Home » Warar »

UNIVERSAL: TV-gii ugu Horreeyey oo Cayda Nabiga Faafiya.

“Waxaan dareemayaa Joornaalkii Denmark ku daabacay Sawir-Gacmeedka iyo Universal in ay isku mid yihiin oo wax farqi u dhexeeya aysan jirin”.. Dhegeyso Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin oo ka tirsan Telefishanka Aljazeera oo waraysi siiyey idaacadda BBC (British Broadcasting Corporation) oo ka hadlayey Sawir Gacmeedka meel kadhaca ku ah rasuulkeena Suubban ee ay faafiyeey Universal ayaa hadalkiisii waxaa ka mid ahaa: “sidee ku dhici kartaa warbaahin dad Soomaali ah oo Muslimiin ah ay iska leeyihiin oo weliba dadka Soomaalida oo Muslimiinta ay xayaysiin ku samaystaan oo hantidoodii ay geliyeen in haddana dhaawac lagu sameeyo damiirkii qofka Muslimka ah , shaqadana ka soo horjeeda, akhlaaqdana qofka Muslimka ahna ka soo hor jeeda.”

“Waxaa naxdin noqotay in BBC-da qaybta Soomaaliga markii ay waraysatay ninkii ka mid ahaa masuuliyiinta TV-ga (Universal) oo Maraykan joogey in uu u arkayey in uu xaq u leeyahay in uu siidaayo (Sawiradaas), oo uusan muujinin in khalad weyn ay ku dhaceen. Taas oo damiirka qofka Muslimka ah taabanaysa,” ayuu yiri.

Dhegeyso Waraysiga Fahad Yaasiin ee BBC-da

UNIVERSAL: TV-gii ugu horreeyey oo Cayda nabiga faafiya. 

  • W.Q. C/nuur F. Cali

Kaddib markii muslimiinta dawladdoodii la dumiyay, naftoodii, maalkoodii iyo dhulkoodiina la banaystay, laguna guulaysan waayey muslimiintii dayacnayd ee meel kasta lagu gumaystey in la gaaleysiiyo, ayay qorayaalkii reer galbeedka ee taariikhda ku galay magaca MUSTASHRIQIIN waxay bilaabeen olole lagu suurad xumaynayo diinta Islaamka, iyadoo si qallooc kujiro loosoo bandhigayo caqiidada Islaamka iyo Taariikhda muslimiinta, arrintaasna waxaa u baxay culimo iyo taariikhyahanno muslimiin ah beentii la dhoodhoobayna daadka raaciyay, inta badan dagaalkaas dhexmarayay Culimada muslimiinta iyo Mustashriqiinta waxaa lagusoo bandhigayay kutub iyo buugaag inta badan ay akhrisanayeen ama ka war hayeen dad aad u kooban.

Dagaalkaasi markuu mira-dhal noqon waayay ayaa dagaalkii waxaa la wareegey saxaafadda oo bilowday, dagaal kii hore ka kharaar kana suurad xun, kana faafid badan, waxaa bilowday dagaal abaabulan oo ku wajahan rasuulka Sallalaahi Calayhi Wasallam, waa sawiro kartoonno ah oo ka bilowday Denmark, dalal kale oo yurub ahna lagu faafiyay, ugu dambayntiina Koonfur Afrika gaaray.

Waxaa nasiib darro ah, wax laga qarracmo, lagana fajacana ah in Tv-gii ugu horreeyey oo olalahaas ka qayb qaata oo sawirradaas faafiya uu noqdo TV Soomaali leedahay oo maamusho – inta nooga muuqata – , waxaa wax lala yaabo ah in sawirradii rasuulka Sallalaahi Calayhi Wasallam lagu caayay ee ay ku dhiirran waayeen inay faafiyaan TV-yada gaalo oo dhan, kuwa Yuhuudda, kuwa Kirishtaanka iyo kuwa Shiinayska aan Ilaahii abuuray jiritaankiisaba rumaysnayn, wixii ay ku dhiiran waayeen inuu TV Soomaali inuu yahay loo yaqaan uu ku dhiirrado, maxay na tusaysaa tillaabadaas?.

Waxay na tusaysaa Diin la’aan, damiir-xumo iyo maangaabnimo. Dembiga ay galeen waxaa ka daran cudur-daar xumada, wuxuu codsaday Maamulka Universal in laga abaal mariyo maadaama ay Muslimiinta tuseen; sida foosha xun ee nebi Muxammad Sallalaahi Calayhi Wasallam loo aflagaaddeeyey!. Hadday arrintu sidaas tahay maxay ku kala duwanyihiin iyaga iyo nimankii Joornaalka ku faafiyay?.

Waxaa la is weydiin karaa; maxaa Universal ku kallifay inay sawiradaas faafintooda ku dhiirradaan?.

Xaqiiqda Allaa og, laakiin sida hadallalooda ka muuqatay waa inayan arrintani culays la lahayn, wax weyna ayan u arag.

Waxaad mooddaa arrintaasi inayan soomaalida saameyntii ku habboonayd ku yeelan, jawaabtii laga filayayna ayan ka bixin, marka laga reebo, erayo kooban oo dad aad yar kasoo baxay, ma waxaan sugaynaa inay Carabtu ka mudaaharaaddo arrintaas si’aan annaguna ugu dayanno?.

Markii abaabulka Rasuulka Sallalaahi Calayhi Wasallam lagu caayayay bilowday oo joornaallada Denmark daabaceen waxaa loogu baaqay dunida muslimiinta inay arrintaas tillaabo ka qaadaan, laakiin waxay door bideen xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay leeyihiin dalkaas, marka laga reebo dalka Suudaan, oo mamnuucay dhammaan badeecooyinka Denmark in Suudaan la keeno, sidoo kale joojiyay in Passborka Denmark lagu galo dalka Suudaan. 

Waxaa laga maarmaan ah in umadda Soomaaliyeed, Culimada, waxgaradka iyo warbaahintuba arrintaas fal-celinta uga aaddan ka qaataan, si albaabka Univrsal furtay loo xiro, oo aysan u noqon wax TV-ba midka kale uga daydo.

Ugu horeynna qodobbodaan lagu dhaqaaqo:

  1. in Culimadu waajibka saaran u istaagaan oo arrintaan culayskeeda iyo xukunkeeda Sharciga ah umadda u caddeeyaan, abaabulkaan cidda ka dambaysa iyo danaha silloon ee laga leeyahayna qeexaan.
  2. in qof walba oo Soomaali ah iska demiyo Universal, gurigiisana ka saaro, fiirsashadiisana inay dhiiri gelin tahay ogaado.
  3. In dhammaan shaqaalaha Soomaalida ah ee u danqanaya nebi Muxamed Sallalaahi Calayhi Wasallam aflagaadda loo geystay shaqada ka tagaan, sidii ay yeeleen shaqaalaha xafiiska Muqdisho.
  4. In shirkadaha Soomaalida iyo Shirkadaha kale ee muslimiinta ahi ka joojiyaan xayaysiinta, iyo maal-gelinta ay ku wadaan TV-gaas cayda nabi Muxamed Sallalaahi Calayhi Wasallam faafiyay.
  5. in Maxkamad lala tiigsado dadkii ka dambeeyey faafinta sawirradaas foosha xun, dunida Mulimka oo dhanna laga joojiyo daawashada Universal, lagana bilaabo Soomaaliya. 

Waxaa laga yaabaa inay dadka qaar hadalkayga u qaataan ama u fasiraan nin TV-ga Universal colaad gaar ahi dhex martay inaan ahay, taasna waxaan uga jawaabayaa; waxaan kamid ahaa daawadayaalka Universal, shaqaalaha TV-gana qofna kama aqaan, marka laga reebo shaashada intaan ka arkay, markaan maqlay inay sawirradaas faafiyeen aad ayaan uga naxay, waxaanse aad ugasii xumaaday markaan dhagaystay cudur-daarkii ay ka gudbiyeen, oo nuxurkiisu ahaa; haddii Soomaalidu naga xumaatay raalli ha’ahaadeen, taasina waxay igu qancisay in dembigii ay galeen “khalad farsamo” ahayn.

“ Hadeydaan u gargaarin nabiga Sallalaahi Calayhi Wasallam, Allaah ayaa horey ugu gargaaray, markay Makka ka saareen kuwii gaaloobay, isaga iyo saaxiibkiis Abuubakar, markay godka ku jireen, markuu ku lahaa saaxiibkiis (Abuu Bakar) ha walwalin Allaah ayaa nala jiree”. Suuratu Tawbah, aayadda 40aad. (Dhegeyso 9:40)
 

W.Q. C/nuur F. Cali
Nur.ali99@gmail.com

###

Daawo Videoyada: Muhammad: Legacy of a Prophet https://somalitalk.com/mohamed/
Akhri Siiradii Rasuulka: https://somalitalk.com/siiro/

###

Universal TV ayaa habeenimadii May 29, 2010 waxa uu faafiyey Sawir Gacmeed (Cartoon) xad gudub iyo meel kadhac ku ah rasuulka suubban ee Muxammed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee. Sawiraad oo uu hore u daabacay Joornaalka Mail & Guardian ee ka soo baxda Koonfur Afrika oo  meel uga dhacay Nebigeenna Suuban (NNKH). Jariidaddu waxay daba socotey arrin uu bilaabay websiteka Facebook oo ay ugu magac dareen “Qofkasta ha sawiro sawir Muxammad”. Arrinta uu joornaalkaasi kukacay waxaa ka gilgishey Muslimiinta ku dhaqan Koonfur Afrika iyo caalamka kale. Sidoo kale arrinta Facebook waxay sababtay in dalal Muslimiin ah laga mamnuuco websitekaas oo laga xanibay lagana soo geli karin sida Pakistan.

Nin Soomaaliyeed oo daawanayey TV ayaa yiri: “tv-ga Universal caawa (May 29) warkii ay soo saareen waxaa ka mid ahaa sawiradii ku soo baxay jaraa’idada south afrika ee muslimiintu ka dhiidhiday, kuwaasoo iyagoo sidoodii ah lagu soo saaray warkii oo la wada daawaday, markaa waa danbi weyn oo xataa aanay ku dhicin inay soo saaraan Tv-yada gaaladu, markaa soomaalidu waa inay arinkaas ka dhiidhiyaan, saxaafada gaar ahaan waajib baa saaran.”

Dawladda Federaalka Keelgaarka ah ee “Islaamiga ah” weli war sugan kama soo saarin sawiradaas xad gudubka ku ah Nebigeenna suuban ee uu TV-gu ku baahiyey dalka Soomaaliya (Muqdisho).

Hooyo Soomaaliyeed ayaa tiri gabadhaydu waxay masaxaysaa  magacii ay ku lahayd Facebook maadaama halkaas lagu soo bandhigay sawiro xad-gudub iyo meel ka dhac ku ah Nebi Muxammed NNKH. Akhri:  Macaamiil ma u sii ahaan kartaa Website meel uga dhacay Nabigeenna Suuban Muxamed SCW.


TAARIIKH KOOBAN
(Joornaalkii Danish-ka ee aflagaadeeyey Nebi Muxammed NNKH)

Sannadkii 2005 ay ahayd markii Jooraan Danish ah uu sawir gacmeed ku aflagaadeeyey Nebi Muxammed NNKH taas oo dunida Islaamku ka gilgisheen: Akhri wararkii xilligaas: 010203040507080910111213141516171819202122232425262728293031 |

30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.

20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra’iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra’iisul wasaaruhu diidey kulankaas.

Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay’adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.

20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra’iisul wasaaraha Denmark.

10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.

25 Jan 2006: Muftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,

26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.

30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan

31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin

1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .

3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia

4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.

5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.

6 Feb 2006: Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.

2010: Facebook ayaa bilaabay in uu macaamiishiisa ku dhiiri geliyo in ay sawiraan Cartoon ay ugu magac dareen “Qof kast aha sawiro sawir Muxammad”

21 May 2010: Jariidada Mail & Guardian ayaa markale sawirtay sawir gacmeed aflagaado iyo cay iyo meel kadhac ku ah rasuulkeena suubban ee Muxammed (NNKH). Arrintaas oo keentay in Musliimiinta ku dhaqan adduunka, gaar ahaan reer Koonfur Afrika aad uga gilgisheen.

29 May 2010: Telefishanka ay maamulaan Soomaalidu ee Universal ayaa sii faafiyey sawiradii jariidadda Mail & Guardian ee aflagaadada ku ahaa rasuulka Allaha adduunka sameeyey uu u soo diray dunida, nebi Muxammed NNKH.

30 May 2010: Waxaa albaabada loo xiray xafiiska Univesal ee Muqdisho.

Akhri:  Xisbul Islaam oo amray in la xiro Xarumaha TV-ga Universal ee Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

18 Jawaabood " UNIVERSAL: TV-gii ugu Horreeyey oo Cayda Nabiga Faafiya. "

  1. muslimah says:

    As salaam aleykum warahmatullaahi wabarakaatuh

    Run ahaantii waa arrin aad u khaldan haddi ay sawirkaas ay TV ga ka tuseen, oo haddi ay jaahilnimo iyo aqoon la aan ay u tuseen, markaa waa inay aqbalaan una tooban keenaan,eleyn dadku khaladka way sameen karaan.
    Markaa waxaa ila haboon in TVuniversal-ka la siiyo muddo qiyaasan oo si deg deg ah ay ka cudurdaartaan haddi aysan ilaa maanta arrintaas sameynin, una raaligeliyaan ummadda Muslimiinta ah.
    Haddii ay diidaan in ay khaldkooda aqbalaan markaa waa in lagu sameeyo BOYCUTT ama yaa la fiirin TVuniversal.

    Al Xamdulillaah Rabbil Caalamiin, aniga iyo reerkeyga maba eegno TVuniversal.

    Hadalkaa uu qorey SSC man wuxuu yiri TVuniversal way ka cudurdaardaarteen. waxaana hadalkaas qorey SSC man, markaa ma runbaa mise waa been???.
    wa as salaam caleykum waraxamtullaahi wabarakaatuh
    wa billaahi Tawfiiq.

  2. deeqa says:

    cali xawar ninkan la baxay ee maanta u istaagay inuu difaaco universaltv, kana eexdo nabigeenii naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee. war maxaa kuu diidey inaad nabigaaga difaacdo maantoo muslim iyo gaalba cadeystee iney caydiisa magac ku raadsadaan umaleyn maayo in uu nin somaaliyeed oo da daa le’egi ay aqoon la aan u geysey. waan hubaa hadii la dhihi lahaa aabihii sawiradaa ha ka faafiyo cayda ah muu yeeleen marka ma waxaa leedahay nabigeena ayaa uu caydaas la caayey uu fahmi waayey. xaguuse jirey markii muslimiintu ay ka gadoodeen markii filmkaa la soo saaray oo aduunku uu ka mudaaharaaday. anigu u cudurdaarimaayo univ.tv. go’aanka ay ku gaareen in ay gacan ku siiyaan intii ku faraxday xadgudubka loo geystay rasuulullaah muxamed salallaahu caleyhi wasalim.

  3. Mr Hassan says:

    Walaalayaal waxaa murugo leh in TV somaliyeed oo u taagnaa dano guud iyo mid u gaara intaba in laga soo daayo cayda Rasuulkeenii suubanaa CSW, hadii aan nahay umadda soomaaliyeed dhamaan meel walba oo aan joogno waxaa nala gudboon in aan hawada ka saarno TV universal oo ku taagnaa dhaqaalaheena, TV Universal waxuu lacago aad u badan ka qadaa masaajidyada lacagaha looga yaboohiyo iyaga oo hadba kor u sii qaada qaymaha, waxaa kale oo igu maqaala ah lacagaha yaman aya u guraan in aysan waxba ka jirin sida ay umada soomaaliyeed ugu sheegaan ee ay hal guri ka kireeyeen yaman dhowr ciyaalana looga soo duubay camirad ayana u gaarsiin sidii ay u aruuriyeen lacagahaas, inta badanna ay ku qayilaan bahda universla TV.

    Hadana ay lacago ka qaateen in ay fidiyaan cayda Rasuulkeena suuban sidaas awgeed aan ugu hiilino rasuulkeena suuban wax kasta oo karaankeena ah.

    Mr Hassan

  4. sara says:

    ASC Walalaeyga muslimka ah waa wax laga xumaado waxyaabahey ku kaceen un tv subxanalaah illaahaybaa lajira nabiga iyo islamkanba tv xun jornaal iyo facebook midn awaxba uma dhimikaro diinteena macan laakiin ayagaa jahanaba lagu abaal marin doonaa.

  5. SSC Man says:

    Umalayn maayo in aan ka islaamsanahay Universal TV sawirkan ay soo daayeena waxaa u geeyey aqoon la’aan iyo ka fiirsi daro..wayna ka cudurdaarteen. markaa hala daayo TVga keliya ee Somaliyi leedahay

  6. cawilyare says:

    Asc bacda salaam. walalayaal waa arin murugo leh in Universal ku kacdo arinkan. Waxa qol kasta o muslima wajib ku ah in uu naftisa ka jeclado Rasulka scw. Cudurdarna u noqon mayso Univesal Tv Masajido iyo masakin ayan lacag u aruriyaa wacdi diniyana wan si daya. Damirikinu wa in u shaqeyaa e aydin noqon dameer malab sida. Somalitalk idinkuna ka taxa dara in aad Vidio dhacdada ku sabsan galisaan web kina wana mahadsan tihiin. Sawir gacmedka man dawan ilahay gacmaha ha ka guree wixi dabacay iyi wixi gudbiyay intaba aaaamiiin

  7. in rasuulkeena suuban lacaayo majiro xadgudub kawayn ninki caayayna waxaad ogaataa inaadan nabi muxumed scw aadan wax udhimi karin balse adi aad mufsid tahay waxaadna ogataa inaad ilahay caayday,wayna kaasoo bixi insha,allah caalamad ictibaar unoqoto islaamka ayaa lagugu arki

  8. yusra says:

    asc tvga unaversaty maaha tv somali waa tv u adeega gaalada,ee halaga
    fogaado sidebuu u soo deyn karaa wax lagu caynayo nebiga scw,marna
    laga yeelimaayo taa ha ogaado,aniga haduu i ceyn lahaa waan ka yeeli
    lahaa abolajas laakiin meel xun ayuu galay,oo gaalgii meel uu harsado
    waayay ayuu la saftay tii xumeyd oo la jirtay waryaa tv yahow waa in aad
    baa beisaa magaca oo aad shaqadana iska casishaa una diyaar garoobtaa
    jahannama,hadii aad yeelin fili mid jawaab,
    kii meel fariistaba waa in uu diinta aflagaadeeyaa ama umadda xadaa

    kuma cafineyno ogow

  9. bashir says:

    Waa la filayay baaba’a iyo balada ku dhacday soomaaliya in
    Tanookale ay dhacayso.
    Ma fogayn markii dunida lagu arkay gabdho soomaali ah oo
    Rasuulkeena meelo fagaare ah ku caynaya.
    Manatan saxaafad soomaaliyi leedahay baa si bareer ah ugu dhiirratay
    Inay ka qayb qaadato ololaha rasuulkeenna iyo diinteenna lagu caynayo
    Oo waliab difaacday faafinta ay faafisay sawirrada ay ka xishoodeen
    Tv-yada caalamka oo dhan.
    Tani waa (lama arag iyo lama maqal iyo lagama sheekayn) waxayna
    Muujinaysaa sida raqiiska ah ee dad naga mida loogu adegsan karo
    Cayda suubanaheenna SCW iyo dinteenna iyadoo la isticmaalayo
    Xorriyad beenaadka saxaafadda korka looga xardhay.
    Haddii aan arrintan tallaaba cad lag qaadinna waxaa la arki doonaa
    In ay ku dhiirradaan suxufiin badan oo caalamka ah lagana dhigo
    Arrin aan wax dhibaalba lahayn.
    Su’aashayduna waxay tahay maxay ku kala duwanyihiin
    1- tasliima nasriin
    2- ayaan xirsi
    3- salmaan rushdi
    4- farshaxamiistihii reer denmark
    5- iyo maamulka faafiyay ee difaacay cayda Rasuukeenna SCW

  10. Nasra Sh says:

    aniga waxay ila tahay horta dadka tv-ga wariyayaasha ka ah waad aragteen sey yihiin waa mida 1aad waxay ila tahay waa dad aan aqoon u lahayn waxa la dhaha diintoda mid waataas mida kalana ma yaqaanan waxa la dhaho dad bay dhaawacaysaa waxan aad samaynaysaan waxaan kala oo la yaabahanahy dadka tv-ga waqtigooda kuluminaya in ay daawadan

  11. mo says:

    Universal waxa uusan fahamsanayn sida diinta loola dagaalamayo, bal eeeg maanta sida baadarigan uu u hadlay cinwaankan eeg: Pastor’s newspaper ad fans religious tensions in St. Cloud,
    http://minnesota.publicradio.org/display/web/2010/06/02/st-cloud-religioius-tensions/

  12. abu asad says:

    aniga waxaan dhihi lahaaay ana tahaay dibdabee ilaaa loo firsanin Universal tv

  13. SHIINE says:

    ASC WR WBR

    BILLAAHI Wan idin salaamay dhamaan walaalaha muslimiinta meel walba ay joogan, waxaan aad uga xumahay Gefka dhacay walaalaha Universal TV, waxey ila tahay iney qaladkaga uga dhacay aqoon darida xagga shaqada ah a ee ay kala wada midka yihin warbaahinta somalida, ma dhihi karo naceyb diined ama ulakac ayey u sameyen alle aya iga og , waxeysa marqati cad u tahay hadi aan wiilasha yar yar ee micraphonada lo so dhibay an la barin saxaafada sharciyadeda iyo wax yaabaha ka reebton in qaladkan iyo kuwo ka daran ay so noqnoqon doonan.
    Waxey saxaafada somalida wax badan ka qeyb qaadatay kicinta dadka iyo hurinta dagaalada dib u dhigay dalkan an dadka laheyn ee logu yeero Somalia!
    Waxan kula talinaya Maamulka Universal TV iney alle cafis weydiistan dadka musliminta ah na u sharaxan gefka ay sameyen siddu u dhacay ayago anka leexleexan kuna celcelinaya marba raali gelintas si qof walba o gefkan maqlay cudurdaarka iyo cafis weydinta u umaqlo, waxan kalon u sheegaya iney aad u hubiyan dadka u shaqeynaya aqoontoda iyo caqiidadoda si lo helo TV shaqaale lagu kalsoon yahay LEH, Allahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar Wabillaahi Towfiiq

  14. mr cali says:

    Waxaa arrin aad looga xishoodo in maaulaha Tvgu yiraahdo hadalkan ” oo si aan lagu baraarugin oo GAF ah uga soo baxay Shaashadda TV-ga universal” isagoo cudurdaar ula jeeda. Bal dadyohow u fiirsada waxa ninkaasi la soo shirtegey Aaway masuul ka noqoshadii gafka marka aad leedahay aanaan ku baraarugsanayn, xaggee ku maqnaydeen markii waxaa xilka lah la idin hoos gelinayey.

    Haddii laguu hoos geliyey masuuliyadeeda qaad “Just Man UP, and take responsibilty for your action.” You are so weak. Diciifnimada iska daa oo intaad rag iska dhigtid masuuliyadda arrintaas toos u qaad, ha dhehin waa iga hoos baxday iyo sheeko riqiis ah. Qofku waa khaladamaa laakiin waa in uu khaladka qaato si xayi ah ma ah.

  15. Mohamed Haji says:

    Nasiib darro waaye, raggaan khibrad yari, farsamo xumo iyo foojignaan la’aan aa heyso. Ilaahay ha cafiyo.

  16. Ali Hawar says:

    Salaamu Calaykum Dhamaantiin, Walaalaay marka hore wax ah wax aad looga xumaado sawirkii Universal sii daayeen, Laakin hadana waxa haboon in loo dulqaato dadka aqoon daradu haysato, waayo Waxan aamin sahay Universal TV in ayna ka ahayn wax yeelo laakin aqoon daro awgeed ay u faafiyen Sawirkii ay sii daayeen, Taasna waxaa la wadaaga warbaahinta Soomaalida oo dhan, Hala fiirsho dhicana wanaagsan iyo waxa Universal TV umada Soomalida u qabtey.

    Uma waddo Universal TV in ay is lahaayeen Nabikeena Naxariis iyo Nabad gelyo Korkiisa Ha ahaate, wax yeela. markaa yaan sheekadan lagu qaloocin, Dhib baa ka iman kara.

    Salaams
    Cali Xawar

  17. Falxado says:

    Ku: Axmed Abuukar

    Walaal haddii maamula universal uu ku tala galay inuu cudur daarto waxay Ila tahay in ay ku habboontahay TV-ga laftiisa iyo warbaahintii kale ee aad ka difaacdeen qaladkiinna!

    Sideedaba waxaa jirta mushkilad soomaalida ka haysata saxaafadda, oo xitaa kuwooda ku takhasusay saxaafadda aysan ogayn waxa ay u taagantahay!

    Saxaafaddu waxay ka mid tahay aaladaha dagaal ee casriga la joogo kuwooda ugu khatarsan. Marka qofka hawl saxaafadeed ku jira waa inuu fahmaa inuu gacanta ku hayo aalad dagaal oo laba aflay ah. Muuqaal kasta iyo kelmad kasta oo ay sii daayaanna uu noqon karo qeyb ka mid ah dagaalkaas.

    Marka laga billaabo idaacadahan yar yar ee Muqdisho nagu wareerieyey iyo kuwaas iska leh TV-yada caalamiga ah waxay aamiinsan yihiin xorriyadda dhalanteedka ah ee saxaafadda, iyagoo u fahmay in aan waxba laga xishoon, in dadka caqiiddadooda laga dhigto wax lagu ciyaaro, in lasoo min-guuriyey iyagoo aan u eegayn inay munaasab u yihiin macaamiishooda iyo in kale!

    Soomaalidu waxay waqtigaan ka mid noqdeen dadka magacooda aad loola xidhiidhiyo arrimaha waxa loogu yeero argagixisada, sidaa darteed waxay ila tahay inaanay la yaab lahayn waqtiga TV- universal ay ku soo beegeen dagaalkooda cusub ee ka dhanka ah caqiida Islaamka.

    Ma filayo inay sahlantahay in dadka laga dhaadhiciyo inay joojiyaan fiirsiga mid ka mid ah TV-yada, iyagoo aan marka hore fahmin waxa ay u taagantahay saxaafadda maanta. Markiii ay dadku wax fahmaan waxaa u fududaanaysa inay doortaan waxa ay daawanayaan, waxa ay dhegaysanayaan iyo waxa ay akhrinayaan!

    Ma filayo inay gaaladu joojinayaan aflagaadda iyo akhlaaq xumida inta ay ka soo noqonayso Haybaddii Islaamku. Ma idinla tahay in TV-ga Universal uu ku dhiirran karo inuu soo bandhigo wax yar oo loo qaadan karo Yuhuud-nacayb, ama shaki gelin karo taariikhda laga bad-badiyey ee HOLOCAUST?

    Cudurku ma baxo ilaa laga suuliyo sababtiisa, iyadoo mallaariyo ku hayso hadii aad xoogga saarto matag (hunqaaco) joojin, waxay u badan tahay inaanay taasi kugu filnaanin!

  18. CUDUR DAAR

    Wuxuu Maamulka Universal TV si aan xad lahayn uga cudur daaranayaa sawirka lagu caayay NABIGEENII SUUBANAA (Nabad galyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) oo si aan lagu baraarugin oo GAF ah uga soo baxay Shaashadda TV-ga Universal 29/05/10 qaybtiisa Wararka.

    TV-ga Universal oo inuu Nabiga u khidmeeyo maahee aysan suurto gal ka ahayn in uu ka mid noqdo saxaafadda shaqada ka dhigatay inay Nabi Maxamed (SCW) wax ka sheegaan -waxna uma dhimi karaane iyagaa is daalinaya, halaagna shaqaysanaya.

    Maamulku wuxuu marka hore Allah uga Tawbad keenayaa gaabiska xagga Koontoroolka ah ee ay ahayd in lagu baraarugo intii aan la sii dayn warka wariyuhu soo diray ee Sawiradu ku jireen, Waloow qasadka wariyuhu uu ahaa difaacidda Nabiga (SCW)

    Anagaa ugu horayna DIFAACIDDA NABIGEENA suuban (SCW). Waxaanan ku dadaaleynaa in aysan arintaan oo kale dib danbe uga dhici doonin TV-ga Universal insha Allah.

    Waxaan u mahad celinaynaa dhamaan walaalaha sida qiiradu ku jirto noogu baraarujiyay gafka sida khaldan nooga dhacay iyagoo ka soo baxay xaqii walaaltinimada ee aan ku lahayn.

    Allah ha na waafajiyo raacidda iyo u khidmaynta Nabigeena Naxariistii Alle korkiisa ha ahaatee.

    Maamulaha TV-ga Universal.
    Axmed Abubakar.
    Email: info@tvuniversal.net
    website: http://www.tvuniversal.tv