Home » Warar »

DFKMG oo Shirka Istanbul ka sheegtay in Badda Soomaaliya aysan hore u cabbirnayn

Arrintaasi waxay meel ka dhac ku tahay Xeerkii u deganaa Soomaaliya XEER # 37 (1972): oo ah Sharciga Badaha iyo Dekedaha Soomaaliya…

Wasiirka Xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa DFKMG Abuukar Cabdi Cusmaan ayaa shirka Istanbul ku soo bandhigay qoraal ay ku jiraan erayadan:

“Somalıa has the longest coastlıne ın continental Afrıca (3333) km and therefore a very important Economic Exclusive Zone (EEZ) that has not been formally declared ın accordance with the Law of Sea Convention.

Waxaa muhiim ah in Shacabka Soomaaliyeed ay hadalkaas u fiirsadaan: Wasiirku wuxuu yiri: “Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika (3333) km, sidaas daraadeed waxay leedahay aag ganacsi oo aad muhiim ugu ah” laakiin aan cabirnayn (Waa Aagga Ganacsiga badaha ee loo yaqaan Exclusive Zone (EEZ)) – Wasiirku waxa uu hadalka ku xoojiyey “Aaggaas EEZ (ee badda Soomaaliya) looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee QM.”

Wasiirku marka uu hadalkaas dhehayey kama uusan hadlayn arrinta in dhaweyd qaraamadda Midoobaay ka socotey ee ahayd kordhinta aagga EEZ ee dalalka xeebaha leh, balse waxa uu yiri “Aaggaas EEZ (ee badda Soomaaliya) looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka”. Hadalkaas qoraalka ah ee wasiirku waxa uu si toos ah uga hor imanayaa XEER # 37 (1972): oo ah Sharciga Badaha iyo Dekedaha Soomaaliya ee lambarkiisu yahay 37 ee ka soo baxay Mogadishu, September 10, 1972: Eeg Halkan: http://www.un.org/Depts/los/.

Qoraalka Wasiirku markii uu arrintaas ka hadlayey waxa uu xusay kalluumaysiga oo uu xusay in Soomaaliya aysan lahayn xeer Kalluumaysi. Laakiin waxa uu wasiirku iloysan yahay XEERKA # 23: oo ah  xeerka Kalluumaysiga Soomaaliya Law N° 23 ee 30 November 1985: Eeg: https://somalitalk.com/2009/may/13/law23.html

Xukuumadda Federaalka iyo maamulada kale ee Soomaaliya ee jooga shirka istanbul waxaa la gudboon inta aysan shirka ka tebin in ay caalamka u caddeeeyo in Soomaaliya leedahay xeer u deggan ee xagga AAGGA GANACSIGA BADDA (EEZ) oo hore noogu calaamadsanaa 200 mayl badeed, haddana ay Soomaaliya xaq u leedahay in ay kordhisato oo ka dhigato ilaa 350 nmi (648 km) adduunkuna uu sidaas aqbalo, lana xaq dhawro xornimada dhulka iyo dhul-badeedka Soomaaliyeed.

DFKMG ayaa hore isugu dayday in ay muran geliso badda Soomaaliya, arrintaas oo si wadajir ah ay uga hor yimaadeen shacabka iyo baarlamaanka Soomaaliya ilaa markii dambe ay qaramada midoobay aqbaleen xeerkii baarlamaanku ku diidey heshiis loogu magac daray Is-Afgarad oo Soomaalidu ku waayi lahayd 116,000 km2 oo dhul badeed ah. Arrintaas ayey u muuqataa xukuumadda Federaalka ee Sheikh Shariif  in aysan ka samrin oo ay doonayso in si xeeladaysan ay dhul badeedka Soomaaliyeed u geliso muran, markale, mar haddii ay shir caalami ah hadda ku soo bandhigeen in  “Aagga Ganacsiga ee Badda Soomaaliya ( EEZ) aan loo cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee QM.” (Nin dalkii uu masuulka ka ahaa baylah gelinaya yaa ka ilaalinaya).

Baarlamaanka Soomaaliyeed oo hore uga hor tegey isku daygii in la cabirto qaar kamid ah badda Soomaaliya, waxaa hadda la gudboon in ay arrinta ka dhacday Istanbul ay ka hor tagaan, kulana xisaabtamaan………

Arrintan in shirka Istanbul la doonayo in si cilmiyaysan taariikhda loo geliyo in badda Soomaaliya aysan wax cabir ah hore u lahayn, ka akhri Shirka Istanbul oo Looga Hadli doono in Dhul-Badeedka Soomaaliya uusan lahayn xad cabiran – Arrintaas oo la mid ah tii ay shacabku ka dhiidhiyeen.

Qoraalka Wasiirka ee lagu soo bandhigay Shirka: Ka daalaco halkan: http://somalitalkradio.com/2010/may/fishery.pdf

Akhri: Weli Ma Quusannin Waraabayaashii Baddu!!

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " DFKMG oo Shirka Istanbul ka sheegtay in Badda Soomaaliya aysan hore u cabbirnayn "

  1. cali ducaale says:

    Asc bahda somalitalk aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin sida diiiran ee aad har iyo habeen heeganka ugu tihiin ilaalinta iyo ka warqabka iyo soo gudbinta dibindaabyada loo geysanayo dhulkeena iyo badaheena hooyo oo aanan arag waayadan danbe qof ama urur isu xilsaaraya waardiyantiisa iyo ilaalintiisa, cadowga duulaanka ku ah sidaa daraadeed ilaahay ha idinka abaal mariyo aakhiro iyo aduunba waxaad haysaan howl adag oo dadbadan waa jib ku ah inay u kacaan oo laga seexday idinka moooyaane intii karaankiina ahaydna waad haysaan waxaana idin leeyahay waxaad tihiin halgamayaasha dhabta ah ee xiligan adag ee lagu jiro waxaana idin qori doonta taariikhda.

    waxaan leeyahay kuwa dhuuuni qaatayaasha ah ee xilka u qaata inay ku fushadaan danahooda shaqsiyadeed waxaan leeyahay waa inay ka waan toobaan arimaha foosha xun iyo dulmiga madow oo ay ka gelayaaan dalkooda iyo umadoodba waxaana la qori doonaa doonaa taariikhada madow ee aad ku tagrifalaysaan xili kasta hanti dalka iyo umada waliba intaad jogooyin muhim ah u qabteen umada oo wixii ay umadu idinka sugaysay aad u fulin waydeen iyo inaad cadowga ka dhicisaan baad waxaad ku darsateen inaad dhulkii iyo badahiiba ka iibsataan codowga shisheeyaha ah.
    markii la idin maxkamadayn lahaa waa lataagan yahay laakiin waa kuma hogaamiyihii samayn lahaa iyo meeshuu ku samayn lahaa?

  2. umal says:

    aad iyo aad baad u mahad santiin qorayaasha iyo hawlwadeena somalitalk adinka oo gudanaya waa jibkiinii runta ahaa in taa kadib waxaan filayaah ku wan madaxda sheeganaya in aysan wadaniyad lahayn aay na doonayaan sida cad in ay iibsadan bad iyo biri ba meeshii dagan bada kali ah maahan ee waxaay doo nayaan xataa in ay iibsadaad safaaradihii soomaaliya ay banaanda ku lahayd mar aad baad u mahad san tiin ee dadka ka horeeya in ta la helaya cidlaxisaabtanta waraabayaasha

  3. assalaamu caleykum,salaan kadib bahda somalitalk waxaan idiin leeyahay kheyr alle ha idin siiyo,ninkaan leh maxaa loo diidayaa in dib uhabeyn lagu sameeyo wixii hore waxaan leeyahay timiri lafbaa ku jirta,dib uhabeynta aad sheegeysid haddiiba lasameynayo yaa sameynayo,makuwa ayagaba gacan ku gabadka ah ee halka kiiloomitir ku oo dan ayaa sameynayo, ma kuwa meeshii larabey iney yiraahdaan dheeraad ayaan ubbaahannahey intii hore beecinaya ayaa wax habeynaya,adeer kuwani dalka ma maamulaan ee cidkalaa waddanka maamusha qofkastoo caqlilehna wuu fahmi karaa, waxayna rabaan iney waddanka xaraashaan inta yaree meesha lagu hayo umase suuroobeyso oo wey ku fashilmayaan inshaa allaah ayaga iyo kuwa gadaal kamaamulaayaba,kii damiir lahow kadhiidhi damiirlaawowna dulli udhimo.

  4. Assalaamu caleykum,salaan kadib walaalaha somalitalk aad ayaad umahadsantihiin,idiinma aqaan laakiin waan idiin duceeyaa,sababtoo ah waxaad tihiin web-ka kaliya intaan arkey ee utaagan difaacidda iyo baraarujinta khatarta ummadda soomaaliyed kusoo fool leh.
    haddii aan gudo galo fikirkeyga ku aadan arintaan waxaa layaableh indowladdii shuuciga ahayd ee ina siyaad barre ay qawaaniin iyo xeerar kasoo saartey arimaha badda iyo xuduudaheeda iyo waliba aagga ganacsiga dawladdan uu horkacayo shariif oo sheegato iney islaami tahayna ay beylihineyso dhaxalkii umadda !!! haddaba dadka aqoon yahanka waxaa looga baahanyahay iney arintaan ka hortagaan oo ay muu jiyaan dadaalka bahda somalitalk ay muujiyeen oo kale oo ay kahadlaan idaacadaha ay shacabka soomaaliyeed aad udhageystaan sida bbc-da iyo voa-da oo kale, si loo muujiyo isku duubnidii looga hortagey heshiiskii is afgarad oo kale iyo waliba mid kasii xoogbadan,maxaa yeelay isku duubni ayaa sharaf lagu gaaraa,waraabaha hororka ah haddii aan laga hortagin istaagi maayo kuwa damiirlaawayaasha ahna kaba daran.
    Midda kale aawey waziirkii badaha maxaa keeney inuu daaha gadaashiisa ku gabado? ogaada hashiiskii laga hortagayna daaha gadaashiisa ayuu ku jirey ilaa laga soo saarey,kuwaani qofkii damiirleh dhiigkar ayey kuridaayaan ee yaan laga aamusin arintaan.
    Bahda somalitalk waxaan leeyahay heshiiskii in laga hortago oo ilaahey fashiliyo adinkaa sababteeda lahaa,ilaahey agtiisa ayuuna wanaagaas idiin yaallaa, inshaa allaah marey noqotaba dawlad wanaagsan oo idiinku abaal mariso wanaaggiinna wey imaaneysaa ee hakaddaalina difaacidda danaha ummadda soomaaliyeed,ilaahey waxaan kabaryayaa inuu damiirlaawayaasha ummadda soomaaliyeed horboodaayo ka qabto oo kuwo damiirleh oo wanaagsan ugu badalo.
    wassalaamu caleykum waraxmatullaah.

  5. xaliimo says:

    waad ku mahadsan tihiin ilaah ayaa ajar idinka siin doono howsha aad dadka islaamka ah ee soomaaliyeed oo dhulkoodii loogu tala galay in lakala boobo. dadka wadanka daneeya oo raba in ay difaacaan oo aad u yaraatay beryahaan. lakiin ilaah ayaa idiin kaalmeen doono wada howsha waana idinku garab galeenaa. waa qofkasta oo soomaali ah xilsaaran in ay wax ka qabtaan, laakiin nasiib daro dadkii damiirkii ayaa laga qaaday mid wadanka raba inuu lacag yar siisto iyo mid dibadaha calooshiisa la cayaaraayo aan ogoyn wax socda. waad mahadsantihiin again

  6. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Kuwa ayaga la soo taagan Soomaaliya horey ayey u lahayd Sharuuc Gaar u ah Xeebaha dalka Soomaaliya, maxay u diidayaan in hadda dib u habeyn looga sameeyo, loona qeexo si cad, ma waxay ka baqayaan kuwii horay howlahaas u soo hayey in ay ayaga ku soo baxo qaladaad ay horey u galeen, maxay ugu hor imaanayaan howlaha Dowladda hadda jirta, ma waxay ka baqayaan Laaluushkii ay horay Beesha Caalamka ugu qaateen in ay ku soo baxaan, waa in la xisaabtamaa, qof kasta wixii uu dembi ah uu dalka ka galay dibadda loo soo dhigaa, ee ma ah in la yiraahdo horay ayaa waxaa u jiray ee waa in la raacaa, oo maxaa diidaya in wixii horena dib loo baaro, waxaan filayaa dadka ayaga hordhacaya mar kastaba in ay yara Sabraan ilaa ugu dambeyntii la gaarayo wax kasta in ay kala cadaado goor dhaw, waxaan filayaa in aad sidaasi iila garan doontaan.

    ALLAA MAHADLEH

  7. ayuub says:

    WAXAN SALAMAYA BAHDA SOMALITALK SIDA EY UGU HOWLAN YIOHIN WADANKODA HOYO IYO SIDA MALINKASTE SHACABKA UGU SO BANDHIGAN SHIRQOOLADA CALAMKA IYO WAX MAGARATA MAS’ULKA LOGA DHIGEY SOMALIA AD AYAD UGU MAHAD SANTIHIN IALEHY AJAR HA IDINKA SIYO SHAQADA AD UMA SOMALI YED AD U HEYSA INTAA KADIB FIKIRKEYGA AN U DADAGO………..

    Xayawaanka maxa galiyey waxan shaqadisa aheyn WAA WASIIR XOOLO IYO DHIR muu shaqadiisa ka hadlo duli gafuurka weyn [[ “Somalıa has the longest coastlıne ın continental Afrıca (3333) km and therefore a very important Economic Exclusive Zone (EEZ) that has not been formally declared ın accordance with the Law of Sea Convention.” ]] Muxu u dhihiwayey dhir ayanu u bahanahey iyo xolo in nalagatagero Afxuma kula Badu malahan wax cabir xaninyaha ayu is qabtey caqlilawaha an damerkaba laheyn Somali o dhan ayu xolahodii u dhacshey calamka waxan umaleynaya in kuwani wax damir ah maba kujiro Dhalinyaradi Somaliyedna wa ey layey wax an jirin ayu ku layen cil weyna Ilaahow nala jir adoo weyno awood lehe Afxuma muxu ah wuxu ma wa ziirkii badahaa horta maxa galsha waxan shaqadoda aheyn Ajandaha Istanbul kuma jirin bad iyo wax u dhow Dhaqalo u ruurin un buu aha Duli Duli Mustaqbalka kuwan wa in maxkamad lasotagaa walaahi qeyr ayan idin rajeynaya aqristaysha sharafta leh o ey dadnimada kujirto nabadey

  8. awil says:

    Salaan S/T war dawalad waxaan oronlahaa waxaa lajoogaa waqtigii mutacalimiinta wadanka loo dhiibi laah, waxaa lagudboon omar abdirashiid in uu si toos u soowaco, si soomaali sharaf ugu dhaxyeeso, lahadal dhalinyarada somali T amaba shaqsiga cilmiga ama aqoonta u leh,

  9. abdiweli says:

    somalitalk waan kuu mahadcelineynaa runtii

  10. Nuradin Omar says:

    waxaan u mahad naqayaa bahada Somalitalka soo badhista marka ayaa soo badhigaan dabinada lala maagan yahay dhulkeenna hooyo .

    Abuukar Cabdi Cusmaan Martadidi waxaan ogaa asgoo nin muwadin ah oo waligiis ka soo horjeeday dabaca shasheehay laakin maanta waxaa ii cadaaday inuu ku biiray dealers waa weyn ee u sheeqayo cadawga doonayo inuu badeena boobo.

    Alalaha weyn ayaa naga qabanayo tuugta loo soo diray dhulkeenna

  11. taasi waxay keeni kartaa in dib soomaalida loogu jeexo xad cusub, maadaama aanay hore cadayn xadku, taasina waxaa ka dhalankarta in ay qayb kamida intii ay hore u haysatay ay waydo.

    somalitalk Mabruuk, runtii waxaad tihiin shaashada lagala socdo umuuraha soomaalida

  12. ABDINUR SAED says:

    waxaan ka xumahay kuwii loosoo doortay in ay dadka iyo dalka wax u qabtaan, in laga la’yahay waxaan ahayn in bada somalia gadan
    digniin
    qofkasta oo somalia waa in uu oogaadaa in aysan dawladi jirin ee ay tahay tuugo lacag raadis ah oo khaain wadaniyiin ajh mar un baa lala xisaabtami
    shalay ahay markay kenya ka gadeen maantana macaalamka oo dhan bay u bandhigeen

  13. c/Ladiif Hadhiye says:

    Waa arrin layaab mudan. Wasiir aan garanayn micnaha areyada uu usoo bandhigaayo aduun weenaha. Dadkan xilka isa saaray waxa ka maqan garasho guud iyo aqoon dawladeed, Gaarahaan lataliyayaasha dawlada kuwa soo diyaariya qoraalada madaxda. Waa lataliyayaal aan xis wadani nimo lahayn, aqoontoodo ha inoo danbayse.

    Somalitalk aad baan idinku mahadinaaya sida aad daka somaaliyeed ugu iftimisaan umuuraha ka qarsoon. Dedaal wacan, iyo duco farabadan naga gudooma.

    Hadhiye

  14. Abdikarim says:

    Inaalilahi wa ina ilahyhi raajucun ilahow ha na dulayn o kuwo damir xun madax hanoga dhigin wasirku wuxu ku dodaya dhulkayagu wa beec dadki bu sh. Sharif xaran jihad ku dhameyay dalkina hada wa beec wa la yaab!