Home » Warar »

Ururka Xisbul Islaam oo Shacabka uga digay in ay qaataan lacago DFKMG dhawaan soo sameysatay

Xoogaga islaamiyiita Soomaaliya ayaa ka hor yimid in deegaanada ay ka taliyaan laga isticmaalo lacag  cusub oo ay dhawaan soo daabacatay dawlada kmgs islamarkaana  lakeenay gudaha caasimada soomaaliya ee muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka banaadir ee maamulka islaamiga ah xisbul islaam Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa ganacasatada soomaaliyeed uga digay isticmaalka lacagahaa isagoona sidoo kale ka hadlay khilaafka  kala dhex galay DFKMG oo ay mucaaradsanyihiin.

Shirka jaraa’id ayaa ku saabsanaa lacago la shegay in ay soo sameysatay dowlada fadaralka kmg somalia iyoburburku ku yimid xukuumada .

Mar gudoomiye macalin xaashi la weydiiyay  in ay lug ku leeyihiin qilaafka soo kala dhex galay dowlada kmgs ayaa si cad u sheegay in ay dhici karto in ay lug ku leeyihiin burburka lixaadka leh ee soo foodsaray xukuumada iyo is qabqabsiga xubnaha labada gole “Waa wax laga soo shaqeeyey oo la filayey in ay sidaas nodaan”.

Hadalkani Macalin Xaashi ayaa imanaya xili maalinimadii shalay ay isla go’aan Sidaan oo kale ah ay soo saareen Xarakada Mujaahidiinta al-shabaab.

Macalin xaashi ayaa saxaafada u sheegay in dhowr gaari oo garoonka lacago looga soo daabulay lagu xareeyey qasriga madaxtooyada iyada oo la doonayo in lagu xalaaleysto laguna dhaco hantida shacabka
 
Macalin Xaashi Maxamed Faarax “ lacagtaas dhamaan islaamiyiinta joogto ka dagaalanta gudaha Somaliya go.aan isku mid ah ayey ka qaateen .mana jiri doonto meel ay ka soconeyso “

Halkan ka dhegeyso Shirkii Jaraa’id
 
Gudoomiyaha gobolka banadir ee ururka xisbul islaam ayaa dhamaan gaancsatada Somaliyeed ee musliminta ah uga digay ninkii bakhaarkiisa lagu arko ,ama qasnadiisa lagu arko ,ama shaqsigii jeebkiisa lagu arko ,in ay mujaahidiinta iyo islaamiyiintu talaabo adag ka qaadi doonaan oo naftiisa iyo maalkiisa la xiriirta waxaana la soo tagi doonaa maxkad si loogu fuliyo danbiga uu dalka iyo dadka ka galay .
 
Waxaana digniintaan ay si isku mid ah u taabanaysaa ganacsadihii ku sugan goobaha ay mujaahidiintu maamulaan iyo goobaha ka baxsan waxaana u carabka ku dhuftay deegaana iyo suuqyada ay ka midka yihiin madiino ,KM4 xamar weyne iyo dakada caalamiga ah ee Muqdisho
    
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.