Home » Warar »

Warbixin: Xerada Qaxootiga ee Kaakuma

Card Badal ku bilaabanaya Xerada Kaakuma ee wadanka Kenya: —

Hay’ada Cuntada Aduunka oo marka magaceeda lasoo gaabsho looyaqaan WFP ayaa waxa ay gacanta ku haysaa cunto siinta dad ka qaxootiga ah ee ku xaraysan xerada Qoxootiga ee Kaakuma waxa ay soo dhajisay warqad ay ku sheegayso in ay badalayso Cardka Cuntada lugu qaado 08-04-2010 warqadaas oo ay ku soo qoreen in ay bilaabi doonaan bisha 16 keeda ee ay ku beegan tahay maalinta Jimcaha ah ee bishuna tahay 16-4-10.

Card badalka ayaa ah mid aad u adag habka Maamulka iyo nidaamka kaas oo qof kasta doonaya in uu hor maro mesha laga galayo ay dad ka lugu xareeyo ay tahay meel cariiri ah mararka qaarkood waxa ka dhaca isku dhacyo ay sababaan dhalinyaro doonaysa in ay hormaraan, tira koobkii hore ayaa waxa ay sababtay isku dhacyo iyo tooryo markii dabe ay soofara galiyeen Booliska iyo Ciidamada Xarada amnigooda haya ee loo yaqaan Jushuga oo ah ciidamo mili tari ah.

Jawiga xerada ayaa hada ah mid qabow walow ay tahay xerada Kaakuma mid cimilo ahaan aad u kulul, bishaan dhexdeeda waxa ka curtay roobab lixaad leh kaas oo geystay qasaaro markii ay daadad tiro badan ay soo fataheen togaga waween ee hareera mara xerada kuwaas oo ay ku dhinteen dad dhan ilaa dodoba qof oo ahaa dad ka degaanka ah ee loo yaqaan Turkaana, wilina waxa lugu jiraa xili roobood kii ee Guga kaas oo dhawaantaan sifiican oga curtay Cariga Turkaana ay ku taalo Xerada Qoxootiga ee Kaakuma. 

Warar sugan oo aan ka dhex helay xerada ayaa sheegaya waxa mibaaban doona card badalka kadib, in bisha lixaad laqaybin doono Mandate ka qoxootiga kaas oo ah sida ay dad ku isheegeen mahiim aad uweyn, Mandate ka waa Card ay ku qoran tahay dhamaan maclumaadkaaga iyo Sawirkaaga. Waxaana jira warar sheegaya in lasoo rari doono qoxooti tiro badan oo laga soo rarayo Xerada Xagar dheer, iyo dhadhaab.

Xerada waxa ka socda dhadhaqaaq adag ay ka mid tahay in dad loo dhisayo Guryo ay dagaan iyo meelo cusub halkaas oo aan ku soo booqday Somali tiro badan iyo Oromo Ethiopia xogaa ah oo loo dhisay oo laga soo raray Xerada Kaakuma One markii ay Hay’ada u qaabilsan dhismaha xerada oo marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaan NCCK ay dumisay dhawr boqol oo guri isla markaasna u rartay meel laga raray Qaxootigii South Sudan ee gadaal loogu ceshay wadankoodi sanadii 2006-2007.

Mohamed Ali Maslah
Kaakuma Refugee Camp Kenya

ilkacase461@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warbixin: Xerada Qaxootiga ee Kaakuma "

  1. xaashi says:

    soomali meel kasta oo ay joogto dhibaato ayaa u heysata iyadaana isku horseeday