Home » Warar »

Kalfadhigii Baarlamaanka DFKMG oo mar kale dib u dhac ku yimid

Warar laga helnay xubno ka tirsan barlamanka dowlada fadaraalka KMG somaliya ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shirkii la filayey Axadda in uu ka furmo guriga ummada. 

Shirkaan oo la filayey in uu golaha xildhibaanda baarlamaanka uga furmo guriga ummadda ayaa dib loo dhigay muddo, kulankaas oo ah  kalfadhigii baarlamaanka DFKMG uu markisii ugu horeysay ku yeelan lahaa gudaha guriga shacabka, waxaana wararka qaar sheegeen in kulankaas dib loo dhigay ilaa khamiista.

Kalfadhiga barkamanka ayaa xubno ka tirsan xildhibaanada iyo gudoonka waxaa ay ku baaqayeen in ay xildhibaanadu ka soo qeyb galaan si kooromku uu u buuxsamo taas oo horey suurta gal u noqon weyday.

Guriga ummadda ayaa mudooyinkaan waxaa ka socday howlo lagu dayactirayo si ay golaha barlamanka marka ay shirayaan si nada ah ay ugu shiraan waana guri dusha sare shub ka ah.

Xaruntii uu ku shiri jirey barlamanka markii uu beydhabo ka soo guurey ayaa aheyd xeradii gaadiidka boliska taas oo haatan noqotay furin dagaal ,waxaa iyana ku xigtay xarunta gobolka oo ay iyana dad ku dhinteen kuwa ku dhawacmeen xiliyadii uu shirku uga socday gantaalo iyo madafic lagu liishaaman halka qaarkoodna ay ku dhaceen gudaha ispitalka Dmartiino waxaana ay geysteen khasaarooyin soo gaarey maatadii iyo dhawacyadii  naafadii ciidanka xooga dalka somaliyeed ee in ka badan 30 sano halkaa daganaa .

Shirka guriga umada ayaa dad badan oo dagan suuqa bakaaraha walaac xoogan ka muujiyeen ka dib markii ay arkeen ciidamada AMISOM oo madaafiic iyo taangiyo ku rakibtay agagaarka taalada sayidka kuna soo jeediyey dhanka suuqa bakaaraha .

Arintu si kasta ha ahaateen Axaddii waxaa la filyey in uu shirku furmo, taas oo aan dhicin.

Axaddii ayey ahayd markii uu is casilay guddoomiye ku xigeenkii labaad ee baarlamaanka DFKMG.

   
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.