaaladda looga bixi lahaa’ ayuu yiri wasiirka oo ururada dhalinyarada ugu baaqay inay iska diiwaan geliyaan wasaaraddiisa.

Salaad Cusmaan Rooble guddoomiyihii ururka dhalinyarada Soomaaliyeed oo kulanka hadal qiime leh ka jeediyay ayaa ka warbixiyay sidii ay u dhisnaayeen ururadii dhalinyarada Soomaaliyeed xilligii dowladii hore wuxuuna ka sheekeeyay xaruntii Ceel Jaallenimada ee dhalinyarada lagu diyaarin jiray marka dugsiyada loo xiro.

Dhalinyarada maanta ayuu sheegay Salaad Cusmaan Roobe inay ku jiraan xaalad aad looga xumaado halkii laga doonayay in hoggaamiyeyaashii beri noqdaanna aysan heysan waxbarasho, caafimaad iyo daryeel midna sidaas darteedna ay muhiim tahay in dhalinyarada la abaabulo waxna loo qabto.

Md. Salaad wuxuu soo hadal qaaday in dhalinyarada looga baahan yahay xaaladda jirta oo ay wax ka bedelaan lana yimaadaan midnimo ay wax ku wada qabsan karaan kuna daydaan dhalinyaradii SYL ee xoriyadda dalka u soo halgantay.

Md. Cabdi Maxamed Nuur oo ka mida siyaasiyiinta xilka wasiiru dowlena ka soo qabtay dowladii Carte ayaa kulanka ka hadlay isagoo dhalinyarada kula taliyay inay dalkooda wax u qabtaan iska daayaan tariibka oo uu ka sheekeeyay dhibaatada uu leeyahay.

“Dalkan idinkaa leh waa inaad isu tagtaan midowdaan isuna diyaarisaan inaad hogaamiyeyaashii dalkan ee beri noqotaan” ayuu yiri Cabi Wabar oo intaas ku daray in xoogga dhalinyaradal ooga faa’iideysto nabad dhalinta iyo xalinta dhibaatooyinka jira.

Qeybtii labaad ee kulanka ayaa la guda galay iyadoo ka qeybgalayaasha ay ka doodeen qodobada la soo hordhigay. Doodihii ka qeyb galayaasha kulanweynaha dhalinyarada waxay u dhaceen sedan:

C/laahi Xasan oo ka socday ururka KANAVA:

Kulankan waxaan u arkaa inuu muhiimad weyn leeyahay, ururo badan ayaan halkan ku arkay oon hore u ogeyn, anigu waxaan qabaa nidaam hadii la helo in dhalintu toosi karto, Booskii dowladda waxaa hadda buuxiyay ururada dhalinyarada..aniga nafteyda ayaa tahriib soo maray dhibkiisana waan ogahay. dhalinyarada waxay u baahan yihiin waxbarasho, waxaanan soo jeedinayaa in kulamadan la joogteeyo.

Cabdi kheyr Xasan Maxamed: ururka dhalinyarada G/Banaadir:

Dhalinyarada Gobolka Banaadir burbur weyn ayaa ku dhacay iyo kala yaac, mana laha isku xirnaan iyo midow midna, waana kala daadsanaanta dhibaatada na heysata, hadda waxaa Gobolka Banaadir wadaa dhismaha ururada dhalinyarada 16-ka degmo …, Aniga lafteyda ayaa tahriib galay hadana dalka ayaan joogaa la iiga sheekeyn mayo.

Fowsiya Hassan Osman ka socota dhalinyarada Jaamacadaha

Dhibaatooyinka heysta dhalinyarada waa ugu horeeya nabadgelyo la’aan, waxbarasho la’aan, taas ayaana keentay inay tahriib galaan. Hadii dhalinyarada wax la baro laguna taakuleeyo inay wax bartaan waa fiicnaan lahayd maxaa yeelay waxaa jira dhalinyaro badan oo diyaar u ah inay wax bartaan haddana aan awoodin.

Maxamed Nuur Cabdalla CONPEC

20 ka sano ee dhibaatada lagu jiray wax weyn ayaa naga lumay dhalinyaro ahaan tacliinta ayaana ugu darran, anaga ururkeena wuxuu ka shaqeeyaa waxbarashada oo aanu geynay baadiyaha si dadka loo gaarsiiyo, waxaad ogtihiin jahliga ayaa dhibka keenay qof aqoon leh qori ma qaadeyso, barnaamijkaasi waxaa naga taakuleysa hay’adda AET waxaanan ka howlgalnaa gobolka Sh/hoose, waxaan soo jeedinaa in dhalinyarada waa in laga wacyi geliyaa tahriibta; in la baro qiimaha nabadda nabadda; in waxbarashada laga taakuleeyo iyo in fursado shaqo loo abuuro taasoo aan toos uga codsanayo TFG-da iyo ganacsatada.

Cali Maxamed Siicow: Himilo Social Development

Dhalinyaradu xaaladeeda cidna kama qarsoona, waxaase loo baahan yahay in la helo sidii looga bixi lahaa, maantoo dhan hadii la hadlo waxba soo kordhi maayaan wixii halkan laga sheegay haddii la qabto wax weyn ayaa noo qabsoomi lahaa, marka waxaan soo jeedinayaa in la sameeyo Guddi dhalinyaro oo guud.

Aweys Xaaji Maxamud: Dhalinyarada Jaamacadaha/saxafi

Aniga weligey wax dowlad ah ma arag mana aqaan, waxbarasho in dalkan laga heli karo ma aaminsaneyn laakiin markii aan dalal badan soo wareegay ayaan hadda dalka wax ka bartaa, waxaan jeclahay inaan dalkeyga joogo oon wax u qabto.., waxaan madaxda ugu baaqayaa inay hadaladooda ka dhabeeyaan markasta wax baa la balan qaadaa laakiin lama fuliyo.

Cali Shanlow Cali: ururka HEDO

Anaga ururkeena waa urur aan iskeen u sameysanay, qaaraan aan iska qaadnay ayaan wax ugu qabanaa dadka, cariish ayaan wax ku barnaa caruurta, waxaan rabnaa in gacan nagula siiyo howsheena dowlad iyo cid kasta, waxaan diyaar u nahay inaan dadkeena wax u qabano dhib kasta u marno, dadaalkeena waan sii labalaabeynaa waxaanan rabnaa in isku xir naloo sameeyo. Aniga nafteyda ayaan tahriibay waxaan u soo joogay doontii aan saarneyn in saddex haween badda laga tuuray si culeyska looga yareeyo anagana badda ayaa nagula daadiyay, dhibaatadaas inaan ka baxno waa inaan ka shaqeynaa oo u midownaa.

Xaawo Maxamud Cali ururka SOWJA:

Dhalinyarada waxa ka maqan waa wadaniyad, dhalinyaradu wax ma bartaan, iskuulo ma tegi karaan waa lacag, waa in la helaa waxbarasho lacag la’aana haddii ururada dhalinyarada ee jira midkiiba 100 qof waa faa’iido, waxaana muhiim ah in la mideeyo oo isku xirnaadaan.

Doodihii kulanweynaha dhalinyarada kadib waxaa hadalkii qaatay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga dowladda KMG Saleebaan Colaad Rooble oo dhex fadhiyay madasha kulanka, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay fikradihii muhiimka ahaa ee kulanka laga jeediyay taasoo uu xusay inay keentay inuusan shirka ka tegin si aad ahna ay u xiiso gelisay.

Wuxuu wasiirku faahfaahin ka bixiyay arrimaha dowladda iyo wasaaradiisa laga sugayo, iyo fekradaha uu kulanka ka qaatay uu gaarsiin doonto wasaaradaha kale ee ay quseyso. Wuxuu wasiirku codsaday in kulamada noocan oo kale ah la joogteeyo oo bishiiba laba jeer la qabto.

“Waxaan la kaashanayaa ururka soo qabanqaabiyay kulankan muhiimka ah si kulamadan loo joogteeyo, dhalinyarada iyagaa dalkan bedeli kara, dhibaatada waa inaan laga cararin ee wax laga qabtaa, dalkan wuxuu u baahan yahay kacdoon dhalinyaro oo ka dhaca si xaaladda loo bedelo” ayuu yiri wasiirka.

Saleebaan Colaad wuxuu mahadcelin u jeediyay ururka SOYDEN ee kulanka soo qabanqaabiyay isagoo sheegay inay ka soo baxeen fikrado wax ku ool ah oo in laga wada shaqeeyo dhaqan gelintooda u baahan. Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga ayaa si rasmi ah u soo gunaanaday kulanka.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.