Home » Warar »

Shiikh Cali Dheere “Ciidamada Uganda ayaa ugu Shar badan marka loo fiiriyo kuwa Burundi”

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamudd Raage (Shiikh Cali Dheere ) oo u waramayey warbaahinta ayaa ka waramey Arrimo Fara badan wuxuuna sheegey in ay dagaalka sii wadi doonaan inta ay ka baxayaan Ciidamada Shisheeye is;amarkaan dalka lagu dhaqayo Shareecada Islaamka , wuxuu kaloo ka waramey in dagaalkii dhawaan ka dhacay Waqooyiga Muqdisho oo uu sheegey in ay Khasaaro xoog leh gaarsiiyeen Ciidamada Amisom islamarkaana ka gubeen Gaari Beebe ah iyo Cagaf Cagaf islamarkaana ka dileen Tobanaan Askari ayna dib ugu celiyeen Goobahi ay ka soo duuleen

Shiikh Cali dheere Mar uu ka waramayey Dagaaladii dhawaan ka dhacay Gobolka Galaguduud ayaa sheegay in ay khasaarooyin gaarsiiyeen CulamaudiinkaAhlu sunna Waljameeca wuxuuna sheegay in ay ka dileen Ciidamo fara badan halka Ahlu sunna ay sheegtey in ay Alshabaab ka dileen ciidamo fara badan islamarkaana ka qabsaden laba gaari hase yeeshee waxaa dad goob joogayaal ay sheegeyn in ay weli kala joogaan goobihii ay hore u kala joogeen waxaase la dareemayaa saan saan colaad iyo hub isku urursi iyadoo deegaanadii lagu dagaalamey ay keeneen in dad fara badan ay ka qaxaan guryahoodii kuwaas oo u firxadey goobo ay kaga nabad galaan hubka la is weydaarsanayo

Afhayeenka Xarakada al shabaab Almujaahidiin waxaa waxa laga weydiiyey sababaha ay dagaalada ugu xoojiyeen Waqooyiga Muqdisho ayaa ku jawaabey “Gaalada in kastoo aysan kala rooneyn hada waxaan xooga saarney kuwa ugu sharta badan waayo Burundi iyo Uganda waxaa shar badan kuwa Uganda oo maalinkasta dadka rayidka Xasuuqa marka iyagoo ayaan diirada saarney haddi laga adkaado kuwa Uganda ma joogi karaan kuwa Burundi”Xaqiiqdii dadka soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa inta badan isla dhex in kuwa Burundi ay ka roon yihii kuwa Uganda waayo waxaa la arkey marka Burundiga la weeraro Wadooyinka ma xirmaan dadka rayidka ah waa ay dhexmaraan halka Uganda ay rasaas la dhacaan dadka Rayidka ah waxaan ugu dambeeyey markii gaari Caasi ah ay rasaas la beegsadeen mar uu marayey Wadad Maka Al- Mukarama gaar ahaan Guriga Shaqaalaha iyo dhacdadii markii Nin tukanayey salaadii jimcaha Masjid ku yaal Km 4 ay dardarsiiyeen gaari Beebe ah

Dadka ku nool magaalada Muqisho ayaa ka daaley dagaalada qaarkood waxay joogaan quuska halka kuwa kale ay yiraahdaa Naxariista rabi lagama Quusto iyagoo sheegey in ay mar uun dhamaan doonaan dagaalada socda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.