Home » Warar »

CABDIWELI….TIIR ADAG OO DACWAD MINNEAPOLISA KA TEGEY! | w/q. Muxammad Idris Axmed

 Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Wuxuu Qaatay Ilaahay Isagaa leh. Wuxuu bixiyana Isagaa Leh, Wax walbaana Qadar ayey leeyihiin. Ilaahay Walaalkeen Cabdiweli Maxamed Yusuf Ha u Naxariisto, Janaatul Firdoos haka waraabiyo, eheladiisiina samir allaha ka siiyo.

Warka Naxdinta lihi wuxuu igu soo duulay anigoo safara oo Nairobi Maraya, Kelmadanna waxaan qorayaa Markaan hadda soo gaarey Copenhagen, anoo hadda la ii sheegay in si wanaagsan loo aasay, Khalqi Ilaahayna isugu yimi, waana sidii Ahlu Sunnaha Janaazadooda lagu yiqiin, heer uu yiraahdo nin meesha joogey: Waxaa mar igu soo dhacday inaan jeclaysto inaan ahaado ninka Janaazadan lagu wado.

Cabdiweli Maxamed Yusuf wuxuu ahaa intaan ka aqaaney nin aad u qiima badan, dacwadana ilaa yaraantiisi kusoo jirey, ama ku ababay, markii lasoo qaxay ee Maraykan la yimina Cabdiweli Minneapolis ayuu usha dhigay, wuxuuna ka mid ahaa dadkii dacwada gobolkaas dhidibada u aasay. Maalintii iigu horreysey ee Minneapolis aan dacwa u imi, 1997, iyadoon Soomaalidu weli markas lahayn aan ka ahayn, Daarul Faaruuq, oo la wadaagey, Cabdi weli gurigiisa ayaan ku soo degey. Kadibna Cabdiweli wuxuu kaalin weyn ka qaatay sidii Maraakis dacwadu leedahay looga heli lahaa magaalooyinka mataanaha Minn/St.Paul. Wuuxuna qayb weyn ka ahaa muddo dheer maamulka Markaz Abubaker, iyo halgankii loo soo galay, iyo Masjid Shaafici. Wuxuu ahaa nin dacwada har iyo habeen u diyaar ah.

Sifooyinka ugu weyn Cabdiweli Allaha u Naxariistee waxaa ka mid ahayd tawaaduc aanu cidna iska weynayn, iyo dacwada oo naf iyo maal iyo waqtiba loo huro. Cabdiweli wuxuu ahaa nin lagu hagaagi karo maalinta ay ciirsi beelka tahay, nin hawlkarnimo meel dhigtay oo shaqada aad u dhiibto aad uga seexan karto, wuxuu ahaa Allaha u naxariistee, nin ku fiican dulqaad badan oo culays kasta oo lasoo gudboonaada aan u debcin, ama kala badan.

Hawlaha Xajka iyo hoggaaminta dadku waa hawl weyn oo qof walbaa aanu ka bixi karin. Diyaarinta guryaha, diyaaradaha, xujeyda hagidooda, safaradooda Makka iyo Madiina, la dhaqanka xafiisyada xajka sucuudiga oo aad u hawl badan, dulqaad badanna u baahan, waxaan 10kii sano ee u dambeeyey arkayey Cabdiweli inuu si hawl karnima leh hawshaas uga soo baxayey, waxaan ogaa soo jeedka iyo maalmaha xiriirsan ee cabdiweli usoo jeedi jirey sidii xujeydu xajkooda u gudan lahaayeen. Waxaan xusuustaa inuu cabdi weli fadhin jirey mararka qaarkood xafiisyada wasaaradda iyo mudawifiinta in ka badan 8 saacadood oo xiriir ah, si uu u fuliyo hawla xujeydu leeyihiin, ama uu soo jeedo 24 saacadood oo xiriir ah. Wuxuu ahaa ninka lagu aadiyo hawsha ugu adag. Wuxuuna u gudan jirey si deggan oo aad mooddo in ilaahay birta u jilciyey.

Sifooyinka Cabdiweli lahaa ee aan la heli karin in yar mooyee, waxaa ka mid ahayd qalbi xaadhnaan, aanu qof muslima wax u qaadin. Nebigeenna calayhi salaatu wasalaam waxaa ka sugan in la weydiiyey dadka yaa ugu fiican? Wuxuu ku jawaabay: (Qofka Qalbiga Makhmuumka ah leh, Carabkiisuna runta sheego. Waxaa lagu yiri, garanay midka carabkiisu runta sheego, ee makhmuumu qalbi waa maxay? Wuxuu yiri: Waa Midka aanu ku jirin: Xadgudub, Necayb, uurkuqaad, iyo Xasad).

Cabdiweli waxaad arki jirtey in xaaji cadhaysani u yimaado oo af labadii caayo ama maago ama ku qayliyo, lama arki jirin cabdiweli oo hadalkiisu kor u dhaafayo inta qofku u baahanyahay. Si fudud oo deggan ayuu hadalkiisa u gudan jirey, xad gudubkana ma jeclayn. Wuxuu Cabdiweli dacwada u huri jirey waqtigiisa, gurigiisana waa u furi jirey. Waxaan xusuustaa inaan bishii Nov. 1999, aniga ducaad ilaa 10 ah oo ila socotey aanu nimi magaalada Minneapolis, anagoo u soconna ururinta lacagtii Masjid Assunnah and Dawa Center ee magaalada Atlanta. Cabdiweli – Allaha u naxariistee – xaaskiisi iyo caruurtiisi oo dhan gurigii wuu ka bixiyey, wuxuuna gurigiisa oo dhan u gogley oo u furay kor iyo hoos martidii ducaadda ahayd, halkaas ayaanuna deganayn saddexdii cisho ee aanu joogney magaalada. Cabdi weli wuxuu dacwada u ahaa sida awrka hayinka ah ee reerku ku guuro oo ku hinjiyo wax kasta oo culus.

Waxaa Cabdi weli iigu dambaysey Xajkii hadda lasoo dhaafay oo aanu wada xajiney, carafa iyo Muszdalifana isla soo marnay, sidii caadada ahayd sanadihii u dambeeyey, habeenkii uu makka kasoo baxayey isagoo xujeyda hoggaaminaya ayaana iigu dambaysey, inaan taleefan kuwada hadalno maahine. Cabdiweli Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin uurka iyo afkaba nadiif ka ah, sidaas ayaanu u haysaney Ilaahay ayaana xisaabinaya.

Waxaan filayaa Dacwada Islaamka ee Maraykan guud ahaan, gaar ahaanna Dacwada Minneapolis, tiir adag ayaa maanta ka jabay, geerida Cabdiweli, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu isagana u naxariisto, ubadkiisi iyo reerkiisiina ajar iyo abaal fiican u dhaafiyo, Annagana wax ka khayr badan noogu bedelo, Ilaahayna waxaan ka baryeynaa inaanu ajarkiisana naga qadin, gadaashiisna na fitnayn.

w/q. Muxammad Idris Axmed
hayaan@gmail.com

—————-

Sh. Cabdiwali Maxamed Yuusuf oo Lagu Aasay Minnesota

Galabnimadii Khamiista (April 29, 2010) ayaa Marxuum Sh. Cabdiwali Maxamed Yuusuf waxaa lagu aasay Qubuuraha  Garden of Eden Islamic Cemetery ee ku yaal Burnsville, Minnesota. Allah ha u naxariisto.

Sh. Abdiwali M. Yuusuf oo Minnesota ku geeriyooday

Inaalilaahi wa inaa ilayhi Raajicuun, Sh. Abdiwali Maxamed Yuusuf oo kamid ah ducaada gobolka Minnesota ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Minneaplosi, kadib markuu seexday isagoo caafimaadqaba. Maamulka Somalitalk waxay Abdiwali ugu ducaynayaan danbi dhaaf iyo Jano eebe, ehelkii iyo qaraabadii ka tagayna waxay ilaahay uga baryayaan samir iyo badal khayr qaba inuu ilaahay siiyo.

Maamulka masaajidka Abuubakar oo cabdiwali kamid ahaan jiray ayaa Somalitalk soo gaarsiiyey qoraalkan hoose.

إن لله ما أخذ وله ما أعطي، وكل شيء عنده بأجل مسمي

Allah baa ina leh, xagiisa kaliya ayaana u laabanaynaa. Ilaahay Ayaa iska leh waxa uu qaato iyo waxa uu bixiyo labadaba wax kastana wuxuu ku socdaa qadarkiisa. Nafteenu waa amaano ilaahay inoo dhiibtay marka uu doonana waa qaataa.

Waxaan guud ahaan Muslimiinta uga tacsiyeynaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen Sheekh Abdiweli Mohamed Yusuf oo ka mid ahaa ducaada iyo mas’uuliinta u khidmaysa Masjidka Abuubakar As-Saddique Islamic Center. Sheekh Abdiweli xalay cishaha masaajidka ayuu ku tukaday isagoo wax dhib ah ka muuqanin,xalay saqdii dhexena isagoo hurda ayay geeridii xaqqa ahayd haleeshay, siduu ilaahayba yiri:

اللَّهُ يَتَوَفَّى ٱلْأَنفُسَ حِينَ مَوْتِهَا وَٱلَّتِى لَمْ تَمُتْ فِى مَنَامِهَا ۖ فَيُمْسِكُ ٱلَّتِى قَضَىٰ عَلَيْهَا ٱلْمَوْتَ وَيُرْسِلُ ٱلْأُخْرَىٰٓ إِلَىٰٓ أَجَلٍۢ مُّسَمًّى ۚ إِنَّ فِى ذَ‌ٰلِكَ لَءَايَـٰتٍۢ لِّقَوْمٍۢ يَتَفَكَّرُونَ ﴿42﴾

Sheekh Abdiweli oon ku naqaanay ikhlaas, waracnimo, iyo u khidmaynta diinta ilaahay iyo u istaagida danaha umada muslimka ah. Naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo.

Qalbigu waa murugoonayaa, ishanu waa ilmaynaysaa, mana ku hadlayno wax ilaahay raaligelinaya mooyaane.

Janaazada waxaa lagu tukaday khamiis April 28, 2010 Salaada duhur kadib. Waxaana lagu aasay xabaalaha Garden of Eden Islamic Cemetery ee ku yaala Burnsville, Minnesota. (http://www.burnsvillemosque.org/funeral.htm )

Wixii faah faahin ah, la soo xiriir masjidka

Abubakar As-Saddique Islamic Center

2824 13th Ave South Minneapolis, MN 55407

Tel: 612-871-8600,

…………

GOLLAHA ISUTAGA MASAAJIDA IYO MARAAKIISTA EE WAQOOYIGA MARAYKANKA.(NORTH AMERICA COUNCIL OF SOMALI IMAM .

TACSI TIIRAANYO LEH……

((INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.)))))))))))))))))))))))))))))))

Dhamaan culimada,masajida,maraakista. ku midaysan golaha isutaga iimaamada ee waqooyiga maraykanka waxay tacsi u dirayaan,umada soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka minneapolis,MN,gaar ahaan qaraabadii iyo ehelkii uu katagay walaalkeen sh/abdiwali yuusuf.(A/wali dheere) oo kamid ahaa ducaada sida wayn looga yaqaanay wadankan maraykanka,gaar ahaan caan ku dhex ahaa saxwada,ama maraakista dhexdeeda,xubina ka ahaa majliska golaha maraakista isagoo u matalayay majliska, masajidka abubakar a-sadiq ee magaalada minneapolis MN.in illaahay samar iyo iimaan naga siiyo,illaahayna waxaan u waydiinaynaa inuu walaalkeen a/wali naxariistiisa jano galiyo,su,aashana u fududiiyo,qabrigana u waa siciyo.AAMIIN.

1-Gudomiyaha golaha.Sh/abdirahman sh omar
2-Madaxa fulinta golaha imamyada. Sheikh C/llaahi Abul-fadli.
3-sh maxamed khadar imamka sandiego
4-Sh Axmed nuur imamka seattle
5-Sh c/risaq haashi imamka m/abubakar.
6-Sh musdhafa imaamka masaajidka kansas.
7-Sh aadan sh abdile imaamka columbus.oh
8-Sh bare iyo sh maxamud garyare Main.
9-Sh saalax imaamka masajidka lewoston.
10-Sh maxamed cismaan masajidka owatana.
11-Sh c/raxman imaamka masajidka nasvile
12-Sh c/raxman yusuf masaajidka omaha.
13-Sh axmed dhayib imamka masajidka utah
14-Sh nuux,naasir,macalin a/nuur atlanta
15-sh yusuf imamka masajidka boston.
16-Sh xuseen badal xooghaynta majliska.
17-Sh Maxamed Mursal Imamka masjidka il-ixzAN MN.
dhamaan culimadan waxay illaahay uga baryaan walaalkood c/wali danbi dhaaf iyo maqfiro.aaaaaaaaammiin.

Maxada fulinta ee golaha
Sh/abdullahi abulfadli.

—————

Mu’assasada Al-minhaj oo tacsi u dirtay eheledii iyo asxaabtii Sh. C/weli M. Yusuf oo ku geeriyooday Minneapolis.  

Taci 

إنا لله وإنا إليه راجعون 

إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى 

       Golaha maamulka, Guddiga fulinta iyo hawlwadeenada Minhaj Media Production waxay iyagoo ka tiiraanyaysan geeridii ku timid walaalkeen Sheekh C/weli tacsi u dirayaan eheladiisii oo ay ugu horrayso hooyadiis oo uu gurigeeda ku geeriyooday isagoo baxnaaninaya iyadoo dhaawac ah. Waxay kaloo si gaara ugu tacsiyaynayaan Golaha Imaamyada Woqooyiga America iyo Salama Travel Agency oo uu labadaba xubin firfircoon ka ahaa. Waxay kaloo si gaara ugu tacsiyeynayaan Markazka Abuu bakar Alsaddiiq iyo jamaacadiisa, iyo guud ahaah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka. 

      Al-minhaj waxay Ilaahay uga baryaysaa Sheekh C/weli inuu dambigiisa dhaafo, qabrigana u waasiciyo, jannadiisana ka waraabiyo, uuna ka raalli noqdo. Intii uu ka geeriyoodayna uu sabar iyo xasanaat ka siiyo, kaalimaha uu ina ku banneeyayna uu badal wanagsan inoo ku buuxiyo. 
 

Guddoomiyaha Alminhaj Axmed C/samad

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

28 Jawaabood " CABDIWELI….TIIR ADAG OO DACWAD MINNEAPOLISA KA TEGEY! | w/q. Muxammad Idris Axmed "

  1. BASRO says:

    INAAALILAAAHI WAINAALILAAAHI RAAAJUCUUN ALOOW U NAXARIISO ABDI WALI ALOOW JANADAADA GAKI AAMIIN MIIN AAAMIIN ALOOW QOOSKIISA SAMIR IYO IIMAAN KA SII IYO MAAMADIISA XANUUNSAN HOOYADIIS MAAAMA SAMIR SAMIR SAMIR ADNA ALAHA KU CAAFIYO AAMIIN

  2. inaa lillaahi wa’inaa ilayhi raajicuun, ilaahay ha u naxariisto walaalkeen sh.c/weli m. yusuf, eheladii iyo qaraabadii iyo dhamaan umadda islaamka ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan allaha ka siiyo, janadii fardowsana allaha ka waraabiyo, inkastoo ay geeridu xaq tahay hadana aad baan oga naxay, ilaahay meel uu ku nasto ha geeyo, wasalaamu calaykum waraxamatullaahi wabarakaatu.

  3. waxaan tacsi u dirayaaa eheladii iyo qarabadii u katagay c/wali mahamed ilaah ha ua naxariisto ilaahna janadii fardooso haka waaraaabiyo aamiin aamiin

  4. naciimo says:

    inaa li laahi wainaa ilayhi raajicuun ilaahay ha u naxariisto walaalkeen abdi wali janadii fardowsa alaha ka waraabiyo qoyskii iyo dhamaan umada soo maaliyeedna samir alaha naga siiyo sababtoo ah abdiwali qoys iyo qabiil kama tagin ee umadoo dhan ayaa tabaysa.

  5. inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun
    ilaahay janadiisa ha ka waraabiyo walalkeen qaaliga ahaa abdiwali mohamed yusuf khayr badan ayaaan u rajaynaynaa ilaahay ha xifdiyo reerkiisii

    amiin

  6. Inaalilaah waa inaa lilaahu raajucuun ilaahay jandii haka waraabiyo hana aqbalo acmaashiisii saalixa ahayd.. al akhi Sh Abdiweli waa lagu xasuusandoonaa waxii uu muslimiinta u hayey//

  7. tacsii says:

    اللهم اغفر لعبدك عبد الولي وارحمه واعفو عنه , وأكرم نزله ووسع مدخله , وأغسله بالماء والثلج والبرد , ونقهِ من الذنوب والخطايا كما ينقى الثوب الابيض من الدنس , اللهم ابدله دارا خيرا من داره , واهلا خيرا من أهله , وزوجا خيرا من زوجه , اللهم ادخله الجنه , اللهم ادخله الجنه , اللهم ادخله الجنه , وأعذه من عذاب القبر , اللهم أعذه من عذاب القبر , اللهم أعذه من عذاب القبر , وأعذه من عذاب النار , اللهم اعذه من عذاب النار , اللهم اعذه من عذاب النار .

    اللهم ارفع درجته في المهديين , وأخلفه في عقبه في الغابرين , واغفر لنا وله يارب العالمين , وأفسح له في قبره , ونور له فيه , اللهم اغفر لحينا وميتنا , وشاهدنا وغائبنا ,وصغيرنا وكبيرنا ,وذكرنا وانثانا ,اللهم من أحييته منا فأحييه على الأسلام , ومن توفيته منا فتوفه على الأيمان . اللهم لا تحرمنا اجره , ولا تفتنا بعده , يا ذا الجلال والأكرام يا حي يا قيوم.

  8. cabdulkarim xirsi says:

    Alaah yarxam marxuumka, sabir iyo iimaan alle haka siiyo qoyskii uu ka tagay. janadii alle haka waraabiyo marxuumka walaal lajecyahay ayuu ahaa runtii.

  9. abdirisak dheere says:

    inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajacuun waxaan ilaahay subxaanuhu watacaalaa u waydiinaynaa akhuunaa abdiwali mohamed yusuf inuu kawaraabiyo jannatul fardowsa ehaladii uu katagay iyo walaalaha muslimiintana samir iyo iimaan ka siiyo

  10. hussein says:

    Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun. Ilaahay ha u naxariisto walaal Cabdiweli aad baan uga naxay dhimashadiisa, ilaahayna ha ka ajarsiiyo adeegiisii uu u adeegi jiray diinta islaamka iyo ehelkeeda. ilaahay samir ha naga siiyo anaga iyo ehelkiisii iyo asxaabtiisii iyo ummadda soomaaliyeed oo dhan.

  11. mohamed A salaad

    ina lilaahi waa inaa illayhi rajicun

    ILLAAHI waan ugabaryay janaddii inuukawaraabiyo

    walaaka abdiwali mohamed yusuf
    ehelkiisana samir iiman kasiiyo

  12. Mire Mohamed says:

    Ac
    Inaa lillaahi waa inaa illeyhi raajicuun.

    Walaal Cwali illaahey ha u naxariisto janadiisiimna kawaraabiyo
    dhamaan Samir iyo iimaan allaha inaga siiyo
    allow na xifdi gadaashiisna Hana dhumin islaamnimana nagu dil
    amiin yaa rabi

  13. Salam, Ina lilaahi waa inaa Illayhi rajicun, Allaha u naxariistu, Danbigiisana ha dhaafo, janadiisa firdawsal aclaana ha geeyo, walaalkay Sh Cabdiweli Dheere, eheladii iyo qaraabadii uu ka dhintayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
    Anagana Kuwo cimriqaada ha naga dhigo oo ogaada noloshaan waa caajilah suu alle u yiriba, Maanta asaga ah Walahi una qiri karnaa “mustariixun Minhaa” sida uu suubanaha scw sheegay in dadka ay yihiin “mid laga nastay ama mid ka nastay” Cabdiwali Khyrkaan ku aqaanay waa mid walle ka nastay aduunyada, saa wuxuu ahaa nin u istaaga Alle Dartiis, Caawiya dadka, sabur badan wakhtiyada ugu dhibta badan “HAJJ”, Afgaaban, lagu daydo, Alle sbw Wax khayr ah ayaan ugu rajaynaya, ilaahay ha geeyo firdawsal aclaa, anagana ha naga dhigo kuwo ku dayda asaga, kuna kulma janooyinkiisa sare.

    Salamulahi calaykum

  14. Allaah ha u naxariisto.

    Waxaan Sh. Abdiwali kala soo shaqeeyay Markazka Abubakar muddo ku dhow saddex sano, waxaan uga marag kacayaa inuu ahaa:

    – Nin afgaaban, oo ummaddu carrabkiisa ka nabad gashay.
    – Xalaal miirad badan, oo xattaa aan jeclayn in wax ku saabsan shaqadiisa (travel agency) lagala hadlo markuu joogo masjidka.
    – Naftiisa, maalkiisa, iyo waqtigiisa u hura danaha guud ee Muslimiinta; Waxaan marag ka ahay habeenno badan intaan shaqada masjidka ku gaarno 2 da habeennimo, inuu naga hari jiray oo shaqada sii wadi jiray ilaa salaadda subax, kaddibna uu halkaa ka shaqo tagi jiray.
    (نحسبه كذالك ولا نزكي على الله احدا)

    اللهم اغفر لعبدك عبد الولي وارحمه واعفو عنه , وأكرم نزله ووسع مدخله , وأغسله بالماء والثلج والبرد , ونقهِ من الذنوب والخطايا كما ينقى الثوب الابيض من الدنس , اللهم ابدله دارا خيرا من داره , واهلا خيرا من أهله , وزوجا خيرا من زوجه

    اللهم ارفع درجته في المهديين , وأخلفه في عقبه في الغابرين , واغفر لنا وله يارب العالمين , وأفسح له في قبره , ونور له فيه

    اللهم لا تحرمنا اجره , ولا تفتنا بعده , يا ذا الجلال والأكرام يا حي يا قيوم

  15. Inaa lillaahi wa-inaa Ilayhi raajicuun

    Allah ha u naxariistu walaalkeen Cabdiweli, eheladii iyo qaraabadii uu ka dhintayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

    Nin qiimo badan ayuu ahaa, waana la tebi doonaa.. Allaah yarxam

    WCS
    Mukhtar Osman
    London

  16. siciid oday says:

    INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJACUUN.
    waxey ahayd geeri aad u naxdin badan ruuxii maqlaaba ilmo ku soo istaagayso.waxaan marqaati ka nahay inuu walaalkeen C/wali ahaa nin cibaado badan carabkiis iyo adinkiisana laga amaan helay.ilaahay u naxariiso, yaa rabi, yaa raxamaan yaa raxiim.ilaahayoo ugu bishaaree meeshii aad u balan qaaday dadka muminiinta ah ee janatul fardowsa. samir iyo iimaan buuxana ka sii ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay.
    aamiin aaamiin aamiin.

  17. “Inaa lilaahi wa inaa Illayhi raajicuun “Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkan Minnesota gaar ahaan Qoyskii iyo ehelkii uu ka tegay Marxuum Sheekh Cabdiwali Maxamed Yuusuf oo taariikh lama illoobaan ah ku leh bilowgii Dacwada Diinta Islaamka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika,waqtigiisii noloshana intiisa badan ku bixiyey khayrka iyo dacwada , Ilaahay waxaan kugu baryayaa inuu Jannada ka waraabiyo Ehelkii uu ka tegayna iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna uu Samir iyo Iimaan uu ka siiyo. Aamiin-Aamiin_Aamiin.

  18. Abdisalaan says:

    Innaalilaahi waaninaa ileehi raajucuun, alaha unaxariisto walaaleen shiek abdiwali dheere anaguna waan daba soconaaye dhamaan teen alaha noonaxariisto eheladii uukatagayna samir iyo iimaan alaha kasiiyo, waa geeri laganoxo laakiin waxkale maqban kano oo aan aheen allaha unaxariisto muxuumka bushada aad bay utabaysaa shiek abdiwali dheere wuxuuna ahaa nin bulshada kadhex muuqda allaha unaxariisto,,

  19. Allah ha u naxariisto sheikh Abdiweli eheelkii iyo qarabadii iyo muslimiinta oo dhana samiir iyo imaan Allah ha ka siiyo AMIIN AMIIN AMIIN . Allahuma maqfirlahu warxamahu wa cafi canhu.

  20. Jama Burale says:

    Alle dambigiisa ha dhaafo jannadii firdawsana ha ku marti qaado.
    wuxuu nin aan aqiin alle caabudid iyo macaamilo wanaag dadka dhexdiisa.

  21. abdikhair. D.H. says:

    alaah ha u naxariisto walaal keen sh. abdiwali maxamed yusuf. waa arin naxdin badan!! fadlan ha iloobina agoonta iyo xaaska uu kategey marxuumku!!!

  22. Mohamed Wardere says:

    inaa lilaahi wa onaa ilhi raajicuun
    ilaah ha unaxariiso Abdiwali oo aan ka wada shaqaynjirney travel agent sifiicana aan u aqaaney
    waan maqli jirey dadka fiican ayaa horgeeryooda.
    eheladii iyo dadkii uu katageyna samir iyo iimaan ha ka siiyo
    Amiin

  23. Ilaahay ha u naxariisto walaalkeen Sh.Cabdiwali, dambigiisa ha dhaafo, qabriga ha u nuuriyo, ha uuga dhigo beer jano, darajadiisa kor ha yeelo, waladkiisa iyo reerkiisa Alle ha garab qabto oo ha xafido.
    اللهم اغفر لعبدك عبد الولي وارحمه واعفو عنه , وأكرم نزله ووسع مدخله , وأغسله بالماء والثلج والبرد , ونقهِ من الذنوب والخطايا كما ينقى الثوب الابيض من الدنس , اللهم ابدله دارا خيرا من داره , واهلا خيرا من أهله , وزوجا خيرا من زوجه , اللهم ادخله الجنه , اللهم ادخله الجنه , اللهم ادخله الجنه , وأعذه من عذاب القبر , اللهم أعذه من عذاب القبر , اللهم أعذه من عذاب القبر , وأعذه من عذاب النار , اللهم اعذه من عذاب النار , اللهم اعذه من عذاب النار .

    اللهم ارفع درجته في المهديين , وأخلفه في عقبه في الغابرين , واغفر لنا وله يارب العالمين , وأفسح له في قبره , ونور له فيه , اللهم اغفر لحينا وميتنا , وشاهدنا وغائبنا ,وصغيرنا وكبيرنا ,وذكرنا وانثانا ,اللهم من أحييته منا فأحييه على الأسلام , ومن توفيته منا فتوفه على الأيمان . اللهم لا تحرمنا اجره , ولا تفتنا بعده , يا ذا الجلال والأكرام يا حي يا قيوم.

  24. Ilaahay baa ina leh isaga ayaanna u laabaneynaa.
    Qalbigu waa murugoonayaa, ishanu waa ilmaynaysaa, mana ku hadlayno wax ilaahay raaligelinaya mooyaane.

    Annagoo aad uga tiiraanyeysan aniga iyo qoyskeygaba waxaan eheladii iyo asxaabtii uu walaalkeen Sheekh Cabdiwali ka tegay uga tacsiyeynaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid sheekh C/Wali-dheere.

    Waxaan Ilaahay ka baryeynaa in uu sabir iyo iimaan siiyo ehelada sheekha dhibka gaarayna uga ciwad celiyo. sheekhana waxaan Alle uga tuugeynaa in uu u naxariisto, u dambi dhaafo, daartiisi mid ka khayr badan ugu beddelo, ehelkiisi mid ka khayr badan ugu bedelo dejiyona jannada, kana badbaadiyo cadaabta qabriga iyo tan naartaba. aamiin aamiin aamiin.

  25. Isaaq Tarey says:

    Ina lilaahi waa inaa ilayhi rajicun
    Ilaah ha unaxariisto Sh. Abdiwali Janaddii fardows allaha geeyo waa geeri naxdin leh, Ehelkiisana Samir iimaan allaha kasiiyo. Aamiin!!

  26. dhicis says:

    Inaa Lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

    waxaan halkaan tacsi ugu dirayaa qoysii, eheladii iyo asxaabtii uu Abdiwali Dheere ka gee riyooday, Ilaahay janadiisa ha ka waraabiyo qabrigana ha u nuuriyo aamin.

  27. FARAH ALI says:

    alle ha naxariisto waxaa marqaati ka ahay inuu ahaa nin af gaaban oo hadal yar oo u taagnaa danaha umada islamka
    qaasatan reer minasota

    INTA AAN AQAANEY WAXUU KU DHEXJIREY QEYR IYO WANAAG WAXUU AHAA DADKII AAS AASEY MASAAJIDKA UGU WEYN EE SOMALI LEEDAHAY EE KU YAAL;A QURBAHA WAA ABUBAKAR MASJID IN MINNEAPOLIS
    ALLOOW U NAXARIISO OO JANNA FARDOOWSO KA WARAABI

  28. Mohamed Adam says:

    Ina lilaahi waa inaa Illayhi rajicun
    Illaahay Janaddii ha geeyo Sh.Abdiwali Dheere, Dambigiisana ha dhaafo. khayr badan baan u rajaynaynaa walaalkaas qiimaha badnaa ee geerida naxdinta leh ku timid. Ehelkiisana samair ha ka siiyo.