Qore: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Nin baa waxaa la yiri dhaanshey markaas baa Haani ka biya deysey markaas ayuu mudo la xarbiyay inuu haantii si wanaagsan u afduubo oo lingaxa ku adkeeyo isagoo quus jooga welise aan ka harin howshii ayaa waxaa biya deys bilowday Haan kale markaas buu yiri ”Ma Haan Haantan arkaysaa biya celineysa”.
Dal bur buray iyo dowlad la tuuray waa la arki jirey balse marka aad eegto sababta ay Soomaaliya uga soo kaban la’dahay tiiha ay gashay waxaa mudan inaad u kuur gasho hab dhaqanka dadka Soomaaliyeed in badan oo ka mid ah, runtii ujeedkeygu maaha inaan ka hadlo sababta ka dambeysa burburka Soomaaliya iyo inaan naqdin bilaa macna ah oo sirgaxan u jeediyo Soomaalida laakiin waxaan rabaa inaan woxoogaa hoos u qodo qaabka khaldan ee ay daacadnimadu ka dheer tahay ee ay u fikiraan qaar badan oo ka tirsan mujtamaca Soomaaliyeed.
Waxaa igu dhiiriyay inaan maqaalkan qoro go’aan igu dhashay kadib markii aan arkay rida ficilka ay sameeyeen qaar ka tirsan dadkii aragtidooda ka dhiibtey war ku saabsanaa gabar Soomaaliyeed iyo cunug ay dhashay oo ku dhibaataysan Magaalada Genoa ee dalka Talyaaniga, kaasoo qof kasta oo damiir lihi ka damqaday balse dadka qaar ayaa halkii ay uga miciini lahaayeen digasho iyo qosol kusoo qoray qaybta hoose ee ay aragtidooda uga dhiibanayeen Webkii hadalkaasi sidey.
Runtiina maaha markii ugu horreysey ee aan arko sida ay dadkeenna in badan oo ka tirsani daacadnimadii uga yaraatay Islaanimadiina hada waxay noqotay sidii qabiil lagu abtirsado laakiin aan lagu dhaqmin waxa ay farayso.
Tusaale ahaan fanaanad Soomaaliyeed ayaa Suugaan ka tirisay silaca iyo salguurka la degey umadda Soomaaliyeed balse markii shaqadii ay qabatay lasoo geliyay youtube-ka dadkii aragtidooda ka dhiibtey waxay uga bexeen inay iyada ku eedeeyaan waxa ka dhacaya Dalka Soomaaliya iyagoo magac qabiil hadalkooda ugu qiil sameeynaya oo leh ‘adeeradaa ayaa dalka sidaa yeelay”. waase yaabe adeerkeed waa kee..? ma kii aabeheed la dhashay mise mid ay qabiil qura kasoo wada jeedaan..?
Xaqiiqadu waxay tahay in wixii uu aabeheed sameeyo xitaa aanay waxba ka khuseynin gabadhaas balse ay xaq u leedahay in lagu qiimeeyo waxa ay la timaaddo xumaan iyo samaan laakiin waxaad moodaa in taasi ay tahay fikrad in la gaaraa ay waqti iyo dadaal u baahnaan doonto.
Sidoo kale mar baad arkaysaa Maqaal ka hadlaya moqduuc ijtimaaci ah sida guurka, dhaqanka IWM oo meel lagu qoray balse marka aad isha u bir yarayso afkaaraha dadka ee moqduucaas ku foogan waxaa kuusoo baxaysa kaaf iyo kala dheeri, waayo markiiba waxaad arkaysaa sheekadii oo maraysa aduunyo kale ”reer hebel iyo reer hebel, reer qurac iyo reer qansax”, ”annagaa idinka wanaagsan iyo ma idinkaa weligiinba micna lahaa”.
Waa yaab iyo yaayaale…..! maxaa hadaba iska khuseeya mawaadiicda laga hadlayay iyo waxa ay dadkani soo hadal qaadeen, weli faanoole fari kama qodnee…. marar badan baa Soomaali meel iskugu timid sida Iskuul, Xaflad, ama hool ay leedahay Jaaliyadda Pakistan ama Bangladhesh kadib markii ay sameysan waayeen mid ay iyagu ku mideysan yihiin IW laysku dagaalay oo la isku laayay waxyaabo aan sidaa usii buurneyn marka loo bandhigo xadaaradaha iyo dhaqamada kale.
Waxyaabaha la isku qabto waxaa ka mid ah waxaad tahay ‘reer baadiye’ ‘soo galooti’ iyo ‘qaxooti’ bal yaan intaaba ahayn oo jooga meel aan Soomaaliya ahayn mise Baasaboorka ayaa naga dhigaya cid kale, waxaan soo gocday sheeko uu ii sheegay wiil aan saaxiibo nahay oo weliba mudo joogey qurbaha khaasatan qaarada Yurub oo cajiib ahayd:
Wuxuu yiri ‘waxaan kaaba shaqaale ka ahaa howl maalmeed ay qabanaysey sharikad aan u shaqaalaysnaa kadibna maalin baa gabar Cadaan ihi timid goobtii shaqada iyadoo raadineysa cidii howsha ka mas’uulka ahayd…….? deetana waxaan ku iri waa aniga, markaas bay lasoo boodey adiga maahee iigu yeer cidii meesha wax laga waydiin lahaa.
waxaan ku iri buu yiri ”waa aniga”, markaas bay tiri ”oo adigu maba tihid Norvegian ee sidee halkan u xukumeysaa..? markaas ayaan waxaan tusay waraaqihii shaqada (work Permit) iyo aqoonsigaygii dhalashada, markaas bay igu hal gaadey ”waraaqahaagu waa sax laakiin warqadi Norvegian kaama dhigi karto”.
Runtii marka aan aragno sida ay iminka wax u socdaan waxaad is tiraahdaa dhibka na gaarey waa mid aan laga soo kaban karin, marka aad ugu yaraan eegtid in jidkii looga bixi lahaa aan lagu joogin marka aad aragto khiyaaliga ay ku nool yihiin dadkeenu iyo sida weli loogu sii dhegan yahay isla astaamihii uu sababsadey qarankeenii oo aan sidii la rabey u tisqaadin wixii ka dambeeyey daba yaaqadii 70-meeyadii.
Qof kasta oo u fikiraya si dhexdhexaad ahna waxaa uu maanka ku hayaa oraahdii Charles De gaulle ee sheegeysey ‘in Shacbi weliba uu helo hogaan u qalma’, sidaa darteed marka aan arko kala daadsanaanta, daacad darrida, is aaminaad la’aanta, is kaashi la’aanta, isu garaabis la’aanta iyo khiyaaliga aan ku noolnahay, inagoo weliba aragnay waxa caalamka ka jira iyo sida aan ugu ruqaney wadadii qodxaha badneyd ee aan dooraney dhowrkii 10 sanaale ee tegey waxaa kuusoo baxaysa isla eg tibaaxaysa in aanu dalka Soomaaliya dhismi doonin jeer ay dadka Soomaaliyeed u dhismaan, Macnawiyad ahaan, Akhlaaq ahaan, daacadnimo, Damiir iyo damqasho ahaan waloow aan Daa’in uga dacwooneyno inuu Dulliga naga saaro uu rajada kasoo bidhaansho berrin aynaan ka filaynin.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
E-Mail:- maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden
Well done Maxamed Xaaji,
Waa maqaal heer sare ah. Runtii waan la qabaa qoraha aragtidiisa halka ay sarta Soomaalidu ka quruntay waa aasaaska damiirka-dadnimo oo ummaddeena badankood ka dhaawacan tahay. Dabcan tanina sababo badan bay leedahay laakiin waxaa major u ah baan qabaa anigu: (1) in aynaan lahayn xadaarad durugsan marka laynoo eego Xabashida oo kale, markaa weli waynu bislaanaynaa oo dabka ayaynu saaran nahay ee muddo ha layna sugo. (2) Saaxiib (ethnicity) aynnu la wadaagno oo aan jirin, Carabtii iyo Islaamkiina hiil ka wenay oo iyagaaba toodii la il daran, tani waa midda keentay baan is iri Identity-crisis-ka inagu habsaday oo markaa qofkii kaba niyad jabo qaran oo uu miciin bido qabiil si uu ugu badbaado maanta berri yeelkadeede. (3) Dareenka reer-guuraanimada oo weli dhiigeena la qulqulaya oo meel aynu leenahay iyo meel kaleba aanay inoo kala soocnayn taasoo yaraynasa dareenkii wadaninimo (Authentic Patriotism) ee ina bari lahaa xadka ay ku egtahay isbur-burintu. (4) Qabiilka oo qofkii maangaabka ahaa (waana sidaynu u badan nahaye) ku qasban yahay for his daily survive taasoo iyaduna meesha ka saaraysa in qofkii uu yeesho aragti ka durugsan tan maanta, taasina waxay berri dhirbaaxo siyaada ah ku tahay ilmaheena. (5) qaadka iyo leadership xumo, iyo aqoondarrona waa inoo wehelisaa, laakiin middan ummado kale ayaynu la qabnaa oo aan hadana sidaa isu burburin ama haddiiba ka soo kabta ama kaba hortaga; bal eeg dalal badan oo Africaan ah, Ruwanda, Congo, Ethopia iyo Yamanta oo qaadka inagaba badsata, calankoodana harsanaya.
Finaly, rajo waa meesheeda laakiin aniga Qaran Soomaaliyeed oo karaamo leh saansaantiisii iima muuqdo qarnigan qaybtiisa hore, haddaanba layna qabsan oo Xabashii iyo kuwii weligoodba diin ahaan ugu hiilin jiray inala wareegin. Innagana weligeen waa la isku keen jebin sidii lafo gorayo. Waxaan ku soo gunaanadayaa xigashadii qoraha maqaalkan ee General De gaulle ” ummad waliba hogaan istaahilkeeda ah bay heshaa”. Ilaahayse waa Qaadir oo waa awoodaa inuu khaatumada inoo hagaajiyo, waase haddii badankeenu isla fahmo dhaawaca ina gaaray ee aynaan waqtiga kula dagaalamin fadhi-kudirika iwm.
Wa Billaahi Tawfiiq
Mahadsanidin
anigu waxaan aamin sanaan lahaa,umada soomaliyeed hadii la doonayo inay gaadho xal inay horta iyagu daacad noqdaan isla markaasina ay horumariya waxyaalaha danaha guud kana tagaan waxyaalaha shaqsiyaadka ah,waar horta qabyaalada halaga hortago markay sidii loo aasi lahaana filowgeeda hala qabto wabilaahi towfiiq
mar labaad hadii aan kusoo noqdo
waxaan aaminsanahay maanta sababta weyn ee soomaalida haystaa waa dhib loo baahanyahay in laga shiro soomaalidana maanta waxa ku badan adka kuri jacaylka qofkastoo iyaga kamidina waxaa uu doonayaa inuu madax noqdo carabtu waxay tidhaahdaa ana amir wa anta amir faman yasuqul ximar anaa amiira adaa amiira hadaba yaa inoo wadi dameerkan ama hogaankan maanta caalamkii wuxuu joogaa dayaxa inaguna waxaynu isku laynaynaa wax maalayacniya
waar waa yaab somalia waxaan ka sheeguun weeyaan xalkuna waligood sidaas kama baxaayaan ilaa iyo xaasidnimada dhexdooda ka jirta iska daayaan wax isku ogalaan la’aanta iska dayaan xaasidnimad qof walaalkood iska daayaan siday ay samaynayso dadka qaarkood
maqaal fiican! dhibka waxaa abuuray qof xun oo soomaaliyeed iyo jaahil waxaana ka hortagi karay aqoonyahanka soomaaliyeed oo laakiin noqday mid aan karti badneen. waxaa laga rabay aqoonyahanka soomaaliyeed in dadkiisa jaahiliinta ubadan uu indho u noqdo oo uu tuso in qabiilku yahay wax lasameeyay oo aan loo dhalan sidaas darteedna dani ugu jirin ineey qabiil ahaan isu dilaan ama isu baheystaan. maantadaan la joogo wuu awoodaa aqoonyahanku in uu dadkiisa indhaha u furo. qofkasto oo wax kala garanayo wuu dareemi karaa in qabiilada soomaaliyeed yihiin wax lasameeyay qabiilka kaliya ee jirana uu yahay midka layiraahdo soomaali. umadda soomaaliyeed badankeed waxeey lamid tahay caruurta yaryar ee reergalbeeka ah ee aaminsan in uu jiro SANTA CLAUS ama FATHER CHRISTMAS ninba siduu u yaqaano. sabab la´aan looma oran “AQOON LA´AANI WAA IFTIIN LA´AAN”. qofka la soo shir tagayo in loo dhasho qabiilada soomaaliyeed waa in uu caddayn la yimaado haddii uusan la imaan karina amaan siiyo umadda masaakiinta ah ee dhiban. ma aamin sani in laga baxayo dhibka lagu jiro ilaa inta soomaalida badankeed ay ka garaneeyso in qabiilada soomaaliyeed aan loo dhalan laakiin lasameeyey.
Ascw,Maqaal wanaagsan baad qortay,Dalka burburay isakama burburine waxaa burburay Family ga Somaliyeed,Dhibka Wadanka ka dhacayna waxaa ka masuula Aabaha Somaliyeed,Caruurta Qoryaha wadata kii dhalay baa dayacay,markaas baa ninkale Qabiil ku dagaalgeliyey markuu kuwiisi Dibada geystay.
marka haddii aynu xooga saari lahayn familyga ,Wadankuna waa dhismi lahaa.
dalkii soomaaliya waa burburay dadka soomaliyeedna waxay kusii dhowyihiin baaba ooga maxaa yeelay waxa ragaadiyay waa rabshad walaahi waan la yaabaa markaan qanaatul gasiira aan ka daawanayo oo laga hadlaayo dagaalada soomalia waxa ka horeeya iran iyo wadamada carabta oo lugu tosayo horumarkay gaadhay iyo waxay soo dhigaan iyo iyagoo caalamkii la shirayo oo sidee loosoo dhawaynayo oo sharaf caalamka ku leh ayaa lugu xigsiiya inan yar oo qori haysta oo halyeey is moodaya dad baabaya oo burbursan walaahi waa yaaba mar marna ooyinbaa i qabata waxani waa wax uu qofkastaa isku gaystay