Home » Warar »

Hey’adda COGWO uu suurtagelisay in Mar kale ay dib isku arkaan gabar yar oo waalidkeeda la’aa Muddo sadax Bilood ah

Waxaa magalada Muqdisho maanta  soo gaartay gabar yar oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xaliimo Xaaji Cusmaan da’deeduna ay tahay 16-sanno jir, taasoo markii hore Haweynay ka kaxeysatay magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose, iyadoo gaysay magaalada Hargaysa ee maamulka la magac baxay Somaliland.

Haweynada gabadhaas kaxaysatay oo lagu magacaabo Zam Zam ayaa shaqo ahaan waxay u gaysay magaalada Hargaysa, waxayna Guri ay ka daganayd magalaada Hargaysa muddo sadax Bilooda ah.

Haweynadaas ayaa muddo sadax Bilood kadib waxay Xaliimo Xaaji Cusmaan u gaysatay Jirdil aad u daran, iyadoo jirkeedana ku gubtay dab, kadib markii ay ku masabidatay inay ka xaday Dahab iyo Lacago oo aan la xaqiijin cadeeda inta ay la ekaayeen.

Dhacdadaasi xadgudubka ah ayaa waxaa ogaaday Hey’adaha ka shaqeeya Xuquuqda aadanaha ee fadhigoodu yahay Magaalada Hargaysa, kuwaas oo kala ah Hey’adaha Samatalis iyo ODHA, iyagoo ku soo wargeliyay Dalladda Haween weynaha COGWO ee fadhiigeedu yahay Magaalada Muqdisho, waxna ka qabata Haweenka iyo Caruurta lagula kaco falalka xadgudubyada ah ee ka dhanka ah Bini’aadanimada.

Gabadhaan lagu magacaabo Xaliimo Xaaji Cusmaan oo qoyskeedu degan yahay Degmada Marka ee gobolka sh/hoose ayaa waxaa si toos ah ula xariirtay daladda COGWO si ay u xaqiijiso xaaladda gabadhaasi, waxaana intaasi kadib lala kaashaday Hey’adahaasi ka shaqeeya Xuquuqda Aadanaha ee ka howlgala magaalada hargaysa, si loogu gacan geliyo Qoyskii ay ka dhalatay Xaliimo Xaaji Cusmaan oo suurtagashay in maanta lagu wareejiyo Qoyskii ay ka dhalatay, taasi oo ka dhacday Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Munaasabadii gabadhaasi yar lagu wareejinaayay Qoyskii dhalay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuu’liyiin ka kala Socday Hey’addaha COGWO iyo ODHA , iyadoo gabadhaasi uu magaalada Muqdisho keenay Sarkaal ka tirsan Hey’adda ODHA oo lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Jaamac.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.