Home » Warar »

21 qof ayaa ku dhintay dagaalka Muqdisho…

Xaalada dagaalada Muqdisho oo ka sii dareyso

Khasaarihii uu dhaliyey dagaalkii bilowday Khamiistii dhinacyada oo dhan waxaa xaqiiqo ah in ay dhibaato soo gaadhay waxaana jira dad rayid ah oo ay wax yeelo soo gaadhay dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka cidamada AMISOM oo qeyb ka ahaa dagaalkii ayaa ciidamadooda wax yeelo soo gaadhay waxaana intaa u dheer in laga gubay gaari dagaal oo isaga oo ololaya lagu arkayey halka lagu gubey oo ah wadada hormarta xaruntii ciidamada cirka ee mariino wadada ka soo baxdo baar liido ee xaafada cabdicsiis ee magaalada Muqdisho Gobolka banadir.

Dagaalkii Khamiista ayaa xarakada Mujaahidiinta Alshaab waxay sheegteen in ay u suurta gashay in ay gubaan gaari ay ku qoran tahay calaamada ururka Midowga Africa ee AMISOM waxaana uu qeyb ka ahaa gaadiidkii la sheegay in ay ka dagaalameen Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ay ka gubeen ciidamada AMISOM mid ka mid ah gaadiidka dagaalka kaasoo buu yiri hada ku gubanayo xeebta ku dherersan degmada C/casiis: “Waxaan rabaa in aan dadka muslimiinta iyo mujaahdiiinta meel walba oo ay joogaan, in gaalada saliibiyiinta ay weerar kusoo qaadeen fariisimaha dhinaca xeebta Muqdisho, arintaasi ALLE wuu ku fashiliyey qasaare ayaana kasoo gaaray, waxaa bishaara ah in taangiyadi muslimiinta lagu garaaci jiray ay hada gubanayaan, gaalada hada waa jabeen mijaahidiintana weey daba socdaan.”

Ma jirto wax war ah oo si rasmi ah kasoo baxay dhinaca dowlada FKMG oo ku wajahan dagaaladan oo wali rasaas laga maqlayo qeybo ka mid ah Muqdisho.

21 qof ayaa ku dhintay dagaalkii u dambeeyey ee Khamiistii —

KHAMIIS: JUNE 3: Iska horimaad iyo duqeymo is barbarsocday oo Muqdisho ku dhaxamarayey ciidamada DFKMG oo garab ka helaya ciidamada Ahlu sunah waljameeca ayna ka qeyb Qaadanayeen Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo xoogaga dagaalka hubeysan kala soo horjeedo ayaa waxaa lagu dilay Ugu yaraan 21 qof intooda badanine ay yihiin dad rayid ah, waxaana dhawacyo kala wudani ka soo gaareen in ka badan lixdan qof dagaaladaan oo ahaa kuwii ugu cuslaa ee Muqdisho soo mara wayadaan danbe .

Dirirta ayaa bilaabatay subaxnimadii Khamiista salaadii subax ka dib wuxuuna ku fididay dagmooyinka Kaaraan, cabdicasiis, howlwadgaag, hodan iyo kuwo kale oo ay gaarayeen risaasta wiiftada ah iyo madaafiicda lagu ridayey waxaana la isku adeegsanayey hubka noocyadiisa kala duwan iyo hoobiyeyaal ,qoryahay fudfuddu iyo kuwa culus ee darandooriga u dhaca .

Gawaarida gargaarka deg deg ah ee aambalasta ayaa lagu arkayey wadooyinka iyaga oo qaadaya dad qaba dhawacyo kala duwan waxayna sheegeen in ay qaadeen in ka badan 50 ruux.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in ay arkeen 15 qof oo ku geeriyootay hubkii la isku ridayey kuwaas oo ahaa dad rayid ah oo ay haleeleen hoobiyeyaasha iyo risaasta la isla dhacayey .

Tirdada dhawaca iyo dhimashuba intaa waa ka badan kartaa waxaana jira saacad walbo in la ridayey hub iyo madaafiic ayna ku dhacayeen dad aan ku jirin dagaalada oo qaarkoodna risaastu ugu tageyso aqaladooda .

Dhaawacyada ayaa raxan raxan loo gaarsiinayey ispitaalada keysadnay, madiina iyo ispitalka dayniile waxaana jiray in dhawacyada ciidamada DFKMG qaarkood la geynayey ispitalka Cidamada AMISOM ay ku leeyihiin gudaha garoonka adan cade internation airport .

Dagaalkaan oo jahooyin badan isku mar ka qarxay ayaa loo maleynayaa in uu ahaa mid ay soo qorsheeyeen ciidamada dowlada DFKMG oo fadhiisimo ay leeyihiin xoogaga dagaalka hubeysan kala soo horjeedo lagu qaaday weerar ,waxaa jirtay in maalmihii ugu danbeeyey ciidamo lagu soo tababarey wadamada dariska ah loo daadgureynayay dhanka waqoyi ee magaalada Muqdisho kuwaas oo khamiistii loo isticmaalay arinta xaga dagaal galinta ah .

Muqdisho dagaal kama dhamaado sidaa darteed dagaalkii weli waa socdaa mana jiraan wax waan waan ah oo lag adhex wado .

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " 21 qof ayaa ku dhintay dagaalka Muqdisho… "

  1. Wiilmudug says:

    Ilaaha qafuru raximka ah aya wax noogu daray dadkan camalkodi noqday dilka iyo qalalaasaha marka weynuhu ha unaxaristo inti geriyotay inta geriyotay inta nolna qatumada ha waafajiyo aamiin aamin