Home » Sports »

Koobka Somali Week London 2009 oo maalintii Labaad ka socda magaalada London.

Koobka Somali Week London 2009 oo ay isaga hor yimaadeen kooxaha Holand iyo Wembley United, Kooxda Finland iyo Milton Keynes.

Sawiro kaloo badan daawo

Totenham 07.08.2009. Waxaa garoonka New River Stadium oo ku yaal Waqooyiga magaalada London si habsi ah uga socda koobka Somali Week London oo ay ku loolamayaan 12 kooxood ayaa maalintii 2aad lagu qabtey labo ciyaarood oo aad u xiisa badnaa oo ay isaga hor yimaadeen 4 kooxood,kuwaasoo kale ahaa sidatan:

Kooxda Holand iyo kooxda Wembley United

Kooxda Finland iyo Kooxda Milton Keynes

Ciyaartii koowaad waxay bilaabatey saacadu markii ay ahayd 4tii galabnimo waxaana garoonka soo galay labada kooxood ee kale ah Kooxda Holand iyo kooxda Wembley United.

Run ahaantii garoonka waxaa soo buux dhaafiyay dadwayne aad u badan oo Soomaaliyeed oo dagan magaalada London iyo gobalada ku dhaw ee Ingiriiska, jawiga hawada oo aad u wacnaa ayaa waxaa moodaysay in dadka buux dhaafiyay garoonka inay ka muuqatey shucuur Soomaalinimo iyo mid Sports, waxaana ka mid ahaa dadkii lagu yaqiin garoomada dalkeenii sida ciyaartooydii hore, garsoorayaashii hore, macalimiintii hore, madaxdii Sports hore, xildhibaano ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo dabcan jaaliyada Soomaaliya.

Waxaan ka xusi karaa ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya ee garoonka iga muuqday isla markaana aan kula kulmay oo uga yimid ciyaaraha Somali Week dalalka Canada, USA & Sweden, waxayna kale ahaayeen :

Cantar Jeenyo, Macalin Khaliif, Yusuf Shaqaaq, C/raxmaan Amaan, Mursal, Bashiir Jeenyo,Prof Mussa, Axmed B, waxaana iyana meesha iga muuqday ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya sida Biyoolay,Siciid Ceyrow, Sayga Ruushka, Macalin John, Bile,Axmed Bile,Zakariye Baliile, Siciid Geeseey, Biriq, Abati,Axmed, Liiban, C/qani Jeenyo, C/qaadir Cadaay, Laas, iyo kuwa kale oo fara badan.

Ciyaartii kowaad Holand iyo Wembley United ayaa qaybtii kowaad waxaa u suurta gashay kooxda Holand inay ka dhaliyaan kooxda Wembley United labo Goal oo xiriir ah oo aad uga yaabisay dadwaynihii garoonka buux dhaafiyay oo inta badan reer London ahaa oo islahaa maanta Kooxda Holand ku luq luqda.

Ciyaarta qaybtii labaad ayaa waxaa ku yimid isbadal weyn kadib markii kooxda Wembley United ay isku soo sameeyeen ciyaarta,taasoo u suurta gashay in ay barbar dhac la noqdaan kooxda Holand, hadane kooxda Holand ayaa habac ku yimid qaybtii labaad oo la islahaa maanta iyagaa dhibcaha jeebka ku shuban doonta.

Kooxda Holand ayaa waxaa ka gartey labo laacib madaama aan Holand wax badan kale socda sida ciyaaryahan Mohamed Afrika oo kamid ahaan jirey ciyaartooydii dhalinyarada kooxda Ajax Amsterdam hadana ka soo mid noqday xulka qaranka Soomaaliya dhalinyaradii Diasporada eelagu biiriyay oo ahaa kabtanka kooxda Holand, waxaa kale kooxda Holand sanadkaan la soo shir tageen ciyaaryahan da’yar isla markaana aabihii ka mid ahaan jirey ciyaartooydii kooxda Muqdisho iyo xulka Qaranka Soomaaliya Abdi Boy, Ali Abdi Boy waa wiil mustaqbal weyn leh insha Allah, isla markaana ka mid ah kooxda dhalinyarada kooxda heerka kowaad ee Vitesse dalka Holand ee magaalada Holand.

Waxaana ay ciyaartii ku soo idlaatey in kooxda Holand laga hor maro isla markaana laga dhaliyo 5 Goal oo xiriir ah qaybtii labaad,tasoo noqotey in ciyaarta ku dhamaato 5 goal oo Wembley United ku duldaarto kooxda Holand.

Waxaan la kulmay macalinka kooxda Holand Lagiig oo aan su’aalay kooxda Holand oo ahayd kooxda si weyn sumcad ugu leh tartamada Somalida ee lagu qabto dalalka Yurub qaasatan Sweden iyo goalasha badan ee maanta laga dhaliyay ciyaarta qabtii labaad kadib markii qaybta kowaad ee ay ku hogaaminayeen 2 Goal.

Run ahaantii anaga koox ahaan waxaan tartankaan uga qayb galaynaa sidaan balan qaaday Somali Week inaa ka qayb galno laakinse kooxdii Holand ee aan rabnay inaan tartankaan kaga soo qayb galno sidaa og tahay waxay qaadeen koobkii Sweden lagu soo gabagabeeyay Asbuucaan horaantiisa si xarago leh, marka ma suurtagali Karin inaan degdeg ugu soo duulno London laakinse waxaan koobkaan uga qayb galaynaa kooxda Holand B, balse hadii Allah idmo wareega kowaad hadaan ka soo baxno waa suurtagal inaa Holand uga yeerano ciyaartooy kale. Ayuu hadalkiisa ku soo afjarey Lagii.

C/raxiim macalinka kooxda Wembley United ayaan isna lakulmay waxana uu isheegay inuu ku faraxsan yahay inay badiyaan ciyaarta kowaad uuna rajaynaayo inay meel fiican garaan.

Waxaa moodaa dadka in garoonka jooga inay u kale qaybsan yihiin inay kale taageerayaan kooxaha ka qayb qaadanaya Somali Week London.

Kooxaha Finland iyo Milton Keynes

Ciyaartii labaadna waxay dhax martey labada naadi Finland iyo Milton Keynes, run ahaantii ciyaarta waxay ku bilaabatey dardar iyo xamaasad, halka dadwaynaha ay u sacaba tumayeen labada kooxood.

Ciyaarta qaybteeda hore waxaa moodaysay in kooxda Finland ay ka muuqatey isku kalsoonaan weyn halka kooxda Milton Keynes –na aad kadareemaysay Spirit dalka Britian marka ay noqoto qaab ciyaareedka ay u dheelaan kubada cagta.

Kooxda Finland ayaa waxaa ka mid ahaa ciyaaryahan farsamada iyo qaabka kubada lugta ugu xakamaynayo mid aad u sareysa, run ahaantiina dadka garoonka fahiya ay qirayeen inuu yahay wiilkaas Soomaaliyeed eek u dheelaya kooxda Finland sidateyna Nr 10 ahna captanka kooxda Mubaarak Sulaymaan nin mustaqbal leh.

Ciyaarta qaybtii kowaad waxay ku dhamaatey 2 Goal iyo 1 Goal oo ay ku hogaaminayaan kooxda Finland.

Qaybtii labaad ayaa waxaa moodaa in ciyaarta ay halkeeda ka sii wadaan kooxda Milton Keynes ciyaartooyda u ciyaaraysay,tasoo u saamaxday in ay ka hormaraan kooxda Finland oo aad moodaysay inay daaleen.

Ciyaartiina waxay ku soo idlaamtey in 5 Goal ay ka dhashaan kooxda Milton Keynes, halka Kooxda Finishka 2 Goal ay kale caraabeen garoonka New River Staduim.

Kooxda Finland waxaa macalin u ah Imad halka maamulkana u yahay Imad,iyadoo ay taageerayaan macalinkii kooxda Kanava macalin Ibrahim Jaango’an.

Run ahntiina waxaa garoonka iga muuqda isku soo dhawaansho badan oo ay isku soo dhawaadeen bahda Sports Soomaalida Yurub oo ay markii hore khilaaf iyo is kooxaysi u ragaadiyay horumarkii ay gaari lahaayeen 10 sanadood, balse Somali Week London ay noqtey meel ay ku baratamaan kooxaha kale duwan ee ka kale tirsanaa Koobabka Heerka Kowaad,EuroSom & Seuki,taasoo noqon doonto mid horumarkeeda leh hadii Somali Week London si wanaagsan loo wajaho mustaqbalka.

Berito insha allaah waxaa loolami doono kooxaha kale ah Sweden v West 12, Nabadda V Leicester, Finland V Milton

Sawiro kaloo badan daawo

Keynes.

Yusuf Yusuf

Somali Week London

mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Koobka Somali Week London 2009 oo maalintii Labaad ka socda magaalada London. "

  1. Abdi goni says:

    asc, Adeer waxaan doonayaa in aan ka qaybgalo ciyaaraha banooniga. Waxaan daganahay wadanka Australia, magaalada Melbourne.