Home » Warar »

Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadka soomaaliyeed” oo ka dhacday Karachi, Pakistan.

Barnaamij dood cilmiyeed ah uuna ka qayb galay madaxa qaramada midoobayd qaybteeda caafimaadka ee dalka Pakistan Dr. Khaliif Bile Mohamoud, madaxda ururka wadaniga soomliyeed iyo arday ka kala socotay jaamacadaha kala duwan ee dalka Pakistan ayaa waxay ka dhacday magaalada Karachi ee koofurta dalka Pakistan.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Doodaan oo socotay qadar saacado ah ayaa waxaa looga hadlay doorka aqoonyahanka iyo kaalinta kaga aadan dalka iyo dadka iyadoo maanta aqoonyanno badan ay ku mashquulsanyihiin arrimahooda gaar ka ah, halka malaayiin soomaali ah ay la il daranyihiin cudurro, gaajo, dagaallo, dayac iyo darxumo.

Dr. Khalif Bile oo ahaa marti sharaftii halkaas ka hadashay ahana madaxa haayada caafimaadka aduunka ee dalka Pakistan, ahaan jirayna madaxii jaamacaddii ummada soomliyeed (Somali National University) qaybteedii caafimaadka ayaaa halkaas kasoo jeediyay qubada ku aadan guud ahaan ummada soomliyeed gaar ahaana aqoonyahannada meel walba oo ay joogaanba.

Wuxuu sheegay in aqoonyahaniintu wax ka qaban karaan dal bur buray sida soomaaliya oo kale, wuxuuna dadka soomaalida ah ee wax bartay meel walbaba ha joogaane ka codsaday inay kasoo baxaan doorkii lagu yaqaanay aqoonyahan. Wuxuu kula taliyay aqoonyahanada inay hogaan samaystaan si ay isugu xirnaadaan una muujiyaan midnimo iyo wax wada qabsi ( gacmo wada jirbay wax ku gooyaan).

Ugu danbayntii wuxuu Dr. Bile hadalkiisa kusoo xiray

… In manta ay tahay maalintii aqoonyahanka loo baxsan lahaa.
… In soomaaliya cidna u maqnayn ceelna u qodnayn oo aan ka ahayn doorka aqoonyahannada.
… In aqoonyahannada soomaaliyeed ay ka kacaan hurdada, una istaagaan iskaashiga, wax wada qabsiga, midnimada iyo bad baadinta maatada.

Intii lagu guda jiray barnaamijkaan dood cilmiyeedka ah ayaa waxaa halkaas hadal kasoo jeediyay gudoomiyaha ururka wadaniga soomaaliyeed Kamaal Xaaji Guuleed.
Kamaal Wuxuu ka hadlay dhibaatada soomaaliya, wuxuuna ka danqaday wax qabad la,aanta aqoonyahaniinta wuxuu yiri “wadan hadii bur bur iyo dhibaato ku dhacdo waxaa bad baadiya da, yarta, aqoonyannada iyo dadka wax garadka ah” ugu danbayntii wuxuu bulshada qaybaheeda kala duwan ka codsaday in qof walba kaalintiisa kaga aadan ka qaato badbaadinta ummada iyo wadanka.

Sidoo kale waxaa halkaas hadal kasoo jeediyay gudoomiye ku xigeenka ururka wadaniga soomaaliyeed Cabdinaasir Maxamed Sh. Nur. Cabdinasir wuxuu ka hadlay muhiimada ay leedahay aqoontu. Wuxuu sheegay wadan walba oo aduunka hormara inay hormarkiisa ka danbeeyaan aqoonyahanno. Wuxuu dadka soomaaliyeed kula dar daarmay inay xooga saaraan barashada noocyada kala duwan ee cilmiga sidoo kale wuxuu aqoonyahannada soomlaaiyeed u dardaarmay inay dareemaan masuuliyada kaga aadan dalkooda iyo dadkooda, wuxuuna xasuusiyay in ilaahay kula xisaabtami doono cilmiga ay barteen hadii aysan dadkooda uga faa iidayn.

Waxaa doodaas kaalin libaax leh ka qaatay oo aan la hilmaami karin qaar ka mid ah ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalka Pakistan. Ardayda oo figradahooda halkaas kusoo bandhigay ayaa qaar badan oo ka mid ah waxay dhaliil usoo jeediyeen aqoonyahaniinta dalka, waxayna sheegeen in qaar ka mid ah aqoonyahannada soomaaliyeed ay yihiin kuwa aan ka ka fiyoobayn cudurka dilooday soomaaliya (qabiil).

Waxay sidoo kale sheegeen inaysan jirin haba yaraatee wax xiriir ah ama wada shaqayn ah oo ka dhaxaysa aqoonyahannada soomaaliyeed ee aduunka ku kala nool, waxayna ardaydu ka codsadeen bal in aqoonyahanadu isku dayaan midoobid dhexdooda ah si meel looga soo wada jeensado mushkiladda soomaaliya haraysay.

Ardayda oo ay ka muuqatay sida ay uga xunyihiin dhibaatada soomaaliya iyo dhiig la,aanta aqoonyahanka ayaa waxay baaq u direen dhamaan ummada soomaaliyeed, gaar ahaana kuwooda wax garadka ah, waxayna usoo jeediyeen in dhammaanteen naloo ka baahanyahay

Inaan noqonno kuwa taariikhdu xusto
Inaan bad baadinno dalka iyo dadka
Inaan ka dhiidhinno, kana danqanno dhibaatada soomaaliya
Inaan ogaano faa iidada wadajirka una istaagno midnimada iyo wax wada qabsiga.

Sidoo kale qaar ka mid ah ardayda ayaa waxay sheegeen inay ka wal walsanyihiin meeshii ay aadi lahaayeen markii ay dhamaystaan wax barashadooda. Mar aan waydiiyay sababta keentay wal walkaan ayay ii sheegeen in qofkii aqoonyahan ah oo soomaaliya aada uu yahay qof naftiisa halis galiyay, waxayna sheegeen in boqollaal aqoonyahanno ah horay loo ugaarsaday loona dilay taas ayaa keentay in arday badan ay hamayn iyo maalinba ka fakaraan meeshi ay aadi lahaayeen mar hadii jaamacaddii u dhamaatay.

Ugu danbayntii waxaa dooda soo xiray Dr. Khalif Bile, wuxuuna sheegay in soomaaliya tahay qaran, laakiin u baahan qowmiyad. Sidoo kale wuxuu sheegay in wada shaqayn la,aanteed aan waxba qabsoomayn sidaa darteed waxaa loo baahanyahay ayuu yiri midnimo guud iyo isfahan u dhaxeeya ummada soomaaliyeed gaar ahaana aqoonyahanada, ardayda iyo jaaliyadaha.

(Far kaliya fool ma dhaqdo)

Diyaariye: Durran Xassan-yare
University of Karachi
Ducaysane11@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.