Home » Announcements »

Saynab waa gabar Soomaaliyeed la xanuunsaneysa Buro kaga taal Daanka una baahan qaliin deg deg ah

Saynab Axmed Macalin waa gabar soomaaliyeed ooo la il daran Buro kaga taal Daanka waxayna Buradaan ku bilaabatey 19 sanno ka hor hase yeeshe Saynab waxay sheegtey in hadda ka hor laga qaley iyada oo yar hase yeeshee sanadahaan dambe ayey dib ugu soo laabatey Buradii

Saynaba waxay sheegtey in Burada haatan ay ku hayso xanuun joogto isla markaana marba marka ka dambeysa ay sii siyaadeyso ayna ku faaftey qaybo hor leh oo ku yaal wajiga , sidoo kale Saynab waxay sheegtey in marka ay seexato kana soo toosto Hurdada ay gogosha ay ku arkeyso dhiig

Saynab oo loo geeyey Takhaatiir fara badan waxay dhamaantood xiligaan sheegeen in aan dalka waxba looga qaban Karin iyagoo sheegey in aysan haysan qalabkii ay ku qali lahaayeen iyo weliba Burada oo ku taal meel halis ah

Saynab oo ka soo jeeda qoys sabool ah oo aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka qaliinka ee dibada ayaa ka codsaneysa dhamaan bulshada soomaaliyee ee ku sugan dalka iyo dibada in ay gacan ka geystaan sidii Buradaas qaliin loogu sameyn lahaa

Hadaba cidii dooneysa in ay u gargaaraan gabadhaas ee la il daran Buradaas waxay la soo xiriiri karaan

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 0025215532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.