Home » Warar »

Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab oo ku geeriyooday Qarax miino oo loo dhigay

Iyadoo dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey xaafada Afisyooni ka jirtay xaalad aad u adag kadib markii boqolaal qoys oo dad  barakacayaal ah uu Maamulka Gobolka Banaadir ku amray in ay ka guuraan xaafaddaasi.
 
Dadka oo halkaasi ka sameystay guryo cooshado ah oo iyo Jiingado ayaa waxay sheegeen in ay halkaasi ay u yimaadeen in ay ka nabad galaan madaafiicda iyo dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, hase yeeshee iyadoo Dowladda aysan siin wax dhul ah ayay dadkaasi ku amartay in ay ka guuraan deegaanka Afisyooni.
 
Xaaladdu waxay sii cakirantay markii qoyskii ciidamadii Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaasi mudooyin sanooyin ah deganaa iyana lagu amray in ay halkaasi ka guuraan, waxayna bilaabeen in ay dadkii halkaa degnaa is difaacaan, waxaana lays wadeydaarsaday rasaas mudo socotay, waxaana la sheegay in ay wax ku noqdeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
 
Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan iska hor imaadkaasi uu ku geeriyooday Guddoomiyaha Degamada Xamar Jajab Mudane Qoor-leex, kadib markii la sheegay in loo dhigay qarax miino, lamina garanayo cidda ka dambeysay dilka Guddoomiye Axmed Shiikh Maxamuud (Qoorleex) waxaa kale oo qaraxaasi ku dhaawacmey Gudoomiye ku xigeenkii dhinaca Amaanka Gobolka Banaadir

Qoorleex horey ayaa dhowr jeer loogu dhigay miino balse waa uu ka badbaaday, ilaa iyo haddana ma jirto cid ka hadashay waxa ka dhaca deegaanka Afisyooni, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Dowladda Federaalka at dooneyso in garoonkii hore ee ciidamada Cirka ee Afisyooni laga soo dejiyo diyaaradaha qaadka ee ka dega Garoonka Lambar Koton, waana midda keentay in dadkii Afisyooni deganaa la barakiciyo, “Waxay na yiraahdeen dadkii halkaas guryahooda laga jajabshay, waxay Dowladdu siineysaa dhul, maxaa dadka masaakiinta ah beenta loogu sheegayaa, halkay haysataa Dowladda Federaalka oo ay dhul ka bixin kartaa iyada ayaa hadda afar mitir ku soo uruurtay” ayuu yiri nin odey ah oo aad u careysnaa kadib markii laga jajabiyey gurigiisii oo uu deganaa mudo aan sidaasi u badneyn kadib markii uu ka soo barakacay deegaanka Karaan.
 
Isku soo wada duuboo xaaladda ka taagan deegaanka Afisyooni ayaa ah mid aad u cakiran ilaa iyo hadda ma jiro mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka hadlay dhibaatada ka jirta Deegaanka Afisyooni kadib markii iyadoo aan la soo wargelin dadka halkaasi degan burburin lagu bilaabay guryahooda.
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.