Home » Warar »

UNICEF oo taageertey sameynta nidaam cusub oo biyo siinaya magaalada Marka, Soomaaliya

Nayroobi, Kenya, 7 Maajo 2010 – UNICEF oo kaashaneysa bulshada degaanka ayaa dhammeystirtey nidaam cusub oo biyo siinaya magaalada marka ee ku taalla Bartamaha-Koonfurta Soomaaliya kaaas oo ay ka faa’iideysanayaan 31,500 oo qof halkaa deggan.

Xaaladda nadaafadda iyo fayadhowrka ee magaalada Marka ayaa si weyn u wanaagsanaatey taas oo uu keeney mashruucan oo ay hawshiisu ka mid ahayd ballaarinta nidaamka biyaha ee Marka iyo abuurista guddi maareeya oo waara. Mashruuca waxaa ka mid ahaa dhisidda berked biyood, dayactirka berkad kale, dhuumo-gelinta dhul dhererkiisu yahay 12 kilomitir, dayactirka laba ceel iyo dhisidda 23 dar oo biyaha laga dhaansado. Goobaha biyaha laga dhaansado waxaa maamula Guddiga Maareynta Biyaha ee Marka kaas oo ah Iskaashi u dhexeeya Maamulka iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay, bulshada iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa ka wada shaqeynaya hubinta in adeegga si joogto ah loo bixiyo. Guddiga Biyaha ee Marka ayaa hadda ku hawlan sameynta sharikaddii maamuli lahayd oo gacanta ku hayn lahayd nidaamka biyaha.

“Xubnaha bulshada ayaa sheegaya in ay arkeen in si weyn ay hoos ugu dhaceen cuddurradii shuban-biyoodka ee ay sababta u ahaayeen ilaha biyaha ee faddareysnaa ee ay hore u isticmaali jireen dadka deggan Marka,” ayaa uu yiri Maxamed Macallin Bashiir, oo ah Khabiir UNICEF u Qaabilsan Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda. “Macaamiisha ayaa laga qaadaa lacag yar oo ay ka bixiyaan biyaha ay isticmaalaan taas oo ay ku heshiiyeen bulshada, guddiga iyo maamulka degaanka. Magaalada Marka waxaa ku nool dad qiyaas ahaan ah 70,000 oo qof ah waxaana nidaamka biyaha uu hadda u adeegaa qiyaastii kalabar dadka degaanka.”

Culeysyada ka hor yimid mashruuca waxaa ka mid ahaa dib-u-dhac ku yimid fulintiisa taas oo ka dhalatey maamulka degaanka oo isbeddeley iyo shaqaalaha UNICEF oo gaari waayey goobta laga fulinayey mashruuca iyaga oo ay hor taagneyd nabadgelyo-xumada. Haseyeeshee, xubnaha ka tirsan guddiga biyaha ayaa la tababarey si ay u kor-joogteeyaan ayna sida ay hawshu u socoto ay warbixin uga soo siiyaan shaqaalaha UNICEF.

Ka dib markii la dhammeystirey nidaamkan biyaha ee cusub, ayaa dadka deggan Buulo Shidly – oo ah mid ka mid ah qaybaha ugu saboolsan xaafadda Horseed ee magaalada Marka – ayaa soo dhoweeyey faa’iidada ay ka helayaan. Ka-faa’iideyste noloshiisu uu beddeley mashruuca, oo ah odey 70 sano jir ah ayaa yiri: “Mashruucan wax weyn ayaa uu ka beddeley bulshadeenna oo hadda heleysa biyo ammaan ah oo nadiifna ah oo ay haweenka iyo carruurtu si fudud u soo dhaansan karaan. Arrintan ayaa ahayd mid intii aan noolaa i soo marin xataa markii uu dalku nabad ahaa.”

Ku saabsan UNICEF

UNICEF waxa ay ka shaqeysaa 150 dalal iyo dhulal ah si ay gacan uga geysato samata-baxa iyo horumarka carruurta, laga soo bilaabo marka ay aadka u yar yihiin ilaa marka ay qaan-gaarayaan. UNICEF oo ah hay’adda siisa tallaalka ugu badan dalalka soo koraya, waxa ay taageertaa caafimaadka iyo quudinta carruurta, helidda biyo iyo fayadhowr wanaagsan, waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh oo ay helaan dhammaan wiilasha iyo gabdhaha, iyo ka ilaalinta carruuta rabshadda, dhiig-miirashada, iyo AIDS. UNICEF waxa ay dhammaan maalgelinteeda si iskood ah uga heshaa shakhsiyaad, ganacsiyo, mu’asasado iyo dowlado.

Xog intaa dheer fadlan kala soo xiriir:

·Saciid Jurji, Madaxa, Waaxda Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda ee UNICEF Somalia. Mobile: +254 723 786 975. Email: zjurji@unicef.org.

·Denise Shepherd-Johnson, Madaxa War-faafinta, UNICEF Somalia. Mobile: +254 722 719 867. Teleefoon toos ah: +254 20 7623958. Email: dshepherdjohnson@unicef.org.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.