Home » Warar »

Xisbul Islaam oo amray in la xiro Xarumaha TV-ga Universal ee Soomaaliya

“Albaabkaas Nebi Muxamed lagu caayey yuusan sii furnaan”: Xisbul Islaam oo war cad ka soo saaray TV-ga Universal, ayaa waxaa ka mid ahaa Warsaxaafadkan: “waxa uu ku saabsan tahay TV-ga Universal oo siidaayey sawirro (Cartoons) oo lagu aflagaadaynayo nabi Muxamed Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ahaatee, arrintaas aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa, dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan aad iyo aad ayey uga xumaadeen in telefishan Islaam ah oo AfSoomaali ku hadla uu arrimahaas sii daayo. Laga bilaabo maanta oo taariikhdi tahay 31 May 2010, waxaan faraynaa, kuna amraynaa maamulka TV-ga Universal in ay xiraan dhammaan xarumaha ay ku leeyihiin Soomaaliya, xafiiska Muqdisho, kan Hargeysa, iyo kan Puntland, dhammaan in ay xiraan ayaan amraynaa…”

Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray “Waxaan la xiriirnay qaar kamid ah maamulada TV-ga in ay sii xiraan oo Albaabkaas Nebi Muxamed lagu caayey uusan sii furnaan.” Halkan ka dhegeyso..

TV-ga Universal oo Soo Bandhigay Sawirro lagu aflagaadaynayo Nebi Muxammad NNKH

Xafiiska TV ga Universal ee Magaalada Muqdisho ayaa albaabada loo laabay, shaqaalihii Muqdishona waxay bilaabeen shaqo Joojin ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin barnaamij laga siidaayey TV -gaas.

Warsaxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Tv ga Universal ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay hawl wadeenadi xafiiska TV-ga ay bilaabeeen shaqo jijin (nuqulka warsaxaafadeedka hoos ka akhri.) Arrintan ayaa ka dambaysay sawirro aflagaado ku ah Nebi Muxammed NNKH oo uu Xalay (May 29, 2010) baahiyey TV.

Sawiradan uu sii faaafiyey Universal TV ayaa salka ku haya kaddib markii May 21, 2010 ay jariidadda Mail & Guardian ee ka soo baxda Koonfur Afrika ay sawirtay Sawir Gacmeed (Cartoon) meel uga dhacaya Nebigeenna Suuban Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (NNKH). Jariidaddu waxay daba socotey arrin uu bilaabay websiteka Facebook oo ay ugu magac dareen “Qofkasta ha sawiro sawir Muxammad”. Arrinta uu joornaalkaasi kukacay waxaa ka gilgishey Muslimiinta ku dhaqan Koonfur Afrika iyo caalamka kale. Sidoo kale arrinta Facebook waxay sababtay in dalal Muslimiin ah laga mamnuuco websitekaas oo laga xanibay lagana soo geli karin sida Pakistan.

Hooyo Soomaaliyeed ayaa tiri gabadhaydu waxay masaxaysaa  magacii ay ku lahayd Facebook maadaama halkaas lagu soo bandhigay sawiro xad-gudub iyo meel ka dhac ku ah Nebi Muxammed NNKH.

Nin Soomaaliyeed oo daawanayey TV ayaa yiri: “tv-ga Universal caawa (may 29) warkii ay soo saareen waxaa ka mid ahaa sawiradii ku soo baxay jaraa’idada south afrika ee muslimiintu ka dhiidhiday, kuwaasoo iyagoo sidoodii ah lagu soo saaray warkii oo la wada daawaday, markaa waa danbi weyn oo xataa aanay ku dhicin inay soo saaraan Tv-yada gaaladu, markaa soomaalidu waa inay arinkaas ka dhiidhiyaan, saxaafada gaar ahaan waajib baa saaran.”

Dawladda Federaalka Keelgaarka ah ee “Islaamiga ah” weli war sugan kama soo saarin sawiradaas xad gudubka ku ah Nebigeenna suuban ee uu TV-gu ku baahiyey dalka Soomaaliya (Muqdisho).

Dhanka kale Afhayeenka xarakada mujaahidiinta Alshaab oo shir jaraa’id uu qabtay ayaa ka hadlay sawirada uu baahiyey TV-ga universal, isagoo sheegay in ay joojiyeen macaamilkii ay la lahaayeen TV-ga ilaa ay toobad dhab ah  la yimaadaan, dembigii ay galeena caddeeyaan. Waxana uu u yiri waa Nebi Muxamed NNKH oo la caayey oo ay ka qayb qaateen.. HALKAN KA DHEGEYSO.

Nuqul ka mid ah warsafadaadka faraca TV-ga ee Muqdisho ay shaqada ku jeejiyeen waakan hoos ku qoran:

UNIVERSAL TV MUQDISHO:

WARSAXAAFADEED:-

Tar;-30/05/10

Maamulka Taleefishinka Universal xafiiskiisa Muqdisho waxa uu ka soo saaray war saxaafadeed ku aadan war ka baxay 29/05/10 taleefishinka Univesal ahaana war uu soo direy weriye uga soo warama taleefishinka dalka Koonfur Afrika warkaana laga dhex arkay kartoon ay wargeysyada dalka K/afrika soo daabaceen kaasoo ahaa mid aflagaado ku ah Nabi Maxamed(NNKH).

Guud ahaan maamulka iyo shaqaalaha taleefishinka Universal xafiiskiisa Muqdisho wuxuu ka xun yahay warkaas sida qaldan u baxay waxaana aan u sheegaynaa dhammaan muslimiinta caalamka ku nool in aanan raali ka ahayn warbixintaas qaldanayd,

Haddaba Maanta oo ah 30/05/10 guud ahaan qeybaha kala duwan ee Universal tv Muqdisho waxa ay go’aan ku gaareen shaqo joojin illaa amar dambe.

Maamulka iyo shaqaalaha taleefishinka waxa uu mar labaad ku cadeyneynaa warsaxaafadeedkan inuusan raalli ka ahayn wixii wax u dhimaya diinta Islaamka.

Wabillaahi Towfiiq.

Maamulka Sare ee Universal TV Muqdisho.

###

Daawo Videoyada: Muhammad: Legacy of a Prophet https://somalitalk.com/mohamed/

Akhri Siiradii Rasuulka: https://somalitalk.com/siiro/

###
Macaamiil ma u sii ahaan kartaa Website meel uga dhacay Nabigeenna Suuban Muxamed SCW
###

Warsaxafeedka iyo Codka waxaa soo tebiyey
musejisow@hotmail.com / Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666/00252-50-907666


TAARIIKH KOOBAN
(Joornaalkii Danish-ka ee aflagaadeeyey Nebi Muxammed NNKH)

Sannadkii 2005 ay ahayd markii Jooraan Danish ah uu sawir gacmeed ku aflagaadeeyey Nebi Muxammed NNKH taas oo dunida Islaamku ka gilgisheen: Akhri wararkii xilligaas: 010203040507080910111213141516171819202122232425262728293031 |

30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.

20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra’iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra’iisul wasaaruhu diidey kulankaas.

Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay’adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.

20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra’iisul wasaaraha Denmark.

10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.

25 Jan 2006: Muftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,

26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.

30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan

31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin

1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .

3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia

4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.

5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.

6 Feb 2006: Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Xisbul Islaam oo amray in la xiro Xarumaha TV-ga Universal ee Soomaaliya "

  1. Ciid says:

    ASWRB
    Aniga ma dawan barnaamijkaas, laakin Waa qalad aan fiicneyn in Rasuulkeen Nebi Muxamed CSW meel looga dhaco, haddii ay yiraahdeen si kadis ah ayuu ku dhacey, waxan filaya ineysan ka warqibin waxyabaha idacadooda laga sii deynayo, waa Somali TV qolyaha masuulka ka ah, wuxay u bahan yahiin in si fiican ay ula socdaan waxyabaha uu Mujtamaca Somalida ah u soo gudbinayaan.
    Aniga talo ahaan waxan so jeedinaya haddii ay yirah deen raali kama nihin qaladka dhacey, raali gelin buuxdana ka baxsheen ina marka umadda ay cafiso, Howlaha kale ee uu umadda u haayo TV Universal ayaa intaa ka badan. maanta aynu joognana iyo waaqiciga ay umadda ku sugan tahay , dhamaanteen weynu ognahay in Somali Baahi weyn ayay u qabtaa Idaacado la iska daawado oo casri ah oo Soomali ah. oo u soo gudbiya, Technoligyiyada, Ganacsiga, Waxbarashada iwm.

    Mahadsanidiin.

  2. marka waxaan anigu jaclaystay in aan ka hadlo arrintan ah in tvga universal uu soo bandhigay sawirkan NEBI MUXAMED NNKH, haddii arinkaas uuu ku cadaado inuu sameeyay tvga universal in laga mamnuuco dhulka ay soomalidu degaan, waayo diintii islaamka ayey meel kaga dhaceen, oo Nebigeeni suubaanaa ee Muxamed NNKH ayey meeelkaga dhaceen.

  3. Asalaamu calaykum.dhamaan muslimiinta walaalahayga ah waan salaamayaa qaasatan umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ilaah ayaa mahadleh Nabigeena muxumad naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato waxaa nasiib daro ah oo arin foolxun ah oo axmaqnimo ah nin gaal oo nabigeena caayey in aad adigana aad ugu darsantid oo aadan ka fiicsan waxaan dhibka ay keeeni doonaa iyo damiir xumada uu qof muslim ah usoo qaadan karo gaal xun wuxuu sawiray hadaba tvga shaqaalihiisa iyo maamulka sare alle haka cabsadaan hana ka fiicsadaan warkasta ay qorayaan aqoon wariyo nimo qof aan laheen ayaad iska qaadanaysaan ninkaas shaqada halaga cayriyo wuxuu la mid yahay midka xumaanta ka sheegaya nibigeena muxumad NAXARIIS IYO NABADGALYO KORKIISA HA AHAATO ku dayda tvga ALjazeera maad aragtaan asagoo soo qaadanaya sawirada xun xun axmaqiin baatihiin UNIVERSAL IYO WIXII LEH KA FIIRSADA WAXA AAD SOO QARAYSAAN HADII SI QALDAN IDINKA DHACAY KA FIIRSADA ILEEN QOFKA WUU QALDAMI KARAA LAAKIIN QALAD WAYN AYAAD GASHEEN TOOBAD KEENA ASALAAMU CALAYKUM.

  4. ABU MAXMUUD says:

    SCW WALAALAHA SOOMAALIYEED HALA QAADACO TV UNIVERSAL AWALBA WAX WANAAGA AMA ADEEG DADKA SOOMAALIYEED UMA HAYN WAXAA CAD INAY USHAQEEYAAN DAD QAAS AH.TV IYO JARAA,IDADA GAALADA AYAAN SOO DAABICIN MARKALE WAXAAS OO KACABSADA INAY (BACKCLASH) KEENTA MARKA UNIVERSAL TV MA SALAMAAN RUSHDIYIIN CUSUB BAA????????????????

  5. SomCitizen says:

    Arinta ay ku kaceen Universal TV wax loo dulqaadan karo ma ahan. Waa in sida Facebook ga loo mamnuucay iyagana loo mamnuucaa. Maxay kaga duwan yihiin Joornalka soo sawiray sawiradaas anshaxa daran? Jawaabtu waa waxba, inbeeshe iyagaa kasii daran sababtoo ah way sii faafiyeen. Fadlan dadka ka ku dhaqan North America ee Musliimta / Soomaalida ah yeysan gadan BOX ka Universal TV. Dadka aduunka daafihiisa kala joogana haka masaxaan dish sett. list kooda.