Home » Warar »

Xildhibaan ku eedeeyey Ciidamada AMISOM in ay xasuuqa ka wadaan Magaalada Muqdisho

iyo Saddex Wasiir oo Iska Casilay DFKMG (Oomaar, Indhacadde iyo…)

Xildhibaan Cabduqaadir Daahir Muuse (Ciro) oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si kulul u weeraray ciidamada AMISOM kuna tilmaamay in ay xasuuq ka wadaan Magaalada Muqdisho.

“Maalin walba waxaa dhintay dad rayid ah oo aan waxba galabsan waxaana la barakiciyaa dadka degan xaafadaha Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Xildhibaan Ciro oo intaa raaciyey “Dowladda kama hadasho xasuuqa loo gaysanayo bulshadeeda, waxay rabaan in ay ku ekaadaan goobaha ay ku sugan yihiin, isla markaana waxay doonayaan in sidaan ay bulshada ku xukumaan”.

Xildhibaanka waxa kale oo uu sheegay in tan iyo markii ay yimaadeen ciidamada AMISOM ay isa soo tareysay xasuuqa ay u gaysaneysay bulshada Soomaaliyeed eek u nool Magaalada Muqdisho ilaa iyo haddana aysan jirin cid ka danqatay dhibaatadaas ay wadaan Ciidamada AMISOM.

“Marka Hoobiye lagu soo rido, waxay ku jawaabaan PM iyo Madaafiicda Goobta, waxayna waxyeelo aad u ba’an ka soo gaartaa qoysas Soomaaliyeed” ayuu yiri xildhibaanka oo intaa raaciyey in mararka qaarkood ciidamada AMISOM iyadoo aysan cidina wax ku soo ridin ay afarta jiho u ridaan hub culus oo dhibaateeya dadka Soomaaliyeed, lamana oga waxa ay arrintaai uga daleeyihiin.

Xildhibaan Ciro ayaa u soo jeediyey mas’uuliyiinta dowladda ugu sareeya in ay il gaar ah ku hayaan waxa ay ku kacayaan kamana wadaan Magaalada Muaqdisho, sidoo kale waxa uu si gaar ah baaq ugu diray Golaha Baarlamaanka oo u soo jeediyey in ay si dhaqsi leh uga hadlaan xasuuqa ay ciidamada AMISOM ka wadaan Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Shiikh Yuusuf Indhacade oo Goor dhaweyd iska Casiley Xilkii uu ka hayey Dowladda Federaalka

  • Waxaa sidoo kale is casilay  Xasan Macalin iyo Maxamed C/llaahi Omaar

Wasiiru-Dowlihii Wasarada Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Shiikh Yuusuf Maxamed siyaad Indhacade ayaa goor dhaweyd iska casiley Xilkii uu ka hayey Dowladda Federaalka ka dib markii uu isfahamwaa uu dhexmarey isaga Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashii Cali Sharmaarke

Yuusuf Idhacade ayaa sheegey in maalinkii sabtida uu istaqaaladiisa u gudbiyey Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdi Rashiid waxayna iscasilaadiisa ku soo beegantey xilli ay isa soo tareysey khilaafka u dhaxeeyey Yuusuf Indhacade iyo Raiisul Wasaaraha ka dib markii uu indhacade ku eedeeyey in Raiisul Wasaaraha uu la shaqeeyo wax uu ugu yeerey Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

Waxaa kale oo magaalada London iscasilaadooda kaga dhawaaqay laba wasiir oo kale, ayagoo sheegay in Istiqaaladooda u gudbiyeen Dowladda Federaalka, labadaas wasiir oo ah Wasiiru dowlahii Madaxtooyada Xasan Macalin iyo kii Wasaarada Tacliinta Sare Maxamed C/llaahi Omaar. Wasiiradaas oo ka hadlaya sababihii ay isu casileen waxaa hadalkoodii ka mid ahaa: Meesha (DFKMG) “Qorshe ma jiro, barnaamij ma jiro, aragti VISION fog majirto, qorshe PLAN wax lagu qabanayo ma jiro.”

Iscasilaada Yuusuf Indhacada ayaa ku soo beegantey xilli uu is qabqabsi uu ka jiro Madaxda Sare ee Dowlada waxaana ugu dambeeyey kii ka dhacay Goloha BaarlamaanKA oo lagu tuurey Gudoomihii hore ee Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyadoo weli uuu sii guuxaya Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Baarlamaanka Mudane Dhalxo oo isagu sharcidarro ku tilmaamey Doorashiidii dhawaan ka dhacdey Guriga ummada

Dowlad marka ay sii liicayso waxaa la sheegey in lagu garto in uu is qabqabsi uu dhex maro madaxda Dowlada dib u fiiri Dowladii Cabdiqaasim iyo tii uu hogaaminayey Madaxeynihii hore Cabdulaahi Yuusuf.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Mareykanka oo Dowladda Kenya kala hadlaya arrimo fara badan oo ay ku jirto xaaladda Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Mareykanka ayaa soo gaaray Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya waxa uuna kulamo la leeyahay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Kenya, waxaana lagu waramay in markii uu Nairobi soo gaaray si aad ah loo adkeeyey ammaanka Magaalada, iyadoo ciidamo Mareykan ah lagu arkayey qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee Magaalada Nairobi. Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa uu soo booqday goobtii safaaradda Mareykanka lagula gaystay qaraxa 1998 –dii halkaas oo ay ku dhinteen dad u dhashay Kenya iyo Mareykanka.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka waxa uu Dowladda Kenya kala hadlayaa arrimo la xiriira dastuurka wadankaasi iyo sidii loo maxkamadeyn lahaa dadkii ka dambeeyey iska hor imaadyadii ka dhacay dalka Kenya ee ay ku dhinteen ilaa iyo 1500 oo qof kadib markii ay isku qabsadeen doorashooyinkii ka dhacay dalka Kenya 2008tii , sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenka Mareykanku kala hadlayaa madaxda Kenya sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo Mareykanka.

Warar ayaa waxay sheegayaan in safaaradda Mareykanku ku leeyahay Kenya uu kala hadli doono arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wax loogu yeeray la dagaalanka argagixisada iyo kooxaha burcad badeeda ah, hase yeeshee lama oga in Madaxeyne ku xigeenka Mareykanku la kulmi doono madax ka tirsan Dowladda Federaalka iyadoo Magaalada Nairobi uu ku sugan yahay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaana kal hore Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Magaalada Nairobi kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Hilary Clinton.

Dhawaan ayaa la shaaciyey in Madaxweynaha Mareykanka oo asal ahaan qoyskiisu ka soo jeedaan dalka Kenya uu booqan doono dalkaasi hase yeeshee lama faahfaahin waqtiga uu imaan doono Barack Obama dalka Kenya, waxaana lagu waramay in uu booqan doono deegaano ay ku sugan yihiin qoyskiisa, iyadoo markii uu isku sharaxayey jagada madaxweynenimada uu booqday dalkaasi, hase yeeshee waxay mucaarado kaga timaaday kooxihii kale ee la tartamayey taas oo ku aadaneyd in Obama uu ku xiriirsan yahay qoys asalkoodu yahay Muslim.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.