Home » Warar »

Fadhigii Barlamanka oo si buuq iyo sawaxan ah ku dhageystay musharixiintii shir-gudoonka

 Xildhibaanada golaha barlamanka u muranka badani hareeyey oo maanta (Khamiis May 27, 2010) kulan uu hareeyey sawaxan iyo buuq badan ayey ku yeeshay xarunta ay dhawaan u soo guureen ee golaha shacabka ee Magaalada muqdisho, isla markaan xildhibaada qaarkood ay firinbi u adeegsaadeen xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Adan.

Kulanka ay isugu yimaadeen inta badan xildhibaanda Golaha barlamanka dowlada fadaralka KMG ayaa la dhegeysanayey warbixinadda xildhibaanada u sharaxana guddoonka barlamanka iyo ku xigeenadiisa. Waxaana shir gudoominayey sii haayahay gudoomiyaha golaha barlamanka KMG ee dhawaan la doortay Xaaj Shugri oo isagu dhagaha ka fureystay amar ay shalay soo saartay maxkadamadda sare ee DFKMG taas oo lagu amray in u joojiyo doorashada guddoonka barlamanka iyo ku xigeenadiisa .

Xildhibaanadii shirka ka qeyb galay oo tiradooda lagu sheegay 368 xildhibaan ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan Maxamed Cuamr Dalxa,oo sheeganayo in u wali yahay gudoomiye ku xigeenka sharciga ah ee uu leeyahay golaha baarlamanka dowlada faradalka KMG, ka dib is casilaadii Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe) oo isna gobta shirka ku sugnaa iyo Cisman Cilmi Boqore oo horey u isu-casilay hadana dib isku soo sharaxay.

Kulanka baarlamaanka ka hor waxaa si gooni gooni ah kulano u yeelanayey xildhibaanda kuwooda isku fikirka ah waxayna qaarkood diidanaayeen xildhibaan shariif Xasan Sheekh Adan oo ka mid ahaa  xildhibanaada isu soo taagay jagada gudoomiyaha barlamanka halka qaarka kale ay u ahaayeen taagerayaal.

Ka hor inta aan shirka la galin ayaa waxaa  qof kasta baarayey ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyada oo dadka iyo gaadiidkaba laga xiraywadada laamiga ah ee isgoyska dabka ee u dhaw xarunta ay ku shirayeen baarlamaanku.

Sawiro dheeraad ah Halkan ka daawo

Markii uu furmay kulankii ayaa waxaa mid mid loogu yeerayey xildhibaanada u sharaxnaa gudoonka barlamanka, waxayna ka mid ahaa xildhibaanada sharaxan: Cabdi Xaashi Cabdulaahi , C/kaafi Macalin Xasan , C/laahi Sheekh Ismaaciil , Sheikh Axmed Cabdulaahi Xuseen (sheikh Fanax) iyo Shariif Xasan Sheekh Adan.

Xubnihii isu soo sharaxay gudoonka barlamanka ayaa mid mid u cadeeyey sida u wax uga qaban doono arimaha dalka ka jira guud ahaan sida arimaha dhaqanka iyo dhaqaalaha ,siyaasada ,waxbarashada ,caafimadka ,shaqaooyarida , mushar l’aanta iyo isu soo dhaweyenta xildhibaanda barlamanka.

Markii la soo gaaray xiligii Shariif Xasan uu khudabdiisa kaga hadlilahaa wax qabadkiisa ayaa waxaa goobtii madasha hareeyey qeylo iyo sawaxan looga soo horjeedo in uu isu soo taago jagada guddoomiyaha barlamanka, si aad ah ayaana loogu fooriyey Shariif Xasan oo ahaa wasiirkii hore ee Wasaradii Maaliyada dowlada fadaralka KMG,  inkasta oo ay jireen xildhibaano taageerayaal u ah oo ruxayey boorar sawirkiisa ah, ayadoo xildhibaano kale sheegayeen in uu hantidii qaranka lunsaday oo baaris ku socoto.

Sii haayaha gudoonka golaha barlamanka ayaa sheegay xildhibaankii qeyliya in uu bolicka –ku dalbanayo si talaabo sharciga dowlada waafaqsan looga qaado.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa qaatay buuq iyo sawaxanka looga soo horjeeday Wasiirkii hore ee Maaliyadda, waxaana fadhiga isaga baxay xubnihii ka soo horjeeday in u shir gudoonka uu u tartamo Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Adan. Waxaana markii shirkii u ku sii socday buuq iyo qelola, iyada oo la dhageystay musharaxiin isugu jira kuwo u taagan guddoomiyaha iyo kuwo isu sharaxay guddoomiye ku xigeenno baarlamaanka DFKMG.

Sida uu sheegay sii hayaha gudoomiyaha golaha barlamaka KMG waxaa la wada dhegeystay dhamaan musharixinta u tarmayey gudoonka barlamanka iyo Kuxigeenadiisa.

Maalinta bari (Jimcada May 28, 2010) ayaa lagu madlan yahay in ay dhacdo doorashada gudoonka barlamaanka iyo ku xigeenadiisa. 

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Fadhigii Barlamanka oo si buuq iyo sawaxan ah ku dhageystay musharixiintii shir-gudoonka "

  1. Abdi Hassan says:

    s/c dhamaan somalida oo dhan, waxaan u maleenayaa, in caqligii naga lumay sababtoo ah, dhibaato ayaa guud ahaan umaddaan haysata, dadkii uu uuilaahay badayna waa kuwaan ku dul cayaaraya,oo waliba ah dad aan aqoon u lahayn waxay dalbanayaan oo xilka hogaaminta qaran soomaaliyeed, ilaahay waa na arkaa isagaan ka dalbanaynaa inuu dhibkaan naga saaro,kuwa inay maamul qabtaan dalbanaya aqoonteeda ma leeyihiin? kuwa inay diin wax ku maamulayaan sheeganayana diinta aqoon ma uleeyihiin? bilaa caleykum su,aalahaas is weydiiya!!! wasalaama caleykum

  2. waxaan halkaan uga mahadcelinayaa xildgibaanaddii diiday musharaxnimada shariif sakiin waxaan mar labaad idin leeyahay shukran