Home » Warar »

Khilaaf Xoogan oo soo dhexgaley Ahlu Sunna Waljameeca Heshiiskii Adis Ababa ka dib

 Iyadoo dhawaan Magaalada Adis-Abab heshiis ay ku gaareen Ururka Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowlada Federaalka ayaa heshiiskaas waxaa durbadiiba uu keeney Khilaaf Xoogan oo soo kala dhexgaley Ahlu sunna Waljameeca ka dib markii  qaarka mid ah beelaha ku jira Ururkaas ay ka biya diideen heshiiskaas iyagoo ku tilmaamey mid aan loo dhameyn oo ay saxiixiisa ay ka qaybgaleen dad aan ka tirsaney Ururka Ahlu Sunna
Gudoomiya ku xigeenka ururka Ahlu Sunna Sheekh Xassan Sheekh Cabdi oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in uu heshiiskii Addis Ababa ahaa mid aysan saxiixin xubnihii sharciyada u lahaa in ay saxiixaan waxaana uu suaal galiyay sharciyada gudoomiyaha ururkaasi ee Sheekh Maxamed Sheekh Xassan.

Dhinaca kale taliyaha booliska ee ururka Ahlu Sunna ee degmada Cabud waaq ayaa sheegay in ay Bandow ku soo rogeen degmadaasi ka soo socon doono sedax habeen lama garanayo sababta dhalisey in Bandow lagu soo rago MAgaalada Caabud waaq oo xuduud leh Dalka Itoobiya hase yeeshee warar baa sheegaya in laga cabsi qabo in koox taageersan Heshiiskii Adis-Ababa ay halkaa  soo weerararaan

`Sidoo kale wararka aanu ka helayno Caabud waaq ayaa sheegaya in ay Maamulka Ahlu Sunna ee degmadaasi ay xabsiga dhigeen ganacsade caan ka ha degmadaasi kaasi oo lala xariirinayo inuu gacan saar la leeyahay kooxda Ahlu Sunna ee saxiixday heshiiska Addis Ababa , sidoo kale waxaa lagu waramey in Maleeshiyadii beesha Mareexaan ay ka soo bexeen Deegaanka Guriceel ka dib markii la saxiixey heshiiskii Adis-Ababa

Isqabqabsiga soo dhexgalay madaxda sare ee ururka Ahlu Sunna ayaa waxa uu caqabad weyn ku noqonayaa hirgalinta heshiiskii Addis Ababa kaasoo la filayay in uu dowladda KMG ka caawin lahaa sidii ay u wada qabsan lahayd dhamaan goobaha  ku jiro gacanta kooxaha ku kacsan sidoo kale Khilaafkaas ayaa waxaa faaiido ugu jirtaa Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada

Ururka Ahlu sunna     Waljameeca ayaa ka kooban Beelo isu tagey oo dagaal la galey Xarakada Alshabaab iyo Xisbul Islaam waxaana dadka qarkii ay sheekeen wixii lagu dhiso beelo ay noqon karaan kuwa aan marnaba ka marneyn khilaaf waana mida maanta keentey in beel ay ka carooto Heshiiskii Adis-Ababa
Intii soomaaliya ay ka jireen Dagaalada waxaa dhowr jeer la qabtey heshiisyo farabada waxayna dhamaantood ay ku dhamaadeen is qab qabsi  iyo dagaalo dhexmara labada dhinac waxaana ugu dambeeyey heshiiskii Jabuuti oo mira dhalkiisa uu noqdey in dad fara badan ay dhintaan , kuwa kalena ay dhaawacmaan , kuwa kale ay barakacaan  hadaba dadka soomaaliyeed la yaab kuma ah in heshiisyada la saxiixo ay ku dhamaadaan Fashil iyagoo sabab uga dhigeen faragelinta shisheeye ee dalka soomaaliya lagu hayo waxaana cad in beesha Calamka aysan daacad ka ahayn in soomaaliya ay hesho Dowlada Cadaalad ah   

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Khilaaf Xoogan oo soo dhexgaley Ahlu Sunna Waljameeca Heshiiskii Adis Ababa ka dib "

  1. xaqiiq sheeg says:

    ASC/ AFTER SALAN/////

    waxaan jeclahay in an ka dhibto aragtideyda ku sabsan siyasada wadankena ee sida badweynta oo kale cid walbo isaga walaqaneyso an ku horeyo ninka qoray warkan an ku saxo walaal waa aragtideyda waxaa dhahday hadu heshiskan hir gali lahay waxeey dan uu ahan laheyd ahlu zanawi wal qurafad oo adiga ad uu taqano ahlu sunna lakin tariiqda isma qariso waa xaqiiq an ku hadlayo in raaga jooga jidka dheer ee dhax mara matabaan to dhuuse mareeb ey yihin nimaan ethiopia uu ah derbi ey isaga difaceyso raaga wadanka ka saray ee manta barwaqada ka dhigay ilaah ka sokow konfurta somalia oo shalay ugu danbeysay idacadaha waxaa ad adiga uu taqan beesha calaamka uu qiren markii laga eryay wadanka wfp i wax soo sarka beraha 100% horumar ey gareen beraleyda waxaa kalo an rabay in an ka hadlo raagan sida lagu asasay waxeey aheyd markii ethiopia wadanka ey ka bixi rabtay ayaa waxeey ku xisabtantay waa ethiopia hadii ey somalia oo dhan ey ka soo wado baxdo in ey hesho raag uu noqda difaaca hore ama derbi ey isaga dhigto raaga wadanka xabada kaga soo saray waxeeyna heshay raaga degaan jidka dher sida mataban to dhuso mareeb waxaa soo xigay kuwa dega cabuud waaq iyo xeraale waxeeyna kala yihin raaga magacas soo qatay ee umada oo dhan ayaa ahlu sunna ah wax shico ah ayaaga ayaan uu arka aniga aragtideyda why shicada waxaa lagu yaqana in ey cabudan qabriga cali iyo in ey dhunkadan qabriyada derbiyadooda raaga ahlu shirkiga somalia jooga na waa la mid aniga waxaan usoo jogay ayaado naaga an deris ahan jarnay leh waxaan shardi ka soo xertay sheeq uweys dheer waxaan shardi ugu soo xertay hadii an dhalo wil sanadkan in an geel uu geyo si halkaas lagu cuno xaqiiq waxaa ah in raaga cabuda qabuurta ee umada xolahoda ugu dhici jaray halkaas in manta umada ey diinta si buxa uu baratay ila manta la burburiyay ahlu bidcadii qabriyada cabudi jaray alxamdulilaah an ku soo labte raag degaan jidkaas dher an kor ku soo xusay shalay baa xaq daro ayee ku heshiyen manta na hada xaq daradii ey shalay ku heshiyen ayaa manta kala dirtay waxaa xaqiiq ah qabailada halkaas degan uu dhaxeyn jaray dagaalo fac ka fac ah oo ay xolaaha nool isaga dhici jareyn danta mideysayna waa zanawi oo dan uu arkay in uu derbi ugu dhigto raaga ka soo saray wadanka sidaas daradeed kuwaas lama dhihi karo ahlu sunna ee waa ahlu shica wal zanawi ilaahey caradiisa ayaa ku dhacday waxaan ka mid ah

    1) gobolada deriska la ahay waa barwaaqo sida warxoole wabxo to ceel buur waxaa uu robka uga di wayay matabaan to dhuuse mareeb waa caro ilaah oo ku dhacday dhulkaas why cadawga alaah ayaa looga hiliyay dhulkaas manta ayaa ugu danbeysay robabkii derta ayaa ka dayay baladweyne ilaah dintiisa ninkii ka taga ama qomkii ka dorto difaca cadawga allaah caradiisa ayaa usoo deg degto aduun iyo aqiro ee waxaan talo usoo jedin lahay reer jidka jefe an ula jeedo raaga la baxay ahlu zanawi in ad alaah uu tabad kentan oo ad iska deysan derbiga ad uu tihin cadawga alaah inta ad difac uu tihina ogada waxaa idinka le aday xolaahi wiilaashi mar dhowna waxaad filan doontan idinko xoolo iyo xilo beelo waxaa iga duco ah hadu hanuun idin qoray alaah in ilaah idinka soo hanuuniyo wadada ad radkeda hheysan oo ah derbi in ad uu noqotan cadawga allaah hadu ilaah idila rabina hanuun carada ilaah ha idinku dhacdo idnka oo kaliya shacabka ad la joogtan ilaah ha ka bad badiyo caradaas amiin amiin amiin

  2. Omar Madar says:

    ASC
    Xaqiiqdii, xaq iyo baadhil waligood ilaa aduunka la abuuray waxaa ka jiray tartan iyo halgan, waxaana marar badan la arkay midkood oo kan kale hagaya,kana xoog batay, hadana Soomalidu waxay tiraahdaa, “xaqu feeruhuu ka cadaan.”
    Waxaa Soomaliya ka dhacay dhib guud, waxaana lumay haykalkii guud iyo qiimihii Soomali lahayd, waxaana dib looga heli karaa, ayadoo labo shay ilaahay Soomaliya u hagaajiyo
    1.cabdisa Alle iyo ku toosnaanta jidkiisa
    2. Niyad iyo daacad lala yimaado.
    Waxaan cajiib ah maanta in wax walba la soo qaato, la qadariyo, laga dhigo wax weyn, walaalayaal waxaan anigu warbaahiyaasha Soomaliyeed ka codsan lahaa intii iolaahay laga baqo in aan wax walba lasoo qorin, laguna hadlin, maxaa yeelay, waxaad kuligiin xooga saarteen in warbaahiye kasta noqdo kan ugu afka dheer, amase ugu hadal qorka badan, mise ilowdeen xadiiskii Rasuulka laga wariyey ee ahaa, “haddaad tahay qof alle iyo rasuulka iyo maalinta yoomul qiyaame rumeeyay, khayr sheeg amase iska aamus.
    Nin ayaa laga shegay’ AAN OOYEEH ALBAABKA II XIRA” war ma Ethopiyaankii iyo cadowgii gaalo ee awoowgeen dilay, aabayaasheen indha tiray , anagana na adoonsaday, iyo kuwa daba ordaya ayaan ku haynaa, shirkaas ayaa wax kasoo baxeen, shirkaas ayaa lagu kala jabay, Soomali ayaa halkaas ku shiraysa. haday kala jabaan, haday isku tagaan, haday ooyaan, dantooda nin guri martiya dhex fadhiya,kama tashan karo.
    ee iska ilaawa riyada beenta ah ee lagu jiro, aan ilaahay umaddeena u barino inuu ilaahay khayr iyo nabad na siiyo.
    ALLOW DAAWAD CURATOO>>KADHIG NABAD LAGU NAGAADO.
    RABIYOOW HA NAGU DARIN DUULALKAA ROGMANAYOO
    RABIYOOW HANAGU DARIN KUWA NAARTA LOO DUBO
    RABIYOOW HANAGU DARIN KUWA GAALO DILATOO
    RABIYOW HANAGU DARIN KUWA DIINTII ILAAWIYO
    RABIYOW HANAGU DARIN KUWA DIBADAHA WAREEGOO
    RABIYOW HANAGU DARIN KUWA DAACUUNKU LAAYOO(WAA QABIILKEE)
    RABIYOW HANAGU DARIN KUWA GARANAYNIN DAAWIYO
    RABIYOW HANAGU DARIN KUWA DIB U NAQOSHO GARAYN
    RABIYOW HANAGU DARIN KUWA DAACADNIMO LAHAYN