Home » Faallo, SaahidYusuf »

Sayid Qudbi Ma Shiikhbaa Mise Waa Mufakir (2)

  Sayidka maxaa lagu xasuusan karaa ???

Sayid Qutub labo waxyaalood baa lagu xusuusan karaa in uu Caalamka Islaamka ku soo kordhiyey :

1) Wuxuu ahaa Nin aad u yaqaanna Nolosha Isticmaarka ama ( western)ka inkastoo looga horeeyey buu haddana ahaa mid si aad ah u cadeeyey xaallada Westernku ku sugan yihiin iyo in aysan u qalmin in ay Adduunka sidaan ku hogaamiyaan, wuxuuna saadaaliyey in waqtigigoodii Dhamaaday.

Sayid Qutub oo Allaah ku maneystay Suugaan iyo Qoritaan baa si cad u weeraray ilbaxnimada Reer Galbeedka iyo Tan Reer Barigaba, Cadeyyeyna in aysan u Qalmin in ay sii jireyso Sababtuna waxay tahay buu yiri ka dhar la,aanta Qiimaha Bani,aadamnimo ee ma ahan xagga Technologiga oo ay Horumar ballaaran ka sameeyeen.Si fiican buuna Kutubtiisa ugu weeraray ilabaxnimada Reer Galbeedka & tan Barigaba (1).

2) Wuxuu kaloo Allaah ku mineystay in uu Xaakimiyadda Allaah fahamsiiyey taas oo ruux kula tartami karaayi uusan jirin waqtigan xaadirka ah.

asagoo adeegsanaaya suugaantii Allaah ku mineystay iyo qoraallo halaasi ah oo akhrinteeda indhuhu & qalbiguba ka daaleynin.

wuxuu si aan caadi aheyn u tusaaleeyey in xukunka allaah waajib ku yahay dadka in ay isku xukumaan haddii kaleeto aysan haysan Diinta saxa ah sida Aayadda Quraanka ahi sheegayso:( Xukunka Allaah kaliyah ayaa iska leh ,wuxuuna dadka faray in ay asaga uun caabudaan taas ayaanna ah Diinta saxa ah laakiin dadka badankiisu weysan garaneynin)yusuf,40.(2).

Annakoon soo koobi kareynin Hadaladdii Sayid qutub ee ku saabsanaa labaddaas waxyaalood uu dadkii la noolaa iyo kuwa haatan noolba uu ku dhaafay .

Ayaan waxaan Tusaalle ahaan u soo qaadaneynnaa Hadal uu ku yiri kitaabkiisii ugu Danbeeyey ee ( macaalim fi Dariiq) waana kitaabkii lagu dilay ayaanu soo niri.

Hadaladaas oo uu ku soo koobay Horudhaca Kitaabkaas ayuu wuxuu yiri :

[ Ummadu haatan waxay ka sii shalwaneysaa hataq dheer sababtuna ma ahan baaba’a Allaah korkeeda ku xukmiyey taasi waa ififaale jiro se jiraddii ma ahan…laakiin waxan ka wadaa waayista ay weyday Dadnimadii ama Qiimihii Dadnimada taas oo Nolosha Bani,aadamku ku kobci laheyd kobcitaan hagaagsan sarena ugu kici laheyd.

Burburkaasi wuxuu si cad uga muuqdaa Reer Galbeedka oo haatan Dunida u haynin wax Qiimo Bani,aadannimo ah uu dadka siiyo xataa aan awoodin in uu sii noolaado,markii ay kacday Dimuqraadiyaddii(3) oo xumaheedii loo tagayayna haatan bilaawday in ay Mucaskarkii Bariga ee Ruushku ugu horeeyey ay ka soo daynsato Nidaamka Dhaqaalaha ayadoo isticmaaleysa magaca Hantiwadaagga..

Sidoo kale Bariguna waxba kama liito markii ay Burburtay Nidaamkii la is lahaa waa mid Caqiido ee Marx& Angels oo ugu horeyntii dadka soo jiitay laakiin soo gaabsamay ilaa uu ku soo aruuray Dawladdii Ruushka ee Shuuciyadda aheyd.

Sababta Burburkiisa keentayna waxay aheyd ka hor imaashaha uu ka horyimid Fidraddii Bani,aadamka ee wax lahaanshaha(4)……

Waqtigii Ninka Cad wuu dhamaaday taasna macnaheedu ma ahan ilbaxnimadii Reer Galbeedka wey Burburtay xagga Dhaqaalaha(5) iyo Ciidanka ee waxaan ka wadaa waxaa dhamaaday dawrkii uu ku lahaa hogaaminta Bani,aadamka markii uu ka dhar tirmay Qiyamkii Bani aadannimo taas oo u saamixi laheyd in uu Bulshaweynta Adduunka Hogaamiyo.

Haddaba waa in la helaa Hogaan Cusub oo Dadweynaha hogaamisa .

Waana Islaamka kaliyah kan Maanta heli kara hogaankaas ilaalinaaya Qiyamka Bani,aadamka .

Waa hogaan aan diideynin horumarka Bani,aadamku ka gaareyn Dhanka Technolojiga iyo Horumarka Maadiga ah isla markaasna haysta Qiyamkii iyo Sharaftii Bani,aadamnimo.

Maanta Waxaa uu Islaamku yimid waqti ay bulshaweynta Adduunka aad ugu baahan tahay … islaamku wuu yimid asagoon inkireynin Horumarka Maadiga ah maxaayeelay taasi waa sababtii Khaliifka looga dhigay Adduunka asagoo lala qabo Shuruud Khaas ah oo ah Cibaadada Allaah oo kaliyah sidii uu xaqiijin lahaa jiritaanka Bani,aadamka.

Siduu Allaah u yiri : ( Waqti uu Allaah Malaa,igta ku yiri waxaan rabaa in aan dhulka u sameeyo mid iiga Khaliif ah)!!!

wuxuu kaloo yiri; ( ma aanan u abuurin jinka & insigaba in ay i caabudaan mooyee ) !!!

Waxaa yimid Doorkii Ummadda Islaamka ah si ay u hirgaliso wixii Allaah ugu tala galayinay dadka u soo saarto, Sida uu Allaah u yiri :( Waxaad tihiin Ummadaha kuwa ugu kheyrka badan oo dadka loo soo saaray ,waxaad fareysaan wanaagga waxaadna ka reebaysaan Xumaha Allaahna waad aamineysaan) !!!!

Laakiin Islaamku dawrkaas ma gudan karo ilaa uu noqdo mooyee mid jiritaan leh oo ah ummad ama mujtamac … maxaayeelay dadku maanta afkaar kaliyah ma yeelayaan ee waxay u baahan yahiin ummad Islaamka ku dhaqanta oo adduunka saaran ee Caqiido kaliyah Dadku ma rumaysanayaan aan ku dhaqmideeda dhulka korkiisa laga arkin.

Jiritaanka Ummadaas mar hore ayuu ka tirtirmay adduunka Dushiisa … ummadda Islaamka ah ma ahan dhul ay Muslimiintu ku noolaan jireen,mana ahan qoomiyad awoowadood Musliim ahaan jireen waqti waqtiyadda ka mid ah oo Islaamka isku dhaqi jireen… laakiin Ummadda Muslimka ahi waa koox dad ah oo nolosheeda, afkaarteeda ,jiritaankeeda,nidaamkeeda, Qayimkeeda, Misaankeeda oo dhanba kala soo dhex baxda Manhajka Islaamka … Ummadda Sifaadkaas lahina waa hore ayey Adduunka ka tirtirantay markii uu go,ay isku dhaqmidii Shareecadda Islaamka dhulka dushiisa.

Ummaddas waa in la soo celiyaa si uu Islaaamku u guto dawrkiisa oo Bani,aadamka mar labaad u Hogaamiyo sidii horayba hormuud ugu ahaa.

Wuxuu hadalkiisa ku soo aruurshay waan ogahay buu yiri in masaafadda u dhaxaysa soo baaraarugga Islaamka iyo waqtiga uu qabanaayo hogaanka waa masaafo dheer se waxaan qabaa buu yiri in lagu dhaqaaqo oo haatan la bilaabo.

Maanta dadka kuma hogaamin karno Technoloji oo taas Reer Galbeedka & reer Bariga ayaa nooga hormaray se waxaan Dadka u haynaa waa Caqiido iyo Manhaj Sax ah taas oon afkaar kaliyah aan aheyn ee waa mid ay masaleyso Ummad Caqiidadaas iyo Manhajkaas ku dhaqanta…] Halkaas buu hadalkiisii ku dhamaaday.(6)

Kitaabkaas uu u bixiyey caalaamooyinkii Dariiqa Allaah wuxuu ka kooban yahay afar fasli uu ka soo qaatay kitaabkiisa tafsiirkiisa weyn ee ( Fii Dhilaal Quraan)oo uu xoogaa wax ka badbadalay iyo Sideed kale uu ku daray !!!Wuxuuna balan qaaday in uu mar walba Mujtamacaas islaamiga ah ee Hogaanka Bulshooyinka qaban doona uu u soo saari doono Calaamado ay ku dhaqmaan oouu ka soo qaadan doono kitaabka Quraanka iyo Sunaha Rasuulka iyo ku dhaqankii Saxaabaddii Rasuulka.(7)

Cinwaanadda Kitaabkaas ama Calaamadaha uu uga hadlay waxay kala yihiin:

  • 1) Jiilkii Quraanka ee mar soo baxa ahaa
  • 2)Dabeecadda Manhajka Quraanka.
  • 3)Dhalashada mujtamaca Islaamka iyo khasaa,istiisa.
  • 4)Jihaadka Allaah dartiis.
  • 5)Laa Ilaaha Ila laah waa manhajkii nolosha.
  • 6)Shareecadda koonka.
  • 7)Islaamku asagaa ah ilbaxnimada.
  • 8)Tasawurka Islaamka iyo Thaqaafadda islaamka.
  • 9)Jinsiyadda Muslimka waa Caqiidadiisa.
  • 10)guuritaan fog.
  • 11)iimaanka iyo Sareyntiisa
  • 12)kaas weye Dariiqa Rabbi.

Sayid Qutub Raxmatullaahi Caleyhi ma aheyn Shiikh Faqiih ah oo Kutubta Fiqiga akhriya, ama kuwa Musdhalixaadka Akhriya,ama cilmiga naxwaha Akhriya se wuxuu ahaa Mufakir suugaanle ah oo si fiican u cabiray waxa uu Islaamku yahay iyo in lagu dhaqmaayi in ay tahay Waajib Ruuxii ka tagaayi uu ku noqonaayo mid Islaamkii iskaga tagay ama garab maray !!! Wuxuu kaloo aaminsanaa in dadka waxa ka maqan aysan aheyn Fiqhi kutubtii islaamka ku qoran ee uu yahay in ay Xaakimiyadda Allaah u kali yeelaan maxaayeelay waa waxa ugu khaasisan ilaahnimada Rabbi.

Waxaan Maqaalkayga ku soo gabagabeynayaa Hadal uu Sayidku kaga hadlaayo Dabeecada Diintaan : { Maanta waxa dadka ka maqan oo ay Shareecadooda ugu dhaqmi la, yihiin ma ahan in aan weysan nahay Rag Muj-tahidiin ah oo noo dajiya Axkaamta Fiqhiga ah iyo Cilmi Baarista Fiqhi la taabo qaadi kara Waqtiga aan ku jirno… si annagoo Allaah Axkaamtiisa u hogaamsan, ku raali ah in aan isku xukuno !!! Taasina waa Jees jees ay nagu jeesjeesayaan cadawga Allaah waana in ay Ducaadda kor ka noqdaan arrinkaas iyo waliba ruux qalbigiisu Diintaan xurmo u haayo …..

Taasina waa is moogeen Camalka saxa ah la iska moogeynaayo waxayna la mid tahay adigoo hawada badar ku abuuraaya ) (8).

Waa inoo qeyb seddexaad oon ku soo qaadi doono wixii lagu radiyey Sayid Qutub iyo Culumada Casrigaan sidey u arkaan iyo maxaa ka jira in uu dadka gaaleysiiyey !!!!

fii Amaani laah !!!

Shiikh Saahid mohamed yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com

Mutakhasis fil Xarakaat AL-islaamiyah.

  • 1)si faahfaahsan uga daalaco kutubtiisa: Salaamu caalami wal Islaam,macrakatul raasamaaliya wal islaam,Mushkilaat al xadaarah Al qarbiyah,daraasaat al islaamiyah .
  • 2)Aayadaha xukunka wuxuu kaga hadlay: AL-nisaa 58-65 Maaida 44-50 ancaam 114-121yusuf 39-40, 76 Alshura 13-15 alburuuj 1-11.
  • 3)Sayidku markuu leeyahay Dimuqraadiyadii wey kacday waa 1960 se waxuuhadalkiisu sii cadaaday 2002 markii ay xoog isku badashay.
  • 4)Sayidku wuxuu sii saadaaliyey in Marxs yadu uu cimrigeedu 70 sano ka badaneynin 1989 bayna burburtay.
  • 5)Sayidku waxaa ka danbeeyey burburkii dhaqaalaha 2008-2009 ama aan dhaho burburkii Ribada !!!
  • 6)muqadamada macaalim fil Dariiq
  • 7) Shiikh Salmaan Cawdah wuxuu yiri kitaabka maxcaalim fil dariiq dawladaha muslimka qaar buu kotorobaan ka yahay talow maxaa ku yaala ma sida banbooyinka loo sameeyo !!! maya ayuu islugu jawaabay waa nin ka hadlaaya laa ilaaha ilalaahu manhajul xayaat !!!
  • 8)Sayidku barashada fiqhiga ma diidaayo se wuxuu leeyahay caqiidada ayaa ka horeysa !!! waa siduu uu u lahaa shiikh xasan alban’naa Shiikh Fiqhi akhrinaaya haddii uusan imaamka xaqa fari karin xumahana ka reebi karin waxbaa ka dhiman.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Sayid Qudbi Ma Shiikhbaa Mise Waa Mufakir (2) "

  1. Cubeyda says:

    Asc wrx wbrk runti dadka qoralka qaybtisa 2aad aqriyey sheikha eeda kadaaya waayo waa sheeko taxane ah qayateda 1aad so aqriya marka hore lakin hadi ad sheko taxane ah kabilowdo dhexda wadku warerin. Sheikh sahid jzklhu khayr ha ubixin dadka qaarkis ee no so dadaji sheikh Al baani iyo dhaman waxi illahay kubaray an kafaa’idaysane wabilahi towfiq

  2. mumin says:

    Asalaamu calaykum.

    Marka hore aad ayaad umahadsantahay walaal. Tan labaan waxaan dhihi lahaa waxaan kufikir ahay walaal hussen oo yiri, qoraalkaagu “madhiirigelinayo” akhristaha inuu si (energetic) firfircooni kujirto uu udhamaysto maqaalkan. Waxaan kuu rajaynayaa inaad walaal qoon dheer & mid-durugsanba u leh maadadan inaadtahay laakiin wax qoristu waa cilmi kale. Wax qoristu waxay leedahay shuruuc iyo qawaanin u dejisan hadday english katahay iyo Arabic ba , Soomaaligana sidoo kale ayaa filayaa. Walaal marlabaad sitaxaderleh ug fiirso, waxaana kaaga tegayaa samee (research) qaabka ugu wacan ee akhristayaashaada waxa loogu soo gudbiyo, maskadoodana loogu soo jeediyo qoraalkaaga si heer sare ah (professional)

  3. aragsan says:

    walal waad ku mahadsantahay warbixintaada halkaasna ka sii wad warbixinadada si aan uga faaiideysano hana u bixin hadalada qaar sababtoo ah maanta somali wax u roon ma garaneyso so good luck

  4. M Hassan says:

    ASC, akhii iska dulqaado wax walba oo si qaldan lagaaga sheego waayo dadku isku carrab maaha mid baa si xun u qaata xataa wanaagga haddii uusan ilaahay fahansiinina cid fahansiin kartaayi malahan.
    Ilaahay ayaa kaa ajarsinaya ee ha u bixin wixii wanaaaggaaga kugu soo gaara waataasoo Sayyid Qutb-ba dadaalkiisii ku aadanaa jahli ka saridda ummaddiisa loo dal dalay.

    Jazakalahu khaira.

  5. SCWXWB:
    labadii nin ee ugu danbeeyey husen & yes man waxaad noqoteen gadaal ka gaar goob dumis maqaalkaan waa lambar (2) kii ka horeeyey horta akhriya markaas kadib dhaliil sheega, se meel dhexe haddaad ka bilaabataan waxaad noqoneysaan ninkii maqlay shiikh akhrinaaya ( geella zako kuma waajibin) ee cararay ee aan sugin ereyga ka danbeeya ee ahaa ( geel zako kuma waajibin ilaa uu gaaro shan halaad)!!!! marka qeybta kowaad soo akhrista .
    Midda kale qeybtaan waxaan turjumay ereyaddii sayid qutub marka tarjumaadu xoogaa waa adag tahay se waan dadaalnay ha la isku dulqaato. scwxwb

  6. Husen says:

    Waxa aad qortay ma xuma laakiin sida aad u qortay ma ahan si dadka ku dhiirri gelin karta in ay qoraalkaaga dhamaystaan.

    Marka aad wax qoreysid waa la habeeyaa, teeda kale Sayid qudub lama wada yaqaan ee waxaa la rabay hordhac yar oo ku saabsan in aad samaysid marka hore, dabadeedna ujeeddada aad ka leedahay cinwaanka aad sheegtid, waxaa kaloo la rabaa in aad si habaysan u qortid- Please you need training in that regard.

  7. yes man says:

    ninka hadal kaan qoray waxan kula talinayaa in uu marka uu wax qorayo uu u qoro si dadka aqrisanayaan ay ku raxaystaan ee uusan kadhigin in aderkis amanaya ama rerkooda maxayelay dadka somaliyeed waa kabadanyihiin waxa caqligisa uu kenikaro marka aniga waxan aad u jeclhay in aan aqriyo qoraalada somaliga lakin marka aan aqriyaya qoralkan waxan u siiwadi wayay anaan aan kala jogsi lahayn ee shaqsi ku kooban ma ahan in aan aniga ninkaan ka so horjeedo balse qoralka ayaa larabaa in uu noqdo wax somalida aqristayasha ah aya san u fahmin amaan ee ay u fahmaan tariikh somartay balse hadii uu qoralku ku soo noq noqonayo qofka magaciisa xiso badan mayeelanayo siwalba ha ahaato waad ku mahadsantahay af somali ga aad so qortay aniga wan ku faraxsanahay

  8. Faizah kaafi says:

    Ascww

    Mahdsanid walaal sida qayimka ah ee aad nogu soo gudbisay taarikhda daacigaan weyn eee sayid qutub (allah ha u naxariistee ) anagana cilmiguu nooga tagay hanugu anfaceee isagana ajri iyo xasanaat ha uga siyaadsho

    Intaas ka dib waxaan ku leenahay allah hanagu anfaco qoraaladaan aad na xasuusiaya iyo weliba taariiqda aad na bartay ,waxaa laga yaabaa dad badan oo naga mid ah inay ku adagtahay luuqada carabigu amaysan ba aqoonin markaa tan waxay u fududaynaysaa sidaaan u fahmi lahayn taariiqda culimada si sax ah
    (Somalidu waxay tiraahdaa gacan aadan lahayn sidaad rabto kuuguma xoqdo ) iyo biyo sacabadaaada lagag dhergaa waxaan ka wadaa anigu hada aan ka faa iidaysano qoraaladaaan somaliaga ah waa biyo sacabadaaadaa lagag dhergaaaye.

    sheekhna waxaan leeyahay mahasanid jazaaka laahu khayraaa .

    ascww

  9. M Hassan says:

    ASC, akhii waan ogahay wax walba asalka ayay ku macaan yihiin laakiin dhibka jira awal intaan Soomaaliya joogay luuqadda Carabiga kuma dadaalin haddoon wadamadan Yurub qaxooti ku ahayna waan waayay meelaan si fiican uga barto laakiin nasiib wanaag waxaan ku fiicnahay luuqada Englishka oo aan in badan wax ku fahmi karaa.

    Ilaah hakaa abaal siiyo sida aad kuwa kalena iigu soo bandhigtay insha alaah waan raadinayaa ayagana, waxaan in badan arkaa kitaabada Said Nursi oo English ah lkn wali ma arkin marka aga reebo Milestones kitaab uu Sayyidku qoray oo luuqad kale ah.

    Jazakalahu khairan.

  10. M Hassan mahadsanid Akhrinta aad akhrisay maqaalkaan iyo waliba kitaabka ( milestones) ee Sayid qutub.
    Intaan ogahay tafsiirkiisa Fii dhillaal Quraan waa la tarjumay waxaanna layiraahdaa : ( Shadows of Quran) kaasna Raadi sidoo kale Haada Diinna waa la tarjumay aan u maleynayaa ( This Diin) !!! balse kuubtiisa Afka carabiga ayey ku macaan yihiin saas u ogoow !!!!
    scwxwb.

  11. M Hassan says:

    Maasha allaaah, aad baad ugu mahadsan taahy sida qiimiga leh ee aad tariikhda sayyidka isugu taxalujisay inad nooo bayaaniso.

    Waxaan aqriyay kitaabkisa Milestones, run ahaantii aaad ayuuna ii soo jiitay illaa aanba ka jeesan waayo bagba bagga kale balse waxaan aad uga xumahay inaan luuqada carabiga garaneyn oo aanan kitaabadiisa kale daalacan karin.
    Jazaakalaahu khair.