Home » Maqaallo »

SSC iyo Puntland | Qore: Maxamed Xirsi

Ugu horreyn dagaallada SSC naf, maal iyo barakaca ka geystey waan ka xumahay, waana cambaareynayaa huwantii xabashidu hor boodeysey ee duullaanka ku soo qaaday SSC. Shacabka aan dambiga galabsan oo sida arxan darrada ah loo xusuuqay, iyo geesiyaashii ka dhiidhiyey, ku shahiidey difaaca dalkooda, diintooda, dadkooda iyo sharaftooda, taariikhda baal dahab ay ayey ka galeen, abaalgud weyna Alle agtiis ayey ka heleen. Haddii ayan naftooda hurin, gardarrada Axmaarada iyo dhul ballaarsiga Soomaali diidku waa sii socon lahaayeen, waana sii quban lahaa dhiiga shacabka SSC.

Ha aado bareere aniga ii gaar ahe, hoggaanka SSC dhawr arrimood ayaan jeclaan lahaa in ay ku darsadaan qorshooda iyo xeeladdaha ay cadawga duullaanka ku soo aha ugu hortagi lahaayeen, ugana adkaan karaan, waxaana ka mid ah:

In ayan is faquuqin. Waxaa garab iyo gaashaan ula diyaara walaala ku abtirsada beel weynta Daarood oo aan kala reeb lahayn. Waxaana u horreeya shacabka Puntland ku bahoobey, gaar ahaan bahda weyn ee Hartiga. Hoggaanka SSC asagoo danahooda gaar u maamulanaya, ayey misna habboon tahay in ay ku jiraan gaashaanbuur ay garabeysi la leeyihiin; xataa haddii uusan garabsigaasi wax badan ugu ool dhinaca dagaalka, guul guulka iyo gooddiga dagaalka looga baahan yahay, waa ku filan yahay, waana is bixinayaa. Waayo cadawgoodu sharka uga imaan kara reer SSC mid le’eg ayuu ka filanayaaa saaxiibada garabka iyo kaashaanka u noqon kara reer SSC. Siyaasaddoodu waa in ay noqotaa Daarood oo dhan ayaa na garab taagan; dawladda Puntland ayaa na garab taagan; shacabka Puntland ayaa na garab taagan; Federal Government ayaa na garab taagan; Soomaali oo dhan ayaa na garab taagan, waayo qadiyaddoodu waa mid xalaal ah, intaa iyo in ka badanna waa istaahishaa, lama biciidsan karo ay ka helaan taageero Soomaali oo dhan.

Ethiopia waa cadawga 1aad oo Soomaalida. Burburkii qarannimada intii ka dambeysey, Soomaalida dagaallameysey waa isu adeegsaneysey cadawgaa soo jireenka ah. Degaanka Soomaalida ee maamulka Ethiopia hoos taga beesha reer SSC waa deggan yihiin. Maamullada Ethiopia xubhana beesha uga jira oo garabsanaya siyaasiyiinta Daaroodka kale waa in ay Ethiopia ka fushadaan danahooda, ugu yaraanna uu dhex maraa is faham markuu u liito ku fillaada in uu beesha ka mooso shar dhanka Ethiopia uga yimaada. Kaalintaa oo ay gabaan, fursad ballaaran ayey siinaysaa in cadawgoodu xoogga Ethiopia u adeegsadaan xasuuqa shacabka reer SSC sidii Buuhoodle ka dhacday, si ay guul uga gaaraan danahooda gaarka ee ku aaddan dhul ballaarsiga Isaaqland.

Puntland waa dal, cir, dhul, dawlad, shacab iyo Dustuur wada socda. Magaca “Puntland” siduu u dhigan yahay eedu ma qaban karto, dambina ma yeelan karo, waayo intaasoo wada jira dambi ay ka galeen iyo dibindaabyo uga timid dhankooda, reer SSC kama tirsan karaan. Kuwa kale intaan meel dhigno, aan eegna eedaha reer SSC ka tirsan karaan dawladda iyo shacabka Puntland.

Dhanka dawladda, reer SSC haddii ayan buro sidin saamigoodii waa ka haystaan golaha shacabka, kan wasiirrada, kan garsoorka, ciidamada iyo shaqaalaha dawladda. Dawladda Puntland waa u hoggaansameysaa qorshaha iyo talada ay keenaan xubnaha reer SSC ee dawladda ka tirsan. Waliba haddii qorshahaasi ka soo horjeedo danaha dawladaha waaweyn ee kuwa yaryar dusha ka maamula sida Ethiopia iyo America, si cilmiyeysan oo wax loo basriyo ayaa la heli lahaa. Hayeeshee xubnaha SSC ka soo jeeda ee dawladda Puntland ku jira ayaa gabay kaalintii laga rabey oo ahayd in ay dawladda Puntland u horseedaan sidey shacabka SSC wax ugu qaban lahayd, xoogna saaraan in agendaha dawlada Puntlnad lagu daro fullinta ballan qaadyadii doorashada ee ahaa in degaannadii laga qabsadey dib loo soo celiyo. Sidaa daraadeed, waxaa habboon in aan madaxda dawladda Puntlnad eedda laga wada simin ee loo badiyo kuwa ka soo jeeda SSC haddaan reer gaara loo bisabisooneyn eedeyntiisa. Dawladda iyo shacabka Puntland intaa hubo sida internetka ku jirta, waa cambaareysey dagaalkii xad-gudubka ahaa, dawladda Ethiopiana shir deg deg ayey la qaateen, waxayna ugu digeen in laysu adeegsado beelaha Soomaalida ah ee Ehiopia, taa oo keeni karta in dagaal beeleedyo ka dhex dillaacaan gobalka Soomaalida.

Ayadoo taasi jirto, khaladdaadka dawladda Puntland aan cid aan ayaga ahayn difaaci karin, ayaa misna waxaa Puntland ka dhacayey maalmihii u dambeeyey, waxyaalo lala yaabo oo uu diidayo garaadka qofka aan caadifadda reerka iyo caradu indha tireyn. Taasna waxaa weeye, ciidammo ka tirsan kuwa Puntland oo ka soo jeedey SSC ayaa koox koox iyo horin horin uga dareeraya ciidamada Puntland ayagoo gaadiidkoodii iyo hubkeedii ku raran, kuna biirayey ciidanka SSC. Waxaa is weydiin leh, ciidamadaa yaa hubka ku qufullaa meelaha lagu kaydiyo u furay? Yaa ka shaqeeyey oo diyaariyey gaadiidka, darawallada, shidaalka iyo sahayda ciidan 400 oo askari ah ku dhaqaaqi karo? Xagalo geel wax guntii la galiyo ka weyne, goorta ciidamadaas fakanayeen ama baxayeen, maxaa loo arki waayey oo loo celin waayey? Ma waxay baxeen xilli reer SSC mooyee Daaroodka kale ayan kicin? Ma raalli baa looga ahaa in ay dareeraan dhowr goor oo kala duwan? Sidoo kale ciidamada ka soo jeeda SSC oo Puntland Buuhoodle keentay si ay ammaanka u sugaan, maxaa looga jeedaa? Haddiise Buuhoodle mar kale la soo weeraro, ma la is weydiiyey in ciidamadaa reer SSC ay dagaalka galayaan iyo in kale, mase la is weydiiyyey hadday galeen dhankay xabbadda u ridayaan. Bal adba!

Shacabka Puntlnad eedda ku wajahan aan u soo galo. Shacabka Puntland waa lafo Daarood ah oo ku bahoobey magaca Puntland, waxaana ka mid ah Leelkase, Awrtable, Meheri, Jambeel (Abdi Koombe), Harti iyo kuwa kaloo abtiriska ood wadaag u dheeryahay. Badiba beelahaasi waxay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ka soo saareen bayaanno cambaareynaya weerarrada lagu soo qaaday SSC, ayagoo caddeeyey in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin reer SSC.

Eedda “Puntland” loo soo jeedinayo, haddii shacabka loola jeedo, beelahaa waxaa u taliya oo ay ka amar qaataan Issimada ay doorteen, sida gaarka ahna u qaddariyaan. Shacabka iyo Issimmadu ayagoo isku duuban oo hal cod ku hadlaya ayey diyaar ula yihiin garab iyo gaashaan reer SSC hiil iyo hooba. Godol baa ku taagan, reer SSC waxaa laga rabaa in ay maalaan. Haneedka waxaa iska leh oo looga fadhiyaa in ay lowga u laabtaan hoggaanka SSC oo ay ugu horreeyaan Garaaddada reer SSC. Aawaye Garaaaddadii? Haaneed ay qabtaan daaye, yaa maqlay hadal ay ku cambaareynayaan weerrada gardarrada ah ee lagu soo qaaday SSC iyo maatadii dagaallada lagu xasuuqay? Ayagoo Puntland wax nagama dhexeeyaan, iyo kalsoonidii baan kala noqdey leh baa internetka ka buuxee, maxay ugu hadli waayeen oo u cambaareyn waayeen weerarradii lagu soo qaadan degaankooda? Bal adba!

Haddaan idin la kaftamo, waa’gii Sayidku jabay, Ingiriis waa tii uu Carab Dheere reer SSC shacab ka dhig yiri oo soo gali cagta hoosteeda, oo ahayd ujeeddada uu baxay gabaygii Ismaaciil mire “Ragow Kibirka waa lagu kufaa..” Reer SSC waxay noqdeen kuwa shacabkii Ingiriiska noqday iyo kuwa hawd oomane, jiq lama galaana u qaxay si aan hubka looga dhigin, cagta Ingiriiskana ayan hoos galin. Kuwii shacabka noqday sida Soomaalida kaloo xukunka dawladda ku hoos nool ayaa la jara baray. Xabsi iyo dil iyo dhac ayaa maamulladii xumaa ee dalka soo maray ku hayeen sida Soomaalida kale. Laakiin kuwii hawd u guurey, xukunkii Ingiriiska, kii Xabashida iyo kuwii dawladda Soomaalidu waa gaari waayeen. Sidaas ayaan reer Hawd waligood loo xukumin, loona sandulleyn, waligoodna Shillin dabadooda laga goon. Baar ayey inta yeeshee sidii rati baarqab ah islaweyne la dhabi dhhisteen, ayagoo isu haysta in ay naflaha ugu sarreeyaan. Taas waxaad ka garaneysaa sida ay uga dhiidhiyeen ugana caroodeen weerarradii lagu soo qaaday Hawdka SSC. Ciilka, carada, farabaxsiga iyo colaadda nimankaa ka muuqata, waxaad mooddaa in aan gabar gabadheed looga tagin. Lama yaabin, waayo sida reer Hawdku reer SSC ugu ficilo, dhiig iyo farabaxsi badan yahay, ayaa Majeerteenka reer Ciideedka iyo reer Hawdku ugu fagfag bandan yahihiin. Sida reer Hawdka SSC ayey baar leeyihiin meesha Majeerteenka kaloo xukunka dawladaha ku hoos noolaa ku ilbaxeen dacayga iyo bishintuurka. Waxaana laga yaabaa in kuwa ilbaxay qaarkood is leeyihiin, “Kam shuufnaa maraakiib, macaddaAllah huuri.” Annagoo Gaalkacyo 65 beri nalaga haystey, laba kun oo nafoodna ku weyney dib-u-xoreynteedii reer SSC garabka nagu siiyeen, ayaan kuwii eelkaa geystey weel wax kula cunnaa haddadaan la joogo, meesha reer SSC waliba reer Hawdku, Buuhoodle iyo WidhWidh oo daqiiqdo laga haystey awgood dhiiggu ugu wada karay. Marka reer Hawdow:

  • Haka dheereynina siyaasadda guud ee beesha reer SSC.
  • Dhidibada u aasa hoggaanka beesha iyo maamul wanaagga
  • Garaaddada kaalintooda iyo qaddarintooda siiya, taladoodana hirgiliya
  • Horseed u noqda in la gaaro himilooyinka iyo yoolka ugu weyn oo ah in SSC dib looga xoreeyo cadawga hasta qaarkeed, duulaanna ku soo ah inteeda kale. Taas oo isla markaa wax ku taaraneysa dib u soo nooleynta qarannimada Soomaaliyeed oo reer SSC ka ahaayeen udub dhexaad aan liicliicin.
  • Siyaasaddiinu ha ahaato in aad garab iyo gaashaan buursataan oo aaad soo dhaweysaan Beesha Daarood, dawladda Federalka iyo Soomaali oo dhan.
  • Ethiopianka sharkiisa iska moosa adinkoo garabsanaya dhammaan siyaasiyiinta Daarood ee Ismaamulka Somaalida.

Cadowga SSC waa mid waana ka guuleysanayaan, yoolkiin reer SSC waa mid, waana gaadhayaan. Guul ayaan u rajeyey reer SSC.

FG: Qoraalkan ciddii xiiseyneysa in ay baahiso ayadoon wax ka beddelin waa u fasax.

Maxamed Xirsi , mxirsi@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " SSC iyo Puntland | Qore: Maxamed Xirsi "

  1. Manshalaaaaaaah afkaaga caano lagu qabay alleylehe xaqiiqdaad ka hadashay……… the truth is stranger than fiction.